Taariikhdii SNM Iyo Mucjisooyinkeedii Guusha qaybtii 8-9 aad
Diyaariye Mujaahid Yuusu X Maxamed (Qurbaawi) Qaybtii 8aad
Wali waxaynu ku guda jirnaa hawlgalkii Bir-jeex ee 1983 lagula baxay Mujaahid C/llaahi Askar.
Hadaba waxa dhacday in Mujaahid Axmed Xuseen Warsame oo ka mid ahaa mujaahidiintii xulka ahaa ee hawlgalkaa fulisay, uu isaga oo degan guri ka mid ah goobtii ay ka fuliyeen hawlgalkaas la yaabka lahaa ee Ex Miiska Saraakiisha ee ciidankii Rajiimkii afweyne degan xaasna ku ah, uu 1997-kii doorashadii madaxweynenimada dalka Somaliland ku dhawaaqay inuu jagaadaasi madaxweynaha u taagan yahay islamarkaana guddidii qaabilsanayd doorashada u qadimay CV-giisii, oo nuqul ka mid uu soo gudbiyay mujaahidka walaalkii C/Karin Axmed Xuseen oo degan Hargeysa, waxanu u qornaa isaga oo dhamaystiran Sidan:-
Waxaan ciidanka dalka ee xoogga Soomaaliyeed ku biiray 28/2/1976 waxaan dugsigaygii ciidan ku qaatay degmada Sheekh, inta nooc ee aan Koorso uga soo baxay:
bishii January 1976-kii ilaa bishii September 76-kii waxaan baranaayey Tilifoonada, dugsigu wuxuu ahaa Hargeysa.
Bishii 3/1976 ilaa bishii 7/76-kii waxaan bartay Sahanka iyo wardoonka dugsiga Hargeysa
Bishii 4/1976 ilaa bishii 11/76-kii waxaan bartay hogaaminta taliye Unug ilaa taliye Hurin dugsiga Janaraal Daa’uud ee Kismaayo.
Bishii 4/1978-kii ilaa bishii 11/78-kii waxaan bartay taliye koox ilaa taliye Guuto dugsiga Mandheera.
Inta xil ee aan kasoo qabtay dawladii Somalia iyo ururkii dalka xoreeyay ee SNM iyo Somaliland-ba ee ciidan ama bilsho:
Bishii 6/1973-kii ilaa bishii 4/74-kii waxaan ahaa maamulaha tuulada Kalabaydh.
bishii 6/1974-kii ilaa bishii 10/1974 waxan ahaa maamulaha iskaashatada galoolay.
bishii 12/1974 ilaa bishii 3/75 waxan ahaa taliyaha ciidanka dharka lagabadalay ee tuulada alaybday.
bishii 12/1976 ilaa bishii 6/77 waxaan ahaa ku xigeenka hurinta 6-aad ee jabhada soomaali galbeed.
bishi 8/1977 ilaa1/78 waxan ahaa ku xigeenka sahanka kulmiska gaba gabeeyey Diridhaba Ethiopia.
bishii 11/1978 ilaa 6/79 waxan ahaa kuxigenka hurinta 2aad ee magaalo cad
lasoco…..
Diyaariye Mujaahid Yuusu X. Maxamed (Qurbaawi) Qaybtii 9aad
“Ma rabo SNM buu ahaan jiray in la igu cadaadiyo in la igu tixgeliyo mooyaane..” Muj Axmed Maloosh 1997
Alle ha u naxariisto dhamaan mujaahidiintii SNM ka shihiiday
Qoramadii taariikhda Ururkii Xaq u dirirka SNM inagoo wali qaybo ka mid ah ku jirnay, halgalkii Bir-jeex ee 1983-kii Mujaahidiintii SNM ka fuliyeen halgalkii ay kula baxeen Mujaahid C/llaahi Askar Barkhad.
Mid ka mid ah mujaahidiintaas halgalkaasi fuliyey marxuum Mujaahid Axmed Xuseen Warsame (Maloosh) oo cadadkii hore aanu idiinku soo gudbinay xilligii uu ku dhawaaqay mujaahidku inuu u taagan yahay doorashada madaxtinimada dalka Somaliland 1997, islamarkaana CV-ga u gudbiyay guddidii hawsha doorashada ku shuqul lahayd u qornaa sidan:-
7. Bishii 7/1979-kii ilaa bishii 3/1980 waxaan ahaa madaxa dhismaha guutada 5aad Gabiley.
8. Bishii 5/1980-kii ilaa bishii 12/1980 waxaan ahaa taliyaha hurinta Saadka ee taliska gaaska 2aad Hargeysa.
9. Bishii 1/1981-kii ilaa bishii 10/1981 waxaan ahaa ku xigeenka laanta ururinta iyo baadhista ee qaybta 26aad Hargeysa.
10. Bishii 11/1981-kii ilaa bishii 2/1983 waxaan ahaa taliyaha guutada gaashaan ee jabhadaha Soomaali galbeed Salaxley.
Waxaan halganka shacbiga ee SNM hogaaminayay ku biiray bishii 4/1983, waxaanan kasoo qabtay xilalka kala ah:-
Bishii 6/1983-kii ilaa bishii 5/1984 waxaan ahaa madaxa hawlgalinta guutada Xasan Saleebaan wayne Laanqayrta.
Bishii 12/1984-kii ilaa bishii 5/1985 waxaan ahaa taliyaha ciidanka buuraha ka soo baxay ee Dabayl-weyne.
Bishii 6/1985-kii ilaa bishii 5/1986 waxaan madaxa xafiiska ciidanka ee saldhiga dhexe Aroori Jigjiga.
Bishii 6/1986-kii ilaa bishii 5/1987 waxaan ahaa taliyaha ururka 2aad ee guutada Sayid Cali (Kaam Liibaan).
Bishii 6/1988-kii ilaa bishii 8/1988 waxaan ahaa ku xigeenka ciidamada SNM ee Laamiga bariga Burco.
Bishii 9/1988-kii ilaa bishii 4/1989 waxaan ahaa taliyaha tiknikada qaybta 1aad.
Bishii 4/1989 ilaa bishii 4/1990 waxaan ahaa taliyaha dugsiga tababarka Aagga bari ee ciidamada SNM ee Nasiye.
Bishii 2/1991-kii ilaa bishii 5/1991 waxaan ahaa taliyaha guutada 15aad ee Berbera.
Waxaan Jamhuuriyada Somaliland ka soo qabtay xilalka kala ah:-
Bishii 6/1991 ilaa bishii 9/1991 waxaan ahaa taliyaha ciidanka nabadgalyada gobolka Saaxil.
Bishii 3/1992 ilaa bishii 9/1992 waxaan ahaa madaxa hawlgalinta ciidanka bariga Berbera ee beelaha Habar-Jeclo
Bishii 12/1994 ilaa bishii 6/2000 waxaan ahaa madaxa laanta nabadgalyada iyo wardoonka ee gudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland.
Total-ka guud ee xilalka aan dalka ka soo qabtay waa 21 (kow iyo labaatan xil) oo isugu jira
Kicin iyo abaabul 2. Daraasad iyo tilmaan 3. Dajin iyo maarayn iwm
Heerkayga waxbarasho:-
-Waxaan leeyahay waayo-aragnimo arrimaha bulshada ah oo u dhiagnta heer jaamacadeed.
-Takhasuskayga gaarka ah, waxaan ku takhasusay Hogaaminta ciidamada iyo wax ku jahaynta dadweynaha.
Alle ha u naxariistee C.V-ga Mujaahid Axmed Xuseen Warsame (Maloosh) u gudbiyay wakhtigaa uu sheegay inuu u taagan yahay jagada madaxtinimada ee dalka oo nuqulka Cv-gu na soo gaadhay uu ku sexeean yahay mujaahidku uu qoraalkiisa ku soo gebagabeeyay sidan:-
Ma rabo in xoriyada ay Somaliland heshay darajo aan hore u lahaan jiray mid ay ii kordhiso mooyaane, mana rabo SNM buu ahaan jiray in la igu cadaadiyo in la igu tixgeliyo mooyaane