Daawo hadhaagii faqashta wuxuu ku hadlaayo Cabdi Xoosh Ashkir

Waxaa wiigiii ina soo dhaafay  ka dhacday TV  Universal,  barnaamik laga hadlayey   isku biirkii labada dal ee Somaliland iyo Somaliya.  Haddaba ninkan Cabdi Xoosh, oo ah aabihii fan garayn jiray in  shacabka Somaliland la baabiiyo, ayaa kula kacay shacbi weynaha Somaliland, cay aad iyo aad u foolxun oo aan ilmaha  3 jirkiina aanay ka suurto gelin. Caydaaas oo ka cadhaysiisay dhammaan shacbiweynaha Somaliland ee adduunka ku nool. Nadaara oo barnaamijkaa daadihinayey, caydaakamu qaban ee uu ku daawanayey weliba raaxaysanayey. Waxay ku tusaysaa aqoon laáanta haysa Nadaara iyo asxaabtiisa Universal Tv. Waxaanay aqoon u lahayn ayey khasbayaan. Waxay u baahanyihiiin waxbarasho saxaafinimo oo heer jaamacadeeda. Haddaba Cabdi Xoosh wuxuu ka mid yahay hadhaaga faqashtii ka sii hadhay. Wuxuu qayb laxaadleh ka qayb qaatay xasuuqii shacabka rayidka loo geystay ee Somaliland, burburintii, baabiintii shacabka Somaliland iyo barobixintii. Cabdi Xoosh, wuxuu ahaa nin ganacsade ah oo ay ilmaadeer yihiin  Siyaad Barre, waxaanu siin jiray macangagaa Siyaad Barre, taageero nooc walba leh, ila mid dhaqaale. Waxaanu dhaqaalaha uu siiyo Siyaad Barre ku soo iibsan jiray hubka noocyada kala duwan. Hubkani oo markii danbe loo isticmaalay xasuuqii shacabka Somaliland. Markaa qayb weyn ayuu ku lahaa danbigaas laga galay shacabka Somaliland, waan danbiile u baahanin maxkamad caalamiya la soo saaro.

Haddaba akhristayaasha qaaliga ahow bal daawada oo dhegaysta wuxuu ku hadlaayo danbiile Cabdi Xoosh.

Part 1

Part 2

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: