Six Russia sentenced pilots released by court of Somaliland

 

Six Russia sentenced pilots released by court of Somaliland

31.12.2010, 02.52

PRETORIA, December 31 (Itar-Tass) – The court of the self-proclaimed state of Somaliland has released six Russian pilots. The SAPA agency reported on Friday that on Thursday they were found guilty of supplying “military equipment” to the neighbouring self-proclaimed country Puntland with which Somaliland is at war, as well as of violation of the airspace of Somaliland. At first they were sentenced to one year in prison, but later the sentence was changed for suspended.

The Sarazin International firm that chartered the Antonov An-26 plane with a Russian crew, has denied that it violated the law. According to it there were military uniforms and mines on board. The An-26 was arrested on December 10 at Hargeisa airport (Somaliland). After the detention, Interior Minister of Somaliland Mohamed Abdi Gabose said that the delivery of such goods violates the UN embargo on arms supplies to Somalia.

Sarazin International is a private British security firm operating in several African states. According to the company, the cargo was carried to Puntland, where it trains the Coast Guard.

 

Source:

Source: ITAR-TASS

Maxkamadda hargeysa oo xukuntay lix Ruush ah iyo diyaaraddoodii

Maxkamadda hargeysa oo xukuntay lix Ruush ah iyo diyaaraddoodii

Diyaaradda Hargeysa lagu qabtayDiyaaradda Ruush-ka ee Hargeysa lagu qabtay

Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa maanta ku dhawaaqay in
Lix nin oo ruush ah ay midkiiba maxkamaddu ku xukuntay Min hal sano oo xadhig ah iyo min saddex million
oo shiling Somaliland ah oo ganaax ah, lacgtaasoo u dhiganta shan boqol oo dollar midkiiba.

Nimankan oo isugu jira duuliyaashii iyo shaqaalihii diyaarad qalab milleteri u siday Puntland oo 10kii
bishan lagu qabtay Hargeysa , waxay kaloo maxkamadu xukuntay in dhammaan qalabkii milleteri
oo ahaa direys iyo boojajka rasaasta iyo miinada lagu qaato in lala wareegay .

Diyaaradda oo ah nooca xammuulka ee Antanov 32 waxaa iyada lagu xukumay ganaax dhan 23 Million oo
Shilinka somaliland ah oo u dhiganta afar kun oo dollar .

Maxkamaddu waxay ogolaatay in xabsiga lixda nin lagu xukumay ay lacag ahaan ku beddelaan karaan.
qareenka nimankan difaacaayay Khadar Maxamed Guuleed ayaa BBC-da u sheegay inaanay wax
rafcaan ah ka qaadanayn xukunkan oo ay ku qanceen .

Maxkamaddu waxay sheegtay in lagu helay duuliyaashan iyo diyaaradoodaba inay ku soo xadgudbeen hawada Somaliland, una sideen iyagoo qarinaayay qalab milleteri malleeshiyo cadow ku ah xuduuda Somaliland oo puntland lagu tababaraayo.

Source: BBC Somali

Taliska Booliska oo soo Bandhigay Tirakoobka Dambiyada Kala Duwan ee Sannadkan ka Dhacay Somaliland

Taliska Booliska oo soo Bandhigay Tirakoobka Dambiyada Kala Duwan ee Sannadkan ka Dhacay Somaliland

Hargeysa (Jam)- Ciidanka booliska, ayaa shalay soo bandhigay tirakoobka dambiyada kala duwan ee sannadkan sii dhammaanaya ee 2010 ka dhacay guud ahaan Somaliland, iyada oo boolisku dadweynaha ka codsaday inay la soo socodsiiyaan dadka aan jeclayn nabadda iyo ammaanka guud ee dalka ka jira, si tallaabo sharci ah looga qaado.

Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Mr. Cabdillaahi Fadal Iimaan oo saxaafadda u warramay shalay, ayaa faahfaahin ka bixiyey noocyada dambiyada kala duwan ee dalka ka dhacay, isagaoo xusay in dambiyada sannadkan dhacay ay gaadhayaan ilaa 4,120 fal-damiyeed, kuwaasi oo isugu jira dilal, kufsi, shilalka gaadiidka iyo carruurta yaryar ee la tuuro.

Taliyuhu waxa uu intaa ku daray in maxkamadda la horkeenay 1,265 kiis oo ka mid ah 4,120 dambi ee dalka ka dhacay, isaga oo xusay in dilalka bilihii u dambeeyey Somaliland ka dhacay gaadhayaan ilaa 29 dil oo gacanta lagu hayo eedaysanayaasha falal-dambiyeedyadaas lagu tuhunsan yahay.

“Falalka kufsiga ah ee Somaliland ka dhacay waxay gaadhayaan 45-kufsi, waxana geystay 48 eedeysane, kuwaasoo 8 ka mid ah ka baxsadeen. Shilalka gaadiidka ee bilihii u dambeeyey dhacay waxay gaadhayaan 387-Shil, waxaana ku dhintay 48-qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen dad gaadhaya 298-qof, waxa kale oo shilalkaasi khasaare kala duwan ka soo gaadhay 221 baabuur oo kala duwan, iyada oo ay shilalkaasi ku burbureen dhismayaal gaadhaya ilaa 48-dhisme,” ayuu yidhi hoggaanka hawlgelinta boolisku.

Mr. Fadal waxa uu sheegay inay jiraan carruur yaryar oo la tuuray, kuwaas oo la keenay saldhigyada booliska, isagoo xusay in carruurtaasi lagu wareejiyey hay’adaha ku shaqada leh.

Dilalka iyo falalka tuugado ku kacdo, ayaa bilihii u dambeeyey aad u soo badanayey, iyada oo falalkaasi dadweynaha ku beeray cabsi dhinaca ammaanka ah, iyada oo dadku aaminsan yihiin in muddadii xukuumadda cusub xilka haysay uu hoos-u-dhac ku yimi ammaanka, isla markaana dilalka iyo tuugado sii kordheen.
Jamhuuriya Online


Halkan ka daawada sawiro ku saabsan dhismaha Biriijka Labaad ee Hargeysa Oo Dhammaad Ku Dhow

Halkan Ka Daawada Sawiro Ku Saabsan Dhismaha Biriijka Labaad Ee Hargeysa Oo Dhammaad Ku Dhow

Hargeysa (OWN)- Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sawiro aanu idiinka diyaarinay qaybtii ugu dambaysay ee biriijjka labaad Hargeysa oo muddo dheer soo jiitamayay, oo dhismaheeda lagu guda-jiro, iyo guddoomiyaha xisibiga UCID oo booqday .

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo madax kale oo xisbiga ka tirsan oo booqday biriijka, isla markaana halkaa kula kulmay Maareeyaha Hay’adda waddooyinka Somaliland Cabdiwaaxid iyo madax kale.

Xoghaya maamulka iyo qorshaynta ee UCID Maxamed Xasan Dirir iyo madax kale oo biriijka dub lugaynaya

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.com

Oodweynenews.com/Hargeysa Office

Hooyo Da,ah oo Saaka koox Tuug ahi ka tuurtay Biriijka Wayn ee Magaaladda Hargeisa.

Hooyo Da,ah oo Saaka koox Tuug ahi ka tuurtay Biriijka Wayn ee Magaaladda Hargeisa.

 

Dadwayne tiro badan ayaa illaa saaka ku soo xoomay biriijka wayn iyaga oo daawanaya halkii ay ka dhacday Daawo Sawiradda

Tuug dadka ku baadhata dooxa wayn ee Magaaladda Hargeisa ayaa saaka subaxdii hore ka tuuray Biriijka wayn ee magaaladda Hargeisa hooyo Faadumo Maxamuud Yuusuf oo ahay Qof wayn oo Da,a ah, isla markaana Waxyeelo ka soo gaadhay dhabarka iyo gacmaha.

Hooyo Faadumo oo ah Dadka suuqa ka shaqeeya ayaa subaxdii hore ku waabariisatay koox Tuug ah oo si badheedh ah ugu qaaday lacag yar oo ay kiish ku sidatay ka dibna markii ay isku adkaysay ka tuuray biriijka.
DSC03485
Hooyo Faadumo ayaa la dhigay Cusbitalka wayn ee Magaaladda Hargeisa halkaasi oo lagu daawaynayo,
Dadwayne tiro badan ayaa illaa saaka ku soo xoomay biriijka wayn iyaga oo daawanaya halkii ay ka dhacday gabadho oo noqotay meel god ah, kana sii muuqday raadadkeedii.

Cusbitaalka Guud ee Hargeisa oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga Ogaano Xaaladda Caafimaad ee Hooyaddan dhibku soo gaadhay ayaanay noo suuro galin.

Falka tuugadda noocan ah oo ah fal aad u fool xun ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagula kaco qof wayn oo da,daasa ah, iyada oo ay soo badanayaa falalka arxan darradda ah ee Tuugadu ku laynayaan dadwaynaha.
DSC03482
Waxaa iyana jirtay in dhawaan masjid jaamaca wayn agtiisa tuug ku dilay wiil dhalinyarro ah oo marayay inta u dhaxaysa tiyaatarka iyo masjid jaamaca Hargeisa.
DSC03484DSC03483
Maxamed Yusuf
Gabiley News Desk
maandhaye@hotmail.com

Source: Gabileynews

Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Dalka Yemen

Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Dalka Yemen


 

(Hadhwanaagnews)  Monday, December 27, 2010
Hargeisa (HWN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaanno ka socda dalka Yemen oo booqasho ku yimid caasimada Hargaysa ee xarunta dalka Somaliland.

Waftigan ka socday dalka Yemen ee kulanka la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa waxa ka war-bixiyey Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wakiillada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaalle, waxaannu sheegay in Waftigaas iyo Madaxweynaha Somaliland ay ka wada hadleen siddii loo adkayn lahaa Cillaaqaadka labada dal ee Somaliland iyo Yemen.

Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha wakiillada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaalle waxa kale oo uu sheegay in Waftigaas Baarlamaanka ah ee ka socday dalka Yemen uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ugu dhiibay Qoraal ku socoda Madaxweynaha dalka Yemen, kaasoo aan wax tafaasiil ah laga bixin waxyaabaha ku saabsanaa, hase yeeshee sida wararku sheegaan waxaa uu nuxurkiisu ahaa adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka labada dalka ee Somaliland iyo Yemen.

Waa markii ugu horeysay ee Wafti Baarlamaan oo ka socda dalka Yemen ay Somaliland booqasho ku yimaadaan, waxaaanna la filayaa inay arrintani wax wayn ka tarri doonto Xidhiidhka dublamaasiyadeed ee Somaliland iyo Yemen, kaasoo aan fiicnayn Sannooyinkii u dambeeyey, kadib markii ay is maandhaafyo badani ka dhashay Kalluumaysato si sharci darro ah u soo galay Biyaha Somaliland oo dhawr jeer la qabtay.

Cabdiqani Cabdilaahi Axmed (Asporo)

Hadhwanaagnews/office

Hargaysa/Somaliland

Asporo23@gmail.com

Hargeysa: Arday Mudaharaad Sameeysay VOA

Hargeysa: Arday Mudaharaad Sameeysay

Ardaydu waxay dab qabadsiiyeen taayarada baabuurta iyagoona hakad ku keenay hawlihii jaamacadda.

Halkan ka dhegayso

http://www.voanews.com/somali/news/Ardayda-Jaamacadda-Hargeysa-oo-Mudaaharaaday-112449919.html

Ismaaciil Farjar | Hargeysa Sabti, 25 December 2010

 

Lahaanshaha: VOA

Wadaag

    Ardeyda Jaamacadda Hargaysa ayaa maanta sameeyay bannaan bax ay kaga soo horjeedaan maamul cusub oo uu madaxweynaha Somaliland u soo magacaabay Jaamacaddaasi.

    Madaxweyne Siilaanyo ayaa magacaabay guddi muddo afar bilood ah hagi doona Jaamacadda, kaasoo guddoomiye looga dhigay Fowsia Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahayd aasaasayaasha Jaamacadda Hargeysa.

    Madxweyne Silaanyo ayaa sidoo kale guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa u magacaabay Muuse Cabdi Cilmi.

    Madaxweyne Siilaanyo ayaa soo jeediyay in muddada afarta bilood ah lagu soo dhammeytiro xeerka doorashada hogaanka kala duwan Jaamacadda.

    Ardaydu waxay dab qabadsiiyeen taayarada baabuurta, iyagoona horjoogsaday maanta hawlihii Jaamacadda.

    Jaamacadda Hargeysa ayaa ah jaamacadda ugu weyn jaamacadaha ku yaalla Soomaaliland, waxaana wax ka barta arday tiradoodu ay gaareyso 4,000.

    War-saxaafadeed :Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL oo mudo 4 Maalmood ah socdaal shaqo u joogay itoobiya,

    War-saxaafadeed :Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL oo mudo 4 Maalmood ah socdaal shaqo u joogay itoobiya,

     

    Dr. Maxamed C/llahi Cumar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ….

    Republic of Somaliland
    Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation

    Ref. PR/MOFIC/10-26
    Date: 26 December 2010

    WAR-SAXAAAFADEED

    Waxaa maanta dalka dib ugu soo laabtay Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Maxamed C/llahi Cumar oo mudo 4 Maalmood ah socdaal shaqo u joogay Magaalada Adis-abeba Caasimadda Dalka Ethiopia.
    Mudadii uu Wasiirku ku sugnaa magaalada Adis-abeba, wuxuu kulamo la yeeshay Ra’iisal Wasaare-xigeenka isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ethiopia Mudane Hailemariam Desalegn, iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Mudane Semiyu Mesfin oo dhawaan loo magacaabay Safiirka Dalka Ethiopia u Fadhiyi doona Dalka Shiinaha.

    Masuuliyinta Labada Dal kulamadooda waxay ku lafa-gureen oo ay isla jeex-jeexeen ka midho dhalinta iyo hirgalinta Qodobadii Wada-hadalkii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia ku gaadheen dhawaaan Magaalada Adis-abeba.

    Wadahadalkan Wasiirada Arrimaha Dibada ee Somaliland iyo Ethiopia waxay si wada-jir ah u diyaariyeen Jadwal Shaqo oo lagu Meel-marinayo lagagana Midho-dhalinayo Xidhiidhkan Cusub ee dhinacyada Siyaasada, Ganacsiga iyo Nabadgalyada.

    Labada Wasiir Arrimo Dibadeed Dr. Maxamed iyo Mudane Hailemariam Waxa kale oo ay wada-hadalkooda ku soo qaadeen Arrimaha Geeska Afrika Guud ahaan iyo Cod-bixinta gooni isu-taaga koonfurta Sudan.

    Wasiirka Arrimaha dibadu Dr. Maxamed mudadii uu joogay waxaa casho sharaf si wada jir ah ugu sooryeeyey Ra’iisal Wasaare xigeenka isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibeda Mudane Hailemariam Desalegn iyo Wasiirkii hore ee Ethiopia Mudane Semiyu Mesfin.

    Socdaalkan waxaa uu qayb ka yahay dadaalka Xukuumada cusub ku horumarinayso xidhiidhka ay shacbiga reer Somaliland la leeyihiin dalalka aynu jaarka nahay gaar ahaana Dalka Ethiopia, kaasi oo maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya.

    Press Office
    http://www.Somalilandforeign.net

    Cape Town journalists Chris Everson and Anton van der Merwe, who were arrested by security police in Somaliland as suspected mercenaries and detained for 10 days

    Held at gunpoint in Somalia

    December 22 2010 at 09:34am
    By Melanie Gosling


    iol news pic somaliland journos dec 21Ken Geraghty/www.alientv.co.za

    Cape Town journalists Chris Everson, left, and Anton van der Merwe, centre, were detained in a Somaliland jail for 10 days.

    Cape Town journalists Chris Everson and Anton van der Merwe, who were arrested by security police in Somaliland as suspected mercenaries and detained for 10 days, arrived back yesterday saying they had simply “been in the wrong place at the wrong time”.

    The experienced film crew, who covered violence in the Cape Flats in the 1980s and conflict in the Gulf, Afghanistan and Pakistan, say with hindsight they should have found out more about their filming assignment in Puntland, a semi-autonomous region in northern Somalia.

    “We weren’t briefed on the assignment really except that it was about training of security guards. We got to Entebbe and were told ‘jump on this charter’, which had a Russian crew. We didn’t even know what was on board the plane. It was a big learning curve”, sound man Van der Merwe said from his Tokai home yesterday.

    The two often work for the American television network CBS’s 60 Minutes. But this assignment was commissioned by a friend and former CBS producer, Shawn Efran, who has his own film company.

    They flew Kenyan Airways to Entebbe on December 8 and were due to leave on the Russian Antonov charter the same day, but were told to wait until December 10 for cargo to arrive on an SAA flight.

    Everson said: “The only others on board were the six Russian crew, who couldn’t speak English. We didn’t know the flight plan, only that it was a nine-hour flight via Addis Ababa. After about three hours we landed in Hargeisa in Somaliland to refuel.

    “The back of the plane was down and we were waiting. Some guys in uniform arrived and they searched our stuff, then the cargo. In the boxes were T-shirts and boots and instruments for looking under cars, innocuous stuff, not military. I didn’t know what was in the boxes; they came off the SAA plane. Then suddenly they said we were under arrest,” Everson said.

    The security police took them to a hotel, confiscated their cellphones, laptops and satellite phone, and instructed the hotel staff not to allow them to make or receive any calls.

    “They said the T-shirts and boots were military stuff,” Everson said.

    The South Africans and Russians protested that hey they knew nothing about the cargo, but to no avail.

    “We had no way of letting anyone know what had happened, but then Anton remembered he had a cheap throw-away cellphone he had bought in Kurdistan. There was a little store next to the hotel and we bought a sim card and airtime, so we were able to phone our families, which was golden,” Everson said.

    “There was a New Zealand guy in the hotel and I scribbled a letter and said please believe me when I say what I am and I’ve got a CBS card and ID, and e-mail this to my wife.”

    They were restricted to the hotel, and if they went too near the gate, soldiers with AK-47s ordered them back.

    “Sadly, we’d left two bottles of whiskey on the plane, because that place is dry.”

    Days later, Matt Bryden, co-ordinator of the UN Security Council’s Monitoring Group on Somalia, arrived to question them, at the request of the Somaliland authorities. Bryden said there was a UN embargo on transporting military goods into Somalia and the clothing on the aircraft was considered military goods.

    “He said: ‘You’re under arrest and you’ve been charged. If I don’t agree with your story, I will report back to them precisely that. If I say you are what you say you are, I will say that, and the problem will be solved.’ After an hour-and-a-half he said he was satisfied with our story. ‘I can see you are in the wrong place at the wrong time and I will communicate that to the Somali authorities. You should be out of here soon’. Then he left.

    “We heard nothing until the next night; the CID guys came back and took us to an appaling place that was dark, dirty, smelly, with a bare bulb on a cord and said: ‘This is where you are staying.’

    “We were at a pretty low point as clearly things had taken a turn for the worse.”

    But after a short while, they were marched out of the building to the Safari Hotel where they were left for eight days.

    “We made friends with the waiters, fine guys, and they brought us the best pawpaws and mangoes.”

    Meanwhile Bryden had travelled to South Africa and was in contact with the South African and Somali authorities and both men’s families.

    “He was keeping us all sane. He’s the most amazing man,” he said.

    Ten days after their arrest, they were told they could leave.

    Asked about reports that they were to film counter-piracy operations run by Saracen International, headed by Lafra Luitingh of the defunct South African mercenary company, Executive Outcomes, Everson said: “We have no connection with them at all. We were doing a legitimate story about security training in Puntland. I’m quite sure that the people being trained were in some way connected with the piracy threat, but we don’t know who was training them.” – Cape Times

    Source: Cape Times

    Halkanka dhegayso wararkii ugu danbeysey ee RadioHargeysa Somaliland

    Hamblayo ayaan leeyahay wasaarada arrimaha warfaafinta iyo wacyi gelinta in a home page cusub u sameeyaan Radio Hargeysa . Waa farxad weyn in badan ayaa aad loo sugayey in codka Radio Hargeysa ay maqlaan shacabka reer Somaliland ee dalka dibediisa ku nool. Radio Hargeysa oo internet la soo mariyo waa habka ugu fudud uguna kharashka yar ee lagu soo gudbin karo wararka Somaliland.  Shacabka Somaliland waxay in badan u oomaaayeen in wararka dalkooda ay dhegahooda ku maqlaan codka jamhuuriyadda Somaliland (Radio Hargeysa)

    Sidaa iyo dhegaysi wacan

    daawo qaybtii 3 aad ee halgankii SNM 1988

    Daawo qaybtii 2 aad ee halganki SNM dalkeena Somaliland ku xoraysay 1988

    Dhammaan intiinii shalay daawatay qaybtii hore ee halgankii SNM ee fariimha e-maylada kala duwan ii soo diray aad iyo aad baad u mahadsan tihiin. runtii waa muuqaalo taariikhiya u u baahan in la ururiyo, buugaag badana laga qoro. Runtii markii aan daawaday muuqaladan qiirada leh waxay dib ii xasuusiyeen wakhtigii halgankii SNM oo aan markaa ku sugnaa caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo nawaaxigeeda. Muuqaalkan taariikhiga ah iyo kuwa kale ee la hayoba waxaa loo baahan yhay in dibu habayn wanaagsan lagu sameeyo, ka dibna dekumentaar laga sameeyo ama la dhigo. Taariikhdu waa laf dhabarta  dalkeena oo waa muhiim in sameeyo matxaf  lagu ururiyo taariikhda dalkeena Somaliland. Haddaba waxaan isku deyeyaa inshaanla wiigan in aan qaybo kala duwan aan soo geliyo Somaliland1991.

    Sidaa iyo daawasho wacan

    Somaliland1991

    http://www.livestream.com/ishacobosha/video?clipId=flv_7983e8cf-5957-4593-a3f6-3391c4c0bfdd&utm_source=lslibrary&utm_medium=ui-thumb

    Daawo Daawo muuqaalkan video-ga ah ee taariikhiga waa Isha Cobosha Muuse Biixi iyo saraakiishii Siyaad Barre ee ku soo biiray SNM 1989

    halkan riix oo ka daawo!

    Shir jaraaid oo ay ku qabteen General Muuse Biixi iyo saraakiil tiro badan oo ka tirsanaa taliskii Siyaad Bare oo ku  soo biiray ciidamada SNM. Cajaladan oo ah mid runtii aad iyo aad u qiimo bdan oo taariikha. Sidaa iyo daawsho wacan. Waxaa ka soo wareegtay shirka jaraaíd ee ay qabteen saraakiishu 21 sannadood.

    http://www.livestream.com/ishacobosha/share?utm_source=lsplayer&utm_medium=ui-share&utm_campaign=ishacobosha&utm_content=ishacobosha

    Wasiirka Maaliyada Eng.Maxamed Xaashi Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Madaarka Magalada Hargeysa Kana Xog Waramay Xaalkadiisa Caacfimaad + SAWIRO

    Hargeysa(OWN)- Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng.Maxmed Xaashi Cilmi ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii Socdaal Caafimaad oo qaatay Mudo dhawr todobaad ah ugu maqnaa Wadanka Jabouti.

    Wasiirka Maaliyada ayaa waxa Madaarka Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa waxa ku soo dhaweeyey Wasiirada ay ka mid yihiin  Arimaha Gudaha Dr.Gaboose, Duulista Maxmuud Xaashi, Gaashaandhiga Axmed X Cali Cadami, Marwada Madaxweynaha Aamina Sheekh Maxmed Jirde, Shir Gudoonka Golaha Wakiilada iyo Suldaan Xasan Sul.Cabdilaahi iyo dadweyne Aad u tiro badan.

    Maamulka iyo shaqaalaha Cisbitaalada Kan miltariga iyo Samra ee magaalada Jabuuti.

    Wasiirka Maaliyada ayaa waxa markii uu ka soo dhagay Madaarka waxa uu Qolka nasashada ee ugu waramay Warbaahinta waxana uu sheegay in xaaladiisa Caafimaad aad u wanaagsan tahay. isla markaan Ducadii shacabka reer Somaliland ay u Cucaynayeen ILHAAHAY ka qabalay oo isaga oo Caafimaad qaba uu dalka dib ugu soo laabatay, waxa kale oo uu Wasiirku u mahad naqay Wasiirka Waxbarashada Marwo SamSam Cabdi Aadan oo ka qayb qaadatay qaaditaanka loo qaaday wadanka Djabouti, iyo Ganacsada Maxamed Saciid Geedi(MSG) oo soo diray diyaarada dagdaga ahayd ee  u qaaday Djabouti, waxa kale oo uu Wasiirka Maaliyadu Eng. Maxmed Xaashi u mahad celiyey dadweynihii ka qayb qaatay Ducadii loo duceeyey iyo Soo dhaweynytiii lagu soo dhaweeyey Djbouti iyo Hargeysa ee lahaa Busho weynrta, dhakhaatiirta, asaxaabta Iyo qaraabada.

    Waxa kale oo uu Wasiirka Maaliyadu  si gaara ugu mahad celeiyey Maareeyahay Baanka Djabouti Md.Jaamac Xayd, Axmed Cismaan Geelle Arab, Maxamed Aw Saciid, iyo Maamulka iyo shaqaalaha Cisbitaalada Kan miltariga iyo Samra ee magaalada Jabuuti.

    Saddam Mohamed Ahmed

    Oodweynenews.com/ Hargeysa Office

    Sadam151@hotmail.com .

    Xogo Caddaynaya Lacagta ku Baxaysa Tababarka Shirkadda Ajaanibka ahi ka Wado Puntland iyo Qorshe Dawladda Sheekh Shariif la Maagan Tahay Somaliland

    Xogo Caddaynaya Lacagta ku Baxaysa Tababarka Shirkadda Ajaanibka ahi ka Wado Puntland iyo Qorshe Dawladda Sheekh Shariif la Maagan Tahay Somaliland

    Nairobi (Jam)- Xogo caddaynaya dhaqaalaha lacageed ee ku baxaya hawlgal shirkad calooshooda u shaqaystayaal ahi ku tababarayso maleeshiyaad reer Puntland ah iyo weliba shirqoollo dahsoon ka dhan ah madaxbannaanida Somaliland oo ay wado dawladda Sheekh Shariif, ayaa si cad u soo ifbaxay.

    Wargeyska The EastAfrican ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa soo bandhigay warbixin uu si faahfaahsan ugaga hadlay qorshaha lagu tababarayo maleeshiyaadka Puntland, shirkadda wada iyo ujeedooyinka ka dambeeya.

    Wargeysku waxa uu sheegay in shirkadda Saracen oo uu madax ka yahay nin ay walaalo yihiin Madaxweynaha dalka Uganda oo la yidhaahdo Salim Saleh ay si buuxda lugaha ugula jirto Soomaaliya, isla markaana ay maamul-goboleedka Puntland u tababarayso maleeshiyaad fara badan, kaas oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa ilaa $10 milyan oo doollar (toban milyan oo doollar).

    Warbixintu waxay shaaca ka qaaday in dawladda Sheekh Shariif ku hawlan tahay qorshe maamul-goboleedka Puntland loogu ciidamo xooggan oo la dagaalama Al-shabaab-ta ku sugan buuraha Galgala, kadibna dagaal ku qaada Somaliland, “Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya doonayso in Puntland loo dhiso ciidammo ay kula dagaalanto Al-shabaab-ta buuraha Galgal, kadibna dawladda ku-meelgaadhku dagaal ku qaado Somaliland, gobollada Waqooyi/galbeed ee madaxbannaanidooda ku dhawaaqay. Waa xaalad khatar ku ah Kampala (xarunta dalka Uganda) oo ciidammada nabad-ilaalinta ee ugu badani ka joogaan dalka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warbixinta Wargeyska The EastAfrican.

    Waxa kale oo wargeysku warbixintiisa ku xusay in hawlgalka shirkadda Saracen ka wado dalka Soomaaliya uu yahay mid gebi ahaanba ka horimanaya shaqada ciidammada nabad-ilaalinta ee Amison ka hayaan Soomaaliya, isla markaana halis ku ah.

    The EastAfrican waxa uu sheegay in bulshada caalamku ka walaacsan tahay hawlaha shirkadda Saracen wado, arrintaasna shir laga yeeshay, waxaannu yidhi, “Toddobaadkii hore wakiillada heer caalami ee shirkadda Saracen waxay la kulmeen diblumaasiyiin sare oo ka kala socday Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo saraakiil ka socday xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, si loo sharraxo halka ay gaadhsiisan yihiin hawlaha Saracen ka wado Soomaaliya, laakiin kulankaas Nairobi waxa uu keenay su’aalo badan oo aan ilaa hadda jawaabo loo hayn. Haseyeeshee, diblumaasiyiintu waxa anfariir ku dhacay markii shirkadda Saracen qiratay inay jebisay nidaamka oo ay qaadatay doorkii Amison.”

    Jamhuuriya Online

    AU didn’t approve Salim Saleh’s militia

    Share Bookmark Print Email

    Email this article to a friend

    Submit Cancel

    Rating

    Saracen International has been associated with President Museveni's younger brother, Salim Saleh. Picture by Morgan Mbabazi

    Saracen International has been associated with President Museveni’s younger brother, Salim Saleh. Picture by Morgan Mbabazi

    By Julius Barigaba  (email the author)

    Send Cancel

    Posted Monday, December 20 2010 at 20:41

     

    It has now emerged that the activities of Saracen International — the private security company currently training militia in the semi-autonomous Puntland state of Somalia, as reported in this paper last week — have not been sanctioned by the African Union. Analysts say this could have grave consequences for Uganda’s peacekeeping force in the country.

    Related Stories

    Saracen is a Ugandan company associated with General Caleb Akandwanaho alias Salim Saleh, senior advisor to and younger brother of President Yoweri Museveni.

    Officially, Kampala denies that Saracen’s activities will harm the African Union Mission to Somalia, Amisom. “As long as their operations do not contravene UN procedures it does not harm the peacekeeping mission. They are not training an anti-government force, are they?” asked army and defence spokesman Lt-Col Felix Kulayigye.

    Amisom is in the country to prop up Somalia’s Transitional Federal Government.
    However, The EastAfrican has obtained confidential information to the effect that Saracen started the training without due approval from the African Union.

    Last week, Saracen International representatives met top diplomats from the United States, the United Kingdom, the European Union and the United Nations Political Office for Somalia to explain the scope of Saracen’s activities in Somalia, but the Nairobi meeting raised more questions than answers.

    The meeting was called to thrash out contradictions between Saracen and Amisom activities, but the diplomats were shocked when Saracen admitted to having breached procedure and usurped Amisom’s mandate.
    Among other things, Amisom’s mandate includes training of the country’s fledgling security forces — Uganda has to date trained over 2,000 Somali army officers and nearly 1,700 police personnel, all of whom underwent training on Ugandan territory. Another 1,000 Somali army officers are to be trained in Uganda next year.
    Saracen’s activities clearly parallel those of Amisom. Even more controversial is the fact that the identity of the donor who contracted Saracen for an estimated $10 million remains a mystery, although sources point at UAE contacts while others mention only “a Muslim nation.”

    It is understood these donors are wary of potential terrorist attacks from Somali Islamist fundamentalist group Al Shabaab.

    Sources reveal that Somalia’s Transitional Federal Government wants to build up Puntland’s army to fight Al Shabaab in the Galgala Hills, after which the TFG will launch a war against Somaliland, the self-declared independent northwestern state. It is this scenario that poses dangers for Kampala, whose troops form the bulk of the Amisom peacekeeping force.

    Private business

    When The EastAfrican contacted Gen Saleh, he admitted that his company was involved but declined to comment on the details and implications of his company’s activities in Somalia, saying he had not yet read the article this paper ran last week.

    “I have been told about the story but I can’t comment on something I have not read.” The East-African first reported last week that Saracen was training militia in Puntland.

    However, other army and security top brass in Kampala said there was no risk to Kampala as this was “a normal, private business matter” that has little or no bearing on the country’s security.

    “In countries with insecurity problems such as Somalia, there is always an urge to hire private security. This has forced Somalia to do the same and Saracen is only training them,” said the army spokesman.
    Still, other events unfolding in the troubled Horn of Africa nation raised troublesome scenarios for Uganda. On Friday, December 11, Somaliland authorities seized a plane in the region’s capital Hargeisa that was allegedly carrying military supplies to Puntland, where Saracen is conducting the training.
    Somaliland Interior Minister Mohamed Abdi Gabose said the cargo plane had flown in from South Africa via Kampala, carrying military uniforms and other supplies for the newly recruited militiamen in Puntland, French news agency AFP reported on December 12.

    Not only is this in violation of the international arms embargo against Somalia, but crucially, it puts Kampala in the awkward position of having to explain the role of its officials in parts of Somalia, other than Mogadishu, where its peacekeeping contingent is legally restricted under AU and UN mandates.
    Already, government and army officials are issuing denials but this will not necessarily convince Somaliland and critically, Al Shabaab that Kampala is not supplying arms to allies of TFG.

    This leaves Amisom in serious danger of being perceived as a force that strategically secures the capital while covertly training and arming militia to take control of other areas.

    flashad

    Source: The EastAfrican

    Somaliland to charge 8 over weapons-laden plane

    weapons-laden plane
    19/12/2010 –

    Sun Dec 19, 2010 1:26pm GMT Print | Single Page[-] Text [+]

    HARGEISA (Reuters) – Somalia’s northern breakaway enclave of Somaliland will charge the crew of a plane laden with weapons with airspace violation and carrying weapons to Puntland despite a U.N. arms embargo, a minister said on Sunday.

    Mohamed Hashi Abdi, minister of air transport and civil aviation, said Somaliland had shown a U.N. delegation from the Committee of Weapons Embargo on Somalia, the weapons the plane was carrying when it landed on December10.

    “Investigation of the Antonov-24 plane, which landed in Hargeisa carrying weapons, a six-man crew and 2 South African passengers, is completed. Their case is in the hands of the prosecution and will be taken to court soon,” Abdi said.

    The two passengers will also be charged with falsely claiming to be journalists, the minister said.

    Details of how the plane came to land in Somaliland and what type of weapons it was carrying were not clear.

    Officials in Hargeisa say there are elements arming the semi-autonomous region of Puntland, despite a U.N. weapons embargo for Somalia. They are concerned armed groups across the border in Puntland could destabilise Somaliland.

    “The aim was to show the (U.N.) committee and the world what the plane was carrying and that our complaint that Puntland is being armed was correct,” Abdi said.

    There have been attacks in the town of Las Anod near the border with Puntland, the latest in September which killed a civilian and an army colonel.

    Somaliland is proud of its relative stability, unlike southern regions of the failed Horn of Africa state, where al Shabaab insurgents control large amounts of territory and are fighting a weak Western-backed government.

    In July, its president, Ahmed Mohamed Silanyo, was sworn in after an election observers said was free and fair, furthering its democratic credentials as it fights for international recognition.

    Source: Reuters

     

    Somaliland oo Maxkamad Horgeyneysa Diyaarad Ku Socotay Puntland (VOA)

    Somaliland oo Maxkamad Horgeyneysa Diyaarad Ku Socotay Puntland

    Halkan ka dhagayso!

    http://www.voanews.com/somali/news/Somaliland-oo-Maxkamad-Horgeyneysa-Diyaarad-Ku-Socotay-Puntland-112121909.html

    Guddi gaar ah oo ay Somaliland u xil saartay baaritaanka diyaarad saanad militari u sidday Puntland ayay go’aamiyeen in Maxkamad la hor geeyo.

    Ismaaciil Farjar | Hargeysa Sabti, 18 December 2010

    Wadaag

    Guddi uu Maamulka Somaliland u xil saaray baaris lagu sameynayay diyaarad saanad militari u siday Puntland, taasoo lagu xannibay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa go’aamiyay in kiiska diyaaraddaasi lagu hor geeyo maxkamad.

    Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliland ay saddex dacwadood ku soo oogeyso diyaaraddaasi oo kala Diyaaradda oo ku soo xad gudubtay Hawada Somaliland, Saanadda militari ee ay siddo, iyo rag la socda oo sheegtay inay suxufiyiin yihiin oo u dhashay dalka Koonfur Afrika.

    Inkastoo Somaliland ay sheegtay in diyaaraddaasi ay saanadda militari u sidday Puntland, hadda maamulka Puntland weli wax jawaab ah kama uusan bixin arrintaasi.

    Daawo muuqaalka diyaarada hubka u sidey gobolka majeerteeniya ee Faroole

     

    Diyaarad lagu hayo Hargaysa

    Diyaarad lagu hayo Hargaysa

    Diyaarad qalabka Milatari ay saaran yihiin ee Hargaysa lagu hayo

    Diyaarad qalabka Milatari ay saaran yihiin ee Hargaysa lagu hayo

     

     

     

    Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalim ayaa booqasho ku jooga magaalada Hargeysa eeSomaliland.

    Maxbuub Macalim oo Somaliland ku sugan

    Halkan ka dhegayso!

    http://www.voanews.com/somali/news/Maxbuub-Macalim-oo-Somaliland-ku-sugan-111918229.html

    Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalim ayaa booqasho ku jooga magaalada Hargeysa eeSomaliland.

    Ismaaciil Farjar | Hargeysa Arboco, 15 December 2010

    Xoghayaha joogtada ee Guddiga Fulinta ee urur goboleedka IGAD Eng: Maxbuub Macalim ayaa maalmahan booqasho ku joogay Somaliland.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa VOA u sheegay in xoghaye Maxbuub uu booqasho ku bixiyay deegaano ka tirsan Somaliland.

    Wuxuuna sheegay inay kala hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay sidii uu iskaashi u dhexmari lahaa Somaliland iyo urur goboleedka IGAD, kaasoo u badan waxbarashada, la dagaalanka fakhriga iyo arrimaha deegaanka.

    Maxbuub Macalim oo wareysi siiyay VOA-da uu sheegay inuu u yimid sidii ay ula wareegi lahaayeen Iskuulka barashada xannaanada xoolaha ee ku yaalla degmada Shiikh.

    Iskuulkaasi oo uu sheegay inuu gacanta ku hayay ururka Midowga Afrika

    Source: VOA

    Plane Carrying Military Gear To Puntland Lands In Hargeysa

     

    Plane Carrying Military Gear To Puntland Lands In Hargeysa

    A Russian plane carrying a military equipments to Puntland (seen in the above picture) landed on Hargeysa Airport

    Hargeysa, Somaliland, December 11, 2010 (SL Times) – A plane destined to Puntland made emergency landing at Hargeysa’s Egal International airport after it ran to some trouble in the air. Upon questioning about the purpose of the flight and the cargo on the plane, the crew and pilot that they were clothes and automobile spare parts but early reports say that upon inspection of the plane, so far, military uniforms, boots, and mine detection equipment were found on the plane.

    Source: Somaliland Times