Sannad wanaagsan

Waxaa caawa sii hoyana sannadkii 2011. 31 Dec 2011. Waxaa bilaabmaya sannad cusub 2012. Waxa  aanu shacbiweynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan leenahay sannad wanaagsan oo dalkeenu horumar iyo barwaaqo ku talaabsado aamiin. Waxanu rajeynaynaa in uu sannadkaa cusub ee bilaabmaya uu noqdo sannadkii ictiraaftka Somliland aamiin inshaanlaa.

Somaliland1991

Warsaxaafadeed WASIIRKA KHAARIJIGA SOMALILAND IYO WAFTIGIISII OO LAGU QAABILAY XAFIISKA RAYSAL WASRAARAHA MASAR

WASIIRKA KHAARIJIGA SOMALILAND IYO WAFTIGIISII OO LAGU QAABILAY XAFIISKA RAYSAL WASRAARAHA MASAR

2011-12-28

Kulankan waxay labada geesood kawada hadleen arrimo ay ka mid yihin xidhiidh cusub oo leh dhinacayo badan oo dhex mara labada dal ee Masar iyo Somaliland

Waftigii ka socdaa xukuumadda Somaliland ee uu hpgaaminayay wasiirka Arrimahqa Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigi, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ee la socday wasiirka Madaxtooyadu, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta lagu qaabilaya qasriga Raysal wasaaraha xukuumadda cususb ee Masar ee ku yaalla magaalada Qaahira.

Read the rest of this entry »

Daawo barnaamijkan murugada leh, carruurta derbijiifka waa wariye Nimco Samriye

Waxa beryahan danbe dunnida ku soo badanaysa carruurta derbi-jiifka, khaasatan, dalkeena Somaliland ku soo badanaya carruurta derbi-jiifka ah. Haddaba bal arrin ka hadlaysa amuurtaas halkan ka daawo akhristoow. Waxa aanu aad iyo aad u jecel nahay in aanu halkan idiinku soo bandhigno barnaamijyo xiiso leh oo aad uga heli doontaan inshaanlaa

Somaliland1991

Daawo video aad iyo aad uqiimo badan waa wariye Cabdisalaan Harari Universal oo carwada Hargeysa ka soo waramaya

Nala daawada barnaamijka oo ah barnaajik aad iyo aad u xiisoleh

Somaliland1991

Faallo WASIIRA DA SOMALILAND HADII AY YIHII XIDIGO NUURAAYA MAXAMED XAASHI CILMI NA WAA DAYAXA NUURKA LAGAQAATO

(Hadhwanaagnews) Monday, December 26, 2011
waxaan marka hore salaamaya bahweynta saxaafada gaar ahaan websiteka hadhwanaagnews maxamed xaashi

waxaan marka hore salaamaya bahweynta saxaafada gaar ahaan websiteka hadhwanaagnews maxamed xaashi cilmi wasiirka maaliyada oo ah halyey daacad ah oodadka iyo dalkaba jecel inuu horumar dhanwalba ah gaadhsiiyo ayaa waxaa sicad loowadajeedaa inuu beeraayo geed midhihiisu macanyihiin halka inta kale ku fooganyihiin sidii ay ubeeri lahaayeen geed midho qadhaadh oo sun iyo waabey ah sidaa daraadeed wuxuu labaxay naaneyso farabadan oo ay kamid yihiin .

Read the rest of this entry »

Wasiirka Macdanta Iyo Biyuhu Ha Is Casilo…Geeska Afrika Staff Writer

Wasiirka Macdanta Iyo Biyuhu Ha Is Casilo…Geeska Afrika Staff Writer


(Hadhwanaagnews) Sunday, December 25, 2011
Hargeysa(Geeska)-Jimcihii waxa mar qudha magaalada caasimadda ee Hargeysa ku faafay war sheegayay inuu is casilay wasiirkii maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi,

 

Hargeysa(Geeska)-Jimcihii waxa mar qudha magaalada caasimadda ee Hargeysa ku faafay war sheegayay inuu is casilay wasiirkii maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka cadhooday wasiirka macdanta iyo biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale, oo lacag uu ka soo qaaday labada shirkadood ee macdanta ee Opher Energy iyo Tullop, ku shubtay sanduuqiisa xisaabeed ee gaarka ah, taas oo uu Wasiirka maaliyaduna dalbaday in lagu shubo qasnadda dawladda.

Read the rest of this entry »

Oradyahanka Caanka Ah Ee Somaliland MO Farah Oo Kaalinta 3-Aad Ka Galay Abaalmartii BBC Sports Personality Of The Year 2011

 

LONDON, (SDWO 24/12/2011) – Orodyahanka caanka ah ee reer Somaliland ee u orda wadanka Ingriiska Maxamed Faarax oo ay caalamku uyaqanaan Mo Farahayaa waxaa habeenkii xalay la gudoonsiiyey abaalmarin qaali ah oo ay Sanad kasta ay qabato Telefishanka BBC ee dalka Ingiriiska BBC kaasoo loo yaqaano Sports Personality of the Year.

Read the rest of this entry »

Sahra Halgan fanaanadii 2011

cabaar baan ku sugayoo cadceedaa i damaqdee, cidla kaagamaan tegin, kaamana calool gu’in caydhina is maan odhan cimrigayna kuma darin,caqligii naftaydoow cosob iyo dhul baadloo cadaan iyo badoow baad ku calmadee adigaan ku caleema saartee cadhadii ka soo noqo X2.caydh iyo dabayl iyoo cir onkoday sidiisii, ayaamaha cartamay iyoo wakhtigaa ina ciilaye cimri iyo sidii hodan caashaqeena inan yahoow, cid waliba ogaatee ka ilaali cadawgoo cidla yaan lagaa helin ku calmadaye adigaan ku calaama saaree

Xoorxoor waa qaaxadii dawladda Siilaanyo u dhiman lahayd (Cabdillaahi Cawed Cige)

Xoorxoor waa qaaxadii dawladda Siilaanyo u dhiman lahayd

 

Maalintii Sabtida ee bisha Diisambar 17ka ahayd waxa dalka Waqooyiga Kuuriya ku geeriyooday hoggaamiyahoodii Kim Jong-il, saddex maalmood oo baroordiiq ah ayaa la asteeyay, dadkii jamhuuriyadda dhegaha xidhan ku noolaa oo dhammi na, rag iyo dumar, waxay jidadka isla tubeen baroor ilmadu hibitiqlaysay.

Tabtaas oo kale ayaa dad badan oo Somaliland lexejeclo ka qabaa baroordiiq ugu qaabileen warka sheegaya in madaxweyne Axmed M. Maxamuud ‘Siilaanyo’ dekedda Berbera u magacaabay Cali Xoorxoor.

Read the rest of this entry »

Daawo barnaamijka ila qosol

Waxa aanu halkan idiinku haynaa barnaamijkii ila qosol, sidaa iyo daawasho wacan

Daawo video-gan Somaliland Today

Daawo video guushii ay gaadheen ciyaaryahaniinta gobalka Maroodi Jeex dec 2011

Hambalyo ayanau leenahay ciyaar-yahaniintaas guusha saddexda koob u soo hooyay gobalka Maroodi Jeex

Daawo video barnaamij xiiso leh waa ciyaaryahanadii Somaliland (ex gobolka waqooyi galbeed) 1984 (Saban, Diredhawe, Sacad, Shakuur)

Akhristayaashayada qiimaha iyo qaayaha naga mudan.

Xasuus qor yar!

Maanta waxa aanu idiin haynaa video muuqaal ah oo aad iyo aad u xasuus badan. Waa qaar ka mida Ciyaaryahanadeenii qiimaha lahaa ee Hargeysa oo sannadkii 1984 u ciyaarayey gobolka Waqooyi Galbeed (imikana la yidhaahdo gobalka Maroodi Jeex). Waxa aan ka mid ahaa dhallinyardii si qayral caadiya u jeclaa kubada ilaa imminka 2011. waxaan xasuutaa anagoo yar yar in aanu u  soo dhici jirnay Hargeysa National Stadion, si aanu u daawano ciyaaraha ka socda garoonka kubada cagta ee Hawlwadaag oo barigaa la odhan jiray. Khaasatan marka ay Hargeysa iyo Burcow ada ciyaarayaan, oo inta badan ay ahayd ciyaar xalad leh.

Waanu yar yarayn, runtii 10-12 jiro ayaanu ahayn. Maanu haysan lacag tigidho lagu goosto, waxa ay nagu kalifi jirtay in marka ay ciidamada ilaalinaya Stadiyoonka ay sii yara jeestaan aanu orod ku fuuli jirnay gidaarka taarabuunka stadiyoonka Hargeysa.

Waxa aan haddaba si gaara u xasuustaa 1984, markii ay xulka gobalka waqooyi galbeed ku soo guulaysteen koobkii gobolada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ee sannadkaas 1984, ay Hargeysa soo gaadheen iyagoo lagu galbinayo baabuur dhawr boqol gaadhaysa. Waxaana magaalada Hargeysa ku soo dahweeyey janankii la odhan jiray Gaani. Baabuurtaas kolonyada ahayd ee ay la socdeen xulkii gobalka waqooyi galbeed iaygoo sita koobkii ay marayeen dariiqyada waaweyn oo Hargeysa. Waxa aan ka mid ahaa dadkii maalintaas soo dhaweeyey xulka guusha u soo hooyey gobalka waqooyi galbeed. Aniga oo 9-10 meelahaa jira ayaan waxaan taagna guriga aanu deggenayn Hargeysa oo u dhawaa wadada weyn ee Carwadii hore ee  Hargeysa daba marta (dhinaca waqooyi) . orod baan isa ka qaaday guriga, oo waxaan usoo orday wadada ay marayeen xulka gobalka, dadkuna wada hareeraheeda taagan yihiin oo saba loo tumayo. waxa ay indhahaygu qabteen koobkii 1984.

Waxa ay ahayd maalin ay Hargeysa oo dhami wada faraxsan tahay. Ciyaar yahanka aan aad u jeclaa ciyaartiisa waxa u u ahaa laacibka weyn ee Shakuur. Waxa aan xasuustaa aniga oo yar oo maalin ka imid iskuulka Biyo dhacay, oo aan barigaa dhigan jiray, ayaa maalin aan iskuulka ka soo rawaxay oo guriga ku socda ayaa bil ansiib waxaa iskuulka sare ee GacanLibaax dabadiisa igaga soo hor baxay waa kuma Yaa salaam, waa Shakuur, waan farxay runtii waan yaraa markaas, salaan aanu isla beegsano, in yar ayuu igi yidhi ma shoode hebel baad tahay, jawaabtu waxa ay noqodtay Haa. waad garan kartaa ama dareemi kartaa  (wiil) yar oo jecel kubada marka uu arko xidigii kubada cagta ee gobalka ee uu ugu jeclaa oo ay wado iskaga soo hor baxeen. Laba farxadood ayey ii ahayd maalintaa aan arkay Shakuur, midi waa aragtidiisa midina waa markii uu igu yidhi ma shoode hebel baad tahay. Wadamadan iminka hadii suuqa ama wadada lagu arko qofka waxaa lagula boodaa qalin iyo waraaq si uu magaciisa ugu saxeexo, Autograf.

Dhamaad xasuus qor yar, Somaliland1991

Halkan hoose ka daawo waraysiga xiisaha leh

Halkan ka daawo video-ga soo dhawayntii London ee madaxweynaha Somaliland Oktober-Nov 2011

 

Halkan ka daawo waraysi aad iyo aad u xiiso badan oo Tv-ga qaranka Somaliland la yeeshay Edna Adan Ismail

Akhristayaashayada qiimaha iyo qaayaha leh, waxa aanu maanta idiin haynaa oo aanu idiin soo deynaynaa, haddii Ilaahy yidhaahdo, waraysi aad iyo aad u qiimo badan, xiiso badan oo tv-ga qranka Somaliland qaybiista London ay kula yeesheen, barnaamija loogu magac daray waayo-arag. Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland, marwo, Edna Adan Ismail, oo ah ruux  qiimo weyn ku dhex  leh mushtamaca qaranka Somaliland. Sidaa iyo daawasho wacan.

Halkan ka daawo video final-kii kubada cagta 2011

Halkan ka daawo gudoonsiintii koobka kubada cagta ee gobalada Somaliland 2011 oo madaxweyne Siilaanyo

Daawo sawirrada Guddoomiyah xisbiga Kulmiye oo si heer sare ah loogu soo dalka Shiinaha (China)

Waxaa dalka China, caasimadiisa Bijiin, soo gaadhay wefti uu hogaaminayo, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, iyo Maxamed Kaahin. 17 Dec 2011

Read the rest of this entry »

Hambaly Hamblayo Hambalyo Gobalka Maroodi Jeex oo ku guulaystay koobkii horyaalka kubada cagta ee Somaliland

Waxa aanu halkan hambalyo weyn oo aan la soo koobi karin u soo  diraynaa kooxihii kala duwanaa ee matalayey gobolka Maroodi Jeex. Kooxda gobolka Maroodi Jeex

ee maanta oo ay taariikhdu tahay 18 Dec 2011. ku guulayseen koobka koryaalka kubada cagta ee Somaliland ee sannadka 2011. Waxa aanu leenahay Hambalyo. Hamblayo taa la mida waxa aanu u diraynaa kooxdii Gobolka Maroodi Jeex ee ku guulaysatay, Kubada Kolayga, iyo orodadii. Hambalyo ayaanu leenhay.

Waxaa kaloo aanu hambalyo u diraynaa kooxihii galay kaalinta 1 aad 2aad iyo 3 aad.

Waana guul u soo hoyatay dhammaan shacbi weynaha Somaliland meel kasta oo ay  joogaan, gaarahaan, dhallinyarada Somaliland.

Daawo sawirrada Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Qaranka Oo Xilkii Kala Wareegay Taliyihii Hore

Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Qaranka Oo Xilkii Kala Wareegay Taliyihii Hore Iyo Kalmadihii Ay Ka Yidhaahdeen Munaasibada Xil Wareejinta

 

“Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa…Xaashee Nin libin kaa xisdiyey Xumihii waa yaab” Nuux Taani Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Daawo Sawiradda

Hargeysa (GNS) -Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka Somaliland dhawaan loo soo magacaabay xilkaasi Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay.
REW

Read the rest of this entry »