Waa Kuma Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka Somaliland loo Magacaabay

SDWO (Hargesia 12/12/2011)  Mujaahid Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif), waxa uu kasoo qalin jabiyay akadamiyada Ciidamada Milatariga oo wax kusoo b artey Mosco Acadamic Millatry University, waxaanu takhasus gaar ah u heystaa qeybta Engineeringka, waxa uu Taliye kasoo ahaa Qeybtii lix labaatnaad ee Ciidanka Xooga Soomaaliya qeybta Dhismaha, waxa kale oo uu Hogaamiye ka ahaa qeybta Sahanka Hay,adii Mareykanka ee Baadhista Shidaalka iyo Macdanta ee (Shafaron), waxaanu xiligaa mudo badan ku sugnaa Xeebaha Galbeed ee Somaliland oo ay intooda badan Sahan dheer ka qaadey Hay,adaasi.

Mujaahid Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif), waxa Dowladii Maxamed Siyaad Barre u taxaabtey Xabsiga dabyaaqadii 1988kii, isagoo isla Sanadkaa 1988kii dabayaaqadiisii kasoo fakaday Xabsi kuyaala Gudaha Magaalada Muqdisho, waxaanu usoo Gudbay Taliskii Ciidanka Xooga SNM ee Balligubadle halkaas oo uu markiiba usoo weydaartey dhinaca Xeebaha Galbeed oo uu hogaamiye u noqday Ciidankii adkaa ee Guutadii 99 SNM oo uu Taliye u ahaa ilaa dabayaaqadii Sanadkii 1991kii xiligaas oo ay dagaal qadhaadh wada galeen oo dhinaca khibrada Ciidank ah Ciidankii uu Watey Cabdi-Casiis Cali Bare, Waxaana bilowgii Xukuumada Somaliland ee xiligii Madexweynihii u horeeyay C/raxmaan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Nabedgelyada Somaliland, oo uu ku guulaystey in uu horaantiiba nabedgelyada gacanta ku dhigo Gudaha Magaalada Hargeysa ee Caasimada ah, waxaana xilkaa u xigay in Sanadkii 1993kii xiligii Xukuumadii Madexweyne Marxuum Cigaal loo Magacaabay Taliye Xigeenka Ciidanka Bilowga Somaliland, oo uu aasaaskii Ciidamada Booliska iyo Nabedgelyadaba kasoo qaatey door weyn isagoo mudo badana kusime ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska maadaama, Cabdi-Dhiboo inta badan fasax ku maqnaa oo aahaa Taliyhii Ciidanka Booliska Somaliland.

Sanadkii 1995kii waxa uu Madexweynihii Somaliland ee Xiligaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u Magacaabay Mujaahid Maxamed Xasan C/laahi(Jidhif),Agaasimaha Guud ee Wasaarada Macadanta iyo Biyaha oo iyana kasoo qaatey door badan , waxaana sanadkii 19999kii ka baxasadey Wasaaradaas Wasiirkii Wasaarada Macadnta iyo B iyaha Baashe waxaanu ku simay mudo badan xilkaas.

Mujaahid Maxamed Xasan C/laahi(Jidhif), Xukuumadii Madexweyne Rayaale waxa y u magcowday Gudoomiyaha Hay,ada Miino Saarka Qaranka, xilkaas oo uu mudo hayay,Waxa kale oo uu Xilal kasoo qabtey Hay,ado ay kamid Yihiin Hay,ada Danish Demaning Group, waxa kale oo uu lataliye dhinaca Ciidamada ah ka ahaa mudo kooban Saraakiisha Badacas ee Ciidamada Mareykanka.

Lasoco Qeybaha ka dhiman Taariikh Nololeedkiisa Wararka Danbe .

 

 Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeisa 

Guled Abdi Sheekhaash – SDWO Chief  Editor

Email: Guled@sdwo.com

Ka soo xigtay: SDWO

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: