Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa maanta dhagax dhigay Cisbitaal weyn oo laga dhisayo Cisbitaalkii hore ee Jajabka, kaasoo ay maal-gelinayaan Haweenay u Dhalatay wadanka Talyaaniga iyo Dhakhaatiir kale oo ka wakiil ah Dhakhtar u dhashay Dalka Somaliya oo Magaciisa la odhan jiray Dr. Maxamed Aadan Shiik oo lacagta ku baxaysa cisbitaalka iyo Hindisihiisaba lahaa, balse geeriyooday mudo yar ka dib markii uu Somaliland u ogolaaday hir-gelinta dhakhtarkan.
Cisbitaalkan oo ka koobnaan doona laba qayb oo kala qayb Waxbarash oo Caafimaadka ah (Taeching Hospital) iyo qayb lagu fulin doono qaliinada Caadiga ah, isla markaana marka la dhamays tiro saddex sanadood ka dib lagu wareejin doono Wasaarada Caafimaadka Somaliland, waxa munaasibadii lagu dhagax dhigay ka soo qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda, Wasiirka Caafimaadka, Haweenayda Cisbitaaalkan dhisaysa oo ah Xaaskii Dhakhtarkaasi cisbitaalka maal-geliyay iyo saraakiil la socota oo shalay dalka booqasho ku yimi iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday Wasaarada Caafimaadka iyo Dawlada Talyaaniga oo iyaguna weftiga ka mid ahaa.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud oo Xaflada dhagax dhiga ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad naqay Qoyska uu ka baxay Dhakhtarkii Cisbitaalkan Maal-geliyay iyo Dhakhaatiirta ay saaxiibka ahaayeen ee fuliyay dhismaha cisbitaalkii uu kula dardaarmay, kaasoo uu sheegay inuu wax weyn ka tari doono baahiyihii Caafimaad ee wadanka ka jiray, gaar ahaan dhinaca qaliinka iyo qaybaha kobcinta aqoonta Hawl-wadeenada Caafimaadka oo qayb ka mid ah wax lagu barayo .
Haweenayda ka wakiilka ah marxuum Dr. Maxamed Aadan Sheikh oo ahaa Odaygeed oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay Odaygeeda iyo Dhakhaatiir kale oo ay isku magaalo yihiin Cisbitaalkan u haneeeyeen shacbiga reer Somaliland, kuna farxsanyihiin inay maanta dhagax dhigaan oo hir-gelintiisii la yagleelo.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan Maxamed C/lahi Saylici oo gabagabadii ka hadlay munaasibada loo sameeyay Cisbitaalkaasi oo loogu magac daray Ninkii Maal-geliyay ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh ayaa u mahad naqay Dhakhaatiirta reer Torino ee Talyaaniga ah iyo qayskii uu ka baxay Dhakhtarkii cisbitaalka in Hargeysa laga dhiso hindisay ee Geeriyooday, kuwaasoo uu ku amaanay waxtarka muuqda ee shacbiga iyo dawlada Somaliland u fidiyeen “aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta dhagax dhigno Cisbitaalkan, waxaanan si weyn ugu mahad-celinayaa Umadda Reer Toriino iyo Dhakhatarada ka socda, runtiina wax muuqda ayay u qabteen Dawlada Somaliland oo la taaban karo”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.
Cisbitaalkan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee dalka laga hir-geliyo tan iyo markii ay Somaliland xoriyadeeda la soo noqotay 21 sanadood ka hor, marka loo eego baaxada Dhulka laga dhisayo iyo adeegyada la iclaamiyay in lagu qabanayo.
waxaase lays wadiinayaa mudada dhabta ah ee ay dadka maal-gelinayaa gacanta ku haynayaan iyo in lacagta ka soo baxda marka la dhamaystiro ay qaadan doonaan qolada dhisaysa iyo inuu noqon doono mid ay munaafacaadsanayaan bulshada reer Somaliland iyo dawladu bilow ilaa dhamaad oo loogu adeegi doono qaabka cisbitaalka guud oo kale, taasoo ku xidhan hadba sida ay wasaarada caafimaadku uga warqabto baahiyaha Caafimaad ee dalka yaala iyo sida ay bulshadu ugu baahantahay goob noocan oo kale ah oo ay kaga maarmaan Farmasiiyada Dhakhaatiirtu lacagta badan kaga furtaan ee dalka iyo ta ay dibadaha ugu tagaan.
Sidoo kale waxa su’aal badani ka taagantahay sida ay Cisbitaalkan u daryeeli doonto Dawlada Somaliland, gaar ahaan Wasaarada caafimaadka oo iyadu qaranka u qaabilsan adeegyada caafimaadka, marka laga duulayo baaxadiisa iyo adeegyada uu u soo kordhinayo Bukaan Socodka dalka hadii looga faa’ideeyo, taasoo iyaduna ku xidhan hadba sida ay Siyaasada wasaaradu ugu qorshayso cid xafidi karta maamulkiisa iyo dhakhaatiir aqoon iyo waayo aragnimo badan leh oo aan ahayn kuwa la degay Cisbitaalka guud.
Gabiley News Desk
Published: 2012-01-29
Ka soo xigtay: GabiletNews