Maalintii 22 waa maalin taariikhiya oo baal dahab ka geli doonta taariikhda shacabka reer Somaliland ee Ingiriiska. Maalintaas oo ay maalin ka hor shirkii 23 ee lagu marti qaaday jamhuuriyadda Somaliland ee lagaga hadlayey arrimaha Somalia. Shirkan oo Somaliland oo ay dawladda Ingiriisku ku soo marti qaaday Somaliland in ay meesha ka sheegto mawqifkeeda iyadoo Somaliland caalamka ka doonaysa Ictiraaf. Shirkan oo ay ka soo qayb galeen 54 dawladdood oo Somaliland ku jirto. Somaliland oo maqaam aad u sareeya loogu soo dhaweeyey shirka, ayaa indhaha caalamku aad u soo jiiteen. Miiska uu madaxweynaha Somaliland ku matalayey dalkiisa iyo dadkiisaba waxaa ku qornaa magagaca dalka Somaliland. Lama qiyaasi karo farxada iyo damaashaada shacbi-weynaha reer Somaliland ee dunnida oo dhan kala socday warbaahinta caalamka sisii quruxda iyo sharaftalahayd ee loo soo dhawweeyey madaxweynaha Somaliland, mudan Ahxmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waa maalin taariikhiya oo Somaliland taariikhda inoo galaysa. Waxa ay maalintani inooga dhiganayd maalintii aynu Ingiriiska xornimada ka qaadanay ee madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed X. Ibrahi Cigaal iyo weftigiisii ay Londo waagaas yimaadeen oo ay saxeexeen in ay Somaliland noqodto dal madax-banaan. Arrinta farxada leh waxa ay ay in mucaarid iyo muxaafid oo gacmaha is haysta ay galeen qasriga looga taliyo dalka Ingiriiska ee Down Street nr 10 .
Imminka wixii ka danbeeya Somaliland waxaa loola dhaqmayaa si gaara, oo shirarka caalamiga ee arrimaha ka khuseeya Somaliland lagus oo casuumayo ee ay dani ugu jirto. Guul Guul Somaliland. Durtaba waxaa is bedelay qolooyinkii reer xamarka hadaladoodii oo imminka marka la waraysto yidhaahdaan wada-hadal ayaanu ogol nahay. Shalayna waxa ay lahaayeen Somaliland ma go´i karto Saomaaliya waa dal kaliya. Riyo beri hore laga tegay ayey ahyd taasi. Sida ay wararku nagu soo gaadhayaan waxala doonyaa in Shariidka dawladda ku meel gaadhka caalamku ka saxeexo inta aanu dhicin wakhtigiisu, in arrinta Somaliland si fiican loo dhameeyo. Cadaadis ayaa Sheekh Shariif kaga imanay caalamka siii uu arrintaa bisha Ogoso ka hor u dhamayn lahaa.
©Somaliland1991



Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hogaaminyayey oo ku suga aqalka looga taliyo dalka Ingiriiska ee Down streeat nr 10

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo lakulmay wasiirrka arrimha dibedda ee dalka Ingiriiska,


Madaxweynaha Somaliland, mudane Ahmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo oo kal qayb galay shacbiweynaha reer Somaliland bannaanbaxa lagu taageerayo qadiyadda jmahuuriyadda Somaliland