Halkan ka daawo sawirro hubkii laga soo qabtay kooxdii soo weerartay ciidanka, dagaal saaka waabertihii ka dhacay caasimada Somaliland ee Hargeysa

Waxa  aanu (Somaliland1991) dhaleecaynaynaa falkaa lagu soo qaaday ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland.

May 15th, 2012
Halkan ka dhageyso www.voasaomali.com
http://www.voanews.com/somali/news/Iska-hor-imaad-Hargeysa-ka-Dhacay-151535145.html

15 maj 2012. Ayaa noqon doonta maalin murugo leh, runtii waxaa saaka waaberigii ka dhacay caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxa aad iyo aad u fool xun, waa murugo weyn runtii. Runtii waxa aydib inoogu celisay dhacdadan foosha xun  ee ka dhacday caasimadeena Somaliland, Hargeysa. wakhtigii 1991 ee dalka lagu soo noqday ee dalku fawdada ahaa. Runtii waa waxa aad iyo aad looga naxo oo aad iyo aad looga murugoodo. Waxa aan tacsi weyn u dirayaa ehelkii ay ka geeriyoodeen, dhammaan dadkii dhintay, looma baahnayn runtii in tano ay dalkeena ka dhacdo. Waxa aan soo jeedin lahaa in arrintan guddi qaran loo saaro, booliskuna baadhid weyn ay sameeyaan cidii soo abaabushay ee ka danbaysay arrintan, waa in sida ugu dhakhsaha badan sharciga la hor keenaa., Qof ale qofkii lug ku lahaa dhacdadan weerarkan waa in gacan bir ah lagu dhigaa oo sharciga la hor keenaa. Dhacdani waa mid aad iyo aad u foolxun.

Maxaa ku dhacay madaxweynihii muxuu arrinta uga  hadli waayey muddo 20 saacadood ayaa ka soo wareegaty ilaa haddana wax hadal lagama ahayo aan hayn labada wasiir ee gaashaandhiga, arimha gudaha, iyo labada taliye ciidan ee bilayska iyo militatariga.

©Somaliland1991

Daawo muuqaalo video ah sidii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo loogu soo dhaweeyey Boorama

Halkan ka daawo sidii loogu soo dhaweeyey magaalda Boorama madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayey

Daawo barnaamijka xiisaha leh waa oady 97 jir oo malcaamad Quráan la dhigta carruur yar yar

Waxa aanu akhristayaashayda  mar hore u soo gudbinay  barnaajiyo dhwr ah oo aad iyo aad u xiiso badan, oo marba marka ka danbaysa aad sii jeclaanayso barnaajika soo socda. Waxaa aanu maanta idiinhaynaa oo aanu idiin soo deyn doonaa barnaamij kale oo uu soo diyaariyey wariyeha caanka ka ah geyiga ay degaan dadka somaalidu, waa Cabdisalaan Hareri. Waxa uu booqasho ugu tegay Odey Maxamed, oo da´diisu imminka tahay 97 jir,  oo ku nool magaalada Gabiley ee Somaliland. Waxaa uu odey Maxamed bilaabay in uu barto Quráanka isaga oo 94 jir jira, maantan waxaa uu dhameey 2 jus, oo juskii 3 aad ayuu bilaabayaa. Runtii aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa isagoo maanta da´daasa in uu 3 jus oo quáana barto. iyo dardaarankiisa ah wax barta oo ka faaídeysat inta aad yar tihiin. Qiimaha ay leedahay waxbarashadu.Sheekadani waxa ay i xasuusisay markii aan jaamacadda bilaabay ayaa waxaa fasalka nala  dhiganaysay hooyo da´deedu tahay qiyaastii 53 jir, inta kalena waxay da´doodu u dhaxaysay 18-32 jir. runtii waxa aan maqli jiray dadka soomaalida oo oadhn jiray waan gaboobay oo waxba ma baran karo. Maalintaas ayaan runtii xasiiqsaday in aanay waxbarashadu da´ lahayn. ee qofku wax baran karo isaga/iyada oo wayn. Haddaba waakan barnaamijkii sidaa iyo daawasho wanaagsan.

Somaliland1991

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=lSvEq-NVUSM

 

 

Daawo sawirro madaxweynaha Somaliland oo xadhiga ka jaray wadada isku xidha Boorama iyo Dila

Hargeysa (SDWO 12/05/2012) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo Wefti Balaadhan oo Hogaaminayo ayaa maanta Socdaal shaqo ku tagey xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Boorame.

 

waxaa kale oo Madaxweynuhu uu dhagax dhigay Lix Km oo kale oo lagu kordhinayo wadadaasi.

 

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu dhagax dhigay 8km oo ka mid ah wadada xidhiidhisa Goraya-Cawl iyo Boorama. Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa hadal uu u jeediyay shacbiga ku dhaqan magaalada Dilla waxa uu uga mahad-naqay sida milgaha leh ee ay uga soo dhaweeyeen degmadaasi,waxaanu ku booriyay inay meel uga soo wada jeedaan wax kasta oo saamayn ku leh nabadgalyada guud ee dalka iyo ta gobolka awdal.

Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay markaas kadib u sii dhaafeen magaalada Boorama oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay warku waxa uu intaas ku darayaa in Madaxweynuhu uu kulamo kala duwan kula yeeshay Huteelka Rays ee Magaalada Boorama maamulka, Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Xigasho: SDWO

Somaliland1991

 

 

 

Daawo sawirro madaxweynaha Somaliland oo xadhiga ka jaray wadada isku xidh Boorama iyo Dila

Hargeysa (SDWO 12/05/2012) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo Wefti Balaadhan oo Hogaaminayo ayaa maanta Socdaal shaqo ku tagey xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Boorame.

 

waxaa kale oo Madaxweynuhu uu dhagax dhigay Lix Km oo kale oo lagu kordhinayo wadadaasi.

 

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu dhagax dhigay 8km oo ka mid ah wadada xidhiidhisa Goraya-Cawl iyo Boorama. Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa hadal uu u jeediyay shacbiga ku dhaqan magaalada Dilla waxa uu uga mahad-naqay sida milgaha leh ee ay uga soo dhaweeyeen degmadaasi,waxaanu ku booriyay inay meel uga soo wada jeedaan wax kasta oo saamayn ku leh nabadgalyada guud ee dalka iyo ta gobolka awdal.

Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay markaas kadib u sii dhaafeen magaalada Boorama oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay warku waxa uu intaas ku darayaa in Madaxweynuhu uu kulamo kala duwan kula yeeshay Huteelka Rays ee Magaalada Boorama maamulka, Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Xigasho: SDWO

Somaliland1991

 

 

 

Daawo webiyada addunka ugu waaweyn

Wabigga amzon (Iguazu ) waa biyo dabiiciyiya oo dhex mara wadama KOONFURTA Amareica sida iyo daawasho wacan waxaa aanu idiin soo gudbinaynaa webiyada Afrika kuwa ugu waaweyn insh

Daawo HVTV wareysi wasiirrka madaxtooyada xirsi

Faallo yar oo ku saabsan wareysigan.

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan, oo gacanta midig ee madaxweyne Axmed . M. M Siilaanyo. ayaa tan iyo intii loo magacaabay chief of cabinet ,  titel kan oo dalka iyo dhismaha dawladdnimo ee Somaliland ku cusbaa ayaa dad badani aragtiyo aad u kala duwan ka bixiyeen. Waxaana la is weydiin jiray waa maxay shaqada uu qabanyo Cabinet of chief, oo dunnida laba dal aad ugu caan yihiin, waa dalka Maraykanka iyo Japan. Khaasatan dalka Japan, chief of cabinet waxa uu ku leeyahay awood badan.

Haddana wasiirka madaxtooyada Xirsi, jagadii markii hore loo magacaabay , waxa ay keentay jahawareer badan, waxaana ay doodu ka taagnayd, waxa uu qabanayo iyo awooda uu leeyahy chief of cabinet. Tiiyo wareerkaasi taagan yahay, ayaa markii danbe madaxeynuhu fahmay in lagu wareersan yahay titel cusub oo aan hore dalka Somaliland looga hirgelin. Waxaanu markii danbe u magacaabay wasiirka madaxtooyada. Haddaba tan iyo intii uu madaxweynaha Somalilan talada dalka la wareegay ma ay jirin, wasiir ama af hayeen wareysi dheer siiya warbaahinta maxaliga, way jireen in madaxweynuhu laa goor ka sheegay aqalka wakiilada Somaliladn waxa ay dawladdiisu qabatay iyo waxa ay doonayso in ay mustqablka dhaw ay qabato. Haddaba waxaa lagama maarmaana in sidaa uu Xisri u siiyey waraysiga HCTV in noqodto mid bilaw ah ee aany noqon tii u danbaysay.

Waxaa dalka maalin walba la soo derista waaii baryaba marxalad cusub, marxalad kasta oo timaadana waa in ay dawladdu jawaab ka bixisaa, oo aanay aamusin. Shacabka Somaliland waxa ay mar walba doonayaan in ay marka ay dalka xaaladi ku soo korodhaba ama ka dhcaan in ay shir jaráaid qabato oo sheegto  sida ay aarimaha dhacaya  waxa uga qabanayaan. Maahuun in xukumaddu  aamusto. Maadaamuu Xirsi Xaaji Cali Xasan, yahay ninka ugu dhaw madaxeynaha waxaa wanaagsan in xidhiidh fiican layeesho warbaahinta.

©Somaliland1991

Madaxwayne siilaanyo oo Booqasho Si kadis ah ku Tagay Guriga Xaaskii Alle ha unaxariistee Marxuum C/laahi Oomaar.

Madaxwayne siilaanyo oo Booqasho Si kadis ah ku Tagay Guriga Xaaskii Alle ha unaxariistee Marxuum C/laahi Oomaar.

 

Waxaanay Soo Booqdeen Xaaskii Alle ha u naxariistee Cabdilaahi Oomaar oo ahaa mid aanay cidna ka war-qabin,

Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xaaskiisa ayaa socdaalk kedis ah ku tagay guriga xaagaaska Marxuum Cabdilaahi Oomaar oo ku Dhaw Qasriga Madaxtooyadda Somaliland

Read the rest of this entry »

Wasiirka Arrimada Dibada Somaliland oo ku dooday inaanay Weftiga Jabuuti ee xadka laga Celiyay la soo Xidhiidhin Xukuumadda

Wasiirka Arrimada Dibada Somaliland oo ku dooday inaanay Weftiga Jabuuti ee xadka laga Celiyay la soo Xidhiidhin Xukuumadda

 

Dr. Maxamed C/lahi waxa kale oo uu sheegay inaanay dawlada Somaliland iyo Jabuuti wax qorshe ah

Hargeysa(GNS)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay talaabo ay khamiistii Doraad wefti ka socda dawlada jabuuti kaga joojisay inay dalkeeda soo galaan oo laga celiyay xuduuda u dhaxaysa labada wadan ee Gobolka Selal.’

Read the rest of this entry »

Daawo ruwaayad taariikhiya Cilmi iyo Caado waa Basbaas

Daawo filimkan ay fanaaniintu ku metelayaan cadaalada darrada

SAWIRRO: Warlal…

SAWIRRO: Warlaliyihii (Transmitter) ugu Quwadda Weynaa ee Abid Qaranku Yeesho oo Galbis lagu Keenay Radio Hargeysa

Written by: Xasan Keefkeef
Published: 29/04/2012 @22:22


Hargeysa(Togaherer)-Warlaliskii Weynaa (Transmitter) ee Idaacada Radio Hargeysa loo soo iibiyay ayaa Maanta soo gaadhay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland ee Magaalada Hargeysa.

Warlaliskan oo shalay Markabkii Siday ku soo xidhay Dekeda Berbera ayaa saaka abaaro 11:00kii Subaxnimo soo gaadhay kaamboolka Idaacadda Radio Hargeysa isaga oo ay Gelbinayaan Raxan Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinita iyo Ciidamo Sugayay Amaanka Qalabkan intii uu jidka ku soo jiray.

Read the rest of this entry »

Daawo aroos malaysiyaana habka la isku guursado dalka Malaysiya

comments

The best wedding video i’ve ever seen!

Touching and sweet~

May they live happily ever after :)

The best of the best!

Halkan ka daawo sida roobabu uga daéen Hargeysa

Dawlada Hoose ee Hargeysa oo Afar Sanno in ka badan Maara ula Dhul ay Qorsha La`aan u Sharciyaysay oo Noqoday Biyo Fadhiisin.!!!!!!!!!!!!!!

Written by: Wadaag
Published: 28/04/2012 @17:42

Hargeysa/ToggaHerer 28 april 2012

Harooyin waaweyn oo ka sameysmey Wadooyin  ay Biyuhu mari jireen  oo ay Dowlada Hoose Qorsha  la`aan  ku dhistey mar aanu waxa ka weydiiney Dadweynaha Dagan Xaafada Guryasamo oo ay ku taalo Biyo fadhiisinkan ayay noo sheegeen iney uga Digeen Xilligii ay Qorsheynta Dowlada Hoose wadeen laakiin dhag jalaq loo siin.

Read the rest of this entry »

Faallo Faysal Cali Waraabe oo ku deg degay la kulanka madaxweynaha Somaliya Sh Shariif

Faysal Cali Waraabe oo ku deg degay la kulanka madaxweynaha Somaliya Sh Shariif

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID, ee Faysal Cali Waraabe oo isku geliyey taaj aanu xaq imminka wakhtigan la joogo ee xaadirka lahayn.

 

Faysal Cali Waraabe ooah guddoomiyaha xisbiga UCID,la kulmay madaxweynaha ku meel-gaadhka ah ee Sh Sahriif, dawladda daciifka ee Somalia.  Waxa aan qabaa in uu aad iyo aad ugu deg-degay kulankaa waxaanan filayaa in uu fududaaday xaajigu. Dabcan waa xisbi qaran ayuu yahay, laakiin ma metelo shacbiga Somaliland.  Shabcbiga Somaliland waxa ay cod ku doorteen 49.5 % dawladda  imminka dalka ka talisa ee uu gadh-wadeenka ka yahay, madaxweyne Axamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Shirkii lagu qabtay 23 Feb 20122, cariga Ingiriiska ee ay 40 dal in ka badan ay iskugu yimaadeen oo Somaliland lagu casuumay. Qodobadii lagu soo qaaday shirkaas waxaa ka mid ahaa  , qodobka nr 6 oo  uu gundhigiisu ahaa sidii laba dal ee Jamhuuriyadii Soomaaliya la isku odhan jiaay ay mustaqbalkooda uga wada hadli lahaayeen. Qodobkan oo ahaa qodob aad iyo aad u muhiima ayaa laba dal ee Somaliland iy Somalia ay guddi hordhac ah u kala saareen in arrintan ay bilaabaan, inkastoo markii danbe uu madaxweynaha ku meel gaadhka ee Somalia ku soo daray 2 xubnood oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, hase yeeshee ka socda maamul goboleedka majeerteeniya. Arrintan oo shacabka iyo dawladda Somaliland ka xanaaqeen , Somaliland ay markii danbe qaadacday ka qayb galka shirka wada hadalka ee ka dhici doona dalka Ingiriiska. Waxaana arrintaa ka masuula oo carqaladeeyey madaxweynaha dawladda daciifka ah ee ku meel-gaadhka ee  Sheekh Shariif.

Arrintu tiiyo ay halkaa marayso , ayuu guddoomiyaha xisbiga UCID, isagoo shacab iyo dalna aan metelayn uu la kulmay, madaxweynaha  dawladda daciifka ee Sheekh , Shariif, ee carqaladaynaya wada hadalka la doonayo in uu dhex maro Somaliland iyo Somalia, isagoo kula kulmay magaalada Dubai.

Suáasha is-waydiinta lihi waxa weeyi  yaa Faysal Cali Waraabe u igmaday in uu la kulmo sheekh Shariif. Faysal Cali Waraabe oo  tan iyo markii xisbigiisii uu kala  qayb-qaybsamay,  ee  xisbigiisii UCID, sumcadiisu ay si aada hoos u dhacday. Ayaa doonaya in uu ururkiisa iyo mid isaga shakhsiyan isaga u gaara   uu ku helo sumucad. Arrintna waxa ay ahayd in wasaarrada arrimaha dibeddu ka hadasho, waayo waxaa loo qaadanayaa in uu ogolaansho ka helay dawladda ama ay dawladdu u igmatay gudd. Ucid, Faysal Cali Waraabe in uu la kulmo.

Guddida loo xilsaaray ee madaxweynuhu u xilsaaray waa ay la kulmi karaan, laakiin, siyaasi ama qof kale oo leh Somaliland baan metelayaa xilligan xaadirka lama kulmi karaan.

Arrintan aad iyo aad ayuu xaajigu ugu deg-degay, waxaana u geeyey fudayd ayaan odhan karaa runtii. Dawladdu waa in ay sharci adag ka soo saartaa in aanay cid kale oo aan hayn imminka guddida iyo inta ay dawladdu u igmatay aanay la kulmi karin oo aanay kal hadli karin arrinta wada hadalka labada dal ee Somaliland iyo Saomaaliya.

©Somaliland1991

Daawo video Faaqidaada Siyaasada Somalililand (Udub / Ucid) iyo dood dhex martay m ku xigeenkiihore ee Somaliland iyo gudd Ucid Faysal Cali Waraabe

Barnaamij aad iyo aad u cajiiba Waa wariye Ducaale HCTV iyo nin indhoole ah oo Jaamacada ka qalin jabiyey

Daawo sawirrada madaxweynaha Somaliland iyo ergayga QM Mahinga

Madaxwayne Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Xog-hayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr, Augustine Mahiga

mahiga iyo siilaanyo

Booqashadan Augustine Mahiga oo ka mid ahayd safaradii uu hore ugu iman-jiray Jamhuuriyadda Somaliland
 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo xadhiga ka jaray mashiinka kalyaha safeeya

Rayaale Iyo Ku Xigeenkiisa Oo La Sheegay Inay Isku Qanciyeen In Mar Kale Ay U Ordaan Madaxtinimada Dalka, Siyaasiyiin Miisaan Ku Leh UDUB Oo La Filayo Inay Ka Dhaqaaqaan Dhawaan