Wefti ka socda Dawlada Turkiga oo booqasho ku yimi magaalada Hargeisa lana kulmay Madaxweyne Siilaanyo iyada oo ay weheliyaan qaar ka tirsan golihiisa wasiirada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu caawa fiid kii hore Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti Balaadhan oo ka Socda Dawladda Turkiga oo uu hogaaminaayo Safiirka Somaliland iyo Somaliya u qaabilsan Dalkaasi, AMBASSADOR Mr. KANI TORUN, Weftigaas oo ka kooban 6 xubnood oo shalay gelinkii danbe Booqasho ku yimid Somaliland.
Weftigan oo noqonaya kii labaad ee ka socda dawlada turkiga ee muddo laba todobaad ku siman gudeheeda Dalka yimaada.
Waxa ay madaxweynaha uga warameen ujeedada socdaalkooda oo ay sheegeen inay tahay sii xoojinta xidhiidhka siyaasadeed iyo wax-wada qabsiga labada Waddan, iyaga oo xusay inay booqashadoodani ku xidhiidhsan tahay Booqasahdii ay dhawaan halkan ku yimaadeen Madaxdii Hay’ada TIKA SOMALI PROGRAM COORDINATOR.
Safiirka Dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Kani isagoo ka hadlaaya sida ay dawladda turkigu diyaarka ugu tahay inay xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland iyo waxyaabaha ay doonayan inay ka caawiyaan dalka, Waxa uu sheegay in ay dawladiisu doonayso inay Somaliland wax kala qabato oo ay gacan weyn ka geysato dhinacyada wax-barashada, Deeqaha Wax-barashada, Caafimaadka, Biyaha iyo Adeegyada kale ee Aas-aasiga intaba.
Waxa kale oo uu xusay inay dhawan dalka iman doonan Khubaro turki ah oo qiimayn ku samayn doonta Meelaha u baahan in ay dawladiisu ka caawiso Somaliland iyo mugga baahidu intay tahay.
Waxa kale oo uu xusay inay dib u dhis ku samayn doonan goobaha taariikhiga ah ee ay turkigu hore uga sameeyeen dalka Somaliland.
Safiirku waxa uu intaasi ku daray in uu cisbitaalka guud ka mid yahay meelaha ay Khubaradaasi qiimayn doonto isla markaana ay dawlada turkigu dhakhso gacan buuxda uga geysan-doonto baahida qalab iyo wixii la mid ah ee uu qabo.
Waxa kale oo uu sheegay in ay qorshahooda ku jirto dhismaha laba Dugsi-sare oo turki ah oo ay Somaliland ka fulinayaan, iyo in ay Somaliland iyo turkigu is waydaarsadaan macalimiinta Dugsiyada iyo kor u qaadida aqoontooda, dhinaca kale waxa uu safiirku sheegay inay Somaliland iman-doonaan shirkado iyo ganacsato waa weyn oo turki ah maal-gashina ku samayn doonaan Somaliland.
Ugu danbayna waxa uu safiirku madaxweynaha u muujiyey xiisaha ay dawladiisu u hayso wax la qabsiga Somaliland, isagoo sheegay in uu ku rajo weyn yahay inay dawladiisu dhawaan martiqaad u fidin doonto madaxweynaha Somaliland, oo ay kulmi doonan ra’iisal wasaaraha Turkiga iyo madax kaleba.
Waxa intaa dheeraa amaan balaadhan oo uu safiirku u soo jeediyey hanaanka dawladnimada ka hana qaaday Somaliland iyo sida ay wax u qabsatay intaba.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo oo weftiga dalka ku soo dhaweeyey ayaa waxa uu dawladda Turiga, safiirka, iyo xubnaha weftiga ee booqashada ku weheliya uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland iyo niyadsamida ay la yimaadeen.
Madaxweynuhu waxa uu ka waramay xaalada guud ee dalka iyo inay hanaanka dawladnimada somaliland ka hana qaaday, ku dhisan tahay rabitaanka shacbiga Somaliland.
Waxaanu madaxweynuhu tafaasiil ka bixiyey sida ay shacbiga iyo Dawlada Somalilandba uga go’antahay dhismaha iyo horu-marka dalku, iyo baahida ay Somaliland u qabto gacan qabashada iyo taageerada beesha caalamka.
Ugu danbayna madaxweynuhu waxa uu xubnaha weftiga uga waramay xidhiidhka taariikhigaa ee u dhaxeeya Somaliland iyo turkiga, waxaanu sheegay in uu aad u soo dhaweynaayo xidhiidhka, wax-wada qabsiga iyo isu soo dhawaanshaha labada wadan.
Intaa waxa dheer oo ay labada dhinacba (Xukuumada Somaliland iyo weftiga turkiga) soo dhaweyeen in ay shirkada diyaaraha ee turkigu duulimaadyo ka bilowdo somaliland, lagana wada hawl-galo suurta galnimadeeda.
Dhinaca Xukuumada waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey
Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo biyaha, Eng: Xuseen Cabdi Ducaale
Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Dr.Sacad Cali Shire
Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan
Wasiirku ku-Xigeenka W/Arrimaha Dibadda , Mawliid Maxamuud Ibraahim
XubnahaWeftiga:-
Ambassador Mr. Kani Torun
Dursun Erman Birdal, Deputy Head of Mission
Kamil Kolabas, Advisor, Istanbul Metropolitan Municipality iyo 3 xubnood oo kale
Hargeysa (GNS)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin Ayaa maanta socdaal kutagay xarunta qasriga madaxtooyadda,Waxaanu Kulan la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo Kuxigeenkiisa.

Madaxweynihii hore ee Somaliland waxa uu dalka kusugnaa maalmihii ugu dambeeyay.sida ilo xog-ogaalihi sheegayaan barqadii maanta wuxuu socdaal ku tagay xarunta madaxtooyadda Somaliland waxaanay kulan gaar ah wada yeesheen madaxweyne Siilaanyo.kana wada hadleen Xaaladda Guud ee Mandaqadda iyo geedi socodka nabadda.
Mana jiraan warar sugan oo arrintaasi kasoo baxaya
Dhinaca kale Markii uu dhamaaday kulankaasi Waxa sidoo kale uu Daahir Riyaale Kaahin kulan labaad laqaatay Madaxweyne Kuxigeenka Saylici iLaa Imika Lama Oga Waxa uu kusaabsanaa ama ay kawada hadleen Labadaa Masuul Waxaanu ahaa Kulan Ay ALbaabadu uXidhanyahay Kulani wuxuu noqonayaa kulankii ugu horeeyay ee Madaxweynihii hore Ee Somaliland kutagao xarunta qasriga madaxtooyadda

Cabdiraxmaan Muuse Yuusuf
Gabiley News Reporter
Published: 2012-03-27
Halkan ka daawo sawiradda madaxweynaha Somaliland weftigiisii ee soo maray Ethiopia iyo Jabuuti oo Hargeysa ku soo noqday
8 February, 2012 — somaliland1991 | Edit
Madaxweynaha Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo iyo wefti u hogaaminayey oo dalka dib ugu soo laabtay.kadib markii ay dalka ka anbobaxeen isniintii oo ay tageen dalka Ethiopia. Madaxweynaha oo la kulmay raysal-wasaaraha dalka Ethiopia, Melez Zenawi iyo madaxda dalkaas. Waxaa labada hogaamiye ka wada hadleen xidhiidhka labada waddan ka dhaxeeya iyo sii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada wadan. Waxaa isna ku sugan AddisAbeba oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada amaanka dalka Ethiopia, fidne-wadihii, Cali Khaliif Galaydh, ee shirka Taleex majara-habaabiyey, kuna sheegay in laga bilaabo maanta la yidhaahdo Khaatumo Seeg (khaatumatuu seegay). Wararku waxa ay intaa ku darayaan in maanta oo ay bushu tahay 8 feb 2012, Ethiopia dalkeeda ka mustaafurisay fidne wadeenka, Cali Khaliif Galadh. Kaasoo doonayey in uu hab uu kaga qayb galo shirka ku furmaya London, kaga qayb galo qaab qabiil. Arrintan oo uu kala kulmay waji gabax weyn. Isla maanta ayey ciidamada nabadiidka/Somalilandiidku ay saaka waabarigii weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciiddanka qarannka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaana u babac dhigay ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhirbaaxo weyn ku dhuftay. Waxaa tiro beelay dhaawacoogii iyo dhimashadoodii. Waxaana laga soo qabtay maxaabiis tiro badan.
©Somaliland1991





Somaliland1991
Like this:
Sawirro: Hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya oo lagu dilay ama dhegta dhiiga loo daray 21 Oktoober 2011
GIGNIIN DIGNIIN DIGNIIN DIGNIIN!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Waxa aanu aad iyo aad akhristayaasha uga digaynayaa sawirada aad halkan ka daawan doontaan ay yihiin qaar aan qurux badnayn ee haddii aanad eegi karin ka jeedso ama iska bedel maqaalka:
do to you?’ His last words were ‘Do you know right from wrong?’


A still from a video taken from the mobile phone of a rebel fighter shows Gaddafi, his face covered in blood, being dragged around by freedom fighters




nd’, although Foreign Secretary William Hague struck a more cautious note.

inankii uu dhalay Qaddafi waa Mutasim
Daawo sawirrada safiirka dalka Faransiiska u fadhiya dalka Jabuuti oo la kulmay madaxweynaha Somaliland
19 oktober, 2011 — somaliland1991 | Redigera
