Hargeysa: Lixda nin ee Ruushka ah oo la Xukumay
Maxkamadda Hargeysa ayaa min hal sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed ku xukuntay shaqaalaha iyo diyaaradda haatan lagu hayo Hargeysa.
Ismaciil Farjar | Hargeysa Khamiis, 30 December 2010
Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa maanta xukun ku ridday diyaaradda lagu hayo Hargeysa iyo waliba lix nin oo Ruush ah oo ahaa shaqaalihii waday diyaaradaasi.
Maxkamadda ayaa lixdan nin ku xukuntay min sanad xadhig ah oo ay iibsan karaan iyo 3 Malyuun oo lacagta shilin Soomaaliga ah oo u dhiganta $500 dollar. Diyaaradda oo nooceedu yahay Antanoof 32 ayaa lagu xukumay 23 Million oo shilinka Somaliland ah una dhiganta lacag gaadhaysa $4000 oo dollarka.
Maxkamaddu waxay sidoo kale xukuntay in xukuumadda Somaliland ay la wareegto dhamaan alaabooyinka Militari ee saaran. Maxkamadda Hargeysa waxay sidoo kale soo saartay go’aan ay Somaliland uga mamnuucayso inay dalka yimaaddaan shirkadaha Sarecen Internation, Puntland Development Group iyo shirkad Australian ah oo xidhiidh la leh.
Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay inay diyaaraddan iyo shaqaalaha la socdayba ay ku caddaatay inay ku soo xadgudbeen hawada dalka isla markaana ay alaabooyin milateri u sideen cid ka soo horjeedda Somaliland.
Diyaaraddan oo ka soo duushay dalka Koonfur Afrika isla markaana u socotay maamul goboleedka Puntand ayaa lagu xannibay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeisa 10 bisha December ka dib markii ay xukuumadda somaliland sheegtay inay ka war-heshay inay siddo alaabooyin milateri,.
Laba nin oo suxufiyiin ahaa oo diyaaraddan rakaab ahaan ula socday ayaa hore loo sii daayay.
Source: VOA Somali
Maxkamadda hargeysa oo xukuntay lix Ruush ah iyo diyaaraddoodii
30 december, 2010 — somaliland1991 | Redigera
Maxkamadda hargeysa oo xukuntay lix Ruush ah iyo diyaaraddoodii
Diyaaradda Ruush-ka ee Hargeysa lagu qabtayGudoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa maanta ku dhawaaqay in
Lix nin oo ruush ah ay midkiiba maxkamaddu ku xukuntay Min hal sano oo xadhig ah iyo min saddex million
oo shiling Somaliland ah oo ganaax ah, lacgtaasoo u dhiganta shan boqol oo dollar midkiiba.
Nimankan oo isugu jira duuliyaashii iyo shaqaalihii diyaarad qalab milleteri u siday Puntland oo 10kii
bishan lagu qabtay Hargeysa , waxay kaloo maxkamadu xukuntay in dhammaan qalabkii milleteri
oo ahaa direys iyo boojajka rasaasta iyo miinada lagu qaato in lala wareegay .
Diyaaradda oo ah nooca xammuulka ee Antanov 32 waxaa iyada lagu xukumay ganaax dhan 23 Million oo
Shilinka somaliland ah oo u dhiganta afar kun oo dollar .
Maxkamaddu waxay ogolaatay in xabsiga lixda nin lagu xukumay ay lacag ahaan ku beddelaan karaan.
qareenka nimankan difaacaayay Khadar Maxamed Guuleed ayaa BBC-da u sheegay inaanay wax
rafcaan ah ka qaadanayn xukunkan oo ay ku qanceen .
Maxkamaddu waxay sheegtay in lagu helay duuliyaashan iyo diyaaradoodaba inay ku soo xadgudbeen hawada Somaliland, una sideen iyagoo qarinaayay qalab milleteri malleeshiyo cadow ku ah xuduuda Somaliland oo puntland lagu tababaraayo.
Source: BBC Somali
Suxufiyiinta Koonfur Afrika u Dhashay oo si Xiiso Badan uga Sheekeeyey Muddadii ay Hargeysa ku Xidhnaayeen.
“Goob khaldan ayaanu xili khaldan tagnay..Waxaa noogu darnaa laba quraaradood oo Khamri ah oo diyaarada naga saarnaa..Sababtoo ah..”
Sheekada suxufiyiinta Koonfurta Afrika
Cape Town (Jam)- Laba suxufi oo u dhashay dalka Koonfurta Afrika oo muddo toban maalmood ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa, kadib markii lagu qabtay diyaaradda qalabka milatari siday ee madaarka lagu hayo, ayaa markii ay dalkooda hooyo gaadheen waxay si xiiso badan uga sheekeeyeen qaabka loola dhaqmay mudadii ay Hargeysa ku xidhnaayeen iyo waxyaabaha noloshoodu mudadaa tabaysay.
Warbixin dhinacyo badan leh oo wargayska Cape Times oo ka soo baxa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika shalay ka qoray sheekada xiisaha badan ee labada suxufi ee mudadda tobanka maalmood ah Hargeysa ku xidhnaa oo uu turjumay Maxamed Cirro oo bahda Jamhuuriya ka tirsani, ayaa waxay ku bilaaban tahay sidan;
“Labada suxufi ee reer Koonfur Afrika, Chris Everson iyo Anton van der Merwe, ayaa ciidammada ammaanka Somaliland kadib markii looga shakiyey calooshooda u shaqaystayaal, kuwaasi oo muddo toban maalmood ah ku xidhnaa Hargeysa, ayaa soo gaadhay Koonfurta Afrika markii xoriyadooda loo soo celiyey, iyaga oo si fudud u yidhi; ‘Goob khaldan ayaanu xili khaldan tagnay.’
Khabiir dhinaca filimada ah ooh ore sannadkii 1980-maadkii baahiyey ranshadihii ka dhacay maalada Cape Town iyo khilaafyadda ka jira dalalka Gacanka Carrabta, Afghanistan iyo Pakistan, ayaa sheegay in loo kaxaystay si ay filimo uga soo duubaan maamul-goboleedka Puntland.
‘Xog fiican nalagama siin hawsha aanu qabanayno xaqiiqo ahaan, marka laga reebo inay tahay tababaro la siinayo illaalada ammaanka, waxaannu tagnay magaalada Entebbe ee dalka Uganda, waxaanna la noo sheegay in aanu ku boodno diyaarad ay la socdaan shaqaale u dhashay dalka Ruushka, anaga oo aan ogayn wax diyaarada saran, cashar baana noo soo kordhay.’ Sidaa waxa yidhi; suxufiga Van der Merwe oo gurigiisa ugu waramay suxufiyiin booday.
Labada suxufi waxay u shaqanayeen telefishanka Maraykanka ah ee CBS, laakiin, shaqadan waxa u soo diray nin ay saaxiib yihiin oo barnaamij soo saare ka ahaan jiray telefishanka CBS, Mr. Shawn Efran, kaasi oo hadda leh shirkad filimada soo saarta.
Waxay sii raaceen diyaarad Kenya laga leeyahay, taasi oo gaysay magaalada Entebbe taariikhdu markay ahayd 8 December 2010, iyaga oo isla maalintaa diyaar u ahaa inay raacaan diyaarad Ruushka laga leeyahay, laakiin waxa markii dambe loo sheegay inay iska joogaan ilaa 10 December, isla markaana ay sugaan diyaarad kuwa xamuulka ah oo Koonfurta Afrika ka imanaysa.
Chris Everson oo isna suxufiyiinta u waramay, ayaa yidhi; ‘Dadka kale ee diyaarada nala saarnaa waxay ahaayeen lix shaqaale Ruush ah oo aan luuqada Ingiriisiga garanayn, anaguna waxba kamaanu ogayn qorshaha duulimaadka aanu la soconay, waxaannu diyaarada saarnay ilaa 9 saacadood, iyada oo nala soo martay magaalada Addis Ababa, saddex saacadood kadibna waxaanu ka degnay Hargeysa oo diyaaraddu shidaal ka qaadanaysay.
Albaabka dambe ee diyaaradda ayaa la furay, anaguna waanu sugaynay, niman dirays xidhan ayaa noo yimi, waxayna baadheen alaabtii diyaaraddu siday, waxa saxaaradaha laga helay shaadhadh iyo kabo buudh ah iyo qalabka baabuurta hoostooda lagu baadho, alaabooyin kale oo aan waxyeelo lahayn ayaa laga helay oo aan kuwa millatariga ahayn, aniguse maan garanayn waxa ku jira saxaaradaha diyaaradda saarnaa, dabadeedna si kedis ah ayey noo yidhaahdeen ‘Waad xidhan tihiin.’
Ciidammada ammaanku waxay suxufiyiinta iyo shaqaalihii diyaaradaba u qaadeen hudheel, waxayna ka qaadeen telefoonnadii gacanta, kombuyuutaro iyo telefoonnada satalaytka, iyada oo shaqaalaha hudheelka ku amray in aanay cidina u gelin, telefoonnada lagula soo hadal. ‘Waxay yidhaahdeen shaadhadhka iyo kabuhu inay yihiin kuwo milatari.’ Ayuu yidhi weriye Everson.
Suxufiyiinta reer Koonfur Afrika iyo shaqaalaha Ruushkuba waxay ku doodeen in aanay waxba kala socon, isla markaana waxba ka ogayn waxa diyaaraaddu siday, laakiin ciddi uma joojin doodoodaasi.
‘Qof naga mid ahna looma ogolayn inuu ogaado waxa dhacay, laakiin Anton (mid ka mid ah suxufiyiinta), ayaa xasuustay inuu haysto telefoon jaban oo uu ka soo iibsaday dalka Kurdistan, dukaamo yaryar ayaa ku dhawaa hudheelka aanu ku jirnay, waxaanan ka soo iibsaday kaadh telefoon, waxaanan noo suurtogashay in aanu la hadalno qaysaskayaga, taasi oo dahab noo ahayd,” ayuu yidhi; Everson.
‘Waxa hudheelka nagula jiray nin u dhashay dalka New Zealand, waxaan qortay waraaq yar, waxaan u sheegay qofka aan ahayn, aniga oo tusay aqoonsigayga suxufinimo, waxaanan ka codsaday inuu qoraalka yar E-mail iigu diro xaaskayga.’
Hudheelka ayaa lagu xanibay oo haddii ay albaabka u dhawadaan waxa soo celinayey askar haysatay qoryaha AK-47-ka. ‘Murugo ahaan waxaanu aad uga xumayn laba quraaradood oo khamriga Wiskiga loo yaqaano ah oo diyaarada naga saarnaa oo aanu aad u tabaynay, maxaayeelay meeshu waa goob qalalan.’
Maalmo ka bacdi xidhiidhiyaha kooxda kormeerka Golaha Ammaanka u qaabilsan Soomaaliya Mr. Matt Bryden, ayaa Hargeysa yimi, kadib markii uu codsi ka helay xukuumadda Somaliland. Waxaanu sheegay in Soomaaliya ay saran tahay cunaqabatayn dhinaca hubka ahi, isla markaana xamuulka diyaaradda saarani yahay qalab milatari.
‘Waxa uu nagu yidhi: ‘Waad xidhan tihiin oo waa la idin maxkamadaynayaa, haddii aan sheekadiina ku qanci waayo, si kooban ayaan ugu gudbin doonaa, haddii aan idhaahdo waxaad tihiin wixii aad sheegateen inaad tihiin, taas waan odhan karaa, dhibaatadana waa la xallin karaa,’ saacad iyo badh ka bacdi waxa uu nagu yidhi waan ku qancay sheekadiina, waanan arkayaa inaad inaad goob khaldan xili khaldan timaadeen, arrintaasina waxaan kala hadli doonaa masuuliyiinta Soomaalida, degdgena waa la idiin sii dayn doonaa,’ dabadeedna wuu naga tagay.
‘Wax dambi kamaanu maqal ilaa habeenimadii xigtay, waxaa markaa noo yimi niman ka socday CID-da, waxayna noo qaadeen goob aad u xun oo mugdi ah oo wasakh ah oo uraysa oo guluub yar oo qudhi xadhig ka soo laalaado, waxayna nagu yidhaahdeen ‘Halkan ayaad joogaysaan.’
‘Waxaanu ku jirnay nolol qurux badan, iyada oo arrimihu markii dambe nagu xumaadeen.’ Markii dambe waxa loo qaaday hudheelka Safari oo ay ku sugnaayeen muddo sideed maalmood ah. ‘Asxaab ayaanu ka samaysanay mudalabyada hudheelka oo ahaa dad aad u fiican, waxayna noo keeni jireen maangada iyo babayga ugu fiican.’
Xidhiidhiyaha kooxda kormeerka Golaha Ammaanka u qaabilsan Soomaaliya Mr. Matt Bryden, ayaa markii dambe u socdaalay dalka koonfurta Afrika, waxaanu xidhiidho la sameeyey dawladda South Afrika, masuuliyiinta Soomaalida iyo qoysaska suxufiyiinta xidhan. ‘Niyada ayuu noo dhisayey oo wuxuu ahaa nin cajiib ah xidhiidhiyihu (Matt Bryden), toddoba maalmood markii ay xidhnaayeen ayaa loo sheegay inay fasax yihiin oo ay iska tegi karaan.’
Jamhuuriya Online
Jamhuuriya Online Wasiirka Maaliyada Eng.Maxamed Xaashi Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Madaarka Magalada Hargeysa Kana Xog Waramay Xaalkadiisa Caacfimaad + SAWIRO
Hargeysa(OWN)- Wasiirka Maaliyada Somaliland Eng.Maxmed Xaashi Cilmi ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii Socdaal Caafimaad oo qaatay Mudo dhawr todobaad ah ugu maqnaa Wadanka Jabouti.
Wasiirka Maaliyada ayaa waxa Madaarka Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa waxa ku soo dhaweeyey Wasiirada ay ka mid yihiin Arimaha Gudaha Dr.Gaboose, Duulista Maxmuud Xaashi, Gaashaandhiga Axmed X Cali Cadami, Marwada Madaxweynaha Aamina Sheekh Maxmed Jirde, Shir Gudoonka Golaha Wakiilada iyo Suldaan Xasan Sul.Cabdilaahi iyo dadweyne Aad u tiro badan.
Maamulka iyo shaqaalaha Cisbitaalada Kan miltariga iyo Samra ee magaalada Jabuuti.
Wasiirka Maaliyada ayaa waxa markii uu ka soo dhagay Madaarka waxa uu Qolka nasashada ee ugu waramay Warbaahinta waxana uu sheegay in xaaladiisa Caafimaad aad u wanaagsan tahay. isla markaan Ducadii shacabka reer Somaliland ay u Cucaynayeen ILHAAHAY ka qabalay oo isaga oo Caafimaad qaba uu dalka dib ugu soo laabatay, waxa kale oo uu Wasiirku u mahad naqay Wasiirka Waxbarashada Marwo SamSam Cabdi Aadan oo ka qayb qaadatay qaaditaanka loo qaaday wadanka Djabouti, iyo Ganacsada Maxamed Saciid Geedi(MSG) oo soo diray diyaarada dagdaga ahayd ee u qaaday Djabouti, waxa kale oo uu Wasiirka Maaliyadu Eng. Maxmed Xaashi u mahad celiyey dadweynihii ka qayb qaatay Ducadii loo duceeyey iyo Soo dhaweynytiii lagu soo dhaweeyey Djbouti iyo Hargeysa ee lahaa Busho weynrta, dhakhaatiirta, asaxaabta Iyo qaraabada.
Waxa kale oo uu Wasiirka Maaliyadu si gaara ugu mahad celeiyey Maareeyahay Baanka Djabouti Md.Jaamac Xayd, Axmed Cismaan Geelle Arab, Maxamed Aw Saciid, iyo Maamulka iyo shaqaalaha Cisbitaalada Kan miltariga iyo Samra ee magaalada Jabuuti.
Saddam Mohamed Ahmed
Oodweynenews.com/ Hargeysa Office
Xogo Caddaynaya Lacagta ku Baxaysa Tababarka Shirkadda Ajaanibka ahi ka Wado Puntland iyo Qorshe Dawladda Sheekh Shariif la Maagan Tahay Somaliland
Nairobi (Jam)- Xogo caddaynaya dhaqaalaha lacageed ee ku baxaya hawlgal shirkad calooshooda u shaqaystayaal ahi ku tababarayso maleeshiyaad reer Puntland ah iyo weliba shirqoollo dahsoon ka dhan ah madaxbannaanida Somaliland oo ay wado dawladda Sheekh Shariif, ayaa si cad u soo ifbaxay.
Wargeyska The EastAfrican ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa soo bandhigay warbixin uu si faahfaahsan ugaga hadlay qorshaha lagu tababarayo maleeshiyaadka Puntland, shirkadda wada iyo ujeedooyinka ka dambeeya.
Wargeysku waxa uu sheegay in shirkadda Saracen oo uu madax ka yahay nin ay walaalo yihiin Madaxweynaha dalka Uganda oo la yidhaahdo Salim Saleh ay si buuxda lugaha ugula jirto Soomaaliya, isla markaana ay maamul-goboleedka Puntland u tababarayso maleeshiyaad fara badan, kaas oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa ilaa $10 milyan oo doollar (toban milyan oo doollar).
Warbixintu waxay shaaca ka qaaday in dawladda Sheekh Shariif ku hawlan tahay qorshe maamul-goboleedka Puntland loogu ciidamo xooggan oo la dagaalama Al-shabaab-ta ku sugan buuraha Galgala, kadibna dagaal ku qaada Somaliland, “Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in dawladda ku-meelgaadhka ah ee Soomaaliya doonayso in Puntland loo dhiso ciidammo ay kula dagaalanto Al-shabaab-ta buuraha Galgal, kadibna dawladda ku-meelgaadhku dagaal ku qaado Somaliland, gobollada Waqooyi/galbeed ee madaxbannaanidooda ku dhawaaqay. Waa xaalad khatar ku ah Kampala (xarunta dalka Uganda) oo ciidammada nabad-ilaalinta ee ugu badani ka joogaan dalka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warbixinta Wargeyska The EastAfrican.
Waxa kale oo wargeysku warbixintiisa ku xusay in hawlgalka shirkadda Saracen ka wado dalka Soomaaliya uu yahay mid gebi ahaanba ka horimanaya shaqada ciidammada nabad-ilaalinta ee Amison ka hayaan Soomaaliya, isla markaana halis ku ah.
The EastAfrican waxa uu sheegay in bulshada caalamku ka walaacsan tahay hawlaha shirkadda Saracen wado, arrintaasna shir laga yeeshay, waxaannu yidhi, “Toddobaadkii hore wakiillada heer caalami ee shirkadda Saracen waxay la kulmeen diblumaasiyiin sare oo ka kala socday Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo saraakiil ka socday xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, si loo sharraxo halka ay gaadhsiisan yihiin hawlaha Saracen ka wado Soomaaliya, laakiin kulankaas Nairobi waxa uu keenay su’aalo badan oo aan ilaa hadda jawaabo loo hayn. Haseyeeshee, diblumaasiyiintu waxa anfariir ku dhacay markii shirkadda Saracen qiratay inay jebisay nidaamka oo ay qaadatay doorkii Amison.”
Jamhuuriya Online
Hadhwanaagnews) Monday, December 20, 2010
Hargeysa(HWN):-Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa Sheegay inay soo dhaweynayaan Shirka IGAD u qabatay hay’adaha horumarinta ee Somaliland iyo Puntland, isla markaana fariin u diray aqoonyahanadii ku shiray Jamhuuriyada Jabuuti.
| Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar |
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka hadlayey Dayuuradii siday Saanada Military ee sida sharci darada ah dalka u soo fadhiisatay ayaa waxa uu yidhi “Xaaladu waxay mareysa guddidi arrintan [Dayuurada] Madaxweynuhu Md. Axmed Maxamed Macamuud [Siilaanyo] u saaray fadhiyo badan ayaanu yeelanay, oo arinta ku saabsan waxaana gacanta ku haya hawshan ciidanka baadhista Danbiyada ee CID-da, baadhistiina weli way socota, hasayeeshe arrinta dadkii saarna diyaarada iyo waxa ay sidayba waxa loo gudbiyey xera-ilaaliyaha qaranka, oo arrintaasi imika waxay ku jirta dhinaca Sharciga, waxaanan rajeynayna inay arrintaasi dhawaan soo afjaranto,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Cabdilaaji Cumar oo ka hadlayey halka ay mareyso arrimihii dayuurada Siday saanada Military ee sida sharci darada ah u soo fadhiisatay Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport.
Mar Wasirka la weydiiyey Su’aal ahayd,Guddidan aad guddoomiyaha u tahay ee ka kooban adiga [Dr. Maxamed] Wasiirka arrimaha gudaha, iyo taliyayaasha ciidamada bal faah-faahin naga sii waxa la leeyahay diyaaradu waxay sidaa sanaad Military markaad baadheen ee aad aragteen maxay sida? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Horta markii ay diyaaradani timid waxaanu xidhiidh la sameynay xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan Security Council-ka ee nabadgelyada oo aanu ku wargelinay in aanu aaminsanahay inuu jiro raad muujinayaa in qalabka diyaaradani sido oo ah Dhar military inay mujinayso ama ka hor imanayso go’aankii ka soo baxay guddida nabadgelyada ee jimciyada quruumaha ka dhaxeysa ee mamnuucayey Ganacsiga, qalabka Military, sida hubka, dharka Military-ga iyo noockasta oo ka mid ah qalab Military in loo raro mandaqada Geeska Africa. Marka aanu arrinta aragnay waxay Wasaarada arrimaha dibadu u yeedhay, oo aanu dalbanay inay halkan yimaadaan khubaro ka tirsan Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa Golaheeda nabadgelyada, baadhitaana ay sameeyaan.
Baadhitaankii halkaasi ka soo baxay waxay natiijadiisi muujisay in qaraarka Numberkiisu yahay 733, oo ka soo baxay Golaha amniga ee jimciyada quruumaha ka dhaxeysa ee mamnuucayey arrimahaasi inay meel ka dhac ku tahay alaabta diyaaradaasi siday oo ah direys Military-ga dagaalama ay xidhaan.”
Sidoo kale mar iyana la weydiiyey Wasiirka Su’aal ahayd, In Khubarada ka socotay qaramada midoobay ay u tageen dayuuradii iyo waxa ay ka yidhaahdeen? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Khubarada ka socotay Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa waxay baadhid buuxda ku sameeyeen qalabkii diyaaradaasi siday,waxay Sawiro ka qaateen oo ay baadheen alaabtii diyaaradu siday, waxay wareysteen dadkii diyaarada saarna, waxaanay muujiyeen huhunkii ay markii horeba xukuummada Somaliland ka qabtay, inay arrintani meel ka dhac ku tahay qawaaniin caalami ah, oo aanu annaguna [Somaliland] u hogaansanahay ilaalintiisa, ayuu baadhitaankoodu muujiyey.Waxaana imika la wadaa warbixin rasmi ah oo ku socota Golaha amniga ee Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa”.
Mar Wasiirku ka jawaabayey Su’aal ahayd,Halka ay diyaaradani ka timid? Oo Wararka qaar ku sheegeen Koonfur Africa, kuwo kalena tilmaameen inay Imaaraadka Carabta ka timid,? Waxa uu yidhi “Sida ay cadeeyeen ciidamada Somaliland ee baadhitaanka ku waday iyo khubaraduba, Diyaaradan waxa laga leeyahay dalka Armenia, waxaanay xarunteedu ahayd Magaalada Shaariqa, Waxay diyaaradani ka soo duushay dalka Yuganda, waxaanay ku socotay maagaalada Boosaaso ee Maamul Goboleedka Puntland, waxaanay ku hakatay oo ay soo fadhiisatay iyada oo aan marin sifaha sharciga caalamiga ah Magaalada Hargeysa, kadib markii ay sheegatay inay Shidaal la’adahay, taas oo hawlwadeenadii Waaarada Duulista hawada ay u ogolaadeen inay soo fadhisato si ay Shidaal u qadato, taas oo ah mid baal-marsan nidaamka Somaliland, taasina waa dembi laakin dambiga taas ka weyni waxa weeyaan waxa ay siday diyaaradani ayaa ka horimanaya qaraarkii 733 ee ka soo baxay Golaha amniga ee qaramada midoobay, waana taa ta ay Somaliland ka ashkatoonayso ee ay dacwada ka gudbisay,imikana waxa arrintaas gacanta ku haya oo iska kaashanaya xukuummada Somalland iyo jimciyada quruumaha ka dhaxeysa dhawaana waanu soo gebagabaynayna arrinta diyaarada.”
Mar uu Wasiirku ka jawaabayey inay jiraan Dawlado ama Shirkado kala soo xidhiidhay arrintan dayuuradan? Waxaanu ku jawaabay wasiirku oo uu yidhi “Ilaa imika Shirkado ama Dawlado Somaliland kala soo xidhiidhay ma jiraan,”.
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka jawaabayey Su’aal ahayd, Shirar loo qabtay aqoonyahanka Soomaalida oo lagu qabtay Jabuuti iyo Shir kale oo ay IGAD soo qaban-qaabisay loona qabtay Puntland iyo Somaliland, Shirkaas oo mucaaridku ku dhaliilay Xukuummada sida ay wax uga jiraan inuu faah-faahin ka bixiyo? Waxa uu ku jawaabay “Shir ay xukuummada Somaliland ka qeybgashay oo IGAD soo qabanqaabisay oo Jabuuti ka dhacay ma jiro, laakin waxa jira Shirar ay had iyo jeer IGAD soo qabanqaabiso oo loo qabto hay’adaha dhinaca horumarka ka shaqeeya ee madaxa-banaan, sida NGOs-ka, Jaamacadaha, waana arrin aanu soo dhaweynayno in hay’adaha madaxa-banaan ee dhinaca horumarka ka shaqeeya ee Gobolku iskaashi yeeshaan, arrimaha caamka ee inawada Saameeya, laakin ma jiro Shir dawladeed ama Siyaasadeed oo ay Somaliland iyo maamul kale kawada qeybgaleen oo Jabuuti ka dhacay. Shirka kale ee aqoonyahanka Soomaalida u socda waanu maqalnay, waxaanu gaar u yahay sidii mushkilada Soomaaliya loo darsi lahaa ee afkaar wax ka tarta loo soo saari lahaa, wanaan soo dhaweynayna in xal loo helo mushkilada Soomaaliya, laakin waxaanu aqoonyahanka kula talinayna inay fikirkooda ku koobaan xal u helida arrimaha Soomaaliya, oo aanay wax qadaf ama deel-qaaf ku ah Somaliland u geysanin,”
“Sida laga wada war-qabo bisha soo socota waxa dalka Suudaan laga qabanayaa Afti, lagu weydiinayo shacabka Koonfurta Sudan inay doonayaan inay ka go’aan dalka Suudaan iyo in kale, haddii ay u dhacdo in shacabka Koonfurta Suudaan ay doortaan inay ka go’aan Suudaan inteeda kale, taasi waa arrin rajo-weyn u fureysa qadiyada Ictiraaf doonka Somaliland, wanaan soo dhaweynayna”ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shalay u waramayey Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.
Mustafe-Janaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email:janaale94@gmail.com
Xaabsade Oo Sheegay Inaan Xuduudaha Somaliland Lagu Badali Karin Isir Iyo Wada Dhalasho, Madaxweynaha Puntland-na Uga Digay Inuu Ku Soo Xad-Gudbo Sool Iyo Sanaag
“Xidhiidha Somaliland Iyo Itoobiya Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Haya Waana Kolba Sida Uu U Dhigo, Haybtu Macno Ma Laha Dhulkana Sharci Iyo Xuduud Baa Yaala, Faroolena Shaqo Kuma Laha Sool Iyo Sanaag” Axmed Cabdi Xaabsade
Hargeysa, December 20, 2010 (Haatuf) – Guddoomiyihii ugu horeeyay ee golaaha wakiilada Somaliland ee shirkii Boorame lagu soo dhisay 1993-kii Xukuumaddii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Axmed Cabdi Xaabsade ayaa uga digay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole inuu ku soo xad-gudbo xuduuda Somaliland gaar ahaana Sool iyo Sanaag.
Isaga oo intaa ku daray, in xuduudii Somaliland ee 1960-kii taalo, isla markaana aan lagu badali Karin Isrir iyo hayb toona.
Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade waxa kale oo uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo ay ku xidhan tahay kolba sida uu u dhigo xidhiidhka Somaliland ka dhexeeya dalka Itoobiya, isagoo ugu baaqayna, in dawladaha Geeska Africa oo dhan cilaaqaad siyaasadeed lala yeesho. Axmed Cabdi Xaabsade oo aanu shalay galab khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay isaga oo ku sugan magaalada Laascaanood oo ka soo laabtay shirkii nabadaynta ee lagu qabtay dalka Itoobiya, isaga oo ugu horayn aanu weydiinay sida uu u arko khilaafka golaha wakiilada ka aloosan, waxa uu yidhi “Hadaad tihiin Baarlamaankii dalka idinkaa dalka xukuma, sharci dajintii waa idinka go’aankana idinkaa leh, ummadu golihina ayay ka toosi kartaa ama ka tabi kartaa, waxaad haysaan taladii dalka haday musuqmaasuq tahay, sharci toosin tahay, haday maamul wanaag tahay idinkaa dalka xukuma, xukuumada idinkaa sharciga u haya haday qaloocato idinkaa toosin kara, haday wanaag tahayna idinkaa hogaamin kara waxaan idin leeyahay iska ilaawa hebel baa sidana iyo hebel baa qalad wada iyo hebel baa xisbigan ah mar haddii aad gole Baarlamaan aydin noqoteen gole qaran baad noqoteen ee ka baxa qof diid iyo qof jeclaysi, haddii hogaamintu idinka xun tahay hogaamin wanaagsan samaysta oo wax ku oola, waxaan idin leeyahay iska daaya shillimaad aad doontaan iyo lacag aad kordhisataan, dalku waxa uu ka dhismaa ama ka burburi karaa waa idinka, muddadii aan idinla joogayna Baarlamaan fiican maydaan ahayn, manaydaan lahayn hab-dhaqan Baarlamaan, waxaad ahaydeen niman iska soo hor jeeda oo maalinba u yaacaya, waxaan idin leeyahay ummada ka daaya jahawareerka oo dib iskugu noqda”
Mar aanu weydiijnay mushaharka xad-dhaafka ah ee ay korodhsadeen golaha wakiiladu iyo ciidamda iyo shaqaalaha oo aan wali loo kordhin, waxa uu kaga jawaabay “Horta arrintaasi ma fiicna inay golaha wakiiladu baahi muujiyaana maaha oo maalinba cid dilaalaana ma haboona inay waxaan meesha oolina isku kordhiyaana ma fiicna, wax noloshooda kaafiya haday helaan oo ay qaataana waxba lagama rabo, laakiin waxaan leeyahay ka daaya sida aad maanta wax u wadaan, ummaduna way idin eegaysaa waxaanad noqon doontaan niman naftooda uun u soo shaqo tagay, shaqaalaha iyo ciiidamadana mushaharka ha loo kordhiyo”
Mar aanu weydiinay sheegashada madaxweynaha Puntland ku doonayo Sool iyo Sanaag, waxa uu yidhi “Faroole shaqo kuma laha Sool iyo Sanaag iyagay u taalaa waxay yeelayaan nina u sheegi maayo, uga daba fadhiisan maayaan iyagay taladu u taala”
Mar aanu weydiinay sida uu u arko shidaalka uu doonayo in Faroole ka qoto deegaanada koonfurta Laascaanood ee la sheegay inuu ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah u keensaday, waxa uu yidhi “Taasi ma suurto galayso waxa shacabku doonayo ayuun bay noqonaysaa, Faroole-na ciidan uma soo kaxaysan karo”
Mar la weydiiyay, in damaca Faroole salka ku hayo Isir wada dhalasho oo uu ku sheegayano Sool iyo Sanaag bari, waxa uu yidhi “Hayb waa laysku noqdaa laakiinse sharci iyo dhul baa dad isku hayba ayaa dalal kale kala dagen, kuwo isku hayb ahina way wada dagan yihiin, haybtu macno malaha qabyaalada Ilaahay baa caayay, qabyaaladana dawlad laguma noqon karo, waxna laguma dhisan karo qowmiyada ayaa ka fiican, Somaliland xuduudo la yaqaano ayay leedahay oo lama taabtaana”
Mar aanu weydiinay xad-gudubka iyo dhul fidsiga maamulka Faroole ee bariga Sanaag, waxa uu yidhi “Faroole kuma soo xad-gudbi karo Somaliland Sool iyo bariga Sanaag”
Mar aanu weydiinay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeya sida uu u arko madaama uu safar nabadayna kaga soo laabtay kililka shanaad ee Itoobiya, waxa uu yidhi “Somaliland iyo Itoobiya xidhiidhkooda madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa haya, sida uu u dhigo ayuun bay noqonaysaa, in Geeska Africa oo dhan xidhiidh lala yeeshaana waa waajib”
Source: Haatuf
Booqashadii madaxweynaha Somaliland iyo soo dhawayntii sida heerka sare loo soo dhaweeyey
Daawo daawo video-gan
“WAYNU ABUURI KARNAA NOLOL” Qaybtii 1aad
Dawladda Ethiopia oo xidhaysa safaaradeeda dalka Sweden.
War ay maanta soo saartay wakaalada wararka ee dalka Sweden TT, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia ay xidhayso safaaradeedii ku taalay caasimadal ama xarunta dalka Sweden ee Stockholm. Arrintana waxay salka ku haysaa xidhiidhka labada wadan oo aan fiicnayn. Raysal wasaaraha dalka Ethipia ayaa sheegay bishii Ogos ee 2010, in ay safaardaas albaabada loo laabayo. Wararku waxay intaa ku darayaan waxaa laga yaab in qunsul yar ku bedesho xukumada dalka Ethiopia.
Somaliland1991
25 Oktober 2010



16 October, 2010 at 11:38 pm
Madaxweynha Somaliland, Ahmed Mohammed Mohamud Siilaanyo oo ka sheekaynya taariikhdii SNM iyo soo gelidii dalka ee 1988.
17 October, 2010 at 12:00 am
Taariikhdii madaxweynaha Somaliland, Ahmed Mohammed Mohammud Siilaanyo. daawsho wacan
17 October, 2010 at 12:02 am
Qaybtii 2 aad ee taariikhdii madaxweynaha Somaliland, Ahmed Mohamed Mohamud Siilaanyo.
17 October, 2010 at 12:14 am
The Hero of Hargeisa ….. Somaliland
Duuliyihii diyaarada Hargeysa waday ee loogu talo galay in ay rusheeyaan shacabka Somaliland
17 October, 2010 at 12:16 am
Sheeko Qiso iyo Layaab leh ninlaba dumara markaliya guursaday