piloten som vägrade att bomba sitt folk

Den stora hjälten, major Ahmed Mahamed Hasan (Ahmed Dhere) som var  strid pilot som jobbade för Siyad Barres regim. Kom pa besök förra veckan till Somaliland. Det var första gången pa 20 år han kom tillbaka till Hargeisa alltså efter 20 år. När kriget bröt ut Maj 1988 mellan dåvarande Somalias regering (regim) med spetsen Siyad Barre och SNM (Somali Natinal Movement).   

SNM som lämnade sina baser i Ethiopia efter de två länderna, Somalia och Ethiopia  kom överens om att  normalisera sina relationer. SNM erövrade stora delar av norra Somalia som numera heter Somaliland. De intog stora delar av Hargeisa 31 Maj 1988. Detta blev stor chock för diktatorn Siyad Barre, som hade makten  med järngrepp, efter han fick nyheten om SNM tog konroll över staden Hargeisa.  Han har gjort allt för att krossa både SNM och civilbefolkningen som stödde SNM.

Han har använt tunga vapen för att förstöra staden och med  stridplan, bomb plan. Ahmed Mohamed Hasan kom in i bilden här. Han var Strid pilot som flög från Mogadisho eller Bali Doogle som låg som var stora basen för  Somalias stridplan. Han och en kollega till flög med sin Mig 17 till Hargeisa. De har fått order om att bomba staden co civil befolkningen..  Ahme Hasan, hade bestamt innan han flog fran Mogadisho, han besamde att inte folja ordern om att bomba staden Hargeisa som hade 500 000 invanare. En del har flytt undan fran kriget ( jag och min familj av de som flydde fran Hargeisa da) men Stridplanen kom anda till de byar vi flyyde till och bombades oss, den har historian kan jag ta en annan tillfalle, den ar en av varsta upplevelsen i mitt liv. Annu an  idag far jag mardrommar om just kriget, stridplanen. Det ar faktiskt svart att koppla bort fran det dar man har varit med om) .

En av somalilands stora dags tidningen Haatuf, hade en exklusiv intervjue med honom. Jag ka forskoka sammanfatta av intervju

 

G/Dhexe, Axmed Dheere: Duuliyihii Keli Ahaa Ee Damiirkiisu U Diidday Amar Lagu Siiyey Inuu Duqeeyo Dadkii Deganaa Magaalada Hargeysa Oo Uu Madaarkeeda Ka Duulay

“Milateri Waxaan U Ahaa Wadanka Inaan Difaaco, Balse May Ahayn Dhaartaan Ku Dhaartay Inaan Shacabka Iyo Wadanka Qayb Ka Mid Ah Garaaco”

“Bambooyinka Waxaanu Ka Qaadanay Madaarka Hargeysa Isla Magaalada Geesteeda Kalena In Lagu Duqeeyo Ayuu Amarku Ahaa”

Hargeysa, June 19, 2008 (Haatuf) – Duuliyihii keliya ahaa ee damiirkiisu u diiday inuu duqeeyo dadkii rayidka ahaa ee deganaa xaafaddo ka mid ah magaalada Hargeysa oo uu madaarkeeda ka duuliyey diyaarad nooceedu ahayd MIG 17 nooca Bambooyinka tuura oo ay lahayd dawladdii siyaad Barre ee dagaalka iyo gumaadka kula jirtay shacabkeeda oo doraad booqasho ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa ka waramay dhacdadaasi iyo go’aan qaadashadii geesinimada lahayd ee uu kaligii ka muujiyey xasuuqii iyo duqayntii loo gaystay shacbiga reer Somaliland xilligii uu socday dagaalkii dib u xoraynta ee ay xoogagii SNM ku soo galeen magaalooyinka waaweyn sannadkii 1988.

Axmed Maxamed Xasan oo xilligaas darajadiisu ahayd Gaashaanle dhexe oo ka tirsanaa ciidamadii cirka ee Jamhuuriyaddii Somalia laysku odhan jiray oo wakhtigaa ka hawl-geli jiray saldhigii ciidanka cirka ee Balli-doogle ayaa waxa uu sheegay in isaga iyo Duuliye kale ay wadeen laba diyaaradood oo nooceedu ahaa MIG 17 laga soo diray magaalada muqdisho si ay hawl-galo Duqayn ah uga fuliyaan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, bishii July 1988, wakhtigaasi oo dagaal qadhaadhi ka socdey Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyo meelo kaleba kaas oo u dhexeeyey xoogagii SNM iyo Ciidamadii taliskii Siyaad Barre, hase yeeshee uu ka goostay,kadib markii uu Diyaaradii uu wadey ku tuuray Xeebta Dalka Djibouti.

Mr. Axmed oo qaar ka mid ah warbaahinta shalay ugu waramayey magaalada Hargeysa, waxaa uu sheegay in go’aanka uu ku gaadhay inuu ka goosto dawladdii Siyaad Barre aanu ahayn mid ku dhashay markii uu Hargeysa yimid, balse uu ahaa mid uu goostay markii lagu amray isagoo jooga saldhiga Balli-doogle inuu ka qaybgalo Duqaynta lagu hayey dadkii rayidka ahaa ee deganaa magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Shacbiga reer Somaliland ayaa intooda badani abaal ugu hayaan Mr Axmed tallaabadii uu ku badbaadiyey dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Haddaba waraysigaas oo ahaa mid kooban ayaa waxaa uu u dhacay sidan:
S: Waa sidee Dareenkaagu labaatan sanno dabadeed markii aad ku soo noqotay Hargeysa?
J: Shucuurtaydu waa mid aan la soo koobi Karin, runtii maalintaas magaaladu (Hargeysa) waxay ahayd magaalo bahalo-galeen ah (Ghost town) oo laga naxo, maantana waxaan arkaa magaalo nolol Iftiin iyo khayr badan leh waana Illaahay mahadii.

S: Sida laga warqabo maalintaas wakhti dagaal baa lagu jiray, adiguna waxaad ka mid ahayd saraakiil ka tirsan ciidanka cirka oo lagu amray inay ka qayb gaybgalaan dagaalkii Hargeysa ka socday, markaa bal nooga waran cidda kula socotay, inta diyaaradood ee aad ahaydeen, halkaad ka duusheen iyo amarkii la idin siiyay waxa uu ahaa?
J: Markaan si kooban kuugu sheego, halkan Hargeysa waxa sii joogay dhawr diyaaradood oo dagaalka ah, anagu laakiin qaybtayada oo ahayd MIG 17, waxaanu ku ahayn laba diyaaradood, horese waxaa u sii joogay diyaarado kale oo qaar MIG 19 ahaayeen qaarna ay ahaayeen Hawk Hunter, labadayadaa diyaaradoodna waxaanu ka nimi maalin ka hor maalintii aan goostay ama si kale aan u idhaahdee maalintii saddexaad ee aan muqdisho ka sokeeyay ayaan ka goostay Awaamiirtu way iska caddayd maxaa yeelay anagu labadii diyaaradood ee ugu dambaysay ee aanu ku nimid waxay ahaayeen MIG 17, diyaaradahaas oo awood u leh inay xambaaraan bambooyinka, diyaaradihii naga horeeyay oo aan qaadayn bambooyin, ayaa kuwan loo adeegsanayay inay bambooyin qaadaan, taas ayaa amar nalagu siiyay inaanu garaacno magaalada (Hargeysa) qaybo ka mid ah oo ay markaasi degenaayeen shacab iyo jabhadii SNM ee markaas ku jirtay oo isku dhex jira.

S: Markaa go’aanka adigu aad qaadanaysay inaad kaga baxsatid oo aanad hawlgalkaas fulinin goor muu kugu dhashay sideese u qaadatay go’aankaas?
J: Go’aankaas markaan soo baxaayeyba oo aan halkaas joogay, anigu waxaan ka imi Bali-doogle, halkaas baa layga yeedhay waanan sii ogaa hawlgalka oo waa la ii sheegay inaanu diyaaradaha Muqdisho ka kaxayn doono oo ay yaallaan oo aanu markaas Hargeysana dagaal u tagi doono, go’aankaygu wuxuu ahaa inaanan marna dagaalkaas ka qayb-galin oo aanan hawshaas fulin, go’aankaygu wuxuu ahaa marka lay sheegaba, inaan go’aankaas isla markiiba uu ahaa midaan qaato, laakiin fulintiisu waxay soo gaadhay markaan imi halkan, balse go’aanka waxaan ku qaatay marka amarka la I siiyeyba inaan ka qayb-galin dagaalkaas.

S: Mar hadduu dagaalkaasi ahaa mid waajib ah sida ay saraakiisha kaleba ku doodaan ee ay u fulinayeen sida amarka laydin ku siiyay sababta adiga kugu kaliftay inaad go’aan gaadhid oo aad ka goosatid maxay ahayd?

J: Wallaahi horta amar milateri wuu jiraa oo milatariga amarkiisa waa la raacaa, laakiin waxaa ka horeeya anigu milatari waan ahaa laakiin milateri waxaan u ahaa wadanka inaan difaaco, balse may ahayn dhaartaan ku dhaartay inaan shacabka iyo wadanka qayb ka mid ah garaaco, sidaas darteed awaamiir layguma siin Karin shacabka inaan garaaco, mana aaminsani inay awaamiir sax ah tahay taas darteedna waxaan goostay inaan ka goosto.

S: Go’aanka aad qaadatay bal in yar dadka uga sheekee sidii aad u qaadatay, halkii aad martay, diyaaradii halkii aad kaga tagtay, hawl-galkaas sidii aad u samaysay?
J: Haddii aan soo koobo bambooyinka waxaanu ka qaadnay isla madaarka Hargeysa oo laga qaadanayay isla magaalada geesteeda kalena in lagu shubo sidaas ayuu amarku ahaa, anigu markaan la kacay, waxaan qaatay jihadda Djibouti anigoo markaas go’aan kaasi ahaa midaan hore u qaatay, laba diyaaradood baanu ku wada soconay, diyaaradii kale markay u leexatay xaga magaalada inay garaacdo ayaan anigu qaatay jihadii Djibouti anigoo markaan la simanahay ama wax yar dhaafay naasa hablood, ayaan bambooyinka halkaas ku tuuray iyagoo wata amaankoodii ama fuyuuskoodii, markaas ayaan si aan u dhawro shidaalka si uu ii gaadhsiiyo Djibouti ayaa toos ugu dhaqaaqay Djibouti.

S: Sidee laguugu ogolaaday Djibouti inaad fadhiisato, sideese u degtay?
J: Djibouti xidhiidh lama lahayn Raadaha oo kuma xidhnayn, mana haysan frequency-ga Djibouti, sidaas darteed markii aan madaarka Djibouti dhaafay muddo wax yar ahi soo noqodkiina waxa ii daarmay digniinta shidaalka (emergency) markaasna waxay noqotay inaad ka baxo oo aan ka boodo ama inaan dajiyo, kadibna waxaan helay meel xeebta ah oo lagu dagi karo, markaa halkaas ku degay, dabadeed waxaan helay kalluumaysato oo markaa I keenay ilaa magaaladda, halkaasna dawladii iyo dadkii si wanaagsan baa laygu soo dhaweeyay inaan la xidhiidho Qaramada Midoobay oo ay halkaas igu qaabilaan qolada UN-tu sidaasna aan ku baxay.

S: Majiraa wax khasaare ah oo soo gaadhay adiga naftaada iyo diyaaradii aad wadatayba?
J: Waxa jiray maalintii aan imid Hargeysa waxaan filayaa inay ahayd galab ilaa 5-tii anagoo laba diyaaradood ah maalintaas waxba nalooma duminayo habeenkaas oo waan hoyanay, maalintii ka dambaysay waxaan u sheegay diyaaradii in cilad qabto si ciladii looga hagaajiyo maalintaasna ciladii baa laga hagaajiyey oo maalintaa shaqo diyaarada dayac-tirkeeda ah baa lagu jiray maalinta saddexaadna waa maalintii naloo diray bambooyinka inaanu qaadano, ee aan tegayo.

S: Muddo badan ayaa wakhtigaa ka soo wareegay, ina wax war ah ma ka haysay fidradda ay kaa qabaan dadka reer Somaliland?
J: Haa way jiraan oo dibadaha waanu isku aragnay dadka ree Somaliland, runtii go’aankaa oo iyaga la ahayd inaan anigu wax wayn sameeyay, laakiin anigaa xaqiiqdii wax weyn ilama aha sababtoo ah dad walaalahay ah inaan ka tago anigoon waxba u qaban karin, ta kaliya ee aan samayn karayay waxay ahayd inaan ka badbaadiyo dhibaatada aan anigu wado, laakiin inaan wax qabtay ama wax layaab leh inaan sameeyay ilama aha, balse runtii iyaga waxay ugu muuqatay inaan wax weyn sameeyay.
 

intan suaashan waxaanka soo xigtay geeska Afrika

S- Maxaad dareemaysaa imirika Hargaysa maxaad odhan kartaa Ummada reer Somaiiland?
J-Waxaan dareemayaa nolol iyo wanaag badan oo ka muuqda iyo magaalada Hargaysa oo ahayd magaalo goosha sidaan here idiinky sheegay, heddaoa wsxaar dareemayaa farxad, wanaag iyo nolol in ay ka muuqato. waxaanar ILLAAHAY (SW) uga rajaynayaa in uu uga siyaadiyo khayrkaas.

Xigaal Wargaska Geeska Afrika Cadadka 441aad


About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: