Rayiga dadweynaha codeeyey doorashadii Somaliland 26 Juun 2010

//www.youtube.com/watch?v=WGMPr_0crOg

Waqti Somaliland National Tv

Sawiro Doorashada Somaliland 26 june 2010

26 June 2010 the 50th anniversay of Somaliland independence Day 1960

A Brutal dictator, Siyad Barre killing his own People

Goob-joogeyaasha Caalamiga ah The election obsevers 26 June 2010

Somaliland Making ‘Good Progress’ In Run-Up To Presidential Elections

Hargeysa, Somaliland, June 19, 2010 (SL Times) – Catholic development agency Progressio, the Development Planning Unit at UCL and Somaliland Focus (UK) say good progress is being made towards the holding of Somaliland’s long-delayed presidential elections on the scheduled date of 26 June 2010.
The three organizations, whose advance mission is now established in Hargeysa, were invited in January 2009 by Somaliland’s National Electoral Commission (NEC) to act as coordinators of the international observation mission for presidential elections in the internationally-unrecognized Republic of Somaliland.
They said recent months have seen rapid progress towards a free and fair election, a “clear indication”, they said, of the effectiveness of the new NEC put in place after the parties agreed to a revised timetable for elections.
Since campaigning started in early June, there have been no major campaign-related incidents of violence. The agreement between the three parties to hold rallies on separate days appears to be holding. In security terms, an incident involving alleged political Islamists in the town of Burco in early June regrettably resulted in the death of a member of Somaliland’s police force. This has given cause for concern in the context of threats to disrupt the election, but also demonstrates the preparedness of the Somaliland population and police.
The coordinators warn that there are still outstanding logistical issues that need to be resolved around the security of observers, which are essential for the mission to proceed.
Michael Walls, a joint coordinator, said: “We hope to have around 70 international observers from a wide variety of countries, along with 800 local counterparts.
“Naturally, we are actively monitoring the security situation in order to ensure that a balance is maintained between the widest possible coverage of the poll and the personal security of the observation teams.”
His colleague, Dr Steve Kibble, said: “We are encouraged by the overwhelming desire of the people of Somaliland to see a peaceful election, recognized as such both nationally and internationally. At this stage, we expect that such an outcome can be achieved.”

Sources: Somaliland Times

Mac-hadka Maraykanka ah ee IRI oo Warbixin Qurux Badan ka Diyaariyey Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Mac-hadka Maraykanka ah ee IRI oo Warbixin Qurux Badan ka Diyaariyey Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa (Jam)-Weftigii ugu cuslaa goob-joogayaasha caalamiga ah ee doorashada madaxtooyada Somaliland oo ka socday mac-hadka Maraykanka ah ee IRI (International Republican Institute), ayaa warbixin qiimo badan ka diyaariyey hannaanka ay u dhacday codbixintii doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay maalintii Sabtida ee 26 June 2010.

Weftiga ka socday IRI oo ka kooban 19 xubnood oo ay hoggaaminayaan Richard S. Willamson oo hore u ahaan jiray safiir ka tirsan Qaramada Midoobay, haddana ah ergayga gaarka ah ee madaxtooyada u qaabilsan dalka Sudan iyo Constance Berry Newman oo ahaan jirtay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda u qaabilsan Afrika, ayaa warbixin ay doorashada ka qoreen ku sheegay mid qiimo weyn iyo sumcad u kordhinaysa Somaliland, isla markaana tusaale fiican u noqon doonto dalalka kalee mandaqadda, iyaga oo xisbiyada iyo dadweynahana ugu baaqay inay si miyir qabta u sugaan natiijada kama dambaysta ah, xisbiga guulaystana lagu hambalyeeyo.

“Labaatankii sanno ee la soo dhaafay nabadu waxay Somaliland u ahayd astaan u gaar ah oo ay ku faanto¸ waxayna IRI ogaatay in doorashadu aad ugu weyntahay dadweynaha, murrashaxiinta tartamaya iyo Guddida Doorashooyinka, kuwaasi oo dhammaantood og qiimaha ay dal ahaan u leedahay doorashada oo si xor iyo xalaal ah u dhacda, codayntii maalintii Sabtidana waxay dadweynaha reer Somaliland soo bandhigeen xammaasadda iyo taageerada ay u hayaan dimuqraadiyada iyo qarannimada dalkooda.

Waxyaabihii dhacayey doorashada ka hor iyo ololihii xisbiyadu sameeyeen waxay ahaayeen qaar si qurux badan u socday, iyadoo murrashaxiintu farriintooda gaadhsiiyey gobolka kast oo ku yaal Somaliland, meelo ay toos u tageen iyo goobo dadweynaha farriimaha u mariyeen warbaahinta madaxabannaan, hasayeeshee waxa jira cabashooyin la xidhiidha in xisbiga talada haya ee UDUB oo ololaha u adeegsaday hantidii qaranka ee ummadda ka dhexeysay sida Telefishanka Qaranka iyo gaadiidka dawladda.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay u qalmaan ammaan weyn. Waxay diyaariyeen kaadhadhkii codbinta ee loogu talogalay dadka isku diiwaangeliyey doorashada, waxay diyaariyeen agabkii loo baahnaa maalinta codaynta oo dhammaystiran, kuwaasi oo weliba si fiican loo maamulay.

IRI waxay ogaatay in hawlwadeennada goobaha doorashadu u shaqaynayeen hannaankii ugu shaqada adkaa ee ugu taxadarka badnaa xataa caalamka oo dhan, waxa hawsha gacanta ku hayey ardayda jaamacadaha oo tababar fiican la siiyey, waxa kale oo mac-hadka Maraykanka ah ee IRI ogaaday in wakiillo ka socday saddexda xisbi qaran ay goob kastoo doorashadu ka socotay ay ku sugnaayeen, taas oo ah habka ugu fudud ee la isaga ilaalin karo madmadaw iyo wax is-daba-marin ku timaad doorashada,” ayaa lagu yidhi warbixinta quruxda badan ee mac-hadka Maraykanka ah ee IRI ka diyaariyey doorashada madaxtooyada Somaliland.
Jamhuuriya Online

Ruug Cadaaga Ingiriiska Ah, Cabaas Idiris, Ex-John Drysdale Oo Doorashadii Codeeyey Kaddib Markuu Qaatay Jinsiyada Somalialnd

Ruug Cadaaga Ingiriiska Ah, Cabaas Idiris, Ex-John Drysdale Oo Doorashadii Codeeyey Kaddib Markuu Qaatay Jinsiyada Somalialnd

Hargeysa June 28, 2010 (Haatuf)-Odayga Caanka ah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Britain Cabaas Idiris, hore loo odhan jiray John Drystel, balse 2009-kii isaga oo caasimada somaliland ee Hargeysa ku sugan kaga dhawaaqay inuu diinta Islaamka qaatay, islamarkaana hore u qaatay jinsiyada Somaliland ayaa maalintii doorashada madaxtooyada ay dadweynaha reer somaliland u dareereen goobaha codbixinta doorashada inay codadkooda ka soo dhiibtaan, isaguna ka mid ahaa dadkii cidjooda ka dhiibtay goobta hoolka hay’da shaqaalaha ee magaalada Hargeysa.

Oday Cabaas Idiris ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay doorashada madaxtooyada ee ummada reer Somaliland u qabsoontay iyo dareenkiisa doorashada uu codka dhiibtay maadaama uu haysto dhalashada somaliland, isaga oo intaa ku daray inay doorashadani guul weyn oo Somaliland gaadhay ay tahay, islamarkaana u keenaysa dalka sumcad iyo horumar “maanta waxaan u imid halkan inaan ka qayb galo doorashada madaxtooyada oo aan codkayga ka dhiibto goobtan, waxaan aad ugu faraxsanay dadweynaha reer Somaliland ee u soo dareeray inay codadkooda ka dhiibtaan dorashadan waana guul ay gaadhay Somaliland, dalkana u soo jiidaysa sumcad horumarna ay ku gaadhi karto, markaa codkayga waan dhiibtay maadaama aan jinsiyada somaliland haysto”

Cabaas Idiris oo warbaahinta uga waramay wakhtigii ugu horaysay ee uu Somaliland yimaado, ayaa sheegay inuu dalka yimid 1943-kii isaga oo markaa ahaa askari Ingiriis ah, xilligaas oo Somaliland ka mid ahayd dalalkii uu Ingiriisku gumaysan.

“waxaan Somaliland imid oo iigu horaysay sanadkii 1943-kii aniga oo wakhtigaas ahaa askari Ingiriis ah”

Odaygan caanka ah oo shaaca ka qaaday 2009-kii inuu diinta islaamka qaatay.Islamarkaana magaciisii hore ee John Drystle u bedelay Cabaas Idiris ayaa hadda ku nool magaalada Hargeysa, isagoo ka madax ah hay’ada Cadastral Survey.

Odaygan Ingiriiska ayaa si wanaagsan ugu hadla luuqada Soomaaliga isagoo aqoon dheeraad ah u leh dhaqanka iyo hidaha reer Somaliland.

Sources: Haatuf


“Waxaan Leeyahay Sh .Shariif Marka Hore Muqdisho Midaynta Ka Keen Intaanad Ku Soo Boodin Somaliland Oo Bal Wacdigaaga Ka Bilow Muqdisho”

“Waxaan Leeyahay Sh .Shariif Marka

Gudoomiyaha Jaamacada Hargaysa Dr Bulxan

Hargeysa June 28, 2010 (Haatuf) – Guddoomiayaha Jaamacada Hargeysa Dr. Xuseen C/llaahi Bulxan, ayaa Jawaab Kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay madaxweynaha dawlada ku meelgaadhka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo Sheekh Shariif kaga hadlay doorashadii dalka ka dhacday oo uu ugu horayn Shariif ku hambalyeeyay doorashada u qabsoontay, balse intaa raaciyey midnimada Somali-weyn in loo hawl galo ay wax walba ka fiican tahay. isla markaana tilmaamay in Sheekh shariif hilmaamay inuu wacdigiisa ka bilaabo marka hore muqdisho oo uu isku keeno inta uu Somaliland gooni su taageeda eedaynayo.

Dr Bulxan ayaa intaa ku daray in dhibaatada ku dhacda Somalia tahay mid Somaliland soo gaadha, waxana uu u rajeeyay in Somalia doorasho sidan oo kale ahi ka dhaco, balse mutacalimkooda, waxgaradkooda iyo madaxdoodu fahmaan oo dadka dhibaatada ka saaraan.

“ Horta bilowgii waxaan soo maray goob badan oo doorashadu ka dhacaysay, waxa kale oo jirtay aradaydaydii Jaamacada Hargeysa oo 1800 arday ku jiraan hawlaha doorashada ayaa warkooda aan la socday, run ahaan hambalyo qalbi furan ayaan u fidinayaa shacbiga reer Somaliland, komishanka iyo  xisbiyada sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen doorashada.

Waxa shalay ii muuqatay inay dimoqraaadiyadu tahay xaq qof waliba u leeyahay aayo ka talintiisa ay u suuro gashay, shacabka reer Somalilandna waxay muujiyeen wax lala yaabo oo aad loogu farxo.

Laba iyo toban sano oo aan dalka joogay oo aan markii hore Mobile iyo tilfoono u keenay, khilaafaadka aan xalinayay dadkana aan dawaynayay dhib kastaa hayga soo gaadhee waxaan ogaaday in dadkani yihiin kuwii loo shaqayn lahaa. u qalma xaqna u leh.”  “Ta kale kolay ku tidhi kuteen way iska jirtaa, waxaan uga digayaa dadweynaha, axsaabta in iyadoo aanay komishanku soo saarin natiijadii doorashada ee kama dambaysta ahayd in la sameeyo xaflado iyo dabaal degyo lagaga hor dhacayo doorashada”

Dr Bulxun Mar uu kal hadlayay axsaabta doorashada ku tartantay inay ku qanci doonaan natiijada ka soo baxda doorashada, waxa uu yidhi “ Kolba heer ayay maraysay kolkii hore shacabka ayay maraysay, shacabku waxay muujiyeen inay dimoquraadiyada u qalmaan, imika murashaxiinta ku tartantay inay iyaguna sidoo kale ixtiraamaan natiijada komishanku soo saaro, komishanka oo runtii qabtay hawl aad u weyn oo aan ku hambalyaynayo hawshaasi wanaagsan ee ay qabteen oo lagu kalsoon yahay”

Dr Bulxan Mar uu ka hadlayay fariinta doorashadani u gudbinayso dalka Somalia iyo hadalo ka soo yeedhay Sh Shariif, waxa uu yidhi “Nabadgalyada iyo dimoqraadiyadu waa wax dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba yididiilo galinaya, Somalia iyagana waxaan Ilaahay uga rajaynayaa inay tan iyo wax ka badan-ba la yimaadaan, markaa iyagana waxaan u rajaynayaa mustaqbalka doorasho, wixii iyaga dhibaato gaadhaana waa wax anagana na soo gaadhay, kuwa mutacalimka ah iyo madaxdooda waxa loo baahan inay wax fahmaan, gaar ahaana madaxweynaha dawlad ku meelgaadhka ah Shekh Shariif aad iyo aad buu ugu mahadsan yahay hamblyadii uu Somaliland u soo diray, hase yeeshee waxogaa yar oo wacdiya ayuu ku daray oo ah midnimada. Waxaan leeyahay Sheekh horta marka hore Muqdisho midaynta ka keen oo intaanad ku soo boodin Somaliland bal wacdigaaga ka bilow Muqdisho oo isku keen, Somalia-na dadku nacadgalyo ayay u gaajoonayaane bal darsigaaga ku adkee.

Sources: Haatuf








Hore Muqdisho Midaynta Ka Keen Intaanad Ku Soo Boodin Somaliland Oo Bal Wacdigaaga Ka Bilow Muqdisho”

Somaliland Holds Credible Presidential Election

Somaliland Holds Credible Presidential Election

June 27, 2010
Hargeisa, Somaliland – IRI found that Somaliland’s election was peaceful, without maAmbassador Williamson visits with Sacid, who voted in Hargeisa.Ambassador Williamson visits with Sacid, who voted in Hargeisa.jor incident and generally met international standards.  Hundreds of thousands of Somalilanders turned out to vote in their fourth election, and although wanting international recognition, did not wait to continue to build their nascent democracy.  The international community should credit such democratic progress and the example it sets for others.

As stated previously, the June 26 election went smoothly; however, Election Day is only one part of a larger and longer four part process, which includes the pre-election environment, pre-election administration, Election Day voting, and vote counting and post-election adjudication resulting in acceptance of legitimate results.  IRI cautions the political parties and Somalilanders to wait for the final results to be released before conclusions are made regarding the election process.  Peace has been the hallmark of Somaliland for the past 20 years, a point IRI was reminded of by citizens, civil society, election officials and the presidential candidates prior to the election.

In casting their ballots during Saturday’s presidential election, Somalilanders showed their enthusiasm and support for democracy and their homeland.  The pre-election environment and administration were generally conducive to a credible process.  In taking their campaigns to every region of Somaliland, the candidates believed that they were able to get their message across to the population and in the independent media.  IRI did, however, hear complaints regarding the use by the ruling party of state resources, such as state television and government vehicles.

Somaliland’s National Election Commission (NEC) deserves much credit.  The establishment of a voter registry and cards in particular were a step forward for the election process.  The set-up and mechanics for Election Day were also handled well.  Polling site officials carried out their work in a conscientious manner.  For the first-time ever worldwide, IRI witnessed a commendable, systematic effort to involve trained university students as election officials.  IRI also was impressed by the presence of observers representing all three political parties at an overwhelming number of balloting sites.  This is one of the most useful methods to deter fraud.

However, this well-run election was not without some difficulties.  A significant number of polling sites did not post the needed alphabetical division of voter’s last names, which led to early confusion on where to cast votes.  IRI also witnessed sporadic irregularities including what were believed to be instances of voting by those younger than 16, the legal age of voting.  By the end of balloting, these problems had either been solved or had not reached a level sufficient to call into question the credibility of the process.  As the vote count began, Somalilanders clearly felt a great pride for exercising their democratic rights, and much hope for the future.  IRI hopes that as the counting and tabulation process continues the political parties, candidates and citizens are as respectful of the results as they were in 2003.

This election was originally to be held in 2008 and was repeatedly delayed.  In any democracy, old or new, such delays undermine the political process and elicit distrust among the citizens.  This was unfortunate since Somaliland held a constitutional referendum in 2001, and three elections (local, presidential and parliamentary) from 2002-2005; all were deemed acceptable.  The last presidential election in 2003 was decided by a mere 80 votes and the defeated candidates accepted the result, and 2005 parliamentary elections resulted in an opposition-dominated legislature.  Many other countries and politicians can learn from Somaliland’s example, but only if elections continue to be held regularly and in a timely fashion.

IRI’s 19-member delegation was co-led by IRI board members Richard S. Williamson, former United Nations Ambassador and Presidential Special Envoy for Sudan; and Constance Berry Newman, former Assistant Secretary of State for African Affairs and former U. S. Agency for International Development (USAID) Assistant Administrator for Africa.  The delegation also included representatives from the Czech Republic, Kenya, Nigeria, Norway, Sierra Leone, Serbia, Spain and the United States.  The group observed voting and ballot counting at more than 70 polling stations in four cities – Berbera, Borama, Burao and Hargeisa.

IRI also partnered with the local nongovernmental organization Social Research and Development Institute to train and deploy six domestic observer teams that gave IRI a broader coverage in areas where international observers could not monitor.  The domestic teams monitored voting and ballot counting at more than 70 polling stations in Ainaba, Baligubadle, Las Anod, Lug-haya, Odweine, Salaxley and Zeila.

Other IRI delegates were:

  • Rune Aale-Hansen, Chief Information Officer of Norway’s Høyre Party;
  • The Honorable Sophia Abdi Noor, member of the Kenyan Parliament;
  • The Honorable Aminu Bello Masari, former Speaker of the Nigerian House of Representatives;
  • Ambassador Ramón Gil-Casares Satrústegui, former Spanish Ambassador to South Africa and former Secretary of State for Foreign Affairs;
  • Dr. J. Peter Pham, Senior Fellow and Director of the Africa Project at the National Committee on American Foreign Policy, and non‐resident Senior Fellow for Africa Policy Studies at the Foundation for the Defense of Democracies;
  • Ambassador Lange Schermerhorn, former U.S. Ambassador to Djibouti;
  • Petr Sokol, Secretary of the Czech Republic’s Civic Democratic Party Group at the European Parliament; and
  • Dr. Christiana Thorpe, Chairwoman of Sierra Leone’s National Electoral Commission.
IRI staff also served as observers and assisted in the mission.  IRI staff were led by Lorne W. Craner, IRI President and former Assistant Secretary of State for Democracy Human Rights and Labor; Paul Fagan, IRI’s Regional Director for Africa programs; Scott Pool, Resident Country Director for Kenya and Somaliland; and Lara Petricevic, Somaliland Resident Program Officer.

Delegates traveled to Nairobi, Kenya where they were briefed by representatives from the U.S. Embassy and USAID.  After arriving in Hargeisa, delegates were briefed by representatives of the NEC, European Commission, presidential candidates, human rights groups and civil society organizations.  They also were briefed on the rights and responsibilities of international observers and Somaliland election law.

Delegates then deployed throughout Somaliland where they met with local election officials, political party representatives and civil society organizations.  On Election Day, delegates monitored polling stations and identified and evaluated the strengths and weaknesses in the election system, including campaign regulations, the balloting process, vote tabulation and reporting.

IRI has monitored more than 135 elections in more than 40 countries.  In September 2005, an IRI delegation traveled to Somaliland to assess the country’s parliamentary elections (PDF).

Since 2002, IRI has worked with civil society groups, political parties and the national parliament in Somaliland.  Through funding from USAID, IRI provided support to Somaliland’s political parties, parliament, marginalized groups and was able to conduct this election observation mission.

Sources:  International Republican Institute.

Faaqidaadda Toddobaadka & Doorashada Somaliland (VOA)

Faaqidaadda Toddobaadka & Doorashada Somaliland

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadkan waxaan ku gorfeyneynaa doorashada madaxweynanimo ee ka dhacday lixda gobol ee ay ka kooban tahay Somaliland.

Haaruun Macruuf | Hargeysa Axad, 27 June 2010

Wadaag

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxaan kusoo qaadaneynaa doorashada madaxweynanimo ee Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacday lixda gobol ee ay Somaliland ka kooban tahay. Khubarada ka qeyb galaya barnaamijka ayaa si qoto-dheer u gorfeynaya isbeddelka ay doorashadu keeni karto, iyo sida ay natiijadu noqon karto.

Aqoonyahannada ayaa isku raacay in doorashada oo u dhacday si nabad ah ay noqon karto mid wax weyn ka beddesha guud ahaan majaraha siyaasadeed ee Somaliland, iyadoo ay Hargeysa tan iyo sanadkii 1991-dii dooneyso inay si rasmi ah uga go’odo Soomaaliya inteeda kale.

Sources: VOA

Madaxwayne Shariif, ayaa ku ammaanay Somaliland doorashada ay u dareereen

Madaxwayne Sheekh Shariif oo ka hadlay 26-ka June

Madaxwaynaha SoomaaliyaSheekh Shariif Sheekh Ahmed

Munaasabadda 26-ka June, ayaa madaxwaynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuu ka hadlay dadaalkii loo soo maray midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxwayne Shariif, ayaa ku ammaanay Somaliland doorashada ay u dareereen, wuxuuse ugu baaqay in ay noqoto mid looga faa’iidaysto dhinaca midnimada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay jireen khaladaad horay loo galay oo aan wali la sixin, kuwaas oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin in wax laga qabto. Wuxuu intaas ku daray in midnimada Soomaaliyeed awgood ay ka go’an tahay dowladiisu in ay samayso tanaasul intii loo baahdo.

Madaxwaynaha, ayaa sidoo kale ka hadlay in 50 sano kadib ay nasiib darro tahay in la raadiyo midnimo ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu ka hadlay oo kale dhibaatada haysata Soomaalida meel kasta oo ay joogaan. Waxaa ka mid yihiin barakaca, dadka badaha ku dhinta iyo amni xumada iyo dhaqaale daridda ka jirta gudaha dalka.

Sources: BBCSomali

Shariif oo hambalyo u diray shacabka Somaliland (VOA)

Shariif oo hambalyo u diray shacabka Somaliland

Madaxweynaha DKMG Shariif Sh. Axmed ayaa shacabka iyo maamulka Somaliland ugu hambalyeeyay doorashada madaxtinimada ee maanta dhacaysa.

Falastin Iman Sabti, 26 June 2010

Madaxweyne Sh Shariif

Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isagoo ka hadlayay xuska maalinta 26-ka June oo ah sanadguuradii 50-aad ee ka soo wareegatay maalintii calan xor ah laga taagay gobollada waqooyi ee Somalia, wuxuu si hambalyo u diray shacabka Somaliland.

Sheekh Shariif, ayaa munaasabadan awgeed sidoo kale hambalyo iyo bogaadin ku aadan doorashada Somaliland u diray maamulka iyo shacabka Somaliland oo maanta codadkooda ku dooranaya madaxweyne.

Madaxweyne Shariif, wuxuu sheegay in doorashada Somaliland ay horseedi karto waayo cusub oo Somalia oo dhan u bilowda. Shariif wuxuu u rajeeyay in doorashadaasi ay ka soo baxdo natiijo wanaagsan.

Madaxweyne Sheekh Shariif, wuxuu xusay in maalinta 26-ka June ay tahay maalin qiimo weyn ku leh shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba, taasi oo ah markii calankii ugu horeeyay la taagay.

Sheekh Shariif, wuxuu somalida ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa midnimadii Somalia.

Sources: VOA

Kor joogayaasha doorashada Somaliland (BBC Somali)

28 June, 2010, 11:55 GMT 14:55 SGA

Kor joogayaasha doorashada Somaliland

Codeynta DoorashadaCodeynta Doorashada madaxtinimada Somaliland waxa ay dhacday Sabtidii

Kor joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinkii maalintii Sabtida ka dhacay Somaliland ayaa shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Hargeysa.

Kormeerayaasha caalamiga ah oo ka kala socday wadamo ka tirsan qaaradda Yurub iyo Mareykanka ayaa waxa ay sheegeen in goobaha ay tageen ay cod bixintu si wanaagsan uga dhacday.
Kormeerayaasho waxa ay sheegeen in ay jireen cillado yar yar oo farsamo oo ka dhacay goobaha doorashada qaarkood, laakiin ay ahaayeen wax caadi ah marka la eego doorasho baaxaddaasi leh oo ka dhacda waddan Afrika ah.

Kormeerayaasha waxa ay sheegeen in inta badan ay tageen goobaha ay codbixintu ka dhacaysay ee gobolada.

Weli waxaa socda tirinta codadka doorashada.

Sources: BBC Somali

Somaliland: Codbixintii oo la soo afjaray (VOA)

Somaliland: Codbixintii oo la soo afjaray

Codbixinta doorashada Somaliland ayaa haatan si habsami leh loo soo afjaray. In kabadan 1 malyuun oo qof ayaa ka qeybgalay doorashada maanta.

VOA Somali | Washington & Hargeysa Sabti, 26 June 2010

Lahaanshaha: AP

Madaxweyne Rayaale oo codkiisa dhiibanaya

Doorashada madaxweynanimada Somaliland ayaa si habsami leh loogu soo afjaray dhammaan lixda gobol ee ay ka kooban tahay Somaliland. Saddexda musharrax ee u tartamaya ayaa iyagu saakay codkooda ka dhiibtay xarunta shaqaalaha ee magaalada Hargeysa.

Inta badan codbixinta ayaa si nabadgelyo ah ku dhammaatay, inkastoo rabshado aan badneyn laga soo sheegay qaar kamid ah gobollada Somaliland. Rabshadahaas ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka ammaanka ayaa markii qorraxdu dhacday waxay joojiyeen isku socodka dhammaan gaadiidka, marka laga reebo kuwa laamaha amniga.

Wariyayaasha VOA-da ee ku sugan magaalada Hargeysa-na waxay soo tabinayaan in inta badan goobaha codbixinta ay cod-dhiibashadu ka billaabatay wakhtigii loogu tala galay oo ahaa 7-da aroornimo, inkastoo goobaha qaarkood ay cod-dhiibashadu dib u dhacday.

Guddiga doorashada ee Somaliland waxay VOA-da u sheegeen inaysan doorashooyin ka dhicin degmooyinka Xuddun oo ka tirsan gobolka Sool iyo Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer, arrintaas oo ay ku macneeyeen sababo xagga amniga ah.

Muwaadiniin kor u dhaafaya 1 milyan oo qof oo isku diiwaan galiyey codbixinta ayaa safaf dhaadheer ugu jiray goobaha codbixinta. Doorashadan ayaa loo arkay inay tahay mid muhiim u ah dowladnimada Somaliland.

Natiijada Codbixinta doorashadan ayaa la fili doonaa in la soo saaro muddo maalmo ah kadib.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso sida ay codbixintu u dhacday magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorame.

Sources: VOA

Tyskland förnedrade England med 4-1

Ghana Slog ut USA VM Fotboll 2010 Sydafrika

Denna dag som , Somaliland höll presidentval och alla valdeltagarna hade bråttom, för att se denna mach mellan Ghan och USA. Det prrsidnetvalet I Somalladn det lugnt till och folk var glada att det hölls val efter 2 år förseningar. 26 Juni 2010. var det också en historisk dag för Somaliland. Det var nämligen så att Somaliland fick sitt självständighet  av Storbritanien för exakt 50 år sedan, efter 85 år koloni av Storbrittanien. Det var en symbolisk och historisk dag för Somaliland. Jag berömmer stor till valkommitionen som gjorde denna historiska  dag till valdag. och jag hoppas de kommande val hålls 26 Juni.

Vilken mach. En mycket spännande mach. Många kommenterade om att Ghana som representreade  Afrika, slog ut landet som köpte slavar just från Ghana. Vilken mach.  Många duktiga stora klubb tränare tipade innan VM började att Ghana skulle ta sa vidare till Kvartsfinal. De hade rätt. Ghana med en kompakt lag. Ghana gjorde fantastikt  insats. Ghna gjorde först målet 1-0, men USA reducerade med straffmål. 1-1. står. 90 minuter. det till förlängnig och Asomah gjorde den 17, min av förlängde en hårdkryss. vilken snyggt mål han gjorde  en av absolut snyggaste målet om, den inte är snyggaste.

Machen slutade seger till Ghana  2-1. Hela Afrikanska kontineten  hejade på de, för att det enda land i Afrika som tsog så långt. 1999 Vm forbill i Italien var de t Komerun , Roger Milla ispetsen som kom till kvartsfinal, förlorade mot England. Bitter, Jag minns det faktiskt. Exakt 20 år sedan.  År 2002 VM fotboll i Japanoch Syd Korea var det Senegal som kom till kvartsfinal, men förlorade. Det har visats sig sedan att många av de Senegals truppen festade natten innan. katastrof, de skämde ut sig, land och kontinent.

Nästa mach Ghana mot Uruagay. Jag har isett hur de spelade mot Frankrike i gruppspelet och jag trorr att de kommer längre.  Inget lag har gjort mål på de sedan Vm 2010 börjades. Första målet kom igår, närd espelade mot Sydkorea. Machen slutade med 2-1.

Tre lag har jag sagt att de kommer ta Vm Guldet 2010 en av de här tre kommer vinna Fotbolls VM 2010. Glöm Brazil. de spelar inte det klassiska spel man är van vid. De spelar inte som de gjorde för några år sedan. det saknas riktiga målgörare, lirare, ock taktisk och tekniskt soom Ronaldino.

1- Tyskland

2- Uruagay

3- Argentina

Spanien tillhör favotiterna men jag tror att de här tre en av kommer ta hem segern

Somaliland1991

Doorashdii Somaliland Universal TV

Peacefully people of Somaliland voted yesterday in Hargeisa and every city of Somaliland

Peacefully people of Somaliland voted yesterday in Hargeisa and every city of Somaliland, the world have witnessed the beautiful work we have done, Somalilanders are serious about when it comes democracy and one man one vote, this time they were seeking a change, a change for better future and they did casted with in there vote, stability and prosperity is part of our heritage despite the horrible mistakes we did in the past like the union of Somaliland after our independence from Great Britain. We are a proud nation practicing this wonderful achievement in the horrible horn of Africa, Somaliland is the best secret in Africa. Thanks for the wonderful report.

BY: Yusuf  Dahir

yyusuf@msn.com