Madaxweyne Hambalyo: Waa Wasiirro Hal-abuur yeelan kara!

Madaxweyne Hambalyo: Waa Wasiirro Hal-abuur yeelan kara!
Wasiirrada cusub iyo hoggaankooda, waxa laga quuddarraynayaa in ay qaadaan jidkaas Maleeshiya, Singapour, Czech Republic iyo

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu magacaabay wasiirro tayo leh. Waxa muuqata inuu madaxweynuhu aqoon uga xishay wax kasta oo kaleba: Annagaa badnaan jirney “laandheere ahayn” oo jagooyin lama taabtaan ah lahaan jirney waxa hafiyey aqoon iyo diyaar ahaansho. Waa halkii Cali Sugulle “Duncarbeede” ka lahaa “Kuftay dhacday turunturrootay ayaad taqaane; maxaad taqaan, toobiye weeye lagu tisqaade maxaad taqaan”! Toban ka mid ah 20-ka wasiir ee cusubi waxa ay hagoogan yihiin derejooyinka aqooneed ee ugu sarreeya: Eng, Dr iyo Prof. Tobanka kalena waa wada heer jaamacadeed oo sare intooda ugu badani.

Badiba wasiirradu waa dad ku cusub saaxadda iyo fagaaraha siyaasadeed. Waxa ka dhex muuqda rag iyo haween aqoontooda ku darsaday karti, hufnaan, anshax iyo hal-abuurnimo. Waxa lagu tilmaami karaa in golahani noqonayo kii ugu tayada fiicnaa weligii ee Somaliland yeelato illaa hadda. Waana markii ugu horraysey golaha wasiirradeenna ay haweenku door wacan ku yeeshaan.
Inta badan maaha wasiirrada cusubi “ raggii beelaha iyo madax dhaqameedyadu kalsoonida u hayeen ee qoolasha reeraha ku jiri jirey, raggii awr-ku-kacsiga qabyaaladdu u ahaa sallaanka”! Taas ka horjeedkeeda, waxa golahan cusub ka buuxa rag iyo hablo isku kalsoon oo aan maanka iyo maskaxdooda lala lahayn oo si xor ah u fekeri kara, u hawl geli kara, una fulin kara waajib gudashooyinkooda horyaalla.
Waxa gebi ahaanba golahan ka maqan intii wax laga saari jirey wixii qallooc iyo qardoofooyin ummaddan iyo dalkeeda ka soo ilmo-rogtey dhawrkii tobanle ee taariikhdeennan ugubka ah.
Rag badan oo wasiirradan ka mid ahi waa qurba-joog. Horeba qurba-jooggu wasiirro way noqon jireene, waxa maanta cusub, in qurba-jooggani ka mid yihiin intii nolosha qurbaha la jaanqaadday. Kab ninkii aad ka tolanaysa kabtiisaa la eegaa! Hore waxa qurba-joogga uga soo bixi jirey oo xilalka loo dhiibi jirey inta badan in toodiiba u taag la’ayd oo gurbuhu soo tufay. Badiba raggan iyo hablahan gurbaha ka tegey ee xilalka culus loo dhiibay waxa ay ka mid yihiin intii qurbaha ku tirsanayd ee tooda kafaysey, ta guud u heellaynaan jirtey.
Sidaas daraaddeed, waxa aan rumaysanahay in golahani wasaaradeed uu yeelan karo hal-abuurkii biyo fadhiya dhaqaajin lahaa. Hal-abuurkii dadka iyo dalka isbeddel dhab ah u horseedi lahaa. Hal-abuurkii toobiyaha horumarka dadka cagta u saari lahaa. Wixii dhalliil ah ee golahan ka muuqan karta guud ahaan ama wasaaradaha qaar gaar ahaan, waxa hadhaynaya tognaanta weyn ee golahani leeyahay.
Waddamada Bariga Aasiya ee Maleesiya iyo Singapour oo ka mid ah waddamada dunida maanta ka dhex muuqda, waxa horumarkaas degdegga ah ee ay ku tallaabsadeen u horseeday 20 aqoonyahan oo ul iyo diirkeed isku noqday oo yeeshay qorshe iyo hannaan hawl galeed, wada shaqayn wax-ku-ool ah iyo hoggaan hiraal leh oo soo jeeda, kana il iyo tallaabo-qaad dheer dadka uu hagayo.
Waddamadii Bariga Yurub ee shuuciyaddu ka dhacday tobanlihii u dambeeyey qarnigii hore, sida Czech Republic iyo Polland, waxa dhulka ka soo qaaday oo Yurubta Galbeed ku soo dhoweeyey horumar ahaan qurbajooggoodii dibedda oo aqoon iyo dhaqaaleba kula laabtay. Waxa aan xasuustaa Vaclav Havel iyo Vaclav Klouse sidii ay Czech Republic u dhaqaajiyeen sannadihii 1990-aadkii markii Xisbigii Shuucigu dhacay ee labadaasi Vaclav iyo raggii kale ee la socdey ee Yurubta Galbeed iyo America ka soo gurya noqday ee ay toobiyaha cad dalkooda ugu jeexeen. Maanta Czech Republic waxa ay ka horraysaa waddamo badan oo ay ka dambayn jirtey.
Labaatankeenna wasiir ee aynu aqoontooda, kartidooda iyo hufnaanta maanta majeersannahay inteenna badani, waxa aynu ka eegaynaa sida kuwaas dhiggooda ahi uga soo dhalaaleen waajib gudashooyinkoodii ee ay dalalka iyo dadyowgooda ugu horseedeen jidadkaas libtooyada iyo horumarku ka widhwidhayo.
Wasiirrada cusub iyo hoggaankooda, waxa laga quuddarraynayaa in ay qaadaan jidkaas Maleeshiya, Singapour, Czech Republic, Rwanda iyo dunida aan gadaal eega ahayn ee hor u jeedka ah.
Dadka Somalilandna, waxa looga fadhiyaa taageero iyo garab galka wax kasta oo dan u ah horumarkooda. Wasiirro iyo jagooyin ina deeqi waaye oo beelihii ku fillaan waaye ee caddaalad iyo horumar baa ina deeqi doona’e aynu isirradaas u hiilinno.
Ugu Dambayn waxa aan Madaxweyne AMM Siilaanyo ku bogaadinayaa go’aanka wax-ku-oolka ah ee uu qaatay, kuna magacaabay golahan wasaaradeed ee aqoontu ka soo ifayso. Wasiirrada cusubna waxa aan Alle uga baryayaa inuu xilalkooda u fududeeyo.
Kadabaa Dhaha!

Maxamed Baashe X. Xasan
E-Mail:mohamedbashe@ hotmail.com

Advertisements

XAASHA EE BASHIR XAAL HA BIXIYO

Waxaan akhriyey war uu Bashir Goth dhawaan siiyey Radio-ga VOA, laant af Somaliga. Hadaba arimo badanu ka hadlay ayaan ku racsanahay waraysigaas uu bixiyey. Waxa keli ah ee aan u qaadan waayey waxa weeyaan in qof miisanka Bashir lehi isbarabar dhigo dawladdeena cusub iyo jaahwareerka ka taagan Somalia. Bashir wuxuu ku tilmaamay qaabka loo soo dhisay Dawladda cusub in aay la mid tahay 4.5 kii reer Somalia.

Bashiir wuxuu kamidyahay dadkii aan islahaa waxa lagu darayaa golaha wasiiradda ee dawlada cusub, waayo waa nin aqoon iyo waayo aragnimo leh oo ku wacan shaqadiisa. Ta kale Bashir  waa nin ku haboon in uu door weyn ka qaato sidii Somaliland citiraaf loogu heli lahaa. Taasi micneheedu ma aha inaanu hore Bashir citiraafka Somaliland aanu ka qayb qaadan, ee waxaan ka markhaati kacayaa inuu qayb libaax ka soo qaatay.

Waxa qudha ee Bashir iyo beelahan mudaharaadayaa ilaabeen, waxay tahay in reer Somaliland dalbadeen isbedel kuna doorteen Axmed Moxamed Moxamud iyo cabdiraxmaan Saylici. Waynu wada xasuusanaa in balantii ay qaadeen ahayd in aay inoo soo dhisaan dawlad kooban oo tayo leh kana duwan tii Dahiir Rayaale iyo Axmed Yussuf Yaasiin.

Waxa aynu wada ognahay in aanay suurto galahayn oo aan laysku heleeyn dawlad balaadhan oo beel waliba ka muuqato ama ay ka hesho wasaaradaha ugu calculus iyo in dawlad tayoleh la helo.

Marka runta la eego, Somaliland uma baahna Wasiiro magac reer lagu soo xulay oo gaawaadhi Landcruiser ah intay fuulaan muraayadaha ka dalacdda boodha ka kacaaya wadda ay marayaan. Hase yeeshe waxay u baahantahay cidii wadadaas boodhka leh inaga dhisi lahaayd inteen badan ee lugaaynasa. Taas oo qudha kuma eka ee baahideenu aad ayaay u badantahay oo ma dabooli karaan dad fara badan oo magic qabiil lagu soo xulaa oo dhaqaalaha wadanka ku dhamaysta mushahaaro iyo musuqmaasuq.

Waxba kama qabo hadii Madaxweeyne uu soo dhiso dawlad ka kooban 20 wasiir oo aqoon iyo waayo aragnimo leh isla markaasna dalka daacad ugu shaqaynaya, hadaay donaan gidigood mataano ama walaalo ha noqdaane.

Gebagebadii, waxa fiican bal inaaynu u samiro dawladdan cusub oo eegno in ay tayo yeelato iyo inkale oo aynaan xiligan kala guurka ku degdegin sidii aynu ugu khasbilahaayn in laynoo soo dhiso dawlad la mid ah tii aynu ridney. Bashir na waxaan leeyahay xaasha xaal sii dadka reer Somaliland ee guushan gaadhay, fadlan, dibna hawgu matelin qaska ka jira Somalia.

Yusuf Dirir Ali UK drdirir@gmail.com

Hogaanka la Doortay Yaa Horjoogsanaya? Ma saaxiibkay Dr.Bashiir Goth mise ……..?

Wadanka Somaliland waxaa soo maray ilaa  saddex xukuumadood oo hore. Dhamaantood wax lagu xasuusto way qabteen oo waa tilmaan lagu baadisooco.Dawladii u dambaysay ee madaxweyne Riyaale waxaa aad loogu mahadnaqayaaa doorka qiimaha leh ee ay ka qaadatey hanaanka doorashada iyo dadka oo ay u tilmaantay inaan loo baahneyn qori la adeegsado iyo naf loo  qoorgooyo si maamul jira loo badalo.Waxay si  fal ahaaneed hogaan ugu noqdeen in warqad lagu rido sanduuq  lagu badali karo maamul jira oo dadku  u sahay qaateen badalkiisa. Bishii Juun 26dii doorashadii dalka Somaliland ka dhacday  waxaa  ummadu hamuun u qabtay hogaan cusub oo horumar iyo aqoon   wax ku xulasho u horseeda bulshada. Xataa waxay dhaguhu aad  ugu dhuun dalooleen weedha ah “ laba walaalo ahina ha noqdaan wasiiree, inay xilka loo igmanayo  aqoon u yeeshaan, waxqabadna  laga helo”.

Weedhaa kor ku xusan waxaa  aad u jeclaystay qurbojooga Somaliland, oo inta badan taageero xoog leh ka gaysatey inuu  soo baxo Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo”.Waxaa kaloo odhaahdaa u riyaaqay  dadkii dhulka deganaa oo baahi xad dhaaf ah u qabay  waxtar iyo horumar loo jeesto, kana daalay  halkudhiga ah “Yaa wasiirada noogu jira,halkeese loo dhiibay”.

Maalintii Arbacadii eey bishu aheyd July 28dii,2010 ayuu madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” ku dhawaaqay xubnihii  ka mid noqonayey golihiisa wasiirada.Waxaa laga waayey xubnihii ugu sareeyey ee xisbiga Kulmiye inay ka muuqdaan.Qof kasta oo caqli lihi wuu garanayaa inaanay taasi sinaba ku suurtogal aheyn ilaa  gorfeyn iyo isku tanaasul la helo.Inkastooy tiro ahaan wasiirada la magacaabey ka badan yihiin  tiro talo lagu siiyey,ummadu badi u riyaaqday.Dad yidhi sheegay dhaliinana la hel.Markaad eegto duruufaha ka jira dalka, baahida loo qabo meelo badan in la awdo,iyo horumarka la hiigsanayo ayaa  khasbaya in laga badiyo.

Hase yeeshee waxaa dadkii isbadal doonka ahaa ee ka xoroobay  qabyaaladu markiiba ay indhaha ku dhufteen inta wajiyo cusub ku jira iyo aqoonta heerka sare ah eey leeyihiin (Phd holders). Waxaa ummadii galay ididiilo ah waa dad aqoona leh ,garanayana horumarku oo loo hawlgalaa faa’iidada ay leeyhay oo wax qabad  muujin doona ee  ha loona duceeyo halagana warsugo.Waxay tani caawisay in aan  budka markaba lala boodin ee la laga koro caadifadii 1960kii innagu kaliftay in si fudud oo indho la’ loogu biiro dalkii Soomaaliya.

Waxaanse amakaag iyo yaab aan la anfariiray markaan arkay aqoonyahan ummada dib ugu celinaya hab doorasho oo la rabo in laga koro.Waxaan filayey in haddii dhaliili jirto ay ku koobnaato qofkaasi aqoon uma laha xilka loo dhiibay ama wasiir hebel horaa loo tijaabiyey oo  ri’ waligii caano kama dhiijin.

Waxaan qoraalkan ku soo gabagabeyn lahaa wajiyo cusubna la hel,aqoona lagu ladhyee aynu  waqti siino.Meel la rabo in laga korona yeynaan dib u eegin.Qoraalada didmada leh ee la qorayo inaan lagu dagdagin,mudaharaad reer ku salaysana loo hub qaadan waa tuu dalku ku caafimaado,dadkuna  wax ku wada qabsadaan.

Fu’aad Sh.

Bahda Mareegta Farshaxan

http://www.farshaxan.com

Madaxweyne AMM Siilaanyo ma golaha Guurtida ayuu soo dhisaayey mise golaha Wasiirada?‏

Madaxweyne AMM Siilaanyo ma golaha Guurtida ayuu soo dhisaayey mise golaha Wasiirada?‏


Ku dhowaaqistii lagu dhowaaqay wasiiraddii xukuumadda Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo) —– judhiiba, Mareeguhu waxa ay soo gudbiyeen magacyadii wasiirada ee la wada sugayey. Qaar baa ku sii ladhay mid-kastaaba beesha uu ka soo jeedo. Garanmaayo sababta, Saa! isku xisbi bay ka soo wada jeedeene. Sugitaanka la wada sugayey ayaa malaa kala geddisnaa, oo dadka qaar waxa ay eegayeen bal in ay ka dhex arkaan aqoon, qaar kale waxa ay eegayeen bal in uu odaygu soo xusho xubno cusub, qaar kale waxa ay kollayba eegayeen sida uu isu waafajin lahaa taladii ahayd tiro yar oo wasiirro ah iyo indhaha beeluhu ku eegidoonaan. Waxa aan ka madhnayn in dadka qaar ay ka dhex eegayeen kornayladii SNM.
Qoraalkan oo ka dhashay uun dareenka maalmahan socda ee ku jeeda magacaabis-ta golaha wasiirada, waxa aan jeclaystay bal in aan dareenkayga wax kaga darsado.
Waa ilaahay mahaddii oo waxa aynu xor u nahay in aynu aragtideena dhiibanno. Waxa aanse aad ula yaabay markii aan arkay qoraallo ujeedo fog leh oo ah ” Waan ka baxayaa Somaliland haddii aan la i siin wasiir”. Qoraaladaasi ma aha kuwo aynu fahmi karno ujeedadooda fog, aan ka ahayn in ay yihiin dad jecel in la burburiyo Jamhuuriyadda Somaliland oo noqotay mid lagu faano. Sidaa darteed aynu iska baandhayno qoraalada jaadkaas ah. Intaa ka dib waxa aan is weydiiyey, madaxweynaha cusubi ma waxa uu inoo soo dhisayey Golihii Guurtida ee beelaha ku salaysnaa, mise waxa uu soo dhisayey xukuumaddiisa ku salaysan Xisbiga Kulmiye?
Madaxweynihii hore mudane Daahir Rayaale, waxa aan qabaa haddii uu bilawgiiba soo dhisi lahaa wasiirro wax qabanaya, oo xataa ay isku beelyihiin, in maanta looga aayi lahaa dal dhisan oo dhaqaale leh. Halka loogu yimi khasnaddii dawladda ee dalka oo haawanaysa. Miyaad aragtay cid isweydiinaysa xoolihii dalku haka uu maray? Maya ma aad arag, laakiin waxa aad aragtay dad leh wasiirradii si siman looma qaybin. Waxa ay taasi ku tusaysaa sida aan looga dareen qabin waxa dadkaaga iyo dalkaaga ka maqan. Maanta xukuumaddii Daahir Rayaale looguma iman shilin ama ganbo dhexdalool ah. Adiga iyo garaadkaa halka ay xoolahaasi mareen. Waxa aynu wada ognahay weliba sida hambalyada loogu asqeeyey. Tolow miyuu mutaystay?
Madaxweynaha cusub waxa aynu ka hor imanaynaa marka uu xeerka dalka jebiyo. Dee kuma taallo xeerkeenna beeshaas na intaasoo wasiir sii, taa kalena intaa. Waxaase innoogu yaal waxbadan oo aynu isha ku hayndoono, sida uu ka yeelo Madaxweynaha cusub iyo xukuumaddiisu. Haddii uu jebiyo, waa taa ta aynu kula xisaabtamaynaa af iyo addinba. Waxa aynu ka rabnaa sidii uu ula shaqayn lahaa baarlamaankeenna laga guray ilkihii ee uu Daahir Rayaale ka guray. Waxa aynu ka sugaynaa in aan la xidhin muwaadin xisbiga UDUB ah oo aan lagu qaadin xukunka degdegga ah. Miyaad weligaa maqashay xukuumaddii hore oo xidhay xubin ka mid ah xisbiga UDUB? Maya ma aad maqal. Imisa jeer baad maqashay waxa la xidhay oo weliba jidhdil loo geystay xubin ka tirsan xisbiga Kulmiye? xisaab ma laha. Imminkana ma maqli karno UDUB baa la xidhay.
Waxa aynu sugaynaa idaacaddii noqotay (Faannoole fari kama qodna bal siday xukuumaddani ka yeesho. Waxa aynu sugaynaa dekedda Berbera in ay wax iska beddelaan. Waxa aynu sugaynaa lacagtan ku xanniban Burco in xal loo helo. Yeynaan ku meeraysan wasiirro. Wax ka weyn baa inna horyaalla. Qoraalada qaarna ha la iska shaandheeyo. Dagaalku ma aha ah ka xabbada laguula yimaaddo, ee mid qalin sita ayaa ka xoog badan, oo jecel in uu Jamhuuriyaddeena sharafta leh ku kala qaybiyo qalin. “doqoni ma garatay ah” . Xisaabteenu waa ay ka weyn tahay wasiirro. Odayguna dee golihii guurtida innoomuu qaybinayn ee waa golaha wasiirrada ee xukuumaddiisa Kulmiye.
Ishaa macallin ah, aynu isha ku hayno xukuumadda cusub.
Nabad iyo caano
Sayid-Axmed M Yuusuf
Sweden

Calankii Somalia ayaan qaadanayaa hadii reerkayga wasiir la siin waayo

Calankii Somalia ayaan qaadanayaa hadii reerkayga wasiir la siin waayo, xukuumad koobana waa inaad dhista reerkayguna ka muuqdaa!
Dabcan waa la garan kara madaxweynaha oo markii hore aqbalay 15 wasiir, waxa ku kalifay inuu ka talaabsado…..

Wacan oo wanaag san: 26 june waxa guud ahaan J Somaliland ka dhacday doorashadii madaxtooyada taas oo uu ku guulaystay xisbigii mucaaradka ahaa (KULMIYE) . Ahmed Mohamed siilanyo 27 july 2010 ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxwaynaha J. Somaliland ee shanta sano ee soo socda, 28 july madawayne siilaanyo wuxu magacaabay golihiisa wasiirada, 20 wasiir iyo 6 wasiir ku xigeen, taas oo ka badan tiradii 15 ka ahayd ee ay soo jeediyeen gudidii talo bixinta uu u saaray.

Dabcan waa la garan kara madaxweynaha oo markii hore aqbalay 15 wasiir, waxa ku kalifay inuu ka talaabsado taladii ahayd 15 wasiir, waxaana sabab u ah dadka ku qulqulaya ee ka codsanaya beeshayada wasiir sii,iyo ninkan noo magacaw.

Weli ma is waydiinay wasiir reer loo magacaabaa faa’idada uu leeyahay, hadii aynu dib ugu noqonno xukuumadihii hore ee ay u danbaysay tii madaxweyne Rayaale, waxay kor u dhaaftay in kabadan 50 wasiir iyo ku xigeenno, hadii reer ahaan loo eegana wasiir waliba waxa uu ka soo jeday qoys (ardaa), waynuna la socnaa wax qabadkoodii, dhib mooyee dheef kama hayno. Ku dhawaad 20 sano ayay Somaliland ku dhisnayd reer hebel wasiir ha la siiyo iyo reer hebel yaan labada wasiir laysku siinin, balse maanta waxaynu u codaynay inaynu helno is bedel dhab ah, taas oo madaxweyne siilaanyona ololaha ku galay waxaan soo dhisi doona xukuumad kooban oo tayo leh, waynuna ugu codaynay, balse nasiib daro markaynu u codaynaynay ismaynaan waydiin xukuumada kooban ee lasoo dhiasaya ma tahay mid nin walba reer kiisu wasiir helayo, taa bedelkeedana waxa inagu qafilnaa ama inaga guuxayay isbedel oo macneheeda dhabta ahi yahay tan uu manta ku dhaqaaqay madaxweynuhu.

Waxa isa soo taraya dad sheeganaya inay madax u yihiin umad dhan, hadana wax ku doonaya reerkaygii wasiir lama siin, iyo madaxweynuhu cadaaladu ku dhaartay wuu ka baydhay. Cadaalada uu madaxweynuhu ku dhaartay waxay ahayd innuu dalka iyo dadka cadaalad ku dhiqi doono, oo macneheedu yahay inuu maga caabi doono dad dalka u hagar baxa kartina u leh xilkooda, balse innuu qabiil walba wasiir siiya maha mid dhinacana ka soo gasha cadaalada, hadii aynu cadalada u naqaano in reer walba wasiir la siiyo, maxaynu uga heli waynay Madaxweynihii hore Md: Dahir Rayale Kahin, oo aynu ogayn innuu reer walba wasiir ku taxay, balse ay cadaalad la’aani ina dishootay.

Dadka qabiilka wax ku doonaya ee manta Somaliland Calankii bulluuga ahaa ee kumanaanka qof u shahiideen u badheedhaya inay guryahooda sudhaan, waxaan ra’yi ahaan kula talin lahaa, qabiil halkuu ina dhigay waynu aragnaa, wasiir reer hebel loo magacaabaanna maha mid sharaf kuu soo kordhinaya ama laandheere kaa dhigaya (sidaynu aaminsanahay). Ee weli maynaan arag wasiirada cusub dhibtooda iyo dheeftooda toonno aynu wakhti siinno hadii aynu beel ka maar mi waynana madaxweynaha aynu kula xisaabtano wax yabaha uu degaamadeena u qabto.

Ugu danbaytiina: madaxweynaha iyo dhamaan shacabka Somaliland waxaan leehay samir aynu yeelano waynu ognahay hadaynu reer wax ku doonno inay wasiiradu dhafayaan 70, markaa aynu qarannimadeena ku dadaalno iyo inaynu aamino dhamaan wasiiradu inay yihin dad somalilander ah.

Somaliland Guul iyo Gobanimo “Allow qarannimada na fahansii waxay tahay”

Mbashe Ibrahim H. yusuf

Mbashe30@yahoo.com

Sintock/Malaysia


Published: 2010-07-31

Shacbiga Somaliland waa in ay ka koraan/weynaadaan cudurka qabyaalada

Qormadan yar waxaan doonayey in aan wax ka yara yidhaahdo arrimahan cusub ee dawladdu la kowsatay. ” Beeshaydu Wasiir lam siin”

Waxaa runtii wax laga murugooda ah in dad isku sheegaya “aqoonyahano” ama webmastero ama home page leh oo wada isku dir oo qabyaaladays-tayaala, oo umadan walaalaha ka dhex wada qas iyo  isku dir,  oo ujeedadoodu tahay in madaxa isku geliyaan shacabkaa walaalaha ah. Waxaan qolooyinkaa leeyahay aakhiradiina u tudha oo ka daaya shacabka Somaliland ee is jecel dhibta. Shacab Somaliland waxay u baahan yihiin horumar. Joojiya home page- yadiina aad ku soo qoraysaan waxyaalaha shacabka Somaliland wax u dhimaya ama dhibaato weyn u keenaya.

Waxay doraad oo ay taariikhdu ahayd 29 Juli, magaalada Hargysa dhinaca koonfur galbeed ka dhacay mudaharaad. Mudaharaadkaas oo ay u badnaayeen dumar, carruur iyo dhallinyaro. Maxay doonayeen? maxay ujeedada mudaharadkoodu ahaa. Jawaabtu way kooban tahay” wasiir beeshayada lamaa siin”  Shacabka Somaliland xaq way  u leeyhihin in ay mudaharaadaan,laakiin waa in aad looga fikiraa dhibta uu keenikaro mudaharaad dareen iyo xamaasad qabiil wato. Waxaan ka jeclaa oo aan aad iyo aad u taageeri lahaa  shacabka ka kale ee Somaliland taageri lahaayeen, haddii ay mudaharadkaasi ahaan lahaa mid ay dadku ku doodayaan wax  noloshooda wax tar u leh  sida adeega bulshada matalan, dawladdu goobo caafimad, iskuulo, wadooyin ha noo samasyo.  Laakiin haddii aan wasiir la lana siin, mudaharaad rabshado wata ayaanu samaynaynaa.

Waxaa walba waxaasoo dhan ka daran calankii Somaliya in goobtaa laga lulayey oo runtii ah arrin murugo weyn leh. Dadkaa calankaa Somaliya ee buluuga lulaya ma waxay ilaaween dhibtuu u geystay, miyaanu ahayn kii laynagu gawracaey, ee laynagu madhiyey, in kabadan 60 000 oo qof loo gawracay, meel aan ka fogay meesha ay dadku mudaharaada ka dhigeen ee Mako durdur, miyaanay ahay meeshii dadka maatida lagu xasuuqay, miyaan madafiic diyaarad iyo wax walba laynoo adeegsan sidii laynoo dabar  jari lahaa oo aduunyada laygna masixi lahaa. Waa ayaandarro weyn oo murugo leh in maantaa shacbiga Somaliland maqlaan calankii Somaliya ayaa dadka mudaharaadyey lulayeen.

Haddaba wasiir beeshayda lama siin oo waanu mudaharaadayna oo weliba calankaa cadawga Somaliland ayaanu soo qaadanayaa, xal maa taasi runtii. Haddii ay jiraan cabasho iyo tabasho waxaa jira wado loo maro ee tani maaha xal taayiro ayaanu gubaynaa, calankii faqashta ayaanu soo qaadanayaa. Waxaanan leeyahay dadkii calankaa faqashta soo qaatay inay shacabka reer Somaliland ka raali galiyaa (Raali gelin weyn)

Waxaa isla maalintaa mudaharaad ka dhacay degmada Booraama ee gobolka Awdal. Iyana waxay la mid tahay arrintan hore ee aan kor ku soo xusay ” Beeshaydu may helin wasiir”  Tani waxay ti hore kaga duwan tahay xaqiiqdii waxay leeyihii wasiiro iyo m.weyne ku xigeen waa marka xaqiiqda aynu ka hadlayno. lag garay kii aan reekiisa waxba la siin in uu hadlo, laakiin Kii wax la siiyey   inuu hadlo maaha runtii. Taa waxaa ka siii daran in calan Awdal Land isla goobtaa laga lulayey. Haddaba waxaa ayaandarro oo la murugooda ah dadkan soo qaadanaya  calamada Somaliya iyo Awdal Land. Ma ay is weydiiyeen waa maxay fariinta ay gudbinayaan sida-shada calamadaas?

Waxaan dawladda u soo jeedinlahaa in lulida ama sidashada calanka Somalia ee faqashka laga dhigo denbi (criminal) oo qofkii taa ku kaca sharciga la hor keeno.

Waxan qormadan ku soo gabogabaynayaa in aan dadka waxba la deeqsiinkarin, Ilaahay ayuun baa wax deeqsiin kara. Hadii maanta 60 wasiiro laga dhigo haddana  dadku waa kuwii cabasho la yimaada. Waxaa kaloo xusuus mudan in guddidii uu Madaxweyne Ahmed Maxamed M. Siilaanyo uu  u xil saaray talo ka bixinta dawladdiisa ay ku taliyeen in dalku yeesho 15 wasiir.

Ma horumar baynu doonaynaa mise wasiir beel. Dalkeenu ma qaadi karo, wasiir, wsiir ku xigeen, wasiir dawle, agaasime guud, agaasime ku xigeen, oo intaasoo dhami mid walba doonayo, guri kala jiidan, gaadhi Landcruiser, baatroolkiisii, iyo mushaharkisii oo ah wasiir beeleed aan dalka iyo dakaba waxba u qabanayn. Kuwaas dadkeenu iyo dalkeenuba uma baahna ee sidaa haynaga maqnaadaan. Dalku wuxuu u baahan yahay, dawladd yar oo dalku awood u leeyahay oo tayo leh. oo hore inoo siiw wada oo halka aynu maanta taagan nahay kor inooga sii qaada.

Waxaan shacbiga Somaliland u soo jeedinayaa in ay qabyaalad ka koraan, 300 sanno in k abadan ayeynu qabyaalada iyo beel ku soo dhaqmaynaya haddaba  bal maxaynu maanta ka haynaa? Waxba.

Midhna waxaan odhan lahaa Bashiir Sheekh Cumar Goth oo ah aqoonyahan, waa naaqusnimo in Somaliland aad barbardhigto sida wax loo qaybiyey 4.1 Muqdisho. Waxaan adiga iyo qolooyinka kale ee ku la mida ee aaminsan in aa dawladdu cadaaladu dhantaalsan tahay.  Waligeedba  cadaadladu way dhantaalsanayd  mar walba qolo/beel ayaa beesha kale  kaga badnayd ilaa laga soo bilaabo 1991. Markaa maa ha mid imika cusb oo dawladdan ka kowsatay. Waxaan kale oo aan kuu sheegayaa in aaay Somaliland u baahnayn wasiir beel ku dhisan oo beel lagu soo xushay, waxay shacabka Somaliland doonayaa mid lagu soo xulo aqoon, tayo iyo waayo-aragnimo.

Arrinta aad ka Baashirow aad fulaynimada ku tilmaamtay. Somaliland marka ay doonayso in ay arrimaha Somaliya wax ka qabato waxaa ka horeeya in Somaliya buuxiso shuruudaha Somaliland ka doonayso in ay buuxiso Somaliya.

1- In marka hore Somaliya ay Somaliland u aqoonsato dal jira

Waa shuruuda ay Somaliland ku geli karto in ay wax ka qabato arrimaha Somaliya. Haddii aanay Soomaaliya taa samaynayn. Somaliland halkaa ay imika ka joogto ayuunbay ka joogaysaa. Kubadu waxay taala xagooda, waa in ay marka hore shuruudaa ka soo baxaan. Waa wax ay Somaliland xaq ugu leedahay shuruudan iyo shuruudo kale oo badan.

Somaliland1991

Somaliland Inauguration Ceremony

Somaliland Inauguration Ceremony