Daawo Daawo Rayaale oo la kulmay Madaxweynaha Ethiopia

VOA Somali oo waraysatay Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe

Halkan hoose ka dhagayso waraysigii Faysal Cali Waraabee ay VOA Somali Ka qaaday.

http://www.voanews.com/somali/news/Somaliland-Doorashada-oo-Laga-Tashanayo.html

Somaliland: Doorashada oo Laga Tashanayo

Madaxda Dawladda iyo Mucaaradka Somaliland ayaa ka wada hadlay dib u dhigista doorashooyinka guud oo soo dhow.

Houssein Aden | Washington, DC Isniin, 30 August 2010

Faysal Cali Waraabe

Wadaag

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilanyo ayaa la kulmay madaxda Axsaabta iyo guddoomiyayaasha Golaha Guurtida, Baaralamaanka iyo Guddiga Doorashooyinka.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii looga wada tashan lahaa sida laga yeelayo Doorashooyinka Baarlamaanka , Guurtida, iyo Golayaasha deegaanka oo sannadkan dhici lahaa.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa VOA u sheegay in sida muuqata aanay suurtagal ahayn in sanaddakan ay dhacaan doorashooyinkaas, waxaana uu tilmaamay in dib looga fiirsan doono wakhtiga ku habboon.

Waraysiga guddoomiye Faysal Cali Waraabe ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Source. VOA Somali

Dhagayso BBC Somali oo waraysi la yeelatay Wasiirka arrimaha Dibadda ee Somaliland

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Somaliland

Maxamed Cabdullaahi CumarMaxamed Cabdullaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, oo Istuudiyaha Bush House ugu waramaya Yusuf Garaad

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo nagu soo booqday daarta Bush House ee BBC ee London ayaa waxa Yusuf Garaad uu uga waramay qorshaha iyo siyaasadda dowladda cusub ee Somaliland.

Positiva Komentarer om Zlatan (Aftonbladet kommentar sida)

Senaste nyheter om Zlatan.

Han ska flygas hem tillSverige med en av Italiens primärministern Silvio Bercoloni, ägare Ac Milan privat plan, för att Zlatan ska hinna landlags träning på Råsunda i kväll vi 18:00

här kommer några urvalda kommentarer om Zlatan på Aftonbladets, kommentar sida.

KeepItBlack, 29 år, Idag 10:22 Zlatan är kung! Direkt från gettot till något som dem flesta ens inte drömmer om. Svenska avundsjukan slår till som aldrig förr på många. Ska bli kul att se honom på Råsunda på fredag igen. Han fixar minnen för livet som man stålt kommer snacka om och säga att man va där och såg honom

bosse 50, 51 år, Idag 10:14 bobbensson; Var glad för andras skull. Det är inte Zlatans fel att ditt eller mitt liv inte är framgånsrik som hans. Det hjälper inte attanklaga andra. bosse 50, 51 år, Idag 10:14 bobbensson; Var glad för andras skull. Det är inte Zlatans fel att ditt eller mitt liv inte är framgånsrik som hans. Det hjälper inte attanklaga andra.

Brando, 35 år, Idag 10:01 Zlatan är KUNG!!! Italiens president välkommnar honom i Milano! Det är HUR STORT SOM HELST! Ni som kritiserar Zlatan vet inte ett skit om fotboll.

Enko, Idag 10:50 Vitorio:

Zlatan har fler titlar än du har någonsin haft strumpor 🙂

enko, Idag 11:04

en kan ha fel, ok möjligen två, men ajax, juve, inter, barca, milan, ja, så många kan omöjligen ha fel att se värdet i den store svensken Zlatan som är historisk som ende i världen att ha sålts 4 gånger till minst 20 mil euro 🙂 Hur ska man då inte bli stolt över den supersvensken? 🙂

antontycker, 30 år, Idag 12:57 Vitorio, 47 år??

Läs detta och tänk efter lite: Utöver att han blev utnämnd till årets spelare i Juventus samt årets utländska spelare i serie A under hans debutsäsong vann Zlatan 2 ligatitlar med Juvve även om de fråntogs titlarna senare. 3 ligatitlar i rad med inter, 4 guldbollar, skyttekung i serie A, delad skyttekung i seria A etc etc. I Barca började han med operation av vänsterhand således borta en kort del av försäsong men kom tillbaka och deltog i 2 titelvinster inom loppet av 1 månad. Trots frånvaron i början och ny i en av allra största klubbarna blev han första Barcelonaspelare att göra mål i sina fem första seriematcher med klubben. Han avgjorde El Clásico och förde upp Barcelona till förstaplatsen i La L samma höst. Sedan satte Pep stopp för hans framgång och alla vet ju vid det här laget varför han lämnade Barca… Sedan har de flesta svackor, mer eller mindre. Vidare har Z inte bett om all skrivieri och uppståndelse kring honom…men vad ska han göra..allas ögon följer honom vart än han går för han är zzzZLATAN.

Blueday, 44 år, Idag 12:40

Du tillhör topp 10 av eliten inom fotbollsvärlden (tveklöst). Njut av din tid som aktiv fotbollsspelare! Mer än 90 % av Sveriges riktiga fotbollsälskare står på din sida & njuter av att se dig spela Zlatan…vi supportar dig i både medgång & motgång / THATS IT

Källa Aftonbaldet

C/aahi Askar Xidig Ka Mid Ah Xidigihii Gadhwadeenka Ka Ahaa Halgankii Dib U Xoraynta S/land Oo Inaga Baxay

Xidig Ka Mid Ah Xidigihii Gadhwadeenka Ka Ahaa Halgankii Dib U Xoraynta S/land Oo Inaga Baxay

Hargeysa, August 30, 2010 (Haatuf) – Alle ha u naxariistee waxa shalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Col. Cabdilaahi Askar Barkhad oo ka mid ahaa Saraakiishii Milatery ee Urur-kii Xaq u dirirka ahaa ee SNM ee ka xoreeyey dalka Somaliland taliskii dhiigyacabka ahaa ee Afweyne, isla markaana ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jarmalka.

Rabbi naxariistii Janno ha ka waraabiyee Col. Cabdilaahi Askar, ayaa shalay galab si heer Qaran ah loogu aasay Xabaalaha Sh. Muuse Ducaale ee duleedka caasimada Hargeysa.

Taariikh nololeedkii Mujaahid Marxuum Cabdilaahi Askar Barkhad (AHN) 1947-dii waxa uu ku dhashay magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia, waxaanu waxbarashadiisii H/dhexe ku soo qaatay isla magaalada Diridhaba, waxaanu dalkiisa hooyo ku soo noqday sanadii 1966-kii, halka uu 1967-kii layli sarkaal ugu bay dalkii la isku odhan jiray midawgii Soofiyati, isla markaana waxa uu ku biiray ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ee dalkii la isku odhan jiray Somalia, muddo kadib waxa uu dalka maraykanka ku soo qaatay aqoonta sare ee hogaaminta ciidamada iyo tababaristooda.

Alle ha u naxariistee Col. Cabdilaahi Askar Barkhad, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii u adkaysan waayey tacadigii iyo gumaadkii lagu hayay bulshada reer Somaliland oo u badheedhay inay dagaal hubaysan oo naf-hurid ah kala hortagaan taliskii Siyaad Barre, isaga oo ka mid ahaa saraakiishii haldoorka ahaa ee hogaaminaysa jabahaddii SNM ee dib-u-xoraysay Somaliland.

Waxa uu ahaa sarkaalkii 12-kii April 1983-kii markii ay ciidamadii Taliskii Af-weyne qabteen Cabdilaahi Askar, oo markaa magaalada Hargeysa ka fulinayey hawl-galo qarsoodi ah ay Xerada Miiska Saraakiisha ee Birjeex kala baxeen koox uu hogaaminayey Mujaahidkii Geesiga ahaa ee Ibraahim Ismaaciil (Koodbuur) oo ahaa Gaashaanle Dhexe oo ka tirsanaa xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM Markii dambe ka mid noday Saraakiishii SNM.

Dhinaca kale Abwaan Aadan Tarabi, oo gabay ka tiriyey xilligii hawlgalkii Bir-jeex ee miiska saraakiisha waxa ka mid ahaa tuducyadan:-

Bishu waa Apriil Toban beri iyo laba

Bandhig ciidamadu Isu soo baxeen

Waxay baaxad iyo Baaruud Buuxsheen halkaa

Balanto ahayd beri inay dilaan baa askar la gala baxay

Badh-badhaadhaydii baa xigtaa la yidhi

Baga waw la qabay burburkaa ku dhacay

Budhcad waa geydaa

Berigii horena balfas hoobiyii badhtamaha

Jidkii u badnaa dadkii lagu beegay iyo

Ifraax boodhe iyo bulshadaan

Wax la yidhi Bir-jeex waxa helay Bad-jaax

Sidoo kale Yuusuf  X. Cabdi Xandule, oo ka waramaya Alle ha u naxariistee Muj C/llaahi Askar Barkhad, oo habeenkii Mujaahid Ibraahin Koodbuur iyo mujaahidiintii SNM miiska saraakiisha kala baxeen Mujaahidka, ayaa waxa uu sheegay, in maalinimadii uu Koodbuur u yimid, oo uu weydiistay gaadhi Landcrusar ah, una sheegay inuu hawl ku galayo, waxa uu yidhi “Ibraahin Koodbuur wuu ii yimid, waxa uu ii sheegay inuu gaadhiga iga doonayo, waxan ku idhi, maxaa dhacay, waxa uu ii sheegay inuu hawl ummada faa’iido u leh ku qabanayo, ka dib gaadhigii waan siiyay, aniga oo hawlahaygii ku guda jira oo adhi farabadan oo aan iibsaday meel ku xeraysan yahay.

Habeenkii fiidkii markii hawlgalka ay kula baxeen Mujaahid C/llaahi Askar ee aan ogaaday, aniga oo aan xoolahaygii iyo lacag meel ii taalay oo shaqadii aan ku noqon, markii aan ogaaday in hawlgalkaas bir-jeex dad loo xidhxidhay ayaan tagay guri  Jameecada ku yaala halkaas ayaan u hoyday oo gurigaygii umaan hoyan, ka dib laba maalmood ayaan sii joogay Hargeysa sidaas ayaan kaga daba talaabay, waxay faqashtii ka dib bilawday inay xaasaskii xidhxidho aniga gabadhaydii way xidhay, xaaskii Ibraahin Koodbuur way xidhay dhibaatadaas ayay gaadhsiiyay maatadii

C/llaahi Askar Barkhad Alle Ha u naxariistee waxa uu ahaa oo aan ku aqaanay geesinimo, Nin qiime leh, daacad ah dhamaan mujaahidiintii dhimatay alle ha u naxariisto

Sidoo kale Mujaahidiin waawayn oo iyagu shalay ka qayb galay aas qarameedkii loo sameeyey Mujaahidkii waynaa ee Marxuum C/laahi Askar ayaa iyagu dhamaantood shacbiga iyo eheliyadii Marxuumkaba ka tacsiyadeeyey, kana hadlay wixii ay ka yaqaaneen Marxuum C/laahi Askar, ugu horayna C/laahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo isagu ka hadlaya aqoontii uu u lahaa Mujaahid C/laahi Askar, waxa uu yidhi “Alle ha u naxariistee Marxuum C/laahi Askar waxa uu ka mid ahaa tiirarkii ugu waawaynaa ee ay ku taagneyd SNM, waxa uu ahaa  haldoorkii ummadan, xiligii halgankii iyo wakhtigan xaadirka ahba, waxa uu ahaa nin cibaado sax ah oo danta dadka ka hormarayi dan walba oo uu leeyahay, waxa uu ahaa nin wadaniyad ay ku xididaysatey, run ahaantiina waxaan odhan karaa maanta Somaliland shacbigeeda waxa ka baxay halyey qaran, waxaanan Ilaahay uga baryeyaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo ummada reer Somaliland-na samar iyo iimaan ka siiyo”

Waxa isaguna madashaa aaska ka hadlay Mujaahid Cali Guray, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Inaalilaahu wa inaalilaahu raajacuun, Alle ha u naxariisto oo ha u nuuriyo xabaashe waxa maanta aynu u joognaa halkan aaskii Mujaahid C/laahi Askar Barkhad oo aynu ogayn halkii uu kaga jiray taariikhdii halgankii SNM, waxa uu ahaa marxuum C/laahi Askar mid ka mid ah baalashii ay duuli jirtey SNM, waxan Ilaahay uga baryeyaa nin xaq u dirir ah buu ahaaye in  uu Iilka u nuuriyo oo uu janatul fardaws galo”

Hadaba hadii aynu si guud u dulmarno taariikhdii halkii Geesigii waynaa ee Mujaahid C/laahi Askar (AHN) oo shalay si heer qaran loogu aasay waxa aanu taariikhdaas  ka soo qaadanay wakhtigii la xidhay Alle ha u naxariistee Mujaahid C/laaahi Askar Barkhad  iyo la bixitaankiisii iyo macluumaad kale oo badan.

Ugu horayn Taariikhdan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamadii lagula baxay April 1983-kii Muj. Cabdilaahi Askar Barkhadle waxa ka waramaya Muj. Aadan Maal Caqli oo ka mid ahaa geesiyaashii la baxay Mujaahidkaa, Aadan waxa uu ku nool yahay hadda magaalada Hargeysa, waxaana raggii kale ee hawlgalka ka qayb qaatey ay ka noolyihiin sadex nin oo mid ka mid ahi uu Gobolka Sanaag joogo midna uu London ku nool yahay midina uu yahay Aadan Maalkan ka waramaya dhacdadaas cajiibka ah.

Akhriste Cabdilaahi Askar (AHN) oo ay wada socdeen Cabdisalaan Turki oo hawl ciidan u yimid Hargeysa Bishi April 1983 ayaa goor habeen ah lagu qabtay meel Woqooyiga ka xigta Sinimoogi hore ee Hargeysa ee loo yaqaanay National Cinema, Waxa la qabtay Cabdillahi Askar habeenimadii ay Bisha April ahayd 8-da. Cabdilaahi Askar habeenkaa waxa lagu xidhay oo lagu hayay xaruntii xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Sooamaliyed ee Woqooyi-Galbeed oo ahayd halka immika ay ku jirto Madbacadda Qaranku. Subaxnimadiina waxa loo gudbiyay Taliskii Qaybta 26aad oo uu markaa Taliye ka ahaa gacan ku dhiigle la odhan jiray Gaanni. Marxuum Cabdilaahi Askar (AHN) markiiba waxa lagula dhaqaaqay silic-dil iyada oo la mariyay jidadkii xanuunka ee dooxatadii Siyaad Barre ku caan baxday si warar iyo sir ururka SNM leeyahay looga helo Laabatooyinka jidhkiisa oo dhana shamac ayaa lagu gubay oo lagu dhalaaliyay.
12-kii April oo ahayd maalintii loo dabaal degi jiray wixii la odhan jiray Xooggii dalka Somaliyeed ayaa dooxatadii dalka ka talinaysay qorshaysay in Cabdilaahi Askar la geeyo Golihii Murtida iyo Madadaalada ee Hargeysa oo lagu qabanayay qayb xafladaasi ka mid ah, dadweynihii xafladaasi ka soo qaybgalay ayaa la doonayey in la tuso Cabdilaahi Askar oo isku jabsan iyadoo looga gol lahaa in shacbiga kenodiidka ah lagu qanciyo in aan cidi u maqnayn, haddii ay u maqantahayna ay iska yartahay waxa ay tari karaanba, haddalada maalintaa laga hayay Gaani waxa ka mid ahaa “Kii ugu weynaa ayaanu heynaa oo idin hor keeni doonaa”.

Taladu tiisa oo keliya maahe tii Alle iyo tii Mujaahidiintuna meel ayay sii taalay, intii uu Marxuum Cabdilaahi xidhnaaba waxay Mujahidiinti guduhuna gorfaynayeen sidii ay ula soo bixi lahayeen Cabdilaahi Askar, 11-kii April 1983-kii ayay Hurin ka tirsan Naftood hurayaashii SNM ee gudaha ku sugnaa oo uu horkacayay Ibrahim Ismail Maxamed oo loo yaqaanay Koodbuur ay goor casar ah soo kaxaysteen laba Baabuur oo Toyota ah oo iyago oo dhan Kow iyo Toban Mujaahid. Haddaba bal aynu eegno sida uu dhacdadan Aadan Maal uga sheekaynayey waxanu ku bilabay sheekadii sidan:-
Bishii 4-aad ee April 8-dii 1983 ayaa meel sinimoogii hore waqooyi ka xigta saq dhexe Cabdilaahi Askar lagu qabtay. In Cabdilaahi la soo furtaa waxay ku dhalatay saaxiibadii oo qaarkoodna halkan Hargeysa sii joogeen qaar na ay la socdeen, Fikradda soo furashada markii ugu horaysay waxa anaga noola yimid Ibraahim Carab iyo Siciid Cabdi Yaasiin oo loo yaqanay Bir-jeex. Hawlgalku Furayaal ayuu lahaa oo Askarta waxa Mafaatiix u ahaa labadaa mujaahid, saraakiishana Ibrahim Ismail Maxamed (Koodbuur) iyo Cabdisalaan Turki,  Aadan maal waxa uu inoo sheegayaa halkay sheekada ka soo bilaabeen, waxaanu yidhi “Sheekada waxaanu ka soo bilownay Guri aan ka fogayn Xeradii Birjeex, Maalintaa waxaanu ahayn 10 nin Maalintaa waxaanu qorshaynay inaanu fiidnimada la baxno Cabdilaahi Askar.habeenkaa way noo suurta galiwayday maxaa yeelay, 10-kayagii meesha fadhiday saddex ka mid ahayd ayaa naga baxday. Tiradayadii ayaa yaraatay oo 7 ayaanu noqonay waxaanu go’aansanay inaanay habeenimadaas noo suurta galay hawshu. Sidaa darteed ayaanu ballan Beri ah u qabsanay si aanu kulan dambe u samayno.”
Aadan Maal haddana maalintii dambe bal ha lafa guro wixii dhacay, waxa uu yidhi “Bishii April 11-keedii anagoo kasoo qadaynay Hudheel ku yaalay xaafadii Iftin ayaanu soo raacnay Tagsiyo oo aanu nimid guri ku yaalay meel Xabsiga dhexe ee Hargeysa Woqooyi Galbeed ka xiga. Waxa gurigaa lahaa Ismail Sheekh Ibrahim Xujaale, waxa noo qorshaysnaa inaanu hawlgalka ku dhaqaaqno 4-tii galabnimo, Qolooyin ayaa naga soo habsaamay oo goordambe noo yimid. Sidaa darteed ayaanu hawlgalkii u qorshaysanay inaanu ka dhigno 5 galabnimo.”Gurigan uu aadan inoo sheegay ee uu lahaa marxuum /mujaahid ismail sheekh ibrahim waxa uu ahaa ka ay ka baxeen colku, sidaa darteed ciidamadii dooxatada ahaa ee Siyaad Barre iyagoo falkan kaga aar gudanaya ayay Ismail la baxeen kuna toogteen Hargeysa, Ismail waxa la sheegay inuu taageray Hawlgalkaas isagoo sameeyay dabaaldeg.
Mujaahid Aadan Maal Caqli oo waxa uu intaa ku daray “Gurigii Jeelka dabadiisa ku yaalay ayaanu ka dhaqaaqnay. Halkan imika Ibrahim dheere uu ka dhisayo Masaajidka halka ka soo horjeeda ee Dugsiga Sh.Baraawena Galbeedka ka xigta ayaanu kaga dhacnay wadadii. 5:25 pm daqiiqado ayaanu dhaqaajinay oo cidhib barako leh ku dhufanay. Ku talagalku waxa uu ahaa inaanu marno wadad dhaqtarka ka damabaysa oo aanu kasoo laabano Sheekh Ibrahim Biliso halkii uu ku jiri jiray ka dibna aanu hormarno Tubatariyada, oo sidaa miiska sarakiisha ku tagno.”
Aadan Maal oo ka mid ahaa ragaa naftood hurayaasha ahaa ee la baxay Mujaahidkaa ha inoo sheego sidii lagu galay Miiska Saraakiisha, “Waxaanu isu qaybinay laba kooxod oo midi Afar tahay midina Sideed nin tahay. Waxa horgalayay baabuurka hore ee ay sideedu saarnaayeen oo aan ku jiray Markii aanu soo dhaqaaqnay Annagoo Sh.Ibrahim Biliso gurigii uu deganaa meel u dhaw marayna ayaanu ogaanay in baabuurkii Afarta nin saarnaayen naga hadhay. Halkii ayaanu ka soo noqonay.

Anagoo marayna meel aan ka fogayn Xafiiskii nabad sugida ee hore oo ah halka arimaha debeda iyo dib u dejintu ku jiraan hadda ayaanu aragnay Baabuurkii oo taagan meel aan ka fogayn halka hadda laga dhisay Guriga Edna Aadan ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ka dambeeya waanu ku soo noqonay. Shaw wuuba fadhiyaa Baabuurku Waanu riixnay Arday meesha maraysayna way nala riixeen. Waanu kariweynay Baabuurkii kale ayaanu ku jugaynay kii oo hashkadaynaya ayuu dhaqaaqay, Wadadii hore waanu ka leexanay oo waxaanu u soo leexanay tan Madaxtoyada hormarta. Intii aanu Baabuurka riixaynay ayaa Afartii saarnaa ee ku qornaa mid naga dhuuntay oo uu iska tagay.”
“Markii uu Babuurkii oo hashakadaynayaa noo kacay ayaanu isagii nidhi na horsoco si aanu u ogaano inuu istaagay iyo inkale. Markii aanu gaadhnay Geerashka ina Abu-site ayaanu Baabuurkii saddexdu saarna aan dhaafnay oo horgalay, Waxaanu ku nidhi soo soco oo hawshaadi qabso Hawshoodu waxay ahayd inay albaabka shishe ee Miiska ee Galbeed xigta ay tagaan oo ay Gaadhka halkaa jooga naga khaarajiyaan,  Annagoo sideed ahayna hawshayadu waxay ahayd inaanu Albaabka soke ee Bariga soo xiga ka galo oo Gaadhka gudaha ku jira kala calaf qaadno.”
Intaa ka dib maxaa dhacay, bal Aadan Maal ha wado mucjisadan, “Waxa direyskii ciidanka labisnaa Ibraahim Koodbuur iyo Ibrahim Carab oo aan darajo sidan  Balantayadu waxa ay ahayd marka uu Ibrahim Koodbuur Gaadhka ku yidhaa : “waa Gaashaanle Ibrahim Koodbuur,” haddii ay socda yidhaahdaana inaanu nabad ku galno, haddii ay yidhaahdaan “Nimanka dusha sarani waa maxay, ama ay Af-Somali kale ku hadlaan,” Baabuurku iska socdo anaguna inta Gaadhka ah ee halkaa taagan aanu khaarajino; Baabuurkuna xawli dheer ku dhaqaaqo si uu u tiigsado Gurigii uu Cabdilaahi Askar ku xidhnaa.”  bal waa tan soo socota ee haddaba bal Aadan ha inoo dhamaystiro sidii wax u dhaceen “Halkaa goolada ah ee labaadna Gaadh kale ayaa joogay oo maxaabiis kale ilaalinayay. kuwiina deg deg ayaanu u dhaafnay oo gaadhkaasi saraakiil meesha ku xidhnayd ayey ilaalinayeen. Waanu iska dhaafnay, Waxa aanu tagnay Gurgii uu ku xidhnaa Cabdilaahi Askar oo albaabka kale ee laga baxo u dhawaa. Halkaa waxa ku sugnaa Baabuurkii kale ee saddexdu saarnayeen. Waajibaadkoodu waxa uu ahaa inay Gaadhka albaabka Galbeed taagan laayaan si aanu Annagoo badqabna uga baxno meesha marka aanu hawshayada soo gudano”.
Markii aanu gudihii galnay waxa nala kulmay Ciidan laba Gaadh ah oo meesha wada fadhiyay. Baabuur yar oo jiib ah oo qori saarnaana xaga Midigta ayuu ka xigay, Jiib kalena waa uu ka dambeeyay, laakiin Jiibka hore waxa uu soo xigay xaga Guriga. Intii saarnayd meesha ayay iska taagtaagnaayeen, Nasiib wanaag qoryahoodi ma ay haysan oo Baabuurta ayay ka saarnaayeen, Xabbada Annaga ayaa ku bilownay oo ku horfurnay Socodkii dheeraa ee Baabuurka iyagoo ka shakiyay ayay istaageen iyada oo qaarkood qoryahoodii ay haysteen, Iyaga oo taagan ayaanu Baaburka dheega ugu qabanay Anagoo Baabuurkii saran oo aan ka dagin ayaanu xabadii ku bilownay, boodisna waanu ku darnay, marka aanu ku soo boodaynayna nimanka aanu ku boodaynay Qoryahayaga ayaaba is gadhayay.”
Gaadhkii maxay yeeleen, “Nimankii Gaadhka ahaa nin ka mid ah ayaa markiiba Beerka dhigay meel dhir leh oo xas dhexdii ah kaas oo aanu moodaynay inuu dhaawacanyahay oo Xabbadi ku dhacday,  Ninkaasaa naga dilay Biixi Xaaji Xasan isla markaana Xabbado nagaga dhuftay Baabuurkii. Ninkaa mooyaane intii kale ee Gaadhka ahayd hal nin oo kale ayaa Xabbado ridayey kaas oo ka mid aha kuwii Albaabka taagnaa, Ninkaas ayaa dhibaatadaa noo geystay, sideedayadii gudaha galay hawhsu way noo kala qaybsanayd Ibrahim Koodbuur iyo Cabdisalaan Turki xilkoodu waxa uu ahaa inay Cabdilaahi Askar Qufulka ka jabiyaan oo ay soo qaadaan, waayo waxa na loo sheegay in uu lugaha iyo gacmahaba ka xidhan yahay.

Dirawalka oo baabuurka ka masuul ahaa oo aanay ahayn inuu ka dego, haddii uu ka dego oo uu hawlgalanaa aanu ka fogaan dhakhsana ugu soo noqdo. Waxa aanu ku soo hadhnay Shan Mujahid  Anagana hawshayadu waxay ahayd khaarajinta Gaadhka iyo ilaalinta Ibrahim Koodbuur(Ilaahay ha u naxariistee), Cabdisalaan Turki iyo Marxuum Cabdilaahi Askar (AHN) dhamaantoodbee. Shantayadii dagaalamaysay markiiba laba ayay ku dhacday Kuwaas oo ahaa Biixi Xaaji Xasan iyo Siciid, waxaanu ku soo hadhnay saddex Siciid isagu dhaawicii gaadhiga kalamuu soo dagin,  Biixi waanu is agtaagnayn oo bidixda ayuu iga xigay, markii ay ku dhacday ayaan arkay ninka toogtay inuu yahay ninkan xaska dhex rafanaya.”
Aadan muxuu yeelay markuu arkay ninkan xaska dhex rafanayay, “Ninkii xaska dhex rafanayay ayaan xabad ku riday. Inta uu dhaqaaqay ayuu is-taagay meel cadceeda hoosteeda ah, dhinicii cadceeda ayuu naga maray, cadceeduna way sii dhacaysay oo waa ay na cawaraysay  Ninkii iyo cadceedii ayaa isku beegmay oo waxa igu adkaatay in ay indhahaygu qabtaan Xabbad baan ku dhuftay. Inta uu dhacay ayuu haddana siqay Maloosh iyo ibrahim Carab ayaa ka daba wareegay. Waxa ka horyimid Gaadhkii debeda joogay kuwii ayay isla libdheen. Anigu markaa waxaan u baydhay kuwii Gaadiidka iyo daaqadaha Gurayaha si aan lanooga soo toogan. Markaa Gudaha waxaanu kaga dagaalamaynay saddex keliya Maloosh, Ibrahim Carab iyo Aniga. Baabuurkii Saddexdu saaranayen debeda ayay hawshoodi ka bilaabeen. Tasina waxay keentay in gaadhkii lasoo eryado oo ay xagayagii iyo Gudihii u soo yaacan  Markii aanu baxaynay mid ka mid ah oo meyda ayaanu halkii ku dhaafnay, mid kalena halkan Aqalka debediisa ayuu ku dhintay. Run ahaantii magaranayo khasaraha aanu geysanay intii uu leekaa, rag badanbaase meesha jiifay.”
“Ibraahim koodbuur waxa uu ku muusanabayay “ Waar raga laaayayaay…waar raga laayaay”. Saddex Albaab ayaa isku dhejisnaa oo meesha ka soo jeeday Cabdisalaan Turkina Albaabkii bidixda xigay ayuu jebiyay  Markii uu Albaabkii jebiyay ayuu yidhi kuma jiro, markasaan ku idhi “Waar ka Midigta, Waar ka Midigta. Wuu ku orday Gacanta ayuu ula tagay, Cabdilaahi Askar markaa waxa uu bilaabay qaylo. Waxa uu laha “Waar Waa Ikan..Waar Waa Ikan…Waar Waa Ikan”.
Bal haddaba Aadan Maal ha inoo sii wado sheekadan oo in badan oo Bulshada Somaliland ka ka dhex arkayaan Mujaahidkii waynaa ee maalintaas waxaas oo dhiig ah loo daadinayey “Markii aanu is tooyanaynay ee aanu lahayn kan kuma jiro ayuu na maqlay, Cabdisalaan Turki ayaa Albaabkii gacanta ula tagay Handaraabkii ayuu soo gundhiyay, Markaas ayaan ku idhi ” Waar Qoriga dabadiisa ku dhufo” Cabdisalaan Turki oo gacanta kula jira ayaa Ibraahim koodbuur qoriga dabadiisa ku dhuftay, waanu ku qaylinay: Waar ka daa ninka gacanta ha jabinine marlabad ayuu ku celiyay oo wuu jabay Albaabkii Marxuum Cabdilaahi Askar oo qaawan ayaa isagoo boodaya soo dhaafay, waxa soo baxay Cabdilaahi Askar oo aan lugaha ka xidhnayn ee gacmaha oo keliya ka xidhan, Nigis yarna sita oo ay nabaro ku yaalan Jidhkiisa”.

Dadka Marxuum Cabdilaahi Askar ku dhowdhowi waxay sheegaan in nabaradii maalintaa lagu dhuftay Cabdilaahi ay wali ka muuqdaan Jidhkiisa, Mujaahid Aadan Maal waxa uu intaas ku daray “Markii uu soo baxay ayaan is hor taagay Aniga oo ka soo jeestay xaggii daaqadaha, waxa aan ku idhi Waar Baabuurka fuul, Waar baabuurka fuul Anigii ayuu iga shakiyay, Ibraahim iyo Cabdisalaan oo uu soo dhaafay ayuu ku yidhi “Waar ma Baabuurka ayaan fuulaa !!?”, Ibraahim ayaa la hadli waayay markasaan Ibraahim ku idhi “Waar Baabuurka fuul dheh”, Ibrahim ayaa u ishaaray inuu Baabuurka fuulo, xaggii Baabuurka ayuu u laabtay oo dhinicii Dirwalka ayuu soo maray. Dhinaca kale mar oo ka soo gal ayaan ku idhi, Ibraahina Baabuurkii ayuu la fuulay Shidhkii, Siciid Cabdi Yaasiin oo Baabuurka wadayna ma ahayn inuu ka dago, balse inuu saarnado ayay ahayd. Aniga iyo Cabdisalaan Turki ayaa ku dhaqaaqnay Biixi Xaaji Xasan oo dhaawacnaa, Siciid oo isna dhaawac ahaa, xabbadu waxay ku dhacday isagoo Baabuurka saaran oo kalama uu soo degin.
dhawr goor ayaa degdega awgii baabuurku naga dhaqaaqay oo hadana noo joogsaday oo hadana dhaqaqay. Baabuurku in door ah ayuu naga go’ay oo Albaabkii laga baxayay ayuu ku dhawaaday, Annaguna dhaawicii Biixi ayaanu daba sidnay. hadadna wuu dhaqaaq oo noo joogsaday. Biixi Xaaji Xasan aad ayuu u dhawacnaa oo naftuba waa ay kasii gurmaysay. Waxa uu nagu yidhi “Waar Annigu dhintaye yaan Baabuurku idinka tegin”.sidaa ayaanu Baabuurkii ku fuulnay, Biixina markii aanu tagnay naftuba way ka baxday oo nolol laguma soo gaadhin.”
“Sidaa ayaanu ku ambabaxnay Annagoo Baabuur keliya wadana. Albaabka Galbeed ayaanu ka baxnay. Jidka bari ka mara Guriga uu Cabdilaahi Dirwal iminka ku jiro ayaanu qaadnay, waxa aanu u joogsanay Saddexdii Baabuurka kale saarnaa oo soo ordayay. Cidi nama eryanayso markaa wax naga sii yaacaya mooyaa”.

Alle naxariistii jano ha ka waraabiyee Muj. C/laahi Askar Barkhad waxa uu ifka kaga tagay saddex wiil, laba gabdhood iyo xaas.

ka soo xigtey/source: Wargeyska Haatuf


Chatta säkrare i Messenger Klicka här!

Daawo Daawo sawirradan qiimaha badan ee taariikhiga Kornayl Cabdilaahi Askar


Chatta säkrare i Messenger Klicka här!

Source: Somalilands1991

Chatta säkrare i Messenger Klicka här!

Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb galay Aaska Marxuum C/laahi Askari oo si heer qaran ah loogu aasay Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb galay Aaska Marxuum C/laahi Askari oo si heer qaran ah loogu aasay Hargeysa

Hargeysa August 29, 2010 (HCTVnews)- Marxuum C/laahi Barkhad Askar oo ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM ee sida wayn uga soo qayb qaatay dib u xoraynta Somaliland ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Boqol jire ee Magaalada Hargeysa.

Aaska Marxuumkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland, Shirgudoonka Wakiilada, Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida iyo Wakiilada, Wasiiro, Siyaasiyiin, Culimaa u diin, Abwaano, Ganacsato iyo dad wayne kale oo tiro badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ka hadlay goobta aaska ayaa si kooban uga sheekeeyay taariikhdii Marxuu C/laahi Barkhad Askar iyo qaybtii uu ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta dalka, waxaana uu Illaahay uga baryay inay naxariistii jano ka waraabiyo Marxuumkaasi ehelkii iyo qarabadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Aaskan Marxuum C/laahi Barkhad Askar oo ahaa mid aan loo kala hadhin ayaa inta badan waxa halkaasi taariikhdii nololeed iyo halgankii uu ka soo qayb qaatayba ka sheekeeyay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ee ka soo qayb galay aaskaasi gaar ahaan Mujaahidiinta SNM oo in badan duurka ku wada jireen, waxaanay guud ahaan dadkaasi ayaa Mujaahid C/laahi Barkhad ku tilmaamay hayay qaran oo ka baxay shacabka Somaliland iyagoo Illaahayna uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaanka siiyo.

Maxamed Axmed Muuse (kuraase)

Source: Horn Cable Tv

Waxuu hawlgalkan cajiibka ahaa ee badbaadinta Cabdilaahi Askar dhabarjabweyn ku noqday taliyahii Ciidanka qaybta 26aad ee Ciidamadii siyaad Bare – General Gaani oo u dabaldegayey habeenkaas sanadguuradii aasaaskii wixii la odhanjiray ciidankii xooga dalka Somaliya 12th April.

Waxuu hawlgalkan cajiibka ahaa ee badbaadinta Cabdilaahi Askar dhabarjabweyn ku noqday taliyahii Ciidanka qaybta 26aad ee Ciidamadii siyaad Bare – General Gaani oo u dabaldegayey habeenkaas sanadguuradii aasaaskii wixii la odhanjiray ciidankii xooga dalka Somaliya 12th April.

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale

Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii Qarnigii hore ee lagula baxay Muj.Cabdilaahi Askar Barkhadlewaxa ka waramaya oo ka sheekeyay Muj.Aadan Maal Caqli oo ka mid ahaa geesiyaashii la baxay Mujaahidkaa, Aadan waxa uu ku nool yahay hadda magaalada Hargeysa, waxaana la ii sheegay inay raggii kale ee hawlgalka ka qayb qaatey ay ka noolyihiin saddex nin oo mid ka mid ahi uu Gobolka Sanaag joogo midna uu London ku nool yahay midina uu yahay Aadan Maalkan ka waramaya dhacdadaas cajiibka ah. Waxa sheekadan soo ururiyey oo habeeyay Muj.Boobe Yuusuf Ducaale oo ah qoraa weyn oo reer Somaliland ah.

Akhriste Cabdilaahi Askar oo ay wada socdeen Cabdisalaan Turki oo hawl ciidan u yimid Hargeysa Bishi April 1983 ayaa goor habeen ah lagu qabtay meel midig oo Woqooyiga ka xigta Sinimoogi hore ee Hargeysa ee loo yaqaanay National Cinema. Waxa laqabtay Cabdillahi Askarhabeenimadii ay Bisha April ahayd 8-da. Cabdilaahi Askar habeenkaa waxa lagu xidhay oo lagu hayay xaruntii xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Sooamaliyed ee Woqooyi-Galbeed oo ahayd halka immika ay ku jirto Madbacadda Qaranku. Subaxnimadiina waxa loo gudbiyay Taliskii Qaybta 26aad oo uu markaa Taliye ka ahaa gacan ku dhiigle la odhan jiray Gaanni. Cabdilaahi markiiba waxa lagula dhaqaaqay silic-dil iyada oo la mariyay jidadkii xanuunka ee dooxatadii Siyaad Barre ku caan baxday si warar iyo sir ururka SNM leeyahay looga helo. Laabatooyinka jidhkiisa oo dhana shamac ayaa lagu gubay oo lagu dhalaaliyay.

12kii April oo ahayd maalintii loo dabaal degi jiray wixii la odhan jiray Xooggii dalka Somaliyeed ayaa dooxatadii dalka ka talinaysay qorshaysay in Cabdilaahi Askar la geeyo Golihii Murtida iyo Madadaalada ee Hargeysa oo lagu qabanayay qayb xafladaasi ka mid ah. dadweynihii xafladaasi ka soo qaybgalay ayaa la doonayey in la tuso Cabdilaahi oo isku jabsan iyadoo looga gol lahaa in shacbiga kenodiidka ah lagu qanciyo in aan cidi u maqnayn, haddii ay u maqantahayna ay iska yartahay waxa ay tari karaanba, haddalada maalintaa laga hayay Gaani waxa ka mid ahaa “Kii ugu weynaa ayaanu heynaa oo idin hor keeni doonaa”.Taladu tiisa oo keliya maahe tii Alle iyo tii Mujaahidiintuna meel ayay sii taalay, intii uu Cabdilaahi xidhnaaba waxay Mujahidiinti guduhuna gorfaynayeen sidii ay ula soo bixi lahayeen Cabdilaahi Askar. 11kii April 1983kii ayay Hurin ka tirsan Naftood hurayaashii SNM ee gudaha ku sugnaa oo uu horkacayay Ibrahim Ismail Maxamed oo loo yaqaanay Koodbuur ay goor casar ah soo gaxaysteen laba Baabuur oo Toyota ah oo iyago oo dhan Kow iyo Toban Mujaahid. Haddaba bal aynu eegno sida uu dhacdadan Aadan Maal uga sheekaynayo waxanu ku bilabay sheekadii sidan:-

Bishii 4aad ee April 8dii 1983 ayaa meel sinimoogii hore waqooyi ka xigta saq dhexe Cabdilaahi Askar lagu qabtay. In Cabdilaahi la soo furtaa waxay ku dhalatay saaxiibadii oo qaarkoodna halkan Hargeysa sii joogeen qaar na ay la socdeen. Fikradda soo furashada markii ugu horaysay waxa anaga noola yimid Ibraahim Carab iyo Siciid Cabdi Yaasiin oo loo yaqanay Bir-jeex. Hawlgalku Furayaal ayuu lahaa oo Askarta waxa Mafaatiix u ahaa labadaa mujaahid, saraakiishana Ibrahim Ismail Maxamed (Koodbuur) iyo Cabdisalaan Turki. Aadan maal waxa uu inoo sheegayaa halkay sheekada ka soo bilaabeen, waxaanu yidhi “Sheekada waxaanu ka soo bilownay Guri aan ka fogayn Xeradii Birjeex. Maalintaa waxanu ahayn 10 nin. Maalintaa waxaanu qorshaynay inaanu fiidnimada la baxno Cabdilaahi Askar.habeenkaa way noo suurta galiwayday maxaa yeelay, 10-kayagii meesha fadhiday saddex ka mid ahayd ayaa naga baxday. Tiradayadii ayaa yaraatay oo 7 ayaanu noqonay waxaanu goaansanay inaanay caawa hawshu noo suura galayn. Sidaa darteed ayaanu ballan Beri ah u qabsanay si aanu kulan dambe u samayno.”

Aadan Maal haddana maalintii dambe bal ha lafa guro wixii dhacay”Bishii April 11-keedii anagoo kasoo qadaynay Hudheel ku yaalay xaafadii Iftin ayaanu soo raacnay Tagsiyo oo aanu nimid guri ku yaalay meel Xabsiga dhexe ee Hargeysa Woqooyi Galbeed ka xiga. Waxa gurigaa lahaa Ismail Sheekh Ibrahim Xujaale, waxa noo qorshaysnaa inaanu hawlgalka ku dhaqaaqno 4tii galabnimo, Qolooyin ayaa naga soo habsaamay oo goordambe noo yimid. Sidaa darteed ayaanu hawlgalkii u qorshaysanay inaanu ka dhigno 5 galabnimo.”Gurigan uu aadan inoo sheegay ee uu lahaa marxuum/mujaahid ismail sheekh ibrahim waxa uu ahaa ka ay ka baxeen colku, sidaa darteed ciidamadii dooxatada ahaa ee Siyaad Barre iyagoo falkan kaga aar gudanaya ayay Ismail la baxeen kuna toogteen Hargeysa, Ismail waxa la sheegay inuu taageray Hawlgalkaas isagoo sameeyay dabaaldeg.

Aadan ha inoo wado shekadii “Gurigii Jeelka dabadiisa ku yaalay ayaanu ka dhaqaaqnay. Halkan imika Ibrahim dheereuu ka dhisayo Masaajidka halka kasoo horjeeda ee Dugsiga Sh.Baraawena Galbeedka ka xigta ayaanu kaga dhacnay wadadii. 5:25p.m daqiiqo ayaanu dhaqaajinay oo cidhib barako leh ku dhufanay. Ku talagalku waxa uu ahaa inaanu marno wadad dhaqtarka ka damabaysa oo aanu kasoo laabano Sheekh Ibrahim Biliso halkii uu ku jiri jiray ka dibna aanu hormarno Tubatariyada, oo sidaa miiska sarakiisha ku tagno.”

Aadan Maal oo ka mid ahaa ragaa naftood hurayaasha ah ee la baxay Mujaahidkaa ha inoo sheego sidii lagu galay Miiska Saraakiisha, “Waxaanu isu qaybinay laba kooxod oo midi Afar tahay midina Sideed nin tahay. Waxa horgalayay baabuurka hore ee ay sideedu saarnaayeen oo aan ku jiray. Markii aanu soo dhaqaaqnay Annagoo Sh.Ibrahim Biliso gurigii uu deganaa meel u dhaw marayna ayaanu ogaanay in baabuurkii Afarta nin saarnaayen naga hadhay. Halkii ayaanu ka soo noqonay. Anagoo marayna meel aan ka fogayn Xafiiskii nabad sugida ee hore oo ah halka arimaha debeda iyo dib u dejintu ku jiraan hadda ayaanu aragnay Baabuurkii oo taagan meel aan ka fogayn halka hadda laga dhisay Guriga Edna Aadan ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ka dambeeya waanu ku soo noqonay. Shaw wuuba fadhiyaa Baabuurku Waanu riixnay Arday meesha maraysayna way nala riixeen. Waanu kariweynay Baabuurkii kale ayaanu ku jugaynay kii oo hashkadaynaya ayuu dhaqaaqay. Wadadii hore waanu ka leexanay oo waxaanu u soo leexanay tan Madaxtoyada hormarta. Intii aanu Baabuurka riixaynay ayaa Afartii saarnaa ee ku qornaa mid naga dhuuntay oo uu iska tagay.”

Ogow akhriste Habeenkii ka horeeyay iyagoo Tobbana Saddex ayaa iska goostay, Aadan ha inoo wado ee raali ahaada, “Markii uu Babuurkii oo hashakadaynayaa noo kacay ayaanu isagii nidhi na horsoco si aanu u ogaano inuu istaagay iyo inkale. Markii aanu gaadhnay Geerashka ina Abu-site ayaanu Baabuurkii saddexdu saarnaAyEen dhaafnay oo horgalay. Waxaanu ku nidhi soo soco oo hawshaadi qabso. Hawshoodu waxay ahayd inay albaabka shishe ee Miiska ee Galbeed xigta ay tagaan oo ay Gaadhka halkaa jooga naga khaarajiyaan. Annagoo sideed ahayna hawshayadu waxay ahayd inaanu Albaabka soke ee Bariga soo xiga ka galo oo Gaadhka gudaha ku jira kala calaf qaadno.”

Intaa ka dib maxaa dhacay, bal Aadan Maal ha wado mucjisadan, “Waxa direyskii ciidanka labisnaa Ibraahim Koodbuur iyo Ibrahim Carab oo aan darajo sidan. Balantayadu waxa ay ahayd marka uu Ibrahim Koodbuur Gaadhka ku yidhaa : “waa Gaashaanle Ibrahim Koodbuur,” haddii ay socda yidhaahdaana inaanu nabad ku galno, haddii ay yidhaahdaan “Nimanka dusha sarani waa maxay, ama ay Af-Somali kale ku hadlaan,” Baabuurku iska socdo anaguna inta Gaadhka ah ee halkaa taagan aanu khaarajino; Baabuurkuna xawli dheer ku dhaqaaqo si uu u tiigsado Gurigii uu Cabdilaahi Askar ku xidhnaa.”. bal waa tan soo socota ee haddaba bal Aadan ha inoo dhamaystiro sidii wax u dhaceen “Halkaa goolada ah ee labaadna Gaadh kale ayaa joogay oo maxaabiis kale ilaalinayay. kuwiina deg deg ayaanu u dhaafnay oo gaadhkaasi saraakiil meesha ku xidhnayd ayey ilaalinayeen. Waanu iska dhaafnay, Waxa aanu tagnay Gurgii uu ku xidhnaa Cabdilaahi Askar oo albaabka kale ee laga baxo u dhawaa. Halkaa waxa ku sugnaa Baabuurkii kale ee saddexdu saarnayeen. Waajibaadkoodu waxa uu ahaa inay Gaadhka albaabka Galbeed taagan laayaan si aanu Annagoo badqabna uga baxno meesha marka aanu hawshayada soo gudano”.

Markii aanu gudihii galnay waxa nala kulmay Ciidan laba Gaadh ah oo meesha wada fadhiyay. Baabuur yar oo jiib ah oo qori saarnaana xaga Midigta ayuu ka xigay, Jiib kalena waa uu ka dambeeyay, laakiin Jiibka hore waxa uu soo xigay xaga Guriga. Intii saarnayd meesha ayay iska taagtaagnaayeen. Nasiib wanaag qoryahoodi ma ay haysan oo Baabuurta ayay ka saarnaayeen. Xabbada Annaga ayaa ku bilownay oo ku horfurnay. Socodkii dheeraa ee Baabuurka iyagoo ka shakiyay ayay istaageen iyada oo qaarkood qoryahoodii ay haysteen, Iyaga oo taagan ayaanu Baaburka dheega ugu qabanay. Anagoo Baabuurkii saran oo aan ka dagin ayaanu xabadii ku bilownay, boodisna waanu ku darnay, marka aanu ku soo boodaynayna nimanka aanu ku boodaynay Qoryahayaga ayaaba is gadhayay.”

Gaadhkii maxay yeeleen bal Aadan ha inoo sii waramo waabu xiiqee, “Nimankii Gaadhka ahaa nin ka mid ah ayaa markiiba Beerka dhigay meel dhir leh oo xas dhexdii ah kaasoo aanu moodaynay inuu dhaawacanyahay oo Xabbadi ku dhacday. Ninkaasaa naga dilay Biixi Xaaji Xasan isla markaana Xabbado nagaga dhuftay Baabuurkii. Ninkaa mooyaane intii kale ee Gaadhka ahayd hal nin oo kale ayaa Xabbado ridayey kaas oo ka mid aha kuwii Albaabka taagnaa, Ninkaas ayaa dhibaatadaa noo geystay, sideedayadii gudaha galay hawhsu way noo kala qaybsanayd. Ibrahim Koodbuur iyo Cabdisalaan Turki xilkoodu waxa uu ahaa inay Cabdilaahi Askar Qufulka ka jabiyaan oo ay soo qaadaan, waayo waxa na loo sheegay in uu lugaha iyo gacmahaba ka xidhan yahay. Dirwalka oo baabuurka ka masuul ahaa oo aanay ahayn inuuka dego, haddii uu ka dego oo uu hawlgalanaa aanu ka fogaan dhakhsana ugu soo noqdo. Waxa aanu ku soo hadhnay Shan Mujahid. Anagana hawshayadu waxay ahayd khaarajinta Gaadhka iyo ilaalinta Ibrahim Koodbuur(Ilaahay ha u naxariistee), Cabdisalaan Turki iyo Cabdilaahi Askar. Shantayadii dagaalamaysay markiiba laba ayay ku dhacday. Kuwaas oo ahaa Biixi Xaaji Xasan iyo Siciid, waxaanu ku soo hadhnay saddex Siciid isagu dhaawicii gaadhiga kalamuu soo dagin. Biixi waanu is agtaagnayn oo bidixda ayuu iga xigay, makii ay ku dhacday ayaan arkay ninka toogtay inuu yahay ninkan xaska dhex rafanaya.”

Aadan muxuu yeelay markuu arkay ninkan xaska dhex rafanayay, “Ninkii xaska dhex rafanayay ayaan xabad ku riday. Inta uu dhaqaaqay ayuu is-taagay meel cadceeda hoosteeda ah, dhinicii cadceeda ayuu naga maray, cadceeduna way sii dhacaysay oo waa ay na cawaraysay. Ninkii iyo cadceedii ayaa isku beegmay oo waxa igu adkaatay in ay indhahaygu qabtaan. Xabbad baan ku dhuftay. Inta uu dhacay ahuu haddana siqay. Maloosh iyo ibrahim Carab ayaa ka daba wareegay. Waxa ka horyimid Gaadhkii debeda joogay kuwii ayay isla libdheen. Anigu markaa waxaan u baydhay kuwii Gaadiidka iyo daaqadaha Gurayaha si aan lanooga soo toogan. Markaa Gudaha waxaanu kaga dagaalamaynay saddex keliya Maloosh, Ibrahim Carab iyo Aniga. Baabuurkii Saddexdu saaranayen debeda ayay hawshoodi ka bilaabeen. Tasina waxay keentay in gaadhkii lasoo eryado oo ay xagayagii iyo Gudihii usoo yaacan. Markii aanu baxaynay mid ka mid ah oo meyda ayaanu halkii ku dhaafnay, mid kalena halkan Aqalka debediisa ayuu ku dhintay. Run ahaantii magaranayo khasaraha aanu geysanay intii uu leekaa, rag badanbaase meesha jiifay.”

“Ibraahim koodbuur waxa uu ku muusanabayay: Waar raga laaayayaay…waar raga laayaay. Saddex Albaab ayaa isku dhejisnaa oo meesha ka soo jeeday Cabdisalaan Turkina Albaabkii bidixda xigay ayuu jebiyay. Markii uu Albaabkii jebiyay ayuu yidhi kuma jiro, markasaan ku idhi “Waar ka Midigta..Waar ka Midigta. Wuu ku orday. Gacanta ayuu ula tagay, Cabdilaahi Askar markaa waxa uu bilaabay qaylo. Waxa uu laha “Waar Waa Ikan ..Waar Waa Ikan…Waar Waa Ikan”.

Bal haddaba Aadan Maal ha inoo sii wado sheekadan oo in badan oo Bulshada Somaliland ka mida ku ah maqal iyo sheeko xariireed.”Markii aanu is tooyanaynay ee aanu lahayn kan kuma jiro ayuu na maqlay. Cabdisalaan Turki ayaa Albaabkii gacanta ula tagay. Handaraabkii ayuu soo gundhiyay. Markaas ayaan ku idhi : Waar Qoriga dabadiisa ku dhufo cabdisalaan Turki oo gacanta kula jira ayaa Ibraahim koodbuur qoriga dabadiisa ku dhuftay, waanu ku qaylinay: Waar ka daa ninka gacanta ha jabinine marlabad ayuu ku celiyay oo wuu jabay Albaabkii. Cabdilaahi Askar oo qaawan ayaa isagoo boodaya soo dhaafay, waxa soo baxay Cabdilaahi Askar oo aan lugaha ka xidhnayn ee gacmaha oo keliya ka xidhan, Nigis yarna sita oo ay nabaro ku yaalan Jidhkiisa”.

Dadka Cabdilaahi Askar ku dhowdhowi waxay sheegaan in nabaradii maalintaa lagu dhuftay Cabdilaahi ay wali ka muuqdaan Jidhkiisa, raali ahaada Aadan oo sheekadii xiisaha lahayd wada ayaan dhex galee”Markii uu soo baxay ayaan is hor taagay Aniga oo kasoo jeestay xaggii daaqadaha, waxa aan ku idhi Waar Baabuurka fuul.. Waar baabuurka fuul. Anigii ayuu iga shakiyay, Ibraahim iyo Cabdisalaan oo uu soo dhaafay ayuu ku yidhi “Waar ma Baabuurka ayaan fuulaa !!?”, Ibraahim ayaa la hadli waayay markasaan Ibrahim ku idhi “Waar Baabuurka fuul dheh”, Ibrahim ayaa u ishaaray inuu Baabuurka fuulo, xaggii Baabuurka ayuu u laabtay oo dhinicii Dirwalka ayuu soo maray. Dhinaca kale mar oo ka soo gal ayaan ku idhi, Ibraahina Baabuurkii ayuu la fuulay Shidhkii. Siciid Cabdi Yaasiin oo Baabuurka wadayna ma ahayn inuu ka dago, balse inuu saarnado ayay ahayd. Aniga iyo Cabdisalaan Turki ayaa ku dhaqaaqnay Biixi Xaaji Xasan oo dhaawacnaa. Siciid oo isna dhaawac ahaa, xabbadu waxay ku dhacday isagoo Baabuurka saaran oo kalama uu soo degin.

dhawr goor ayaa degdega awgii baabuurku naga dhaqaaqay oo hadana noo joogsaday oo hadana dhaqaqay. Baabuurku in door ah ayuu naga goay oo Albaabkii laga baxayay ayuu ku dhawaaday, Annaguna dhaawicii Biixi ayaanu daba sidnay. hadadna wuu dhaqaaq oo noo joogsaday. Biixi Xaaji Xasan aad ayuu u dhawacnaa oo naftuba waa ay kasii gurmaysay. Waxa uu nagu yidhi “Waar Annigu dhintayee yaan Baabuurku idinka tegin”.sidaa ayaanu Baabuurkii ku fuulnay, Biixina markii aanu tagnay naftuba way ka baxday oo nolol laguma soo gaadhin.

“Sidaa ayaanu ku ambabaxnay Annagoo Baabuur keliya wadana. Albaabka Galbeed ayaanu ka baxnay. Jidka bari ka mara Guriga uu Cabdilaahi Dirwal iminka ku jiro ayaanu qaadnay, waxa aanu u joogsanay Saddexdii Baabuurka kale saarnaa oo soo ordayay. Cidi nama eryanayso markaa wax naga sii yaacaya mooyaane Dugsigii 1st July oo iminka ah Jaamacadda Hargeysa ayaanu Bari ka marnay. Masaajidka Isha Boorama ku yaala, galbeed ayaanu ka marnay, Magaalo qaloocan oo ahayd Xeradii Ayaxa ayaanu marnay. Midig ayaanu u baydhnay oo Dalcadda Kalajarka dariiqa ka booda ayaanu marnay. Markii aanu ka baxnay Dalcadii kalajarka ayaa Baabuurkii naga hashkadeeyey oo joogsaday. Waxa naga horaysay Xero Ciidan degenyahay iyo Gantaalihii. labada dhexdooda ayaanu marnay, Cadceedu markaa way sii dhacaysaa, Waxay nala noqotay inaanu ciidankaa Cadceeda hoosta ka marno, waayo haddii aanu Cadceeda kasoo baxa ka mari lahayn way na ogaan lahaayeen. Xagga cadceeda inaanu kamarnaa anaga ayay na caawisay. Xeradii markii aanu dhaafnay ayaanu bidixda u baydhnay.

Markale ayaa Baabuurkii hashkadii bilaabay, Annagoo socona halka ay ku kala baydhaan wadada Madaarka tagta iyo ta Ina Naxar usoo leexata. Kucladdii ayaanu in shidaal ah ku shubnay waa uu noo dhaqaaqay, markii ilaa boqol talaabo soconay ayuu haddana joogsaday. Tallo ayaanu markale is weydiinay intii aanu tashanaynay ayay cadceeddii halkaa noogu dhacday. Cabdisalaan Turki ayaa soo jeediyay inaanu Salatul-Shukri tukano, waananu tukanay.”Markii ay tukadeen ayay baabuurki yara hagaajisteen oo dhaqaajiyeen. Waxay qoorsadeen wadadii Habaas weyn. Darfacle markii ay dhaafeen ayay laydhka shiteen. Makhaayad ku taala Tuulo la yidhaa Cunaaye ayay joogsadeen, Dadkii ayay waraysteen inay wadadu kala baydhayso inta Gumburaha banka ka horaysa iyo inkale. Waxa loo sheEgay inay kala baxayso. Meesha oo kayn ahayd awgeed dadkii ayay weydiisteen in cid la raaciyo, dad aqoon u leh Jidka. Laba nin ayaa lagu daray iyadoo loo qaatay inay yihiin Jaadlayaal.

Labadii nin waxay ku simeen Gumbiriihi Banka, halkiina nin kale oo dal mariye ah ayay ka qaateen, Waxay cagta saareen Wadadii Gumar u baxaysay. Meel fog ayaa waxa uga muuqday Leydh horgoynayay oo ka soo baxay Bali Gubadle oo xaga Gumbureed u socda. Markii dambe ee ay talaabeen waxay ogaadeen in laydhii hor goynayay ahaa BeeBee ciidamadu lahaayen oo iyaga loo soo diray. Waxa intaa lagu daray in Baabuurkaa Beebeega ahaa uu la booday ciidankii uu siday mar uu xurfad ku dhacay oo nina uu geed kasoo laad laadsamay nina dhulka ku dhacay oo luqunta wax ka noqday. Intii ay shilka ku hawlanaayen ayay iyaguna xuduuda ka talaabeen. sidaa ayay Gumar ku tageen, Gumar waxa ay kala kulmeen Ciidankii oo halkaa ku joojiyay Ibrahim Koodbuur baa ku yidhi “Waxanu nahay Koofiyad castii qaybta ee wax Baabuur ahi ma idin dhaafeen.. Baabuur ayaa lanagala soo baxsadee..?”, Maya ayay ugu jawaabeen Askartii, Ibrahim koodbuur waxa uu faray Askartii inay wixii Baabuur ah ee ay arkaan ay joojiyaan. Waxa uu intaa u gu daray inay Xaga Bali Cabane u dhaafayaan.

Ibrahim kood buur sidii ayuu u labisnaa. Intii aanay gumar ka tagin waxay sii waraysten inay wadadii caraancaray miinaysantahay iyo inkale waxa loo shegay inaanay miinaysnayn, sidii ayay ku dhaqajiyeen markii ay gumar in yar ka socdeen ayay u baydheen wado yar oo la yidhaa Wada tuug oo xarshin ku beeganta, caraancarayna xaga galbeed ka marta. Idhinka xarshimeed markii ay u baxeen ee ay laamayarada marayeen ayay siciid oo dhawac ahaa oo baabuurka saarnaa yidhi Waar biyo I siiya kol haddii aynu soo talownay reer Banka agtiisa yaalay ayaanu joogsanay oo biyo weydiisanay. Waqti ayay ku qaadatay intii biyaha loo keenayay sidii loo tooyanayay.

Biyihii ayay siiyeen Siciid nimankii ayaa u sheegay in kol haddii gabalku dhaco aan xarshin la geli Karin, gaar ahaan iyagoo hubsitay Baaburna watay. Sidii ayay yeeleen saacadu markay ahayd 2:45a.m saacadod ayay siciid naftii ka baxday. Subaxnimadii ayay goor hore tooseen iyadoo uu Maydkii gaadhiga u saaran yahay ayay damceen inay dhaqaaqaan, baabuurkii ayaa kiciwaayay qafaska ayay ka qaadeen waxayna arkeen inay xabbadi kaga dhacday qasabadii baabuurka halkii xabadu kaga dhacday ayay qasabadii warqad ku duubeen, Beytariga qudhiisu waa uu ka yara seexday, waa ay riixen inyar ka dibna waa uu istaadhmay.

Ku sinaan 6-dii subaxnimo ayay dhaqajiyeen Xarshina waxay galeen waqti yar ka dib, waa bishii april 12-kedi 1983. xaruntii SNM-ta ee Xarshimeed ayay meydkii ku rogeen sidaasa laguna aasay iyana sidaasay Ethiopia ku galeen.

Magacyada Mujaahidiintii Hawlgalkan fuliyay:-

1. Ibrahim Ismail maxamed Koodbuur
2. Cabdi salaan turki
3. Biixi xaaji xasan
4. Siciid Cabdi yaasin (Siciid-Birjeex)
5. Siciid
6. Axmed xuseen warsame(Maloosh)
7. adan Maal Caqli
8. Saleeban Siciid
9. Jaamac maxamed cali
10. Maxamed Carab
11. Axmed Ismaciil Yuusuf.

Akhrist hawlgalkan waxa fuliyay 11-kan Mujaahid, laakin waxa jiray dad iyaguna si dadban u waday hawsha sida kuwii ogaa hawsha bilowgedi ee aan haddana afka juuq ka odhan, gurigii la fadhiisan jiray, marka Albaabka lasoo garaaco qofkii digtoonaa ee ka furayay Albaabka iyo xiitaa kuwii Shaaha u soo karinayay iyagoo qudhoodu hawl ayay qabteene. Sidaa daradeed bal dib ayaynu u soo qori doonaa waxyaabaha kale ee dhima
Mujaahid: Boobe Yuusuf Ducaale.

Qoraal-taarikheed Ku Saabsan Dhacdadii Mucjisada Ahayd Ee 1983 Lagu Baxay Kornayl Cabdilaahi Askar

Qoraal-taarikheed Ku Saabsan Dhacdadii Mucjisada Ahayd Ee 1983 Lagu Baxay Kornayl Cabdilaahi Askar

Hargeysa (Oodweynenews)- Waxay ahayd dhamaadkii sanadkii 1982kii markii ay Itoobiya ka abuurmeen dhaqdhaqaaqii xaq u dirirka ahaa ee ururkii SNM, xiligaas waxaa Itoobiya isugu yimi saraakiil door ah iyo siyaasiyiin debadaha ka yimi oo ay ujeedadoodu ahayd sidii ay u bilaabi lahaayeen halgan lagaga hor tago xukuumadii haligantay ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa oo xasuuq iyo xumaato ku la dhaqmaysay shacbigii ku noolaa wixii loo yaqaanay gobalada waqooyi xiligaas.

Si hadaba uu ururka SNM u helo taageero gudaha ah iyo mid debada ahba una muujiyo awoodiisa ayaa waxa uu go’aan saday in uu hawlgalo milatari ka fuliyo dalka gudahiisa, waxaana qorshayaasha dagaal ee laga fulinayo gudaha dalka ay ujeedadiisu ahayd naafaynta cadawga, argagax galinta dawlada iyo muujinta la muujinayay in aan shacbiga gobolada waqooyi marnaba raali ka ahayn xasuuqa iyo xad gudubka ay xukuumadii siyaad barre ku haysay shacbigeedii miskiinka ahaa.

Hadaba Ururkii SNM waxa uu go’aansaday inuu talaabooyin milatari ku fuliyo qaar ka tirsan madaxdii dhagar qabayaasha ahayd ee shacbiga xasuuqaysay, waxaa markaas SNM ay gudahii dalka usoo dirtay saraakiil milatari oo SNM ka tirsanaa. Bishii Diisambar ee sanadkii 1982kii ayaa waxaa Tuulaha Gaashaamo oo Bariga Itoobiya ku taala SNM ay kasoo dirtay laba sarkaal oo kala ah:

Cabdi Salaan Turki Maxamuud iyo Cabdilaahi Askar Barkhad.

Waxa labadaas sarkaal ee naftood hure ay soo mareen dhulka hawdka ah, waxaana ay dhinaca koonfureed kasoo galeen Magaalada Burco, muddo gaaban kadibna waxay usoo dhaafeen dhinaca magaalada Berbera, iyaga oo markii danbana usoo gudbay Magaalada Hargeysa.

Ujeedada ay labadaas sarkaal Hargeysa u yimaadeen waxay ahayd laba ujeedo oo kala ah:

Inay isku habeeyaan oo isku dubarridaan saraakiishii Ciidanka dawlada ku dhex jiray ee ay filayeen inay dawlada kasoo horjeedaan, iyaga oo waliba bartilmaameed ka dhiganayay inay qadiyda SNM ka dhaadhiciyaan saraakiishii milatariga ahayd ee asal ahaan kasoo jeeday beelihii taageeri jiray SNM.

Ujeedada kale ee ay u socdeen labadaas sarkaal waxay ahaayeen inay khaarajiyaan taliyihii qaybta 26aad ee waagaas oo ahaa Gacan ku dhiigle Maxamed Xaashi Gaani.

Hadaba muddo afar bilood ku dhow markii ay magaalada Hargeysa ku dhuumaalaysanayeen ee ay hawlahoodii si fiican oo qarsoodi ah ay u wadaan, laba habeena ay ka hadhsan tahay inay khaarajiyaan dhagarqabe Gaani ayaa nasiib darro dhacday oo waxaa Taliskii Dawladu uu gacanta ku dhigay Gaashaanle sare Cabdilaahi Askar Barkhad taariikdu markay ahayd sagaalkii

bishii April ee sanadkii 1983kii.

Waxaa taasi noqotay dhacdo argagax badan oo ay ka murugoodeen dadweynihii taageeri jiray ururkii SNM, waxaana ay guul lama filaan ah u noqotay maamulkii dawlada, gaar ahaan taliyihii qaybta 26aad Gacan ku dhiigle Maxamed Xaashi Gaaani oo markiiba u damaashaaday inuu gacanta ku dhigay wax uu ku magacaabay BOQORKII SHINIDA oo uu ula jeeday Cabdilaahi Askar oo ahaa sarkaal sare oo SNM ka tirsanaa.

Gaani waxa uu markiiba damaashaadkiisa gaadhsiiyay maamulkii muqdisho gaar ahaan kaligii taliyihii Qaxootinimada ku dhintay ee Siyaad Barre.

Markiiba talo ayaa ku cadaatay dadkii taageeri jiray SNM waxaana ay aamineen in maalmo yar gudahood badhka la gayn doono naftana laga jari doono Cabdilaahi Askar, nasiib darro dadweynahaasi may lahayn wax awood ah oo ay ku caawin karaan Maxbuuskaas SNM oo iyaga ayaaba xasuuq iyo xadgudub lagu hayay.

Cabdilaahi Askar waxaa markiiba loo qaaday Xarunta Miiska saraakiisha oo dhinaca galbeed kaga toosan huteelka dawlada ee Hargeysa Kilaab, waxaana lagu wareejiyay ciidan xoog u hubaysan oo laga soo kala qaaday xeryihii kala duwanaa ee qaybta 26aad ay ku lahayd magaalada Hargeysa.

Waxaa markiiba Cabdilaahi lagu bilaabay jir dil iyo garaacis aad iyo aad u daran, taasoo xanuunkeeda aanuu qiyaasi karin qof aan gacanta u galin askartii naxariista darnayd ee loo carbiyay ku tumashada xuquuqda aadamaha ” mar kaliya ayay igu boobeen qoriga dabadiisa iyo caaradiisa, waxay igu garaaceen kabahii waaweynaa ee ay xidhnaayeen, daqiiqado gudahoodna

jidhkayga oo dhan dhiig ayaa ka dareerayay, waxaanan dhulka galgalanayay aniga oo miyir doorsoomay” sidaas waxaa yidhi Danjire Cabdilaahi Askar oo aan ka waraystay sidii loo jir dilay ee loola dhaqmay markaas la qabtay.

Waxaa jidhkiisa lagu gubay dab ololaya, waxaa laga garaacay Ilkaha waxaana markiiba laga soo tuuray todoba ilig, waxaana la jabiyay shan feedhood iyada oo si naxariista ka fog looga garaacay xididada iyo xubnaha dareenka, waxaa taasi u dheeraa tiiq-tiiqsi iyo ku digasho uu Gaani la dul yimi Cabdilaahi oo dhiig ka da’ayo.

“Waxaad ahayd sarkaal bilad haysta oo xorayntii Goday masuul ka ahaa, waxaanad ka tagtay Ciidankaagii kuliyada milatariga ee Ameerika kuu diray, maxaad iga filanaysaa” Sidaas waxaa yidhi gacan ku dhiigle Gaani oo ul yar gacanta ku haysta waardiyayaashiisiina ay la socdaan.

Cabdilaahi Askar oo taahaya jidhkiisuna uu aad u damqanayo ayaa ugu war celiyay Bilada geesinimaan ku helay ee been been la iima siin, waxbarashada Maraykan la iigu dirayna imtixaankaan baasay ayaan ku tagay ee garab iyo qabyaalad toona la iiguma dirin, Ilaahay ayaanan wax ka fishaa ee aadami waxba kama fisho ayuu Cabdlaahi cod hoose ku yidhi.

Waxaa markiiba uu Gaani wargeliyay afartii waaxood ee Hargeysa ka koobnayd waxaana uu u sheegay in uu gacanta ku dhigay Boqorkii Shinida ee SNM, waxaana uu dadweynihii reer Hargeysa Gaani u balan qaaday inuu Maxbuuskaas keeni doono Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Magaalada Hargeysa oo lagu qaban jiray xaflada debaaldega wixii loo yaqaanay xuskii 12ka April oo ahayd Maalintii la aasaasay wixii la odhan jiray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee majaro habawsanaa.

Xiligaas dadweynaha reer Hargeysa ee isu diyaarinayay inay xafladaas ka qayb galaan waxay badidoodu sii diyaarsadeen dhagxaan, budad iyo Middiyo si ay ugu dagaal galaan habeenkaas intii taagooda ah, taasina waxay ahayd talaabo is miidaamin ah oo halis ahayd.

Xadhigaas Cabdilaahi Askar waxa uu ka cadhaysiiyay Geesigii Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo ahaa Gaashaanle Dhexe oo ka tirsanaa xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM.

“Ilaah ha u naxariistee Ibraahim Koodbuur waxa uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM, waxaana uu ahaa nin haybad leh oo ay tix galin jireen ciidamadii dawladu” Sidaas waxaa yidhi Cabdilaahi Askar oo aan waydiiyay su’aal ku saabsanayd in Ibraahim Koodbuur uu xidhiidh hore la lahaa SNM iyo in kale.

Xaalada rajo ama filasho ee Cabdilaahi uu filanayay waxa uu cawaaqib kiisu noqon doono markaas uu miiska saraakiisha ku xidhnaa oo aan su’aal ka waydiiyay Cabdilaahi waxa uu ku jawaabay ” Qadarka Ilaahay waa meeshiisa, laakiin anigu waxaan ahaa oo aan filanayay in jeelkan aan ka bixi doono iyada oo aan ku kalsoonaa in aan leeyahay rag awood u leh inay naftooda u huraan badbaadintayda” waxaana uu Cabdilaahi ii sheegay in uu mar walba sugayay goorta ay albaabka kasoo gali doonaan geesiyaal badbaadiyaa.

Laba Cisho markii uu Cabdilaahi ku xidhnaa miiskii saraakiisha ee ay taariikdu ahayd 11kii April ee sanadkii 1993kii saacaduna ay tahay shantii iyo badhkii galabnimo ayaa waxa rumowday riyadiisii.

Waxaa xeradii soo daf yidhi ciidan uu Hor kacayo Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo uu la socdo Cabdisalaan Turki Maxamuud oo isaga markii hore ay Cabdilaahi Askar wada socdeen, waxaana markiiba bilaabmay muran gaaban oo dhex maray Ciidankii Ibraahin Koodbuur watay iyo kuwii dawlada ee miiska saraakiisha ilaalinaayay, daqiiqado gudahoodna waxaa bilaabantay xabad aad u kulul oo dhex martay labadii Ciidan.

Waxaa goobtii ku naf waayay sodomeeyo ciidankii dawlada ka tirsan Ciidankii Ibraahim Koodbuur uu hor kacayayna waxaa ka dhintay Ilaah naxariistii jano ha siiyee geesigii Biixi Xaaji Xasan oo ku dhintay meel ku qabsan huteelka Hargeysa Kilaab. Waxaana dhaawacmay geesigii kale ee Siciid Cabdi Dalabay.

Markiiba qolkii uu ku jiray ayaa Cabdilaahi ay kala soo baxeen waxaana ay ku soo qaateen gaadhigii ay wateen, waxaana ay kor usoo qaadeen wadada tagta Isha Boorama iyaga oo kasoo dhex dhacay dalcada Ina naxar, wax yar ka dibna waxay uga sii gudbeen Masalaha halkaas oo dhinaca koonfureed kaga beegan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxaana goobtaas ay ku tukadeen laba ragcadood oo salaatul-shukrri ah.

Hadana waxay kor usii qaadeen dhinaca Gumburaha iyaga usii gudbay dhinaca tuulaha Gumar halkaas ayaanay isga hor yimaadeen ciidankii dawlada oo kasoo kala baxay tuulooyinka Bali Cabane iyo Bali Gubadle, goobtaas ayaanay dagaal la galeen ciidamadii Dawlada, waxaana halkaas ay ku dileen lix askari oo ciidankii dawlada ka tirsan.

Markii danbe ayay soo gaadheen tuulaha Xarshin ee ku yaala gudaha wadanka Itoobiya, halkaas ayuu ku dhintay geesigii dhaawaca ahaa ee Siciid Cabdi Dalabay Rabi naxariistii jano haka waraabiyee.

Halkaas ayaana Geesigii Ibraahim Koodbuur iyo kooxdii la socotay ay ka sii wadeen halgankii xaq u dirirka ahaa ee SNM, waxaana uu Ibraahim Koodbuur ku geeriyooday tuulaha Rabaso ee dalka Itoobiya sanadkii 1987kii Rabi Naxariistii jano haka waraabiyee, waxaana uu noqday oo uu muujiyay geesinimo aad u sarraysa oo taariikhda reer Somaliland baal dahab ah ka gashay.

Waxaana uu qalbi jab iyo naxdini ay ku dhacday Gaani iyo Maamulkii Siyaad Barre oo kui fashilmay in Cabdilaahi Askar qabashadiisa ay ku faanaan. Cabdilaahi Askar waxa uu maanta ku sugan yahay dalka Itoobiya waana Danjiraha Dalka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya, Cabdisalaan Maxamuud Turki waxa uu isna ku nool yahay wadanka UK waxaanan ku han weynahay inaan dhawaan idiin soo gudbiyo waraysi aan la yeelan doono Mujaahid Turki hadii uu Allah ogolaado.

Kaysar Cabdilaahi London

Email:Kaysar Maxamed



Hawlgalkii Birjeexee Lagula Baxay C/Laahi Askar 12-Kii April 1983-Kii Qabtii 2aad Haatuf Daawo sawirrada

Hawlgalkii Birjeexee Lagula Baxay C/Laahi Askar 12-Kii April 1983-Kii Qabtii 2aad

14 april, 2010 — somaliland1991 | Redigera

Hawlgalkii Birjeexee Lagula Baxay C/Laahi Askar 12-Kii April 1983-Kii

Qabtii 2aad

Waxaynu ku xusnay qaybtaa hore, dhacdadaas oo 21-guuradeedu ku beegan maalinta isniinta ah aynu soo dhaafnay iyo xaaladdii ay maalintaa ku sugnayd magaalada Hargeysa. Waxaynu dhex-taagnayn Miiskii Saraakiisha ee uu ku xidhnaa Cabdillaahi Askar. Waxa bilaabmay hawl-galkii, Xabadda ayaa faraha ka baxday, isla markiiba laba ka mid ah Sideedii Mujaahid ee gudaha xaruntaa galay ayay xabado ku dhaceen. Gaadhigii kale ee Saddexda Mujaahid saarnaayeen ee gaadhka albaabka dhinaca galbeed lagu qaybiyey, iyana weli ma hayno waxay muteen.

Haddaba, haddii aynu halkaa ka sii amba-qaadno, waxaa hawl-galkaa ka sheekeeyey, siddii qaybtii horeba ku xusnayd Mujaahid Aadan Maal Caqli oo ka mid ah, saddexda nin ee maanta ka nool 11-kii Halyey ee hawl-galkaa fuliyay.

Aadan Maal oo siddii hawl-galkaasi u dhacay uga waramay Boobe Yuusuf Ducaale oo ururiya Taariikhda, isaga oo sii amba-qaadaya sheekaddii hawl-galkaas, waxa uu yidhi:- “Shantayadii dagaalamaysay ee difaaca loo qaybiyey, markiiba laba ayay ku dhacday. Kuwaas oo kala ahaa; Biixi Xaaji Xasan iyo Siciid Birjeex. Waxaanu ku soo hadhnay saddex keliya, Siciid isagu dhaawacii gaadhigaba kalamuu soo degin. Biixise, waanu is-agtaagnayn oo bidixda ayuu iga xigay markii ay cuskatay, markaa kadib ayaan arkay Ninkii Biixi toogtay oo meel xas ah dhex rafanaya. Ninkii xaska dhex rafanayay, ayaan xabad ku riday. Inta uu dhaqaaqay, ayuu cadceed-galabeedii isku beegay oo dhinaceeda naga maray. Cadceedduna way sii dhacaysay oo way na-cawaraysay. Markaa ninkii iyo cadceedii, ayaa isku beegmay oo waxa igu adkaatay inay indhahaygu qabtaan. Laakiin, haddana xabad baan ku riday oo aan ku dhuftay, balse inta uu dhacay ayuu haddana siqay. Mujaahid Maloosh iyo Ibraahim Carab, ayaa ka dabba wareegay, hase ahaatee waxa ka horyimid gaadhkii dibadda ee aanu u qaybinay gaadhkoodii kale ee dibadda, markaa kuwii ayay isla libdheen. Aniguna, waxaan u baydhay kuwii gaadiidka daaqadaha guryaha, si aan nalooga soo toogan. Baabuurkii saddexdu saarnaayeen, dibadda ayay hawshoodii ka soo bilaabeen, taasina waxay keentay in gaadhkoodii la soo eryado oo ay xaggayagii iyo gudaha ku soo yaacaan.”

Cabdilaahi Askar iyo Lixle

Halkaa markay arrintu maraysay, weli lama hayo Cabdillaahi Askar iyo halka uu ku xidhan yahay. Aadan Maal, wuxuu sheegay inuu markaas maqlayay Ibraahim Koodbuur oo ku musanaabayay “Waar ragga laayaay, waar ragga laayaay” wakhtigaas oo ay saddex albaab oo isku xigay ka baadhayeen Cabdillaahi Askar, isaga iyo Cabdisalaan Turki. “C/Salaan Turki, albaabkii bidixda xigay ayuu jabiyay, kadibna wuxuu yidhi kuma jiro, markaasaan ku idhi ‘waar ka midigta.. Waar ka midigta….’ Dabadeedna wuu ku orday oo gacanta ayuu ula tagay. Cabdillaahi Askar, markaa wuxuu bilaabay qaylo, waxaanu kor ugu dhawaaqay; ‘waar waykan…waar waykan..’ Malaha wuxuu maqlay, markii aanu islahayn kana kuma jiro, kana kuma jiro.”

Aadan Maal, isaga oo ka sii sheekaynaya siday wax u dhaceen daqiiqadihii markaa ku xigay, wuxuu yidhi; “Dhawaaqii Cabdillaahi Askar kadib, Cabdisalaan Turki ayaa albaabkii gacanta ula tegay, Ibraahim Koodbuurna qoriga dabbadiisa ayuu ku dhuftay, markaasuu mar labaadna ku celiyay oo ku dhuftay. Waxa jabay albaabkii, dabadeedna Cabdillaahi Askar oo qaawan, ayaa isaga oo boodaya soo dhaafay. Kamuu xidhnayn lugaha, balse waxa uu ka xidhnaa gacmaha oo keliya, Nigis yarna wuu xidhnaa, waxaana ku yaallay nabaradii lagu dhuftay. Markii uu soo baxay ayaan is-hortaagay, aniga oo ka soo jeestay xagii daaqadaha, waxaanan ku idhi; ‘Waar Baabuurka fuul…. Waar baabuurka fuul..” balse anigii ayaabu iga shakiyay. Ibraahim iyo Cabdisalaan Turki oo uu soo dhaafay markii hore ayuu ku jeestay oo uu ku yidhi; ‘waar ma baabuurkaan fuullaa?’ Ibraahim Koodbuur, ayaa la-hadli waayay, markaas ayaan anigu ku idhi Ibraahim; ‘waar Ninka baabuurka fuul dheh’ dabadeedna Ibraahim, ayaa u ishaaray inuu baabuurka fuulo. Kadib, xagii baabuurka ayuu u dhaaqay oo dhinacii darawalka ayuu maray, dabadeed waxaan ku idhi; ‘dhinaca kale mar oo ka soo gal.’ Ibraahinna, gaadhigii ayuu fuulay oo shidhkii ayuu la galay. Aniga iyo Cabdisalaan Turki, waxaanu ku dhaqaaqnay Biixi X. Xasan oo dhaawacnaa. Dhawr goor, ayaa degdeg awgii baabuurku naga dhaqaaqay oo haddana joogsaday, oo haddana naga dhaqaaqay oo haddana joogsaday. Markaas baabuurkii in doorra ayuu naga goostay oo albaabkii laga baxayay ayuu ku dhowaaday, anaguna Biixi oo dhaawacan ayaanu daba sidnay. Markii dambe ayuu Biixi X. Xasan nagu yidhi; ‘waar anigu dhintaye, yaanu baabuurku idinka tegin.’ Sidaas ayaanu baabuurkii ku fuulnay, Biixi-na halkii baanu kaga tagnay oo naftu kaga baxday, nololna laguma soo gaadhin.

Sidaas ayaanu ku ambabaxnay, anagoo baabuur keliya wadana. Albaabka galbeed ayaanu ka baxnay. Jidka Bari ka mara guriga Cabdillaahi Darawal imika ku jiro, ayaanu qaadnay, waxaanu u joogsanay saddexdii Baabuurka kale saarnaa oo soo ordayay. Cidi nama eryanayso markaas, wax naga sii yaacaya mooyaane. Dugsigii 1 July ee imika Jaamacadda Hargeysa loo yaqaano, ayaanu bari ka marnay, Masaajidka Isha Boorama ku yaallana dhinaca galbeed ayaanu ka marnay. Magaalo-qalooc oo ahayd Xeradii Ayaxa, ayaanu sii dhex jibaaxnay. Midig ayaanu u baydhnay oo dalcadda karasharka, dariiqa ka dillaaca ayaanu marnay. Markii aanu ka baxnay dalcaddaa, ayaa baabuurkii naga hashkadeeyay oo uu is-taagay. Waxaa naga horeysa xerro Ciidan degan yahay iyo xaruntii Gantaalaha, labadaa dhexdooda ayaanu ku suganahay. Cadceeddu, markaa liiqay sii dhigaysaa, oo way sii dhacaysaa. Waxay nala noqotay in aanu Ciidankaa, cadceedda sii dhacaysa isugu toosino, taas oo anaga na caawinaysay. Xerradaa markii aanu dhaafnay, ayaanu bidix u baydhnay. Mar kale, ayaa baabuurkii hashkadii bilaabay, anagoo marayna halka ay ku kala baydhaan waddada Madaarka tagta iyo ta ina naxar u soo leexata. Kucladii gaadhiga, ayaanu in shidaalla ku shubnay, nasiib-wanaag wuu noo dhaqaaqay, markii aanu ilaa boqol tallaabo soconay ayuu haddana joogsaday. Tallo, ayaa nagu caddaatay, haddana waxay nala noqotay in aanu wax is-weydiino oo aanu tashano. Intii aanu tashanaynay, ayay cadceeddu godkii gashay oo gabalkii noogu dhacay halkaa. Dabadeed Cabdisalaan Turki, ayaa soo jeediyay in Salaatul Shukri aanu tukano, sidaas darteed markiiba waanu tukanay. Markii aanu tukanay, ayaanu baabuurkii yar taataabanay oo uu noo dhaqaaqay.”

Markaa kadib, waxay qoorsadeen waddada Habaas-weyn. Darfacle, goobta loo yaqaan markii ay dhaafeenna, gaadhiga ayay laydhkii u shiteen. Makhaayad ku taallay tuulada la yidhaahdo Cunaaye ayay is-yar taageen, waxaanay halkaa ku waraysteen qaar ka mid ah dad deegaankaa deggenaa oo ay weydiiyeen, bal in waddada ay hayaan ay kala baydhayso inta aanay gaadhin Gunburaha Banka iyo in kale. Markaa waxay u sheegeen dadkii ay la kulmeen, in ay kala baydhayso inta aan la gaadhin Gunburaha. Meesha oo Keyn ahayd awgeed, waxay weydiisteen dadkii in raaciyo cid dal-aqoon ah. Dadkii waxay u qaateen in ay yihiin Niman Jaadlayaal ah, dabadeedna waxay ku dareen laba nin. Labadii Nin waxay ku simeen ilaa Gunburaha Banka, halkaasna waxa ka sii raacay Nin kale oo dal-mariye ah. Kadib, waxay cagta saareen Waddada Gumar u baxda, muddo yar markii ay hayeenna waxa u muuqday kaaha Laydhka gaadhi hor-goynayay oo ka soo baxa dhinaca Ballay-gubadle, una jeeday dhinaca gumareed, kaas oo ay markii dambe ogaadeen inuu ahaa Bee-bee Ciidamadii Faqashtu lahaayeen oo iyaga loo soo diray. Bee-bee-gu, wuxuu ku dhacay Xorfad, ciidankii saarnaana markii uu ku dhacay godka, ayaa midba meel ku duulay. Mid ka mid ah, wuxuu dusha kaga tuuray geed oo uu ka laad-laadiyay, mid kalena dhulka ayuu ku dhacay oo luqunta ayuu wax ka noqday. Intii ay shilkaa ku hawl-lanaayeen kooxdii Bee-beegu, ayaa Mujaahidiinta iyo gaadhigoodiina Xuduudda ka tallaabeen. Markaa ka hor, siduu sheegay Aadan Maal markii ay tuulada Gumar gaadheen, waxaa halkaa ku joojiyay Ciidankii Faqashta ee degganaa, hase yeeshee Ibraahim Koodbuur ayaa u sheegay in aanu nahay Koofiyad-castii qaybta 26aad oo baadi-goobaysa baabuur lagala soo baxsaday, sidaas darteed wuxuu ku yidhi Ibraahim Koodbuur Ciidankii halkaa degganaa; ‘Wax baabuur ahi miyey idin dhaafeen?’ waxaanay ugu jawaabeen; “Maya.” Intaa kadibna, wuxuu Ibraahim faray Askartii in wixii baabuur ah ee ay arkaan ay joojiyaan, waxaanu u sheegay in aanu xagga Balli-cabbane u dhaafayno. Alla ha’u naxariistee, Ibraahim wuxuu markaa labisnaa Dirayskii Milateriga, taasina waxay u saamaxday inuu xeeshaa kala hortago askartii faqashta ee Tuuladaa joogtay.

Sidaas ayay kaga dhaqaaqeen Gumar, markii ay in yar ka socdeenna, waxay u baydheen wado yar oo la yidhaa Wado-tuug oo Xarshin ku beegan, Caraancaray-na xagga galbeed ka marta. Markii ay u baxeen bug-cadda geed-gaabka Xarshimeed, ayaa Siciid oo dhaawac ahaa oo baabuurka saarnaa yidhi; ‘waar biyo I siiya, kol haddii aynu soo talownay.’ Reer Banka afkiisa yaallay, ayay markaa joogsadeen oo ay biyo weydiisteen. Wakhti ayay ku qaadatay intii ay biyahay sugayeen, markii loo keenay ee ay Siciid biyihii siiyeena ragii reerka joogay, ayaa u sheegay in haddii gabal dhaco aan Xarshin la-geli karin, weliba iyaga waxa u dheeraa oo ay siteen hub. Sidaas darteed taladii ayay qaateen, halkaas ayaanay ku negaadeen habeenkaa. Saacaddu markii ay ahayd 2:45-daqiiqo, ayaa dabadeed Siciid naftii ka baxday (Alla ha’u naxariistee).

Kornayl Cabdilaahi Askar

Subaxnimadii hore ayay tooseen, waxaanay damceen in ay dhaqaaqaan, iyadoo Meydkii Siciid gaadhiga u saaran yahay, hase ahaatee baabuurkii ayaa kici waayay, waxay arkeen in xabadi kaga taallo qasabadda Batroolka, markaas halkii xabaddu ka dhaawacday qasabadda ayay warqad ku duubeen, kadibna way riixeen gaadhigii, in yar dabadeedna wuu u istaadhmay. Abaaro lixdii subaxnimo ayay ka dhaqaaqeen goobtaa, wakhti yar kadibna waxay gaadheen magaalada Xarshin. Xaruntii SNM ee Xarshin ayay Meydkii Siciid ku rogeen, halkaasna waa lagu aasay. Sidaas ayaanay ku nabad-galeen xubnihii kale ee Mujaahidiinta ahaa oo ay ku galeen Itoobiya, intii dhimatay mooyaane.

Hawl-galkaas layaabka leh, waxa uu fulay sannad kadib markii ururka SNM saldhigiisa milateri ka unkamay Itoobiya oo ku beegnayd, laba sannadood iyo lix maalmood kadib, markii ururka SNM lagaga dhawaaqay magaalada London ee dalka Ingiriiska (April 6, 1981). Hawl-galkaasi, wuxuu fure u noqday dhiirasho xoog leh oo dhalisay in ururku gaadho guulo is-dabba joogga. Mujaahidiintii hawl-galkaa fuliyay oo taariikhda Baal Dahab ah kaga jiraa, waxa maanta ka nool kow iyo tobankoodii, saddex Mujaahid. Magacyada 11-ka Mujaahid ee hawl-galkaa fuliyay, waxay kala yihiin:

1. Ibraahim Ismaaciil Maxamed (Koodbuur) oo ahaa Illaahay ha’u naxariistee hoggaamiyihii hawl-galkaa. Ibraahim Koodbuur, wuxuu ku geeriyooday markii dambe magaalada Rabaso oo ka tirsan Kilinka 5aad ee Itoobiya, sannadkii 1987-kii, waxaana la sheegay inuu u dhintay xannuunka Kaneecada.

2. Cabdisalaan Turki, wuxuu ahaa Mujaahidkii la socday Cabdillaahi Askar markii hore ee ay Hargeysa soo wada-galeen, hawl-galkana ay ku wada-jireen. Cabdisalaan Turki, wuxuu hadda ku nool yahay dalka Ingiriiska. Waxa lagu tilmaamaa C/salaan inuu ahaa Maskaxdii Khidadda hawl-galkaa.

3. Biixi Xaaji Xasan, Illaahay ha’u naxariistee isagu wuxuu ku dhintay Miiskii Saraakiisha, intii hawl-galku socday maalintaa April 11, 1983.

4. Siciid Birjeex, Alle ha’u naxariistee waxa isna la dilay intii hawl-galku ka socday Miiska Saraakiisha.

5. Siciid (Kur-libaax) Illaahay ha’u naxariistee wuxuu ku geeriyooday magaalada Berbera sannadkii 1991-kii.

6. Axmed Xuseen Warsame (Maloosh), Illaahay ha’u naxariistee wuxuu ku geeriyooday magaalada Hargeysa, January 21, 2002.

7. Saleebaan Siciid (Saleebaan yare), Illaahay ha’u naxariistee wuxuu geeriyooday June 1988.

8. Aadan Maal Caqli, wuxuu isagu ka mid yahay Xubnaha weli nool, waxaanu ku nool yahay magaalada Hargeysa.

9. Maxamed Carab, waxa isna la sheegay inuu ku nool yahay Gobolka Sanaag. markii noogu danbaysay

10. Jaamac Maxamed Cali iyo

11. Axmed Ismaaciil Yuusuf, ayaa iyana ka mid ah Xubnaha Hoyday (intii dhimatay Illaahay naxariistii Janno ha siiyee).

“Bishu waa April, Toban beriyo laba, Bandhig Ciidamadu isu soo baxeen, waxay baawariyo baaruud hayeen, badka soo dhigeen, Baa Askar lagala baxay.

Waxa la yidhi Birjeex, waxa helay Badjeex. Badhbadhaadhnaydii, ba’ay baa xigtaa, boobow la yidhi.”

Tixdaasi, waxay ka mid tahay Gabay uu hal-haleel u soo tuuray Abwaan Aadan Tarabi Jaamac, kadib markii Cabdillaahi Askar iyo colkii soo furtay ay gaadheen magaalada Xarshin ee Itoobiya.

Maanta oo 27-sannadood laga joogo hawl-galkaas, waxa weli muuqata in aan si fiican looga wada dheregsanayn taariikhdii laabka lahayd ee dhacdaddaa, ama fikrado kala duwan iyo sheekooyin baahay laga kala haysto, taasna waxa u sababa ayaa la odhan karaa sadaradii taariikhda dhacdaddaa oo aan marnaba wada qorin dhammaanba dhinacyadii iyo halgamayaashii kale ee hawl-galkaas doorka weyn ka qaatay, la’aantoodna aanay wax badani suura-gal noqdeen. Sida uu qoraal-taariikheedka dhacdaddaa ku xusay Boobe Yuusuf Ducaale, hawl-galkii Birjeex waxa uu ahaa mid si weyn loo abaabulay, dhinacyo badanina ay ka qayb-qaateen, hase yeeshee 11-ka Mujaahid ee ku suntani ay ahaayeen intii muuqatay, inta dahsoonayd ee aan la ogeyna ay tiro badnaayeen. Waxa uu is-weydiiyay, cidda gaadiidka ugu deeqday? Cidii maal-gelisay? Cidii sahanka u ahayd? Intii kale ee war-qabtay iyo cidii xafidaysay Sirtooda ee lahayd guryihii ay fadhiisanayeen? Waxa uu u daayay daahfurka dhinacyadaas oo dhan taariikhda. Waxa iyana aan la xisaabin karin, inta u aanowday ee dhibaatadu ka soo gaadhay..

La sooco……

Sources: Haatuf

© Somaliland1991

Daawo sawirradanKornayl Cabdilaahi Askar oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Geeridu waa xaq waa wax ina wada sugaysa  oo waa lagu kala horaynayaa.  Sida wararku nagu soo gaadhayaan waxaa maanta tii Rabbi u timid, geesi ka mida geesiyiintii  dalkeena hooto ee Somaliland, cadowga ka xoreeyey, waa kuma. Cabdilaahi Askar oo ay shacbiga Somaliland taariikh kaga tegay. Waxaanu tacsi u diraynaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka tegay iyo dhammaan shacbiweynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan. Waxaanu haddii Eebbe idmo idiin soo gudbin doonaa taariikhdii geesiga, kornayl Cabdilaahi Askar.

Somaliland1991

Cabdi Salaan Turki Maxamuud iyo Cabdilaahi Askar Barkhad.

Zlatan byter Klubb från Barcelona till Milan

Foto: Albert Gea/Reuters

”Bättre vara kung i Milan”

PERSPEKTIV

Publicerad: 28 augusti 2010, 21.51

Det finns många vägar bort från Barcelona. Ett har de gemensamt: från världens bästa klubb bär alla vägar utför.
Men det är bättre att vara kung i Milan än knekt i Barca.

Zlatans kärleksaffär med Barcelona och Spanien blev inte särskilt långvarig eller särskilt lycklig. Nu går han tillbaka till Italien och förhoppningsvis flammar den gamla heta romansen mellan supersvensken och den italienska fotbollen upp ordentligt igen.

I Milan kan han säkert leda laget till ännu en ligatitel, Zlatan vinner alltid serien, och det skulle inte förvåna mig om han vinner skytteligan i Italien också. Men ännu viktigare är att Zlatan får den roll han förtjänar: på San Siro kan Zlatan Ibrahimovic bli störst – och det kunde han aldrig i Barcelona.

Zlatan är Zlatan och Zlatan är alltid bättre när han får vara planens kung.

I Milan, klubben som ibland haft fotbollsvärldens mest geriatriska laguppställning, är han den viktigaste värvningen och han blir också den hetaste stjärnan. Om Zlatan dessutom behåller samma magiska målkänsla som under de sista säsongerna i Inter kan det bli ett riktigt roligt äventyr för den störste svenska fotbollspelaren de närmaste åren.

I Milans anfall kommer Zlatan att kunna sätta skräck i vilken backlinje som helst.

Det är rätt att lämna Barcelona men självklart har Zlatans superstjärnestatus fått sig en törn under sommaren. Han lämnar inte bara världens största klubb och får mindre betalt. Han går också till en sämre liga och ett sämre lag.

Visst, Inter vann Champions League i våras – men den italienska ligan håller inte samma klass som den spanska eller den engelska. Och även om Milan är en storklubb är den inte längre i närheten av Barcas status.

Så självklart är det ett nedköp – men ett nödvändigt sådant.

En spelare som Zlatan ska inte sitta på Barcelonas bänk. Han ska skapa sina konstverk på planen, och vägen tillbaka upp går via San Siro.

Zlatan har fått oförtjänt mycket kritik i Barcelona – och det är knappast bara hans fel att Barcelonas dyraste värvning genom tiderna inte gick bättre.

Men visst är det synd att det inte slutade lyckligare.

Ett av Zlatans stora mål är att vinna Champions League. Men hans chanser har minskat betydligt i och med flytten till Milan. Det laget, med eller utan Zlatan, är än så länge lite för långt från de allra bästa.

Jag hoppas att Zlatan får revansch, men nu är risken stor att han aldrig får vinna Champions League.

Kanske kan Milan åter bli ett av världens bästa lag med Ibrahimovic i anfallet. Kanske kan Zlatan själv lyfta sin karriär ännu ett snäpp efter flytten.

Men oddsen och historien talar emot. Rätt många storstjärnor har landat i Milan genom åren utan att riktigt nå upp till sin forna status.

Kanske nådde Zlatan klubbkarriärens höjdpunkt när han flyttade till Barcelona, den galna värvningssommaren 2009.

Kvar finns bara den långa vägen utför.

Sagan om Zlatan har många kapitel kvar och resten av hans långa resa kan ändå bli vacker. Oavsett var han spelar har Zlatan många magiska stunder och många fantastiska mål framför sig. Nu får Ibracadabra äntligen chansen att visa upp sina trollkonster igen – även om sällskapet är lite sämre.

Ola BillgerOla Billger

08-13 52 11

ola.billger@svd.se

Källa: SVD

Budhcad Toorri Dhaadheer ku Hubaysan oo Isku Dayey Inay Qudha ka Jaraan Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa

Budhcad Toorri Dhaadheer ku Hubaysan oo Isku Dayey Inay Qudha ka Jaraan Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa

Cabdirashiid Beergeel oo si qiiro leh uga sheekeeyey falka la doonayey in lagu dillo, isaga oo baaq u jeediyey xukuumada Siilaanyo

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel, ayaa sheegay in niman toorriyo aad u dhaadheer ku hubaysi maqribnimadii shalay ku weerareen suuqa weyn ee magaalada Hargeysa, gaar ahaanan istaanka ay ka baxaan basaska xaafadad Kililka 5aad oo u dhow maqaaxida Caanaha Riyaha ee Hargeysa.

Mr. Cabdirashiid Beergeel oo khadka telefoonka ugu warramayey Jamhuuriya xalay, waxa uu sheegay in niman toorriyo dhaadheer ku hubaysan oo uu u malaynayo tuugtii la saamaxay ay isku dayeen inay dilaal, kadib markay gaadhigiisa oo waddada laamida ah taagan xoog ku soo fuuleen, isaga oo xusay in baastoolada uu isku difaacayey dhaacaw u gaysatay nin shicib ah oo ka ag dhawaa goobta dagaalku ku dhexmaray isaga iyo nimanka tuugta ah.

Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel oo ka sheekaynaya sida wax u dhaceen waxa uu hadalkiisa ku bilaabay:

“Abbaaro lixdii iyo daqiiqadu markay saacaddu ahayd, ayaa aniga oo doonaya in aan la soo afuro hooyaday oo xanuunsanaysa oo maraya wadada istaanka basaska taga xaafadda kilinka ee magaalada Hargeysa, waxaan ka joogsaday gaadhi bas ah oo jidka marayey, kadibna waxa isoo horjoogsaday nin ayuu yidhi ‘waa isagii…waa isagii’, nin kale oo minddi sita ayaa inta uu daaqadda hore ee gaadhiga iska furay ayuu kursiga hore soo fadhiistay, laba kale oo mindiyo dhaadheer oo kuwa geela lagu qalo ah sita, ayaa iyaguna daaqadaha dambe intay iska fureen gaadhigii soo fuulay, daaqadihii intay xidheen oo ay diintayda caayeen ayey toorriyihii igu boobeen, ninkii xagga hore fadhiyey ayaa minddi aad u dheer ila soo laacay, aniguna inta aan si degdeg ah daaqadii dhinacayga furay ayaan dhulka isku tuuray.

Waxa igaga darnaa markii aan dhulka ku dhacay, ayaan arkay laba nin oo kale oo mindiyo dhaadheer gaadhiga la bada taagan, way igu soo yaaceen, kuwii kale ee gaaadhiga saarnaana way soo degeen oo waxay damceen inay mindiyaha dhuunta igageliyaan, niman sarriflayaal ah oo agtayda joogay, ayaa damcay inay isoo gurmadaan, kuwiina ninmankii toorriyaha ku hubaysnaa, ayaa intay diintooda caayeen ku yidhi ‘car soo dhaqaaqa’, markii ay naftaydu halisgashay, ayaan la soo baxay baastoolad aan sitay si aan isugu difaaco, waxaan damcay in aan nin toorri igula soo cararayey cagaha ka toogto, nasiib-darro intay labadiisa lugood ka dhex baxday, ayey nin kale oo shicib ah oo meel saabbuuse ka iibsanayey lugta kaga dhacday. Nimankii tuugta ahaana intay baqdeen ayey yaaceen, laakiin mid ayaa igu soo hadhay oo damcay inuu toori qoorta iga geliyo, aniguba inta aan ka digtoonaaday ayaan baastooladii aan haystay qoorta kaga dhuftay, dhulka ayuuna ku dhacay, kadibna inta aan ku foorarsaday oo qoorta qabtay ayaan ku idhi waar dhig toorida, dabadeedna markii uu toorridii dhigay ayaan kusriga dambe ee gaadhiga saaray.

Inta ay waxaa oo dhami igu dhacayeen ee aan dagaalka ku jiray dadku way na daawanayeen sidii kubadda oo wax ii soo gurmada maan helin, waxa dhacday in markii aan ninkii aan qabtay gaadhiga saaray ee aan anigu kursigii hore fadhiistay, ayuu inta uu daaqadii dambe iska furay baxsaday, aniguna ninkii xabbaddu ku dhacday ayaan u gargaaray, dadkii meesha joogayna waxba wey ii qaban waayeen. Ku yar oo baalashle ah aya shaadhkiisii lugtii dhiigaysay kaga duubay. Sidaas ayaan ninkii dhaawaca ahaa ku geeyey saldhiga booliska oo aan refeertadii ugu qaaday, markii dambena waxaan geeyey dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa.

Nasiib-wanaag ninka dhaawaca ah lugtu may jabin oo xabbaddu way jiidhaysay, waxaanan ku muday irbadii teetanada, dawooyinkii uu u baahnaana waan siiyey, waxaanan la xidhiidhay ehelkiisii oo ii yimi, ninkan dhaawacmayna booliska ayaa su’aalo weydiiyey oo waxa uu u sheegay in aniga oo iska difaacaya budhcad i soo weerartay ay xabbaddii aan riday ku dhacday, nimankiina markii aan astaamahoodii sheegay boolisku way garteen oo waxay yidhaahdeen waa tuugtii waaweynayd ee khatarta ahayd ee cafiska madaxweyne lagu soo daayey, baadhista arrintaasna booliska ayaa gacanta ku haya.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa oo aanu weydiinay cidda uu u aanaynayo inay nimanka soo weeraray ahaayeen, waxa uu yidhi; “Waxaan filayaa inay yihiin tuugtii la saamaxay ee khatarta ahayd, booliskuna waxay ii sheegeen in tuugadu farabaas ku hayso dadka oo caawa [xalay] oo u dambaysay nin bay six un tuugtu ugu dhaawaceen saldhiga booliska ee New Hargeysa agtiisa, intii tuugta la saamaxayna dilka iyo dhaca ayaa batay oo xataa hadhka cad ayey dadka baadhanayaan, aniguna Alxamdullilaah wax dhib ahi ima soo gaadhin oo Ilaahaybaa ajasha dib iigu dhigay.

Markaa waxaan odhan lahaa xukuumadda cusub Ilaahay baa wax ilaaliyee inay masuuliyiinta qaranka amnigooda sugaan oo bulshada lagu soo dhex dayn tuugada la qabqabto,” ayuu yidhi Mr. Beergeel
Jamhuuriya Online

Xukuumadda oo Oggolaatay in Berbera Laga Furo Maxjar Cusub oo uu Maalgelinayo Abu Yaasir iyo Saamaynta ka Dhalan Karta

Xukuumadda oo Oggolaatay in Berbera Laga Furo Maxjar Cusub oo uu Maalgelinayo Abu Yaasir iyo Saamaynta ka Dhalan Karta

Hargeysa (Jam)-Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu shalay soo saaray ku oggolaaday in magaalada Berbera laga furo maxjarka cusub oo uu maalgelinayo ganacsadaha u dhashay dalka Yaman ee leh maxjraka xoolaha Jabuuti oo lagu magacaabo Abu Yaasir.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxatooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), madaxweynuhu waxa uu oggolaaday maxjarka cusub ee Berbera.

Warsaxaafadeedka madaxtooyada ka soo baxay oo faahfaahsani waxa uu u qornaa sidan; “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu soo saaray maanta (shalay) digreeto uu ku oggolaanayo Maxjarka National Berbera Quarantine.

Markuu arkay: Qodobka 11aad iyo qodobka 22aad ee Dastuurka qaranka.

Markuu arkay: Taladii guddiga ka soo talinta maxjarka cusub ee Berbera.

Markuu dhegaystay: Ganacsatada kala duwan ee xoolaha dhoofisa.

Markuu tixgeliyay: Duruufaha siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee waddanku ku jiro

Madaxweynaha JSL: Wuxuu oggolaaaday in maxjarka National Berbera Quarantine ka mid noqdo maxjarrada xoolaha lagu caafimaadiyo.

Maxjarkan National Qaurantine Berbera wuxuu furmayaa marka la helo ruqsad caddaynaysa in xoolaha looga dhoofin karo waddamada Khaliijka.

Madaxweynaha JSL:

Isagoo tixgelinaya Qaybta 3aad, Qodobka 3.1.1 ee Xeerka Xoolaha ee Qaranka (National Weterinary Code), wuxuu madaxweynuhu caddaynayaa in gebi ahaanba maxjarradu noqon doonaan hanti qaran mustaqbalka, loona celin doono ganacsatada wixii ka galay, iyadoo maamulkiisa xukuumaddu si buuxda u yeelan doonto.

Isagoo tixraacaya taladii guddiga xukuumadda ee maxjarka cusub Madaxweynaha JSL wuxuu farayaa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Degaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga, maamulka maxjarka iyo dhammaan ganacsada xoolaha dhoofisa in maxjarka shaqeeya ee dawladda loo wada isticmaalo si siman oo caddaalad ah, waxana reebban wax kastoo rabshad ama caqabad ku keeni karta xoolaha dhoofintooda.”

Go’aanka xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku oggolaatay maxjarka cusub ee uu maalgashiga ku samaynayo ganacsadaha Yamaniga ah ee Abu Yaasir oo dagaal badan la galay dhoofka xoolana nool ee Somaliland, ayaa noqonaya mid lagu degdegay oo saamayn ku yeelan kara dhoofka xoolaha nool oo ah lafdhabarta dhaqaalaha Somaliland, kaas oo horseedi kara in ninkasta oo ganacsade ahi ku taamo sidii uu u faran lahaa maxjar u gaar ah dhoofka xoolihiisa, taasi oo keeni karta in fawdo ku dhacdo xoolaha laga Somaliland u dirto saylaha Sucuudiga.


Jamhuuriya Online

Dhanxiir Maansha Allaah; Alleylehe, madaxweyne Siilaanyo ajar ayuu shaqaystay

Dhanxiir iyo Xildhibaanada Kulmiye ee…

26/08/2010 –
Maansha Allaah; Alleylehe, madaxweyne Siilaanyo ajar ayuu shaqaystay, kol hadduu bishaa ramadaan cafiyey maxaabiistii guddidii nabadgelyada ee Ina Rayaale jeelasha ka buuxiyeen. Kuwa kale ee ragga iyo dumarkaba leh ee sharci-darrada ku xidhana oodda ha ka qaado, cid kasta oo xukuumaddii hore dulmidayna xaqooda iyo xuquuqda laga duudsiyey ha u soo celiyo, illeyn codkeenii buu ku fadhiyaaye.

Weger; Adeer, Ina Rayaale iyo Siilaanyo falkii kursigaa walaaleeyey oo kooto jacaylkii buu ku tallaalee igadaa warkiisoo, waxaad ka warrantaa xildhibaannadan reer KULMIYE ee isku feedhay Ina Xaashi ha loo yeedho iyo loo yeedhi maayo, talow ma mucaaridnimadii ayaan weli laga tallaalin, mise golahan seexday bay xarakaad u samaynayaan?
Jamhuuriya Online

Dhanxiir Maansha Allaah; Alleylehe, Siilaanyo wuu asiibay inuu Cable-ka badda siiyo muwaadinta reer Somaliland

DHANXIIR

Maansha Allaah; Alleylehe, Siilaanyo wuu asiibay inuu Cable-ka badda siiyo muwaadinta reer Somaliland ee maalkiisa u hura bulshada, halkaasna dhallinyarada jaamacadaha iyo aqoonyahanka shaqooyin badan baa uga soo baxay, Internet iyo telefoon jabana waynu ka dhergi, isagana waxa looga fadhiyaa haddii loo saxeexay inuu soo dedejiyo si dadku maalmaha ciiddaha salaamaha isugu diraan qiimo jaban oo dhakhso badan.

Weger; Adeer, horta in Cable-ka badda la keeno waa guul soo hoyatay, laakiin sifihii dawladdii Rayaale lagu canaanayey ayuun baa la maray oo qandaraas-ba meesha lama soo dhigin, waxaanan ka baqayaa in tani horseedo in Abu Yaasir-kan Somaliland nacaybku madax-maray lala saxeexdo heshiis Jabuutaawi ah oo kooto casriyeysan loogu xidho xoolaheena xilligan Carrafadii hilibku soo dhaw dahay.

Jamhuuriya Online

35 Masu’uul oo ka mida madaxda Dawlada ee uu Madaxweynha Somaliland Siilaanyo magacaabay

Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta  soo saaray Digreetooyin uu ku Magacaabay in ka badan 35 Masu’uul oo ka mida madaxda Dawlada.

Waxanay kala yihin:

Haydaha Madaxa Banaan

No Name of Agency Candidate Person
1 Gudoomiyaha Baanka Dhexe (Chairman of the Central Bank) Cabdi Dirir Cabdi
3 Xeer-ilaaliyaha guud (Attorney General) Xasan Axmed Adan
4 Hantidhawrka guud ee  Qaranka (Auditor General) Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim
5 Xisaabiyaha Guud (Accounting General) Ibraahin Aadan Qaalib
6 Madaxa Hay’ada Sirdoonka Qaranka Xuseen Xasan Rooble (Kenyaate)
8 Gudoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha (Civil service commission) Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil (Chairman
Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha hay’adda shaqalaha Axmed Cali (Sulub)
DG: Agaasimaha guud ee Hay’ada shaqalaha Ibraahin X. Nuur Diiriye DG
Recruitment (Xubin ka tirsan hay;adda Cabdirashiid Ducaale Qambi
Establishment (Xubin Ka tirsan Hay’adda Axmed Cabdillaahi Ibraahim
9 Maareeyaha Hay’ada ka hortaga Aafooyinka Dabiiciga ah Maxamed Muuse Cawaale
10 Maareeyaha Hay’ada Abaabul ka saarka Qaranka  (NDC) Jamaal Caydiid Ibraahin
11 Maareeyaha Hay’adda Korontada Xasan Cusmaan Adan
12 Maareeyaha Hay’ada Wadooyinka (Raod Authority) C/waaxid C/qaadir C/raxmaan
13 Gudoomiyaha Guddida Hay’ada Dibu habaynta shuruucda Xasan Aw Aadan Cabdi
Maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha Cabdi Ibraahim Cabdillaahi
14 Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahin Siyaad Yoonis
15 Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yusuf Dirir
16 Maareeye-Xigeenka Dekeda Berbera Cumar Abokor Jaamac
17 Maareeyaha Madbacada Qaranka Cali Siciid Raygal
Ku xigeenka Madbacada Qaranka Mustafe Cabdi Ciise Shiine
18 Gudoomiyaha Gudiga Qandaraaska Qaranka(National Tender Board) Aadan Nugaal X. Xasan
19 Xoghayaha Fulinta ee Komishanka Aidska ee SOLNAC ( AIDS Commission) Maxed Dahir Khayre
Director of Admin & Finance C/Kariin Axmed Xinif
Director of Capacity Building Maxamed Nuur Guruje
Director of Clinic Service Sahra  Adan Yaanyo
National M&E Officer Aadan Jaamac Hoori
20 Gudoomiyaha Gudiga xuquuqal Insaanka (Human Rights Commission) Aamina C/laahi Axmed
21 Gudoomiyaha Gudiga Ilaalinta Tayada(Quality control Commission) Siciid Saleebaan Mire
22 Gudoomiyaha Gudiga ladagaalanka musuqmaasuqa iyo illaalinta dawlad wanaaga (National Integrity Commission) Axmed Muxumed Madar
23 Gudoomiyaha Gudiga Diwaanka Sakada(National Charity Commission) Sh. C/laahi Cali Jawhar
24 ICT Commission Cali C/laahi  Daahir
25 Diaspora Agency Saleebaan Maxamed Faarax
Taliyayaasha Ciidamadda
1 Talyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani
2 Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Ibraahin Caydiid Dhabdhable
3 Taliyaha Ciidanka Police-ka Cilmi Rooble Furre (Kabaal)
4 Ku-xigeenka Taliyaha Police Cabdiraxaam Liibaan Axmed
5 Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane)
6 Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Asluubta Xasan Cali Cawad
7 Taliyaha Ciidanka Bada Axmed Aw Cismaan
La Taliyayaasha Madaxweynaha
1 Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali
2 Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gobolada Bari Fuaad Aadam Cade
3 Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur
La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhalinyarada Cabdi najax Siyaad Aw Cabdi
4 Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Nabadgelyada Saleebaan Cumar Kujoog
DG-yada
1 Agaasimaha Guud Wasaarada Maaliyada Jaamac Axmed Maxamed
2 Agaasimaha Guud Wasaarada Shaqada & Arimaha Bulshada Baashe Yuusuf Axmed
3 Agaasimaha Guud Wasaarada Boosaha & Isgaadhsiinta Xasan Cumar Hoori
4 Agaasimaha Guud Wasaarada Kaluumaysiga, Khayraadka Bada iyo Maamulka Dekedaha C/raxmaan Cawil Xasan
5 Agaasimaha Guud Wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka Shiriif Libaax Muuse
6 Agaasimaha Wasaarada Arimaha Dibada Siciid Cali Wayrax
7 Agaasimaha Guud Wasaarada Beeraha C/laahi Ismaaciil Faarax
Wakiiladda JSL ee Dibaddaha
1 Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia Maxamed Xasan Siciid

Madaxwaynhuhhu waxa  uu madaxda Cusub ee la  magacaabay iyo  kuwa ay bedelayaanba waxa uu furay inay sida ugu dhakhsaha badan xililka kula  kala wareegaan.

ALLAA MAHAD LEH

C/laahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

AF-hayeenka Madaxtooyada JSL

Dhanxiir Maansha Allaah; Alleylehe, madaxweyne Siilaanyo ajar ayuu shaqaystay

Dhanxiir iyo Xildhibaanada Kulmiye ee…


Maansha Allaah; Alleylehe, madaxweyne Siilaanyo ajar ayuu shaqaystay, kol hadduu bishaa ramadaan cafiyey maxaabiistii guddidii nabadgelyada ee Ina Rayaale jeelasha ka buuxiyeen. Kuwa kale ee ragga iyo dumarkaba leh ee sharci-darrada ku xidhana oodda ha ka qaado, cid kasta oo xukuumaddii hore dulmidayna xaqooda iyo xuquuqda laga duudsiyey ha u soo celiyo, illeyn codkeenii buu ku fadhiyaaye.

Weger; Adeer, Ina Rayaale iyo Siilaanyo falkii kursigaa walaaleeyey oo kooto jacaylkii buu ku tallaalee igadaa warkiisoo, waxaad ka warrantaa xildhibaannadan reer KULMIYE ee isku feedhay Ina Xaashi ha loo yeedho iyo loo yeedhi maayo, talow ma mucaaridnimadii ayaan weli laga tallaalin, mise golahan seexday bay xarakaad u samaynayaan?

Jamhuuriya Online

Dawladda madaxweyne Siilaanyo oo bil jirsatay. Maxaa bishaa ay dawladda Somalilandjirtay u qabsoomay

Asalaamu Calaykum

Dhammantiinba  akhyaarta la socodta Blog-gan Somaliland1991 waan idin wada salaamaya dhammaantiinba meel kast oo aad adduunka ka joogtaan.

Qormadan yar waxaynu ku eegi doonaa haddii Eebe idmo  “Maxaa Dawladda Somaliland u qabsoomay bishaa ay jirtay”  Sida aynu dhammaanteen la wada socono dalkeena ka dhcday doorashadii madaxtinimda Somaliland taariikhdu markay ahayd  Juun 2010, maalin sabti ah. Waxaana ku tartamayey 3 xisbi qaran ee kal Ah

UDUB, KULMIYE iyo UCID. Doorashadii waxa ka horaysay ololihii doorashooyinka oo socday muddo 23 maalmood. Maalintii sabitidd ee ay bishu ahayd 26 Juun 2010 ayey doorashadu dhacday, tiiyo daku si wanaagsan oo hufan u codeeyeen. Dhammaan shacbiweynah Somaliland ee dalka joogay ee xaqa u yeeshay in ay codeeyaa oo ay soo doortaan madaxweynihii maaluli lahaa 5 sanno ee soo socodta. Dadku habeenkii ayey sii tageen meelaha ay ka codaynayeen, waxaa maqlaysaa qaar ku leh 2 habeenimo ayaan imid meeshan laga codayna qaarn 3, 4, habeenimo salaada subax ka dibb.

waxay ahayd doorashadii ugu xamaasada iyo xiisaha badnayd ee soo marta taariikhda Somaliland. Doorashadaas oo u dhacday si nabad galyo ah. Dil ka dhcay meel bariga ku taala oo  ay dileen argogaxisada SSC, Ilaahay naxariistii janno hak waraabiye, marxuumkaa oo ahaama ka mida  hawlwadeen guddida doorashooyinka  Somaliland. Waxay ahayd doorasho xor iyo xalaala. Waxaa ka soo qayb galay goob joogayaal badan oo ka kala yimid cidhifyada adduunka.  Shan cisho ka dibb, 1 Juli 2010, ayey ku  dhawaaqeen guddida doorashooyinku natiijadii doorashooyinka madaxtinimada Somaliland ee ka dhacday 26 Juun 2010.  Saddexdii xibi qaranee u tartamaye madaxtinimada Somaliland waxay codkii dadka u kala heleen sida tan.

UDUB: 33,2%

KILMIYE: 49,5 %

UCID: 17,1

Intii aan lagu dhawaaqin ayuu madaxweynihii hore ee laga guulaystay doorashada madaxtinimada Somaliland, Dahir Rayale Kaahin ballan qaaday haddii lagaga guulaysto doorashada uu si nabaa xilka ku wareejin doono madaxweynaha cusub uu weliba u hambalyeyn doono. Maalintii guddia doorashooyinka madaxtinimada ku  dhawaaqeen inuu Xisbiga Kulmiye ku guulaystay doorashada, waxa uu bilaabay madaxweynihii cusbaa in uu sameeyo saddex guddi oo shaqadoodu tahay in

1- Guddi ka soo talisa sidii loo soo dhisi laha dawladd kooban oo tayo leh

2- guddida 2 aad shaqadoodu noqodto ilaalilinta iyo daba galka hantida qaranka muddaa kala guurka

3- Guddi soo qaban qaabisa xafladda xilwareejinta labada madaxweyne ku kala wareegayaan xilka.

Ballantii Rayaale la soco qaybtan hoose

Wuxuu ballan qaaday Ryaale in uu xilka si nabada u wareejin doono.

Sidii ayaanay ficlan u dhacday oo maalintii taariikhiga ahayd 27  Juli 2010 uu xilkii ku wareejiyey madaxweynihii cusbaa, Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ee shacabka Somaliland 49,5 % cod aqlabiyad ku helay doorashadii.  Maalintaa taariikhiga ahayd waxaa ka soo qayb gashay wufuud kala duwan oo heer sare ah. Wufuudaas oo ka kala timid dalalka ay jaarka nahay. Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka yimid, wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta  mudane, Cali Cabdi Faarax, ku xigeenka af hayeenka baarlamanka Jabuurti,… , Dalka Kenya waxaaka socday waafti balaadhan oo qiyaastii ahaa 40 , oo uu hogaaminayo, ku xigeenka af-hayeenka baarlamka dalka Kenya, Macalin, xildhibaano baarlamankaas dalka Kenyaka socday yo dalka Ethiopia oo ay ka socdeen wefti heer sare ah oo uu hogaaminayo wasiirka dalxiiska dalka Ethiopia, … iyo madaxweynaha kilinka shanaad…. Saxaaafado badan oo adduunka ka kala socdaana ay yimaadeen aad iyo aadna doorashadaas Somaliland ay wax uga qoreen xaqiiqan.Dawladdaha dunida  oo hamblayo u soo diray dawladda cusub ee Somaliland, shacabka Somaliland ku amaanay doorashadaas sida nabada ku dhacday

Bal  haddaba aynu eegno maalintaa 27 Juli 2010,uu xilka la wareegay madaxweynaha cusubi, Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ilaa maanta oo ay tahay 27 Ogos 2010, wixii u qabsoomay dawladda cusub ee Somaliland.

1- a-Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku dhawaaqay golishiisii wasiirada, 20 wasiir  iyo 6 ku xigeen. Guddii talo ka soo bixinta dawladda Siilaanyo waxay ku soo taliyeen in dalku yeesho 15 swasiir.

b- Madaxweynah oo la kulmay golaha wakiilada

c- Golaha wakiilada oo si aqlabiyad ugu  codeeyey wasiiradii madaxweynuhu soo doortay

2- In sharcigii xukunka degdega la baabiiyo

3- Wuxuu  madaxweynuhu la kulmay, madax heer sare oo ka socodta bangiga adduunka iyo UN.

4- Wuxuu  madaxweynuhu la kulmay, wefti reer yurub ah oo ka  kooban 13 xubnood

5- Waxa dalka yimid wefti ka socda safaarada Ingiriisku ku leedahay Ethiopia oo uu hogaaminayo weftigaas safiirka Ingiriiska u fadhiya Ethiopia.

6- Wuxuu madaxweynuhu magaacabay badhasaabyada gobolada Somaliland

7-  Dawladda Somaliland oo mushaharkii siisay shaqaalihii dawladda oo muddo 4-5 bilood aan helin wax mushahar ah iyo biriijka hagrysa oo dawlddau dhisi doonto.

8-  Madaxweynaha oo cafis u fidiyey  dad u xidhxidhnaa xukunka degdeg ah.

9-  Dawladda Somaliland oo SOMCABLE  u ogolaatay in caple Somaliland la soomariyo

10-  Madaxweyne Siilaanyo oo shalay 26 Ogos 2010 soo saaray liiska magacyada madaxda uruada dawliga ah.

11- Maxjar cusub oolaga samaynayo Berbera

Ilaa imika si fiican oo wanaagsan ayey hawsha dawladdu  u socodtaa xaqiiqan.  Shacabka Somaliland waxay doonayaa waa horumar.

Dhammaad

Somaliland1991

Dhanxiir iyo Wasiirka Duulista

Dhanxiir iyo Wasiirka Duulista

Maansha Allaah; Alleylehe wasiirkii cusbaa ee duulistu waa kaa ka digigixooday madaar la’aanta haysata reer  Burco ee yidhi dib u dhici mayso in qurba-jooga Togdheer Hargeysa iyo Berbera basas ka soo kiraystaan, wasiirkii maaliyada ee Ina Xaashina wixii kastamada cunay ee uu ka dhex uriyey maamulkii Rayaale dibaduu isaga dareeriyey, hadda ayuun baa wasiir iyo shicib la isla jaanqaadayaa oo dalku horumar gaadhi doonaa.

Weger; Adeer; Cusaama inta uu madaarka Burco ka ilmaynayo wuxuu tegi lahaa kuwa Boorama iyo Ceerigaabo ee dooga iyo habaasku qaraiyeene igadaa warkiisoo waxaad ka warantaa bahalkan Cable-ka badda lagu sheegayo bixintiisu badanaa ilaa Ina Rayaale ayuu soo taxnaaye, mise kolba ninka kurisga fuula ayaa inanta weligeeda ah oo gabaatiga iyo yaradka ka gurta.

Jamhuuriya Online