my fathers name was ismail sh. ibrahim and was killed by siad bare government in 1984

This letter or email from one of my dear readers I want to publish here. read on.

bloodsucker, butcher, Siyad Barre

my fathers name was ismail sh. ibrahim and was killed by siad bare government in 1984. after killing him the government didnt give us his body to bury. therefore i made a facebook page to search his where about thank you for posting this my name is milgo daughter of Ismaciil sh. ibrahim

ismaciil_sh.ibrahim@yahoo.com

Somaliland1991

Advertisements

President Sillanyo Should Fire His National Security Team

Recently, a group of armed ONLF insurgent group landed Somaliland western sea coast almost succeeded crossing into Ethiopia’s Eastern border without a trace. It is clear that Somaliland’s military commander in that region and local people provided intelligence and logistical support for this operation. The events that took place west coast region underscores why national security would always be the top priority for the new administration, and the bad neighborhood we live. For the past decade, former Somaliland administration kept blind eye and tacitly approved the illegal activity in the west coast region—–arms smuggling, contra-band and illegal importing of Somaliland‘s exotic animals . By any means, we are not suggesting that former President Rayaale was responsible the failure of the new government to detect and defend the latest incursion of armed militia’s into Somaliland territory.

The events of last week and the way President Sillanyo’s security team handled its aftermath was very embarrassing indeed. However, we are expecting our leaders to learn from what went wrong and do whatever necessary to secure our coastal area.

Right now, it is not the time for finger pointing and bad-mouthing about the new administration’s shaky start. Constructive and objective criticism are helpful, but we would never accept those who want to take advantage and capitalize this incident for their  own political  or personal gains,  by spreading lies ,false rumors ,trash and  baseless stories..

Some editors of local websites have been waging lately, a full blown misinformation campaign to discredit the new Sillanyo administration, which could tarnish Somaliland image. For example, this week, waaheen posted breaking news with this following Headline, “A group of heavily armed Ethiopian troops have reached Sayla.” And it continues with the story that the Ethiopian Government is asking its parliament to approve the deployment of Ethiopian troops into the West Coast of Somaliland. We would not be surprise, if the source of this type of news came from a fringe website like Hadhwanaag-.

Just because they (the editors) did not get the job  from they were expecting from the new Administration; is not an excuse to post and publish whatever disparaging stories about Somaliland in order to undermine our new leader. This is really foolish and unpatriotic. What they doing are not true journalism; but a desperate way to manifest their anger toward the victory of Kulmiye party.

At the time of crisis, we need unity and we should rally behind our leader; that does not mean giving him a blank check to do whatever he wishes. We must demand real answers from our government: what really happened, why heavily armed men landed on our coast, and what agency failed to do its job on September 10, blunders. And the fact finding committee President have appointed  to investigate the latest fiasco in the west coast is merely for public relation and damage control.

We know hard work, time and patience are needed in order to secure our long coastline. We strongly believe, with right leadership, strategy, commitment and determination, we can secure our Coast from East to West. Removing Somaliland coastal Guard under the jurisdiction of Ministry of interior is the logical way to start. Instead the Ministry of defense should take over the command and control of the coastal forces, since they are dealing with external forces. For wrong reason, former administration placed the Coast Guard under the supervision of the Ministry of Interior.

And establishing the Headquarters of Somaliland Coast Guard in Lughaye would bring into the region the resources and the troops needed to secure the West coast Area —- from Bulihar to Seyla, an area of 365 km long. We should also ask assistance from donor nations to bolster our small coast Guard with the right training and equipment.

Majority of the people have serious reservations and concern about the people President Sillanyo chose to surround himself. Including the Al-Shabaab infected, President’s chief cabinet—who lacks the experience and the credentials to run that post. We need individuals with law enforcement, intelligence and counter insurgent background to lead the Interior and Defense Ministries. Mr. Gabose and Mr. Adami are fine capable public officials; however, we believe President have picked both of them for political reasons. We should not politicize when it comes protecting our freedom and security. Sacking both security Ministers makes sense, and bringing new security team would prove to the Somaliland people that President is making tough decision  for the sake  our national security .

The new administration would be tested by our enemies again and would encounter problems as well. At least, our job should be how to offer a feedback to rectify those challenges. Let’s stop the culture of self destruction and we should not give comfort those want Somaliland to fail. We want the new Sillanyo/Seylici administration to succeed; failure is not an option.

Finally, Somaliland entity will succeed because its political institution are organic, having built by the local indigenous people of the country rather than imposed from the outside by the donor nations or the UN.

Allah Bless Somaliland
Long live Somaliland

Ali Mohamed
Founder
Somaliland Freedom Foundation
Lewis Center,Ohio
Email: aliadm@aol.com

Akhriso akhriso Dhanxiir iyo Saylici

29/09/2010 –

Maansha Allaah; Alleylehe wasiirkii Daakhiliga ee afmiishaarka ahaa reer Awdal dejiyey ee ku yidhi ‘Walaalayaal wiilkiinii Rayaale intuu askariyar ii soo diray ayuu Mandheera igu tuuray xumaan umaan qaadin, foodkii markii laga helayna aayar buu iska tagay oo reer Awdal may xanaaqin, maantana dad saajin la beddelay u baroorta waad ka saraysaane shaydaanka iska naara.” Ninkii Ina Xaashina wali Kalkulatarkiisii buu daba sitaa xaaraan quutayaashii ummadda boobay, walee ragbaa Qaran ka soo baxay, waan garanayey in Siilaanyo aanu dhayal muaharaadkiida bacadka ugu lugayn jirin.

Weger; Adeer; Gaboosahan Mudugaynta xarfaanka ku ah iyo Ina Xaashiggan lacag ilaalinta ku khafiifay igadaa warkoodoo Saylicigii ku-xigeenka ahaa tolkii ma qaan bay ku leeyihiin, mise Kolay Boorama ku yaal ayuu woxogaa yar ka sawiray ilayn waakan Hargeysa isku nabaya ee wejiga siin kari lee. Waxaan u malaynayaa waa la ina caameyee ku-xigeen xiniinyo caddaha baynu u baahanahay, Cajiib. Ilaahayoow adigaa xaal og.
Jamhuuriya Online

Wasiirka Maaliyadda oo Caddeeyey in Masuuliyiinta Xukuumadii Rayaale Looga Fadhiyo Halka ay Mariyeen Lacagtii Dadweynaha

Wasiirka Maaliyadda oo Caddeeyey in Masuuliyiinta Xukuumadii Rayaale Looga Fadhiyo Halka ay Mariyeen Lacagtii Dadweynaha

“Waxaananu damacsanahay inaanu kor u qaadno cashuuraha barriga”

“Waxaannu qabnaa markii Ramadaan aanu shaqaalihii siinay laba mushahar iyo saddex mushahar inay duco badani nagu dhacday”

Wasiirka maaliyadda Somaliland

Hargeysa (Jam)-Wasiirka maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa daboolka ka qaaday in hanti-dhawrka guud ee qaranku uu baadhitaano ku hayo masuuliyiintii hay’adaha dawladda xukuumadii hore ee madaxweyne Rayaale si wax looga weydiiyo halka ay mariyeen lacago badan oo dalka ka maqan.

Wasiirka maaliyadda oo shalay ka hadlay xidhitaanka tababar lagaga hadlayey arrimo ku saabsan miisaaniyadda qaranka oo muddo laba maalmood ah hoolka hay’adda shaqaalaha uga socday Agaasimayaasha dawladda iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, waxa uu sheegay in masuuliyiinta xukuumadii hore ee Rayaale looga fadhiyo inay ka jawaabaan halka ay mariyeen lacagtii dadweynuhu u dhiibtay.

“Xukuumadda cusubi waxay dhaxashay qasnad madhan, waxaad ogtihiin miisaaniyadda tiiyoo sarbalaska(dheeraadka miisaaniyadda) sannadka 2010 yahay 122 bilyan oo doollar marka lagaga soo qabto ilaa sannadkii 2002, hadana shaqaalihii iyo ciidamadii, raashinkoodii iyo shidaalkii waxa la yidhi lacag looma hayo, waxaan ogahay oo imika lagu jiraan baadhitaan la leeyahay xageed mariseen lacagtii aynu dhiganay iyo tii dadweynuhu dhigtay, halkay mariyeena iyagaa ka jawaabi oo taa dhex geli maayo oo hanti-dhawrka ayaa ku jira hadda,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Wasiirka maaliyadu waxa uu sheegay in miisaaniyad-sanadeedka 2011 ay ka duwanaan doonto miisaaniyadihii ay diyaarin jirtay xukuumadii madaxweyne Rayaale, isaga oo xusay in miisaaniyadda lagu dari doono lacago loogu tallogalay dhinacyada horumarinta, isla markaana hay’adaha dawladda loogu kala badin doono hadba sida faa’iidadda ay dalka u leeyihiin u kala muhiimsan tahay.

“Miisaniyadda 2011 waa inay ka duwanaataa misaaniyadihii hore, sababa dhawr ah awgood.

Waxaad owgtihiih oo jirtay in miisaaniyadihii hore aanay ku jirin wax horumar ah gabigoodaba, fasal iskuul oo dhisan ha noqotee, waxa kale oo aad ogtihiin miisaaniyadihii hore sida loo qaybiyaa amma se aanay ahayn mid loo tixgeliyey sida baahida loo kala qabo, waxaa tusaale wanaagsan idiinku filan in Wasaaradda Waxbarashadu noqoto ta ugu miisaaniyada badan, waayo way igu kharash badan tahay, waxa kale oo aad la socotaan in miisaaniyadaha kuwa ugu badani ay gali jireen madaxtooyada iyo maaliyada oo baahida loo qabaa iyaga markaad eegto kharash ahaan ay aad uga yar yihiin tacliinta iyo ta caafimaadka.

Waxaannu damacsanahay wasaarad ahaan in miisaaniyaddii sidii loo samayn jiray wax laga bedelo, waxaannu doonaynaa inay noqoto miisaaniyad horumar leh, lacagteedana waynu heli karnaa.

Miisaaniyaddii hore hanti-dhawrku ma geli jirin, sidii la doonana waa loo isticmaali jiray, waxaannu anagu filaynaa in kolka sannadkani dhammaado intaanu dhammaan hantidhawrku galo oo wax walba sidii loo isticmaalay raaco, isla markaana uu golaha ka akhriyo. Waxa kale oo aanu doonaynaa in miisaaniyadan dad aqoon leh, Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu iyo jaamacadaha dalka wixii ka iman kara ee aqoonteeda leh ay yimaadaan oo ay noqoto miisaaniyad loo dhan yahay oo hareeraha laga joogo oo aanay noqon mid afar gidaar dhex dooda lagu sameeyey.

Markaa miisaniyadani waa inay noqotaa mid ka duwan kuwii hore, waxa kale oo aad ogtihiin dakhli badan oo xukuumaddu ay leedahay aanu gali jirin miisaaniyadda, sida shiidaalka, xoolaha dhaafa, dekedda, xataa labada Dollar lacagta ka soo gashaa, wixii aan geli jirin oo dhan inay galaan baanu ku talo jirnaa, wixi aan gali jirin miisaaniyada la sameeyey bay ku dhawaanayaan, waxaas oo dhammi waa waxa aanu doonayno inay galaan horumarka dalka, waa inaynu dakhliga si wanaagsan u uruurino,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Waxa kale oo wasiirku caddeeyey in wax soo saarka dalku aanu ahayn Xoolaha nool oo kaliya, balse ay isgaadhsiintu ka badan tahay inta xoolaha ka soo gaasha, haddii lagu xidhiidhiyo qalab lagu ogaado intay isticmaalan, isagoo ka hadlaayna waxa uu yidhi; “Waxa ugu badan dakhligeena soo gaalaa sidii iminka la sheegaayey maaha xoolaha nool oo kaliya, waayo isgaadhsiinta oo qudha haddii lagu xidho mishiin yar oo afar boqol iyo soddon kun oo Doolar ah ($430,000), waxa ina soo gali kara isgaadhsiintaa 100,000,000 (boqol milyan ) iyo wax ka badan markaa waxay ka badan kartaa, xoolahana way dhaafi kartaa, haddii xisaabtan keeda la galo.

Haddaba si taa loo gaadho waa in shaqaalaha la siiyo wax ku filan, manaaha nin gaajoonaaya in loo diri malaayiin, wax caqliga gala maaha. Markaa daryeelkii dalku waa inuu meesha soo galaa.

Afar kooxood baananu u dirnay inta qofka dhex dhexaadka ahi ku noolaan karo, waxay soo sheegeen in biilka qofka dhexdhexaadka ahi gaadhayo ilaa $250 ilaa $300 oo ku dhadhow lacagtii aanu ku bilownay mushaharka, intaa jeer ee sixirka doolarku isbeddelay marna looma tixgelin shaqaalihii iyo ciidamadii, dabadeetana waxa soo baxay in dulmi badani iyo qas badani ka yimi oo aynu aad ugu riiqanay, wax lagu tabcana waxa ugu wanaagsan wax-soo-saarka dalka.

Waxa loo samayn doonaa xafiis walba inta uu u baahan yahay, wixii shaqaalaha 65 ka weyn waxaannu odhan doonaa inta nidaamka hawl-gabka la samaynaayo intaadaa uun qaado, waxaanay ahayd taasi himilooyinka xisbiga KULMIYE, guddina waa loo saaray arrintaa ciidamada iyo shaqaalaha.”

Wasiirka maaliyadu waxa uu ka hadlay qorshayaasha ay damacsan yihiin ee ay doonayaan inay waxka qabtaan iyo taageerada ay dhinacyada kala duwan ee waxbarashada ka gaysan doonaan.

“Qorshe yaasha aanu damacsanahay waxaa ka kow ah waxbarashada, waxa ku xigga biyaha, waxaana saddex ah, caafimaadka. Markaad eegto siday u kala horreeyaan uunbaa looga hawlgali doonaa.

Waxaad ogtihiin Jaamacadaynu yeelanay, marka jaamacadaha dawladda laysku daro Camuud, Hargeysa, Burco iyo Lascaanood, miisaaniyada waxa ugu jira $92,000 (laba iyo sagaashan kun) sannadkiiba, laba iyo sagaashan kun markaad afar jaamacadood u qaybiso midkiiba waxay yeelanaysaa 1800 (kun iyo siddeed boqol), iyadoo sarifkuna isbedelaayo, lagumana kalsoonaan karo inay wax tar noqoto, halka uu Madaxweynihii hore mushahar u qaadanayey bishii $62,000 (laba iyo lixdan kun), Bulxana waxaan leeyahay xiisaanka yar adkaysta wax ma diidanine anagaa xukuumaddii hore idiinka roonaane waxba ha calaacalin. markaa waxay ahayd wax la yaab leh sida wax loo qaybinaayey, annagu waxaannu damacsanahay in taasi isbeddesho oo aanu tacliinta siino, waxa jira laba kun oo dhaw dhaw oo macallin oo qaata gunno ahaan u qaata lacagta ardayda laga qaado, balse aan dawladda wax mushahar ah ka qaadan, taasi waxay sababtay in fasalkiiba ay fadhiistaan 70 iyo wax ka badan, meelaha qaarkoodna ay ardaydu 100 kaba dhaafaan, taasna waxbaanu ka beddeli doonaa oo waxa fiican in fasalkiiba lagu soo celiyo celcelis ahaan 40 arday,” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaa ku daray “Biyaha haddaad eegto maalintii waxaynu cabnaa 20 mitirkuyuubic, tala galkii hore waxa uu ahaa dadkoo ahaa 150 meelaahaa, maanta milyanbuu ku dhaw yahay, waxaanna loogu talo galay 4000 mitirkuyuubic baaqigana waxaa laga keenaa hareeraheena wax kutalogal ah oo loogu talogalay may jirin aan dawarsi ahayn.”

Waxa kale oo uu Wasiirkaa Maaliyaddu sheegay inay shaqaalihii siyeen mushaharooyinkii mudadii koobnayd ee dawladda Siilaanyo xilka haysay, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Annagu waxaannu fadhinay laba bilood oo wax la’, waxaananu bixinay Aprill, May, June, July iyo August inteedii badnay oo lays gaadhsiiyey, waxaannu rajaynaynaa inaanu dhammaystirno bishan iyo bisha ku xigta wixii nalagaga tagay ee dhibaato ahaa.

Markaa miisaaniyadda soo socotaa way ka duwanaanaysaa insha Allah, waxaananu damacsanahay inaanu kor u qaadno cashuuraha barriga, taasi oo milaayiin ka badan inta dhoofka xoolaha inaga soo gasha, sida isgaadhsiinta.

Shaqaalahana waxaannu rajaynaynaa inaanu mushaharka u kordhino si talaabo talaabo ah si ay wax u soo saaraan. Markaa waxa naga cabban karaa waa xaraan quutayaashii aanu ka xidhnay Baankii u socday, markaa haddaad jaraa’idka ku aragtaan cid na xamanaysa waa nimankaa oo annagu nimankaas uunbaanu col nahay ee maaha dadweynaha sida runta ah.

Waxaannu qabnaa markii Ramadaan aanu shaqaalihii siinay laba mushahar iyo saddex mushahar inay duco badani nagu dhacday, iminkana inaanu uga kordhinbaanu damacsanahay.

Jaamacadahana 92,000 (laba iyo sagaashan kun) oo sannadkiiya siin mayne waanu uga kordhin doonaa oo waananu u saddex laabi doonaa, tacliintana waxaannu damacsanahay inaanu u saddex laabno.

Markaa waxaannu idinka rabnaa haddaad tihiin maamuladii hay’adaha kala duwan ee dawladda dhawr shay inaanu yarayno ayaanu jecel nahay, kow marti qaadka waanu yarayn, waayo waxaagaad deeqsi ku noqon kartaaye waxa ummadda deeqsi kuma noqon kartid, midna waanu yarayn oo shidaalkanu yarayn, waayo af-miishaarkii aroortii waddooyinka xidhi jiray ee ku soo socday wasaaraddaha si loogu shubin waxaannu leenahay ninka ku shuba shidaal gaadhi aan gaadhi dawladeed ahayn isaga dambiga leh, waxa kale oo aanu yarayn qalabada xafiisyada, waxaananu ka dhigi wax xafiisyadu ku shaqayn karaan.

Raashinka ciidamada meelaha laga qaadayo, sidoo kale shidaalada laga qaadayo waa inay ka jabnaadaan inta suuqa.

Waxaannu damacsanahay in wasaaradda maaliyaddu qandaraasyo ku bixiso Raashinka, qalabka xafiisyada, qalabka gaadiidka iyo shidaalka oo ay noqoto meel qolo waliba intii baahideedu ahayn ay ka qaadan doonto saddex biloodna loogu sii daayo, si aanay dadkii laga macmiilanaayey aanay waxoogii uga raagin. Markaa waxaan idiinka rajaynayaa miisaniyadda aad soo samaynaysaan inaad u eegtaan baahida loo qabo horumarka iyo kharashka.”

Sidoo kale wasiirka maaliyaddu mar uu ka hadlaayey arrimaha hay’adaha dalka ku sugan ee deeq-bixiyayaasha , waxa uu saluug weyn ka muujiyey mashaariicda ay soo qaataan iyo waxay bixiyaan, isagoo taa ka hadlaayana waxa uu yidhi; “Waxaad idiin sheegayaa maanta waxaynu qabsano uunbaa wax inoo ah, hay’dahan dibeda inooga yimaada, waxay dalbadaan intaas oo boqol oo milyan waxa loo ogoladaa boqolaal milyan, waxa ka muuqdaa waa wax aad u yar, warbixinaha aadka u wanaagsan ee ay qoraan maaha wax inaga laynoogu talogalay ee waa mid ay deeq-bixiyayaasha kaga qaadanayaan, waxaannu damacsanahay inaanu sannadkan la xisaabtano oo aanu nidhaahno wixii aad samaynaysaan halkan soo dhiga, dabadeedna sida loo kharash garaynaayo aanu idiin kala shaqayno, hay’adaha wax dhisi karaaya aanu soo magacowno, kuwa alaabta laga iibsanaayo aanu soo magacowno aanu halkaa kala socono wixi la dhisaayey iyo wixii la qabanaayey, waa inaanay noqotaa wax aynu inagu kaantaroolkeeda leenahay oo aan laynagu masabidin waxaan inaga inagu bixin, marka aad u eegto siminaarada yar ee tobanka doolar jeebka layskugu rido, waxa ku baxaa waa wax aad u yar, laakiin waa inayn daba galno oo iskuulada qaarkood meelaha cidlada ah laga dlhisaayo oo riyuhu ku xaroodaan, waxa halkaa ka muuqata in dalkeenu yahay dal aan laxe-jeclo laga lahayn. Markaa aynu ku xisaabtano dalka sidiii loo toosin lahaa,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
Jamhuuriya Online

Daawo Daawo sawirradan nin Meyd oo Burco laga helay (Digniin sawirro naxdinleh)

(Hadhwanaagnews)  Wednesday, September 29, 2010
Burco: Dhacdo Naxdin leh :Dawladda Hoose ee Burco oo soo bandhigtay Nin mayd ah oo laga helay Meel Bannaan ah.

Burco (HWN) Waxaa maanta magaalada Burco lagu arkay arrin naxdin leh taas oo ka nixisay dad weynaha ku dhaqan magaalada Burco gaar ahaan kuwa ka ag dhow dawladda hose ee burco, kadib markii maanta duhurnimadii la keenay xarunta dawladda hose ee Burco Nin mayd ah oo laga helay meel bannaan ah oo u dhow warshada hilibka oo ku taal meel magaalada Burco ka xigta Dhinaca galbeed kana yar baxsan Gudaha Magaalada.

Ninkan oo maydkiisa aad ka argagaxaysid ayaa Dawladda hose shalay keentay Cisbitalka Guud ee magaalada Burco,waxaana maanta Duhurkii ay ka soo qaaday cisbitaalka waxayna so dhigtay maydkaasi oo saaran iskurogooyinka dawladda hose mid ka mid ah barxadda hore ee dawladda hose, si loo helo dad garanaya maydkaasi.

Dawladda hose ee Burco oo iyadu maydka soo heshay ayaa muddo saacado ah ku haysay barxada hore ee xaruntooda, waxaana lagu guul daraystay in la helo dad garta qofkaasi maydka ah.

Qofkan maydka ah ayaan la garanaynin wax ku dhacay iyo waxa sababay dhimashadiisa inkastoo dadka qaar ay sheegeen in qofkan la dilay oo nabaro ku yaalan, halkii lagu dilayna lagaga Tegay.

Si kastaba ha ahaate dhacdadan naxdinta leh ayaa noqonaysa mid ku soo kordhisa dadka welwel iyo walbahaar hor leh, iyadoo ay dadkuna maanta aad u hadal hayeen dhacdadaasi foosha xun.

Ugu danbayntii Dawladda Hose ee magaalada Burco ayaa caawa aastay Maydkaasi, aan la garanaynin cidda dishay iyo cidda halkaasi dhigtay maydkiisa Toona.

Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com

Submit by:-Mustapha-Burco

Source: Hadhwanaagnews

Xildhibaan Dhugad Iyo Suldaan Xiiray Oo Baaq Culus U Jeediyey Madax-dhaqameed Reer Boorama

Xildhibaan Dhugad Iyo Suldaan Xiiray Oo Baaq Culus U Jeediyey Madax-dhaqameed Reer Boorama

Hargeysa (Oodweynenews)- Xildhibaan C/laahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland iyo Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, ayaa ugu baaqay Salaadiinta reer Boorama inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ula shaqeeyaan siddii ay ula shaqayn jireen xukuumaddii ka horaysay ee Madaxweyne Rayaale.

Xildhibaan Dhugad iyo Suldaan Yuusuf Maxamed Xiiray, waxa ay sidan ku sheegeen shirjraa’id oo ay xalay ku qabteen Hotel Dalxiis ee magaalada Hargeysa.

Ugu horayn Xildhibaan Dhugad oo Shirkaasi jaraa’idna ka hadlay waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay xildhibaanadii Guurtida waxaanu maanta arkaynaa khalad dhacaya oo dad ka dhacaya oo dadkii maanta dalka u ahaa Madaxweynaha oo toban sanadood Madaxweynahay ahaa oo imika bishii Afaraad buu sii maqnaa oo ay ka muuqatay barnaamij aan hagaagsanayn oo aad u foolo xun oo aan labadii dawladood ee dalka iskaga danbeeyay mid-na u wanaagsanay Salaadiintan iyo Baarlamaankan siiba cuqaashan odayoogii ayuu ahaa anaguna waxaanu ahayn ragii la shaqayn jiray.

Daahir Rayaale wuxu xidhi jiray Saladiinta oo aan la odhan jirin Suldaan baad xidhay, wuxuu xidhi jiray kornaylada oo aan la odhan jirin kornayl-buu xidhay, wuxu xidhi jiray cid alaale iyo ciduu doono ninkasta oo magac leh wuu xidhi jiray, wax qabiil ah oo is urursaday oo odhan jiray Suldaan kayagii baad xidhay madaxdayadii baad xidhay oo yidhi Badhasaab kayagii baad xidhay waa waxaan la arag oo aan dhicin. Madaxweynihii doorashada lagaga adkaaday Salaadiinta oo dhan oo isu timid oo wax ka codsatay ayuu odhan jiray idiin yeeli maayo ee iska taga oo laga tagi jiray oo aan wax ceeb ah laga soo daba diri jirin.

Hadaba reer Boorama haddii ay yidhaahdaan nin saajin ah ayaa la badalay oo waanu mudaharaadaynaa oo Somaliland ayaanu ku kacayana maaha saajinka la badalay ee waa cudur calooshooda ku jira, maaha nin la badalay oo askari ah askaribaa la badalay waa Barootu Ceesaanta ka weyn shan iyo sideetan jir-baan ahay oo Somalilnd ayaan intaa joogay ilaa dawladdii hore ee Somalia iyadana waan la shaqaynayay, wali reer Awdal ciddi kamay dhiman askari kama dhiman maaliyadii Maxamed Siyaad Bare iyo tii ka horeysay tan dhalatay maaliyadeedii wixii oo maaliyad ahaa ayaa meesha ku degay, xoolahaa badan iyo nabadgalyadaa badan ee aan reer Awdal balaayaba arag ayaa maanta qaylo keenaya oo waxay leeyihiin waar kaligayo Somaali ka hadhi mayno halkay Soomaali martay ha nala mariyo oo hana la laayo oo waxay raadsanayaa halkay Somaali martay, waxaan leeyahay niman yahaw walalayaal maanta waxaad ku cabataan ma aragno waxaanu leenahay maanta waxa ala iyo waxaad sheegataan garan mayno saajin baa la badalay boroortu ceesanta ka weyn saajinka la badalay haddii uu weyn yahay mid aad ilmaadeer tihiin uunbaa lagu badalay Somaali kale ba laguuma keenin meel kale lagaagama keenin maalinkaa maanta ah ee ayanu joognana dawladdii aad idinku gacanta ku hayseen ee aan waxba la idiin odhan jirin saddex bilood bay sii maqnayd miydaan afartan baxa la sugayn, ha ahaato tan madaxweyne-ku xigeen baad leedihiin inuu dhaxlana waa laga yaabaa, waxaanu idiin leenahay maanta waxaanu idiin ka baryaynaa inaad dalka xaal siisaan in aad ka noqotaan arintaa maanta aad ku joogtaan ee foosha xun inaad ka noqotaan ayaanu idinka baryaynaa”.

Intaa ka dib waxa isaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, kaas oo sheegay in salaadiin ahaan ay la shaqaynayeen isla markaana ay difaacayeen xukuumaddii Rayaaale sideedii sano ee ay xilka hayeen, loogana baahan yahay Salaadiinta Boorama inay la shaqeeyaan xukuumadda Siilaanyo.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo halkaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “Horta Saladiintu waa heer qaran qarankay matalaan, anagu qaran baanu nahay marka kowaad dawladan Somaliland marxaalado badan bay soo martay meel dheer baynu ka soo bilawnay. Horta dalka waxa inagaga tagey C/raxamaan Axmed Cali (Tuur) ilaahay ha u naxariiste, Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal, Daahir Rayaale Kaahin intaas oo madaxweyene ayaa isbadashay waxaana keentay Dimuquraadiyada, nidaamka iyo qaabka ay maalin-ba marayso heerka ay marayso aan marayno, anagu intaa-ba Suldaan baanu u ahayn intaa markaan ka gudbo, waxaan doonaya Saladiintan reer Boorama ee hadashay laba Suldaan oo qiimo badan weeye Saladiintuna dhaqan iyo karaamo ayey leedahay cay ma gayaan aflagaadona ma gayaan, laakiin waxaan doonayaa marxaalada Saladiinta marxalada bay Saladiintu leedahay siyaasigu marxaladbu leeyahay xildhibaanku marxalada bu leeyahay caaqilku maxralada buu leehay odayaasha dhaqanku marxalad bay leeyihiin, horta dee inay u soo horeeyan bay leedahay afar kalmadood oo koob kooban ayaa odhanayaa.”

Waxa uu intaa ku ladhay oo uu yidhi “Anigu Saladiin ahaan xaqiiqda marka loo dhabo galo markaan dariiqa marayo waxa layigu yidhaahda waa Suldaankii dawladdii hore taageeri jiray qofku inuu hadalkiisa la badheedhaa wanaagsan cay badan-baa iga soo gaadhay waa guul wade UDUB-buu u shaqeeyaa aflagaado badan- baa iga soo gaadhay uu maan shaqaynay anugu UDUB shakhsi ahaan laakiin waxaan u shaqaynayay qaranka in nabadagalyo lagu wada noolado beelaha reer Somaliland-na gacmaha is qabsadaan inay wada socdaan inay wada  noolaadaan, afar iyo toban sano ayaa Gobolka Awdal madaxweynuhu ka soo jeeday oo aan ku ilaalinaynay oo aan gaadh kagaga haynay laba eray waa nusqaan waxaan leeyahay Gobalku Somalinad xaal ha siiyo.”

Waxa uu faahfaahin ka sii bixiyey hab-dhaqanka aragtiyeed ee dadweynaha Boorama, waxa uu yidhi”Erayga kowaad waxa weeyaan isagoo madaxweyne Rayaale ka sii maqnaa laba cisho madaxtooyada oo waxay la soo baxeen calankii buluuga ahaa ee Somalia  oo ay ku mudaharadeen Somaliland nusqaan bay ku tahay Somaliland-na kama gayaan taa waxaan leeyahay xaal ha ka siiyeen ummada reer Somalind. Ta labaad waxa weeyan dawladan waa la doortay shacbibaa doortay si fiica-baa loo doortay maamul-baa la badalay madaxweynihii dalka joogay-baa ka tagey wasiiradii ayaa la badalay, Badhasabadii ayaa la badalay, guddoomiyayaashii ayaa la badalay ummadii oo dhan ayaa la badalay in nin masuul ah oo taliye ah oo la badalay in Salaadiin dhami ay  ka hadasho waxaan leeyahay haka noqdaan Saladiinta eraygaa anagu beeshan aan ka soo jeedo Suldaan Xiiray ahaan ee bariga Hargeysa waxa laga badalay sagaal wasiir iskadaa kuwa kale hadaan maalintii shir jaraa’id qabto oo aan idhaahdo siddee loo badalayaa sagaalka wasiir Somaliland waxa weeyan si kale ayey u arki la hayd artintaa waxaan leeyahay Salaadintu haka naqoto dawladana ha lala shaqeeyo laba bilood bay taagnayd oo curdun weeye hala kobciyo si wanaag-sana ha loola shaqeeyo  meel aynu u kacnaana ma jirto maamulkana madaxweynaha ha loo daayo isagaa u madaxbanaane shacabka reer Somalind waxaan u soo jeedinaya ciidamada amaanka-na  halala shaqeeyo dalkana waa curdin ummada oo dhan ayaa in eegaysa shacabka-na waxan leeyahay nabada halag wada shaqeeyo Saladiintana waxaan leeyahay waar siddeed sanadood ayaan difaacaynay in Rayaale oo aan gaadh ka haynay oo la shaqaynaynay oo aanu toosinaynay waxaan idiin leeyahay maamul ayaa la badalay maamulka joogana halala shaqeeyo.”

Oodweynenews.com/Hargeysa Office

Source: Oodweynenews

Daawo Daawo video dhaawicii dablaydu waxyeehsay oo Burco la keenay