Halkan ka daawo video-gan iyo muuqaalka quruxda badan ee soo dhawaynta madaxweynaha Somaliland 27 Nov 2010

Halkna ka daawo muuqaalada/sawirrad xafladdii soo dhawaynta madaxweynaha Somaliland 27 nov 2010

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa warbxin iyo muuqaalo la socda oo ay soo diyaariyen SDWO oo sidaa yo daawasho wacan

Source: SDWO

SDWO (London 27/11/2010) Jaaliyada Somaliland ee UK oo kulan iyo soo dhoweyn aad u baladhan kula kulan Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigi uu hogaaminayey oo mudo todobaad ah ku suganaa UK.

Kulankan oo ahaa mid aad loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qaybgalay dadweyne aad u tirobadan oo buuxdhaafiyey Hall kii shirka loogu talogalay oo qaadayey 1500 oo qof.  Kaqaybgalayaasha soo dhoweynta maanta London loogu sameeyay madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ka kala yimid inta badan gobolada kala duwan ee uu ingiriisku ka koobanyahay, taasi oo sababtay in dad aad u tiro badan oo boqolaal kor u dhaafay ay xafladu ka buuxsantay oo dib loo celiyey iyadoo u suurtoobiweyday nasiib daro in maanta jaaliyada London ay kala qaybqaataan soo dhoweynta aadka u baladhan ee la soo agaasimay.

Ugu horeyntiiba waxa hadalo soo dhoweyn ah ka jeediyey Safiirka cusub ee Somaliland ee UK, Axmed cumar, waxa kale oo isna hadal kooban ka jeediyey goobtaas Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee UK, Axmed Daahir Cilmi.  Waxaa intaas ka dib lagu soo dhoweeyay Maxadweyne Siilaanyo, oo markiiba hadlakiisa ku bilaabay mahadnaq aad u balaadhan oo uu u soo jeediyey jaaliyada sida fiican ee aan loo kala hadhin ee ay u soo dhoweeyeen isaga iyo wefgtigiisaba.  Madaxweynahu wuxu taatabtay dhinacyada ay ka mid yahiin 100 cisho wax u qabsoomay xukuumada oo uu sheegay in badi intoodii badnayn fuleen, meelo biriishku ka midyahay oo roobabku naga hor istaageen mooyaane,  waxa kale oo uu ka hadlay dhinaca nabadgelyada oo uu sheegay inay had jeer jiraan dad goobo kale laga soo diro si ay dhib ugu geystaan shacbiga somaliland,  waxa kale oo uu ka hadlay socdaalkii uu ku soo maray dalalka Djibouti iyo Itoobiya oo uu sheegay in dhamaanba la isku afgartay wixii ay ka wada hadleen isagoo ugana mahadnaqay labada hogaamiyey sidii quruxda badnayd ee ay u soo dhoweeyeen.  Madaxweynahu waxa kale uu ka hadlay khudbadii uu shalay ka jeediyey guriga loo yaqaano Chantam House ee lagu lafo guro siyaasadaha daka iyo kuwa dunida kalaba.

Waxa kale oo madasha ka hadlay wasiirka arimaha dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isna dhinacyo badan taabtay, isagoo sheegayna in labada dal ee Djibouti iyo itoobiyiba ay u balanqaadeen inay somaliland kala shaqayndoonaan sidii ictiraaf buuxa ay u heli lahayd. Waxa kale oo isna madasha ka hadlay wasiirka qorsheynta qaranka Sacad Cali Shire oo isna ku dheeraaday baahiyaha badan ee dalka ka jira, xukuumad ahaana ay ka, go,antahay inay wax ka qabtaan.  Waxa kale oo isna Madasha ka hadlay wasiir ku xigeenka waxbrashada Cali Xaamud oo isna ka hadlay siyaasada wasaaradiisa ee dhinaca waxbarashada isagoo sheegay in dalka ay ka jiraan 87 dugsi iyo 17 jaamacadood, waxaanu sheegay inay dhowaan soo saareen sharci xakamaynaya in la furo jaamacado kale oo loo baahanyahay in horta la tayeeyo kuwan hada dhisan.

Waxa kale oo iyadana madasha ka hadashay |Xildhibaan Ikraan oo xisbiga Kulimiye laga soo doortay gobolka Awdal ayaa madaxweynaha u soo jeedisay in uu dhamaan dalka oo dhan uu cadaalad ku dhaqo, oo balanqaadayadii xisbiga la hirgeliyo, iyadoo sheegtay in Borma oo dalka ka go,anayd xaga wadooyinka, ay xukuumadu kaga dhabaysay oo ay bilowday dhismaha wadadii isku xidhaysay Borama iyo Dila.

Waxa isaguna madasha ka hadlay Maxamed Nuur Mooge oo ku hadlayey afka beesha Gabooye, isagoo halkaas madaxweynaha ugu soo gudbiyey cabashooyinka ay tirsanayaan oo ay filayaan in madaxweynahan cusubi uu wax ka qabandoono, isagoo yidhi dhinac walba waa nalug yasay, ilaa ay gaadhay heer ceerigaabo nalagu dhagaxtuuro, isagoo hadalo badan iyo dhacdooyin badan oo uu dadka kaga qosliyey goobtaas ku soo bandhigay.

Dhinaca kale waxa heeso dhamaantood wadani ahaa goobta ku soo bandhigay fanaaniin aad u tirobadan oo ay ka mid yahiin faananka reer Djibouti Nuur Daalacay, Seynab Ciga, Nimo Yaasiin, Ikaraan Caraale, Zamzam, Maxamud Cumar, Naasir Cujuf, Cabdi Qaboojiye, Yusuf Dheere, Cabdikariin Raas, Nimo Degan, Faysal Yare iyo fanaaniin kale. Fanaaniintan ayaa dadka aad u madadaaliyay iyagoo heeso aad u qiiro badan madasha ka qaaday oo dadweynaha iyo madaxdii martida ahaydba ay ka mabsuudeen.    Dhinaca kale labada awbaan ee London, abwaanka aadka u dada yar Cabdiraxman Abees ayaa isna maanso duco iyo dardaaran ah ku soo bandhiga madasha, waxa sidoo kale Maanso ku soo bandhigtay madasha Abwaanada Caasha-Luul.

Dadka ayaad ka dareemaysay farxad aan la qiyaasi karin oo wejiyadooda ka muuqatay oo aad ka dareemaysid sida ay ugu faraxsanyahiin isbedelka weyn ee ka dhacay somaliland, iyagoo dadkuna wada rajaynaya in xisbiga talada haya ee Kulmiye uu ka duwnaandoono xisbigii hore ee talada laga qaaday ee UDUB. oo ay oofindoonaan balanqaadayadii quruxda badnaa ee ay muujiyeen xiligii ololaha dooroshooyinka.  Mudada 4 bilood ku dhow ee ay xilka hayeena ay muujiyeen isbedelo badan oo ay ka mid yahiin, dhinaca dhaqaale ururinta, la dagaalanka Musuqmaasaqa iyo fulinta mashaariic ay ka mid yahiin dibu dhiska madaarka Berbera iyo Hargeysa, iyo furitaanka madaarada Borama iyo Burco oo in mudo ah xidhnaa

Saxaafada kala duwan ee somalida oo si weyn uga soo qaygashay kulankan

 

Ka soo qaybgalayaasha ayaa inta badan ay ka muuqatay sida ay uga xumaadeen meesha lagu qabtay xaflada oo aad uga yarayd jaaliyada ku dhaqan UK oo qaadaysa 1500 oo qudha, iyadoo loo baahnaa in la soo kireeyo meel tiyaatar ah oo ugu yaran qaadi karta 3 kun oo qof, isla markaasna weftiga is fudud ugu sahlilahayd in ay qudbadaha u jeedin karaan oo la is maqlikaro, halka imika dadki inta araysay halka ay weftigu fadhiyaan ay yarayd oo dad badan iyagoo hall kii dhex fadhiya hadana aanay arkikarayn weftiga buuq darteed oo ay codka uun xaga danbe ka dhegaysanayeen.  Waxaanay noqontay cashar laga bartay marka xaflad qaran oo sidan u balaadhan la samaynayo, waxaana wax aad looga xumaado ahaa dad badan oo safaro dhaadheer u soo galaysidii ay madaxweynaha u arkilahayeen oo qaboobahii UK ka dhacayey soo dhexmaray in hadana albaabka markay mudo taagnaayeen dib loo celiyay.

Dhexda Marwo Amin Weris -(Marwada Koowaad) iyo Duqa degmada Tower Hamlets)

 

 

Axmed Daahir Cilmi – Gudoomiyaha Jaaliyada UK – SSUK

Meyerka Xaafada Tower Hamlets

From Left: Mohamud Dacar – Safiirka Somaliland ee Belguim ka iyo Cisaman Xasan Safiirkii hore ee UK

Waxa xaflada xidhiidhinayey oo daadihinayey Khadar Xasan Cali Gaas iyo Maxamed Cumar Meygaaga

From Left: Guled Abdi Sheekhaash(SDWO.COM), Abdilahi Abokor iyo Siciid Axmed

 

 

Abwaan Cabdiraxman Abees

Abwaanad Caasha-Luul

 

 

SDWO News Desk – London

 

 

Guled Abdi Sheekhaash – SDWO Chief News Editor

 

Source: SDWO

 

Daawo Daawo xafladii soo dhawaynta madaxweynaha Somaliland 27 Nov 2010

Dhammmantiin ku soo dhawaada daawashada muuqaalka quruxda badan. Daawo xafladii soo dhawaynta madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed M. Siilaanyo.  waxaan isku deyi doonaa inshaanlaa  in aan wakhti dhaw kolba in  aan idiin soo gudbiyo  warbixino iyo muuqaalo kala duwan oo ku saabsan xafladaas.

© Somaliland1991

 

 

Somaliland Waa Xidig ka Dhex ifiimaysa qaarada Afrika oo rajo Badan Laga Qabo

‘Somaliland Waa Xidig ka Dhex ifiimaysa qaarada Afrika oo rajo Badan Laga Qabo’ wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha AfrikaSomaliland Waa Xidig ka Dhex ifiimaysa qaarada Afrika oo rajo Badan Laga Qabo’ wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika 

Somaliland iyo Ingiriiska oo Rug Ganacsi ku Midoobay

London (Jam)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa haneenkii Khamiista ka qayb galay xaflad lagu daah furayay rug Ganacsi oo ay wada yeelan doonaan Ingiriiska iyo Somaliland oo la yidhaahdo (Angalo-Somaliland Chamber of Commerce.)

Munaasibadan oo ahayd mid sii heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Ingiriiska, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Afrika u qaabilsan xukuumadda Ingiriisa Henry Bellingham, Lord St John oo ah mudane ka tirsan house of commence iyo masuuliyiinta ka socday shirkado waaweyn oo ka jira dalka Ingiriiska.

Ugu horayn waxa furitaankii xafladda ka hadlay Maxamed Yuusuf Cali oo ah nin ganacsade ah, isla markaana ah aasaasaha rugtan ganacsi, wuxuun si weyn ugu mahad naqay ka soo qayb galaayaasha, isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan halkan ku soo dhoweynayaa Madaxweynahayaga cusub Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, si uu goob joog uga ahaada furitaanka rugtan ganacsi ee ka dhaxayn doonta Ingiriiska iyo Somalailand, taas oo wax badan ka tari doonta arrimaha is kaashiga dhinaca ganacsiga iyo horumarka labada wadan.”

Madaxweynaha Somaliland oo isaguna furitaankii xaflada hadal ka jeediyey ayaa sheegay sida uu ugu farxsan yahay ka soo qaybgalka munaasibadan. “Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin, ku soo dhowaada dalkayaga oo ah mid aad u qani ah dhinac kasta,waxaanu dowlad ahaan soo dhaweynaynaa in aad maalgashataan Somaliland oo leh kheyraad badan oo dabiici ah sida klluunka iyo macdano kale duwan ” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Wasiirka Afrika u qaabilsan xukuumadda Ingiriiska Henry Bellingham oo isaguna munaasibadan ka hadlaya ayaa sheegay inay tahay arrin lagu diirsado tallaabadan, “Waxan aad ugu faraxsanahay xidhiidhka Maxamed Yuusuf sameeyay, dhammaan shirkadaha Ingiriiska ee kulanka joogaa waa kuwo waaweyn oo wax badan ka tari doona dhinaca maalgashiga ee Somaliland. Somaliland waa xidig ka dhex ifiimaysa qaarada Afrika oo rajo badan laga qabo,” ayuu yidhi wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika, isaga oo ku dheeraaday qiimaha ay leeyihiin qurbajooga reer Somaliland oo ku tilmaamay kuwo isku xidhan oo dedaal ugu jira sidii dalkoodu horumar mug leh ugu tallaabsan lahaa. Sidoo kale waxa uu Md Belllingham xusey sida uu ula dhacay waxqabadka 100 cisho ee xukuumada uu madaxda ka yahay Madaxweyna Siilaanyo. Ugu danbeyntiina waxa uu wasiirku ugu baaqay shirkadaha iyo ganacsatada Ingiriisku in ay maalgashadaan Somaliland.

Munaasibadan xadhiga lagaga jarayay Anglo-Somaliland Chamber of Commerce ayaa waxa ka soo qaybgalay dad ka badan 100 qof oo isugu jira masuuliyiinta shirkado Ingiiriisa iyo kuwo laga leeyahay Somaliand.

Waxa kulankan goob-joog ka ahaa Wasiirada Weftga Madxweynaha, Chief Of Cabinet, Marwada Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Somaliland.

Asaaska rugtan ganacsi ee Somaliland iyo Ingiriiska ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee la sameeyo tan iyo markii ay Somaliland xoriyadeeda qaadatay.

‘Somaliland Waa Xidig ka Dhex ifiimaysa qaarada Afrika oo rajo Badan Laga Qabo’ wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha AfrikaSomaliland iyo Ingiriiska oo Rug Ganacsi ku Midoobay  

London (Jam)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa haneenkii Khamiista ka qayb galay xaflad lagu daah furayay rug Ganacsi oo ay wada yeelan doonaan Ingiriiska iyo Somaliland oo la yidhaahdo (Angalo-Somaliland Chamber of Commerce.)

Munaasibadan oo ahayd mid sii heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Ingiriiska, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Afrika u qaabilsan xukuumadda Ingiriisa Henry Bellingham, Lord St John oo ah mudane ka tirsan house of commence iyo masuuliyiinta ka socday shirkado waaweyn oo ka jira dalka Ingiriiska.

Ugu horayn waxa furitaankii xafladda ka hadlay Maxamed Yuusuf Cali oo ah nin ganacsade ah, isla markaana ah aasaasaha rugtan ganacsi, wuxuun si weyn ugu mahad naqay ka soo qayb galaayaasha, isaga oo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan halkan ku soo dhoweynayaa Madaxweynahayaga cusub Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, si uu goob joog uga ahaada furitaanka rugtan ganacsi ee ka dhaxayn doonta Ingiriiska iyo Somalailand, taas oo wax badan ka tari doonta arrimaha is kaashiga dhinaca ganacsiga iyo horumarka labada wadan.”

Madaxweynaha Somaliland oo isaguna furitaankii xaflada hadal ka jeediyey ayaa sheegay sida uu ugu farxsan yahay ka soo qaybgalka munaasibadan. “Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin, ku soo dhowaada dalkayaga oo ah mid aad u qani ah dhinac kasta,waxaanu dowlad ahaan soo dhaweynaynaa in aad maalgashataan Somaliland oo leh kheyraad badan oo dabiici ah sida klluunka iyo macdano kale duwan ” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Wasiirka Afrika u qaabilsan xukuumadda Ingiriiska Henry Bellingham oo isaguna munaasibadan ka hadlaya ayaa sheegay inay tahay arrin lagu diirsado tallaabadan, “Waxan aad ugu faraxsanahay xidhiidhka Maxamed Yuusuf sameeyay, dhammaan shirkadaha Ingiriiska ee kulanka joogaa waa kuwo waaweyn oo wax badan ka tari doona dhinaca maalgashiga ee Somaliland. Somaliland waa xidig ka dhex ifiimaysa qaarada Afrika oo rajo badan laga qabo,” ayuu yidhi wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika, isaga oo ku dheeraaday qiimaha ay leeyihiin qurbajooga reer Somaliland oo ku tilmaamay kuwo isku xidhan oo dedaal ugu jira sidii dalkoodu horumar mug leh ugu tallaabsan lahaa. Sidoo kale waxa uu Md Belllingham xusey sida uu ula dhacay waxqabadka 100 cisho ee xukuumada uu madaxda ka yahay Madaxweyna Siilaanyo. Ugu danbeyntiina waxa uu wasiirku ugu baaqay shirkadaha iyo ganacsatada Ingiriisku in ay maalgashadaan Somaliland.

Munaasibadan xadhiga lagaga jarayay Anglo-Somaliland Chamber of Commerce ayaa waxa ka soo qaybgalay dad ka badan 100 qof oo isugu jira masuuliyiinta shirkado Ingiiriisa iyo kuwo laga leeyahay Somaliand.

Waxa kulankan goob-joog ka ahaa Wasiirada Weftga Madxweynaha, Chief Of Cabinet, Marwada Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Somaliland.

Asaaska rugtan ganacsi ee Somaliland iyo Ingiriiska ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee la sameeyo tan iyo markii ay Somaliland xoriyadeeda qaadatay.

Jamhuuriya Online

Jamhuuriya Online




Jamhuuriya Online

Strengthening the UK’s relationship with Somaliland


 

Strengthening the UK’s relationship with Somaliland

Minister for Africa Henry Bellingham met the President of Somaliland Ahmed Mohamed Mohamud Silanyo in London on 24 November.

This is the President’s first visit to the UK since his successful election in June this year. He was accompanied by the Ministers for Foreign Affairs and Planning.

Minister for Africa Henry Bellingham said:

“The UK is proud of it’s historical ties to Somaliland, and we are keen to maintain and strengthen our very close bilateral relationship”.

The UK also has strong links to Somaliland through members of the diaspora, many of whom contribute positively to Somaliland’s development as well as to communities across the UK.

Somaliland has made admirable progress in maintaining relative peace and stability in a difficult region. Somaliland has set a positive example of democracy and can play an important role in enhancing security and development in the Horn of Africa. To this end, the UK is committed to supporting Somaliland’s development and cooperating in areas of shared interest to ensure a positive and sustainable future for Somaliland and the region.

Further information

Follow us on Twitter: @foreignoffice

 

Somaliland Pushes for International Recognition VOA English

Somaliland Pushes for International Recognition

Jennifer Glasse | London 26 November 2010

Somaliland's President Ahmed Mohamed "Silyano" Mohamoud was sworn in as Somaliland's 4th president on 27 Jul 2010 Hargeisa, Somaliland

Photo: AP

Somaliland’s President Ahmed Mohamed “Silyano” Mohamoud was sworn in as Somaliland’s 4th president on 27 Jul 2010 Hargeisa, Somaliland

Somaliland has been fighting for its independence for three decades. Its newly elected president, Ahmed Mohamed Silanyo, is in London to strengthen economic ties and lobby for support to have his country recognized as a sovereign nation.

Somaliland president Ahmed Mohamed Silanyo launched a new economic cooperation center here in London, the Anglo-Somaliland Chamber of Commerce. The president is in Britain looking for economic as well as political support.

“We would like recognition for our country of course, but we would also want to see the international community and Britain our friends engage with us to mobilize development to give us development, recognition and cooperating with us in many areas,” said the president.

He says the June elections that brought him to power were widely regarded as free and fair, and the peaceful transition of leadership marked another step in Somaliland’s development.

“We have made tremendous progress, Somaliland has been operating on its own, Somaliland has been relatively peaceful in a region which is not stable enough, known for instability activities of al-Shabab and other extremist groups,” he said. “Somaliland has been fighting against these people and Somaliland has been working on stability, not only that but on its democracy and development of its people.”

Silanyo says his government has worked hard to crack down on piracy and Islamic militancy, and is concerned about the instability of Somalia.

“We would like to see peace restored to Somalia itself because lack of stability in the region is bound to affect us, it’s affecting the whole world, it’s affecting our region more than anyone else,” he said.

<

Map of Somaliland

Somaliland’s new president says international recognition of Somaliland would help with stability, its banks and other institutions would be able to interact freely with the rest of the world.

“Not being recognized by the international community is a huge setback, naturally that goes without saying and that’s why we are moving around and asking the international community and sending an appeal to them to recognize Somaliland,” he said.

Silanyo says Kosovo’s recent recognition as an independent country and the January referendum on independence for Southern Sudan are both positive developments for Somaliland.

“We are heartened by Kosovo and what’s happened to Southern Sudan that means it opens the door for us. The principle that countries should remain as they were at the time of independence has changed so why should it not work for us as well,” Silanyo said

The United States says it will “engage” with Silanyo’s government. Britain, Denmark and Sweden are all increasing their bi-lateral ties with Somaliland. The president said Ethiopia is also deepening its relationship with Somaliland, and, he hopes a new railway will link the two countries.

Source: VOA (Voice of America)

Daawo sawirradan qiimaha leh khudbadii uu ka jeediyey madaxweynaha Somaliland aqalka Chatam House

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeediyay Mac-hadka Cilmi Baadhista Arimaha Caalamka (Chatam House).
Lord treasman, waa madaxa laanta Cilmi Baadhista Arimaha Afrika (Chatam House),…. Daawo Sawiraddamadaxweynaha Madaxweynaha Somaliland oo ka khudbadaynaya xarunta Chatham House 26 Nov 2010

Waxa manta khudbad dheer ka akhriyey Maxadka Cilmi Baadhista Arimaha Afrika Chatam House Madaxweynaha Somaliland Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhinacyo badan taabanaysa, Waxa kasoo qaybgalay madax sarsare oo ka tirsan Afrika iyo dublamasiyiin iyo warbahinta caalamiga ahba,
8
waxa sidasoo kale kasoo qaybgalay dad fara badan oo reer Somaliland ah oo dalkan degan kana yimid meelo fog fog.
22
Lord treasman, waa madaxa laanta Cilmi Baadhista Arimaha Afrika (Chatam House), oo marka hore “mahadnaq usoo jeediyey dadweynahi iyo dublamaasiyiintii madasha kasoo qaybgalay,intaas ka dib waxa uu carabaabay sida uu ula dhacsan yahay Somaliland iyo horumarka ay sameysay dhinac walba.Isagoo weliba sii raaciyey inuu layahay saxiib Somaliland,saxiibtinimadaana uu ku adkeysanaayo oo aanu marnaba ka tanaasuleyn.Waxa kale oo Lord Treasman ka sheekeeyey Maxadweynaha Somaliland Ahmed Maxamamed Maxamuud (Siilaanyo),Tariikh nololeedkiisa oo kooban. 9
1
Waxa hadalkii la wareegay oo lagu soo dhaweeyey Maxadweynaha Somaliland Ahmed Maxamamed Maxamuud (Siilaanyo),oo khudbad aad u dheer lagana soo shaqeeyey madasha ka akhriyey.oo dhinacyo badan taabanaysa,”waxa uu ku bilaabay mahadnaq uu usoo jeediyey madaxda ugu sareysa ee dalkan Ingiriiska oo ay ku jiraan Wasiiro iyo dublamaaisyiin farabadan oo uu la kulmay, waxa kale oo khudbadiisa kusoo daray warbixin uu kaga waramaayo xaaladahii kala duduwanaa ee ay soo martay Somaliland.oo ay ka mid tahay doorashooyinkii badnaa ee dalka Somaliland soo maray iyo sidii quruxda badnayd ee ay u dhaceen. 3
Waxa kale oo uu madaxweynahu sheegay xidhiidhka wanaagsan ee uu la leeyahay wadamada Qaarada Yurub iyo Mareykanka,gaar ahaan dalkan Ingiriiska sida wanagsan ee hayd iyo jeer ay arimaha Somaliland ka yeelaan. 2
Madaxweynahu waxa kale oo uu carabaabay arimaha jeeska Afrika gaar ahaan dalkan aynu jaarka nahay ee Soomaalia oo u rajeeyey nabad iyo kala danbeyn,kulana taliyey inay soo afjaraan dagaalada aadka u xun ee ay dadkooda ku baro kicinayaan.waxaanu sheegay inay ku tahay cawaaqib xumo Somaliland hadii dagaalkani sii socdo iyo aduunka oo dhanba. 23
Madaxweynaha Somaliland Ahmed Maxamamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa kale oo uu ka hadlay arimo la xidhiidha xaga dhaqaalaha iyo maalgashiga dawladaha shisheeye oo uu yidhi waxa aan rajeynayaa inay dalkan Somaliland baal galin donaan iyo guud ahaanba dalkeena Somaliland inuu horumar la taaban karo ka sameyey xaga dakhliga oo uu madaxweynahu sheegay inay miisaaniyadu korodhtay 25% sadexdii bilood ee ugu horeysay ayna rajeynayaa in ay sii korodho.
Madaxweynaha khudbadii uu akhriyey oo aad u dheerayd dhinacyo badana taabanaysay waxa aan Insha Allah idiinku soo gudbin doonaa iyada oo ah muqaal iyo maqalba. 24
Waxa markii danbe isaguna madasha soo fadhiistay oo su’aalo la weydiiyey Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed C/lahi oo su’aalihii la weydiiyey ay ka mid ahaayeen Alshabaab iyo kooxaha budhcad badeeda,sidasoo kale waxa laweydiiyey waxbarashda iyo arimo ku saabsan Somalida kale,waxaanu wasiirka iyo madaxweynahuba uga jawaabeen si aad u qurux badan.
Madaxweynaha iyo waftigiisu waxa ay beryahanba joogeen dalkan Ingiriiska,waxa ay la kulmeen madax sarsare oo dalka Ingiriiska ka tirsan .waxaana safarkiisan ku weheliyey wasiiro iyo madaxkale oo ka tirsan xukumadiisa.
257

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka akhriyey Maxadka Cilmi Baadhista Arimaha Afrika (Chatam House).

 

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka akhriyey Maxadka Cilmi Baadhista Arimaha Afrika (Chatam House).

 

 

 

 


Lo

 

 

 

 

 

 

 

 

Hamse Ahmed Salaan
London
hamse100@gmail.com


Published: 2010-11-27

Source: GabileyNews