Daawo Daawo Sawirradan Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigii uu hogaaminayay oo Dalka Kuwayt soo gaadhay.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigii uu hogaaminayay oo Dalka Kuwayt soo gaadhay.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaabilad sare iyo soo dhawayn kala kulmay waddanka imaaraadka carabta Daawo Sawiradda

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa manta gelinkii dambe ka dhoofay Gegida diyaaradaha ee khaaska u ah Madaxda Dalka Imaaraadka Carabta ee Abu-Dabai isagoo u sii jeeda waddanka Kuwayt oo uu ka helay martiqaad rasmi ah ka dib markii uu dhamaystay booqashadii uu ku joogay Imaaraadka Carabta iyo kulamadii uu la yeeashay sheekhyada iyo Ganacsatada waa weyn qaarkood ee waddanka Isu-tagga Imaaraadka carabta iyo weliba shirkado iyo diblumaasiyiin ay la yeesheen kulamo gooni gooni ah.IMG_0498 (1)

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaabilad sare iyo soo dhawayn kala kulmay waddanka imaaraadka carabta waxa ay kulamadii uu la yeeshay Madaxda waddankaas oo dhami ku dhamaadeen is afgarad iyo iskaashi niyad sami ah oo ay labada dhinac ku heshiiyeen qodobo door ah oo wax ka tari doona baahiyaha dhaqaale ee Somaliland.

IMG_0407

Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay Gegada dayuuradaha ee Abu-Dabai ka qaaday dayuurad khaas ah oo uu iska leeyahay Amiirka Waddanka Kuwayt.
IMG_0440
Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxay Magaalada Kuwayt soo gaadheen isla galabta makhribkii waxaana gegada dayuuradaha ee Kuwayt ku soo dhaweeyey oo halkaa ku sugayey masuuliyiin iyo madax ka mid ah dawladda Kuwayt,
IMG_0415
Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo lagu soo galbiyey gaadiidka martida ee dawladda. Sheekh Xamad Sabah Al-ahmad Al-sabah oo weftiga Madaxweynaha ku marti qaaday kuna soo dhaweeyey magaca aabihii oo ah Amiirka dalka Kuwayt iyo magaca dalkiisaba ayaa isla caweysinkan ku soo booqday hotel-ka uu degenyahay weftiga Madaxweynuhu.
IMG_0428
Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay berri kulan ku yeelanayaan xafiiskiisa Amiirka dalka kuwayt Sheekh Sabah Al-ahmed Al-sabah, Isla gelinga dambe ee berri waxa uu Amiirku beertiisa qaddo sharaf ugu samayn doonaa Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee weftigiisa ee socdaalka ku weheliya.
IMG_0451

Xubnaha weftiga ee Madaxweynaha socdaalkan ku weheliya waxay kala yihiin:

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda

Mudane, Xirsi Cali X. Xasan, Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL

Marwo Aamina Sheikh Maxamed, Marwada 1aad ee JSL

Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir, Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Iyo Xog-haya Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL cali Axmed Cali

IMG_0482IMG_0498IMG_0494IMG_0446IMG_0209

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Daawo Daawo Sawirradan qiimaha leh Booqashadii Madaxweynaha Somaliland Ahmed M.M Siilanyoee Kuwayt

Wararkii ugu danbeeyay ee waftiga madaxwayne Siilaanyo ee ku sugan dalka Kuwait
Ra’isal Wasaare Ku xigeenka Dawladda Kuwayt ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheekh Dr. Maxamed Sabax Al Salam Al Sabah ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha JSL(Daawo Sawiro)

JAMHUURIYADDA SOMALILAND Republic of SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Date: 28/04/2011
War-saxaafadeed
Ra’isal Wasaare Ku xigeenka Dawladda Kuwayt ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheekh Dr. Maxamed Sabax Al Salam Al Sabah ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigiisa.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Kuwayt waxa uu sheegay in ay dawladdiisu aad u soo dhawaynayso wax wada qabsigay iyo xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya labada waddan.
IMG_0771
IMG_0825
IMG_0772

Wasiirka waxa uu sheegay in ay xukuumadiisu diyaar u tahay in ay Somaliland ku dhiirigeliso dedaalka ay ugu jirto horumarka ay ka samaysay dhinac nabadgelyada iyo maamulka ka hanaqaaday. Wasiirku waxa uu sheegay warwarka ay beesha caalamku ka qabto nabadgelyada madaqadda oo budhcad badeedu ku jirto.
IMG_0757
IMG_0769
IMG_0759

Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka waramay xaaladda guud ee siyaasadeed ee mandaqadda oo dhan iyo waliba kaalinta ay Somaliland ku leedahay nabadgelyada. Madaxweynuhu waxa uu si door ah uga waramay isbedeladii siyaasadeed ee geeska iyo heerarkii ay soo martay dhismaha dawladnimada Somaliland iyo waliba sida ay nabadgelyada Somaliland u tahay mid gunta ka soo dhisantay oo haatan adkaatay.

IMG_0755
IMG_0754

Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland ka qabto gacan qabashada beesha caalamka gaarahaana dawladda Kuwayt. Waxaana uu uga mahadnaqay mashaariicda ay dawladda Kuwayt haatanba ka wado Somaliland sida garoomada dayuuradaha iyo cisbitaalada. Wuxuu se sheegay in ay baahida Somaliland intaa ka badantahay sidaasi si la mid ahna uga mahadnaqi doono mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Kuwayt ku deeqdo.
Waxaanu u gudbiyey mashaariic isugu jirta dhinaca biyaha iyo wadooyinka.
Isla maanta waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa qaabilay sarkaalka ugu sareeya Hay’adda Kuwayt Fund iyo masuulin kale oo ka tirsan Hay’addas. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay hay’adda kala hadleen in ay kordhiso mashaariicda horumarineed ee ay haatanba ka wado Somaliland. Waxaanay Madaxda Hay’adu sheegeen in ay dhinacooda diyaar u yihiin.
IMG_0737
IMG_0751
IMG_0752
IMG_0735
IMG_0695

Shalayna weftiga Madaxweynaha waxa lagu casuumay beerta Amiirka oo lagu sameeyey qado sharaf iyada oo dayuurad nooca loo yaqaano Helikobtarta ah lagaga qaaday hooteelka uu daganyahay Madaxweynuhu.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.


Published: 2011-04-28

Gabiley News on Facebook

ASMAA UL XUSNAA

articles top 10

1 Alla doori sawkaa Darka jiidhay maaweel…..


2 Somaliland: time of trial


3 Ma ku baraaa, Riyaale ma kuu bilaabaa! Faallo: Cabdirisaaq M. Dubbad,


4 KULMIYOOW HOOS HASU DHIGIN EE MEEL SARE WAX KA EEG


5 golaha guurtida shacabkaa idin fasaxay muddo lix bilood ah


6 BURCO BIRIJYADEEDII DHISATAY HARGAYSA BOODHKAYKU QASTAY.INA DAAUUD DADKA HARRAADAY WAX U QABO WADDO U DHIS CEELAAL U QOD .MATIHID AHMED HAJI WASIIRKA WARFAAFIN


7 DADKA DALKA JOOGAA MA MIYIR QABAAN MISA WAA WALAN YAHIIN MIYAANAY IS DHAGEESAN


8 Riyaalow Adigu Markii Aad Berbera Ka carartay Ee aad Laascaanood Orodka Ku Gashay Bal Magac U Bixi Wixii Ku Eryanayey Iyo Wixii Aad Aaminsaneyd?‏


9 Af Nooli Waa Hadlaa, Eyna Waa Ciyaa


10 FW: XOG KU SAABSAN KUUL CARRAHA HADA LA HADAL HAYO

Halkan ka daawo sawiradii quruxda badnaa ee madaxweynaha Somaliland booqashadii Imaaraadka

Kulankii u danbeeyey ee Weftiga Madaxweynaha

Kulankii u danbeeyey ee Weftiga Madaxweynaha
Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hogaaminaayo ee ku sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa la kulmay Sheekha Xukuma Imaarada Raasul khayma, Sheekh Sucuud Binu Saqar Al-Qaasimi ee Wadanka Isu-tagga Imaraadka Carabta(Daawo Sawiro)

JAMHUURIYADDA SOMALILAND Republic of SOMALILAND
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Date: 24/04/2011

War-saxaafadeed

Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hogaaminaayo ee ku sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa la kulmay Sheekha Xukuma Imaarada Raasul khayma, Sheekh Sucuud Binu Saqar Al-Qaasimi ee Wadanka Isu-tagga Imaraadka Carabta.

IMG_0125

Sheekha ayaa ogolaaday in ay Somaliland Imaaradiisa ka furato Xafiis ka dib markii uu kulan qado sharaf ah la yeeshay weftiga uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maal-mahanba ku sugnaa Wadanka isu-tagga Imaaraadka Carabta.

IMG_0121

IMG_0120
Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo uu sheekhu ku soo Dhaweeyey 40 Mooto iyo Baabuurta u khaaska ah Martida kuwaas oo weftiga kaga horyimid Duleedka Raasul Khayma.

IMG_0120

waxa ay labada Dhinac ka wada hadleen qodobo ay ugu muhiim-sanaayeen Wax-wada qabsiga dhinaca ganacsiga iyo dhinaca isu-socodka labada Dal.

IMG_0065
IMG_0048
Waxa kale oo ay ka wada hadleen Maal-gashi shirkado uu sheekhu Abbaan ka yahay ama Oday ka yahay, ay Maal-gashi ka samayn donaan Dalka gudihiisa oo ay u soo diranayaan aqoon yahano daraasad ka soo sameeya Xadiga ama Mugga Maal-gashiga ee ay shirkadahaasi ka samayn karaan Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidii uu u sheegay Madaxda kale ama Shuyuukhda kale ee Imaaradaha kale ee uu ka kooban yahay wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxa uu sheekha u sheegay in ay Somaliland soo dhawaynayso wax-wada qabsiga dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca maal-gashiga oo ay la yeelato wadanka isu-tagga imaaraadka carabta, Shirkadaha waa weyn ee ku sugan wadanka iyo Ganacsatada waa-weyn ee Awood dhaqaale u leh in ay maal-gashato Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu u faah-faahiyey in ay Xukuumada Somaliland u fudaydinayso Xeerarka iyo Shuruucda la xidhiidha maal-gashiga ay samaynayaan iyo Shacbiga Somaliland oo baahi wayn u qaba in ay fududaato isu socodka ama Xidhiidhka Ganacsi ee shacbi ahaan iyo Ganacsato ahaanba ee ay la leeyihiin wadanka isu-tagga imaaraadka Carabta, ayaa weftiga Somaliland waxa uu dedaal weyn ugu jiraa sidii ay Imaaradaasi u Aqbali-lahaayeen Baasaaboorka Somaliland ( Somaliland Passport ) waxaanay imaaradu noqotay Imaaradii u horaysay ee toos u ogolaatay in ay Somaliland Xafiis-yada ay ku leedahay Wadamada kale ay si toosa uga furato Imaarada Raasul-khayba oo ka mid ah Wadanka isu taga Imaaraadka Carabta.

Weftiga uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maalinta Salaasada ah ka Am-babixidoona Magaalada Abu-Dabai iyaga oo u kicitimi-doona Wadanka Kuwait, iyaga oo ka haysta Marti-qaad Rasmiya waxaanay Magaalada Abu-Dabai ka raacidonaan Diyaarad Khaasa oo uu u soo diray Amiirka Wadanka Kuwait.

Dhinaca kale Xubno uu hogaaminaayo Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa isla shalay waxay kulan la yeesheen Ganacsato waa weyn oo ka mid ah Shuyuukhda ka talisa Wadanka isu-tagga Imaaraadka Carabta kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Sheskh Saiid binu Xashari Al-magtuum oo ah ganacsade wayn oo ka mid ah Ganacsatada Dubai ugu waa weyn iyo Sheekh Maxamed Al-qaasimi oo ah isna Ganacsade weyn oo ka socday Shariqa kuwaas oo ay kala hadleen ujeeddo la mid ah tii hore ee ay kulamadii dhigooda ahaa la soo yeesheen oo ah mid la xidhiidha maal-gashiga iyo kaalinta Dhaqaale ee ay ka gaysan karaan Somaliland.

Waxa uu weftigu u sharaxay ganacsatada sida ay suurta galnimada ugu tahay in ay maalkooda ku Aaminaan Somaliland iyo inay door weyn ka ciyaaraan Maal-gashiga Somaliland iyo sida ay faa’iido weyn ugu leedahay shacbiga somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Madaxweyne Siilaanyo oo Shaaca ka Qaaday in Somaliland Diyaar u Tahay Raadinta Iskaashi Dhexmara Soomaaliya

Madaxweyne Siilaanyo oo Shaaca ka Qaaday in Somaliland Diyaar u Tahay Raadinta Iskaashi Dhexmara Soomaaliya

Last Modified: Fri 22nd Apr,2011

“Ma jirto wax midnimo ah oo Soomaaliya ka jirtaa, ayaad la xidhiidhi kartaa si aad ula xaajooto? Waxana jira dad noo yimaad oo nala soo xidhiidha, kuwaasi oo …”

Waraysi – Madaxweyne Axmed-Siilaanyo

Abu Dhabi (Jam/Reuters)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin sidii ay u raadin lahaayeen iskaashi dhexmara dalka Soomaaliya, balse waxa uu hoosta ka xarriiqay in aanay xilligan Soomaaliya ka dhisnayn dawladda wada-xaajood lala geli karo.

Madaxweyne Siilaanyo oo isagoo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta waraysi siiyey shalay wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters, waxa uu caddeeyey in aanay Somaliland waqtigan wax xiiso ah u qabin inay mar labaad dib ula midoobaan Soomaaliya, isla markaana aanay habboonayn in madaxbannaanida Somaliland lagu xidho Soomaaliyada burbursan.

“Waxyaabihii dhawaan ka dhacay Koonfurta Suudaan waxay tusaale fiican u yihiin inay isbeddeleen fikradihii hore ee gaboobay ee ahaa in aan waxba laga beddelin qaabkii guumaystuhu kaga tagay xuduudaha qaaradda Afrika, arrintaasina waxay caawin kartaa qaddiyadayada goonni-isu-taagga.

Dhab ahaan xaqiiqada jirtaa waxay tahay haddii la doonayo in qaddiyaddayada loo riixo dhinaca Soomaaliya. Ma jirto wax midnimo ah oo dalkii Soomaaliya ka jirtaa, ayaad la xidhiidhi kartaa si aad ula xaajooto? Waxaana jira dad noo yimaad oo nala soo xidhiidha, kuwaas oo fahamsan qaddiyaddayada, laakiin ma jirto dawlad midaysan, mana jirto hay’ad lala hadli karo, maadaama Soomaaliya ay xilligan ku jirto xaalad walaac leh. Haseyeeshee, waxaannu diyaar u nahay in aannu raadino iskaashigooda.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin, isla markaana taageerayaan qorshaha Qaramada Midoobay ku doonayso in maxaabiista budhcad-badeedda Soomaalida ah lagu hayo xabsiyada dalka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xabsiyadaannu ku hayn doonaa budhcadda lagu qabto badahayaga, taasina waxa waxa aannu ku deeqi karayno, waxaanuna diyaar u nahay in aanu ku deeqno adeegyada xabsiyada.”

Md. Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey kormeer ku joogay waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa kulamo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dawladda dalkaas, shirkado maalgashi oo shisheeye iyo shuyuukh ka tirsan dawladdaas, iyadoo muddadii weftigiisu ku sugnaa Abu Dubai uu wasiirka khaarajiga Somaliland ka qaybgalay shir lagaga hadlayey arrimaha budhcad-badeeda Soomaalida oo ay ka qaybgaleen ilaa 50 dawladood wasiirradooda arrimaha dibadda.

Ka soo xigtay: Jamhuuriya

Sannad-guuradii 1aad ee ka soo Wareegtay Geeridii Muj. Haybe Laambad oo si Weyn Looga Xusay Hargeysa

Sannad-guuradii 1aad ee ka soo Wareegtay Geeridii Muj. Haybe Laambad oo si Weyn Looga Xusay Hargeysa

Last Modified: Fri 22nd Apr,2011

Hargeysa (Jam)- Munaasibad lagu xusaayo sannad-guuradii 1aad ee ka soo wareegtay geeridii Allaah ha u naxarisitee Mujaadkii weynee ee Haybe Axmed Guure (Haybe Lanbad|), ayaa shalay lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan lagu xusaayey geerida mujaahidka oo si weyn loo soo agaasimay ururka Dangarad, ayaa waxa ka qaybgalay mujaahidiintii waaweynaa ee SNM, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, madax-dhaqameed, masuuliyiinta ururka Dangarad. xildhibaanno, qaar ka mid ah eheliyada marxuumka, dhallinyaro iyo martisharaf kale.

Maxamed Jaamac (Fadhi-ku-salaan) oo ugu horreyn xuska munaasibaddaas ka hadlay, ayaa ka warramay soyaalkii halganka uu kaga jiray mujaahid Haybe Laambad, isagoo sheegay inuu ka soo qaybtay dagaallo badan oo ay ka mid yihiin, dagaalkii 2aad ee adduunka, ilaa halgankii lagu xorraynaayey Soomaaliland. Waxa uu mujaahid Fadhi-ku-salaan soo jeediyey inay habboon tahay in la qoro taariikhda mujaahidiinta SNM si ay dhalllinyarada soo koraysaa uga faa’iidaystaan, waxaannu intaa ku daray in ahaa mujaahidku shakhsiyad wanaagsan.

Muj. Obsiye oo isna madashaas ka hadlay, ayaa sidoo kale ka warramay taariikhdii halgan ee mujaahid Haybe Laambad dalka u soo maray, waxaannu si weyn ugu dhalliilay dawladda hoose inay ka gooyeen mushahar saddex boqol oo kun (3000,0000 Somaliland shillin ah), waxaannu yidhi; “Saddex boqol oo kun oo uu qaadan jiray ayaa laga jaray, wax loogu darro daaye, maxaa loo jaraybaa la waydiiyey, waxaanay yidhaahdeen wuu dhintay. Waxaan ka codsanayaa xukuumadda, inkastoo guddoomiyihii xisbiga KULMIYE inala fadhiyo, waa in la iska ilaaliyo waxyaabahaas oo kale. Wwaa in ninku marka uu meesha ka baxo aan laga goyn lacagta yar ee carruurta uu ka tago waxbarashada lagaga bixinayo.”

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md. Cabdillaahi Cismaan Geeljire, ayaa Ilaahay uga baryey muhaahid Haybe Laambad inuu naxariistii janno ka waraabiyo, isagoo mujaahidiinta waaweyn ee mudasha ku sugnaana si weyn ugu canaantay qorid la’aanta sooyaalka taariikhda mujaahidiintii u shihiiday dalka, waxaannu ballanqaaday inay xukuumad ahaan xil weyn iska saari doonaan.

“Annagu su’aashii halkan nalagu waydiiyey ee uu na weydiiyey mujaahid Dhega-weyne oo taariikhda halka uu kaga jiro la og yahay uu halkan ka yidhi, waddooyinka ha loogu magac-darro mujaahidiinta shihiiday, waar waxa na la weydiisanayaa ma waxbaa. Ninkii carruurtiisa ka dhintay loo baryi maayo, farriintaana waannu qaadanay, waana lagu magacaabayaa. Annagu haddaannu xukuumadda nahay anigoo kalsooni badan ka qaba, farriintaas iyo mid ka badanba waa na looga fadhiyaa, marnaba wax nalaga baryayo maaha.

Wax fudud muu ahayn halgankaynu soo galnay, innnagoo og intaynu hanta ku waynay, geesiyaal ku waynay, maanta halkan inaynu iskula barino taariikhdoodii aynu xafidno ma aha wax loo dulqaadan karo, raggana waxaan leeyahay waar dumarka xusa markaad taariikhda halganka ka sheekaynaysaan,” ayuu yidhi Md. Geeljire.

Muj. Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhego-weyne), ayaa isagu sheegay sida ugu habboon ee lagu xafidi karo taariikhda mujaahidiinta dalka magaca ku leh, isla markaana dhiigoogii u soo daayey in loogu magac-daro waddooyinka, dugsiyada oo taariikhdooda la qoro oo aan lagu soo koobin munaasibad maalin qudha laga xuso.

Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee Kulmiye Muj. Muuse Bixii Cabdi, ayaa sheegay in mujaahid Haybe Cumar Magan uu u dagaalami jiray muddo lixdan sannadood ah xorriyad uu gaadhsiiyo dadkiisa iyo nolol wanaagsan oo horumar leh,

“Mujaahid Haybe wuxuu ka tagay ubad wanaagsan oo ay ka muuqato geesinimadiisi iyo hab-dhaqankiisi wanaagsanaa. Haybe 60 sanno oo uu dagaallamayey umuu dagaalllamayn gobol iyo qabiil midna, balse wuxuu u dagaallamayey si nolosha markaa lagu jiray tu ka wanaagsan loogu noolaan lahaa.

Sidaa darteed, haddii aynu doonayno in isaga iyo kuwo la mid ah inaynu taariikhdooda soo uruurino, waxa looga fadhiyaa mujaahidiintii waaweynaa inay u hawlgalaan sidii looga midho-dhalin lahaa arrintaas,” ayuu yidhi Muuse Biixi

Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo halkaas ka hadashay, ayaa iyaduna si weyn uga hadashay taariikhdiisi qaybta bulshada, iyadoo si weyn ugu dhaliishay SNM iyo hoggaamiyayaasha Somaliland inay ka gaabiyeen ururinta iyo kaydinta sooyaalkii taariikheed ee mujaahidiintii u shihiiday dalka iyo ummaddan, waxaanay u soo jeedisay mujaahidiintii waaweynaa ee madashaas ku sugnaa ee ay aqoonta dheer isku lahaayeen Muj. Haybe Laambad inay wax u qabtaan qoyskii uu ka tagay mujaahidku, lana socdaan xaaladooda.

Waxa kaloo xafladdaas ka hadlay xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada oo iyaguna sidoo kale ka warramay taariikhdii mujaahidka.

Ugu dambayn, waxa halkaas koob lagu guddoonsiiyey kooxda kubbada cagta oo ku ciyaaraysay magaca Jaamacadda Gollis oo ku guulaysatay koob kubbada cagta ah oo lagu xusaayey Muj. Haybe Axmed Guure (Lambad). Ciyaartaas oo dhexmartay kooxda ku ciyaaraysay Haybe Laambad iyo Jaamacadda Gollis.

ka soo xigtay: Jamhuuriya

Arday Reer Somaliland oo 12 Jira oo Afrika oo Dhan Kaalinta 1-aad u Galay Tartan Qu’aanka Kariimka ah

Arday Reer Somaliland oo 12 Jira oo Afrika oo Dhan Kaalinta 1-aad u Galay Tartan Qu’aanka Kariimka ah

Last Modified: Fri 22nd Apr,2011

Dakar (Jam)- Arday reer Somaliland oo magaciisu yahay Cabdibaasid Dayib Maxamed oo da’diisu tahay 12 sanno jir, ayaa kaalinta 1-aad u galay tartan xiftiga qur’aanka kariimka ah oo ay ka qaybgaleen dhalinyaro ka kala socotay 27 wadan oo qaarada Afrika ah oo lagu qabtay dalka Senegaal.

Tartankaas oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Raabidatul Islaam ee fadhigeedu yahay dalka Sucuudiga, oo inta badan hawlaheedu u jinjeedhaan qabashada tartannada qur’aanka ee caalamka ka dhaca, ayaa sannadkan waxa ay ku qabatay dalka Senigal, isla markaana waxa ka qayb-galay arday badan oo ka kala socotay 27 waddan oo qaarada Afrika ka tirsan, kuwaas oo ay Somaliland nasiib u heshay inay ka mid noqoto.

Waxaana Somaliland metelayay Cabdibaasid Dayib Maxamed oo ah da’diisu tahay 12 jir, waxna ka barta Markiz Mucalim Shukri oo ku yaal degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa, kana mid ah ardayda ilaahay u fududeeyey xifdiga qur’aanka.

Tartaankaas oo soconayay intii u dhexeysay 11—13-kii bishan April ee sannadkan 2011, ayaa waxa kaalinta 1-aad ku guulaystay Cabdibaasid Dayib Maxamed, isaga oo abaal-marin ahaan loo siiyey $3,000 doollar, kitaab qur’aan ah iyo qalin is akhriyaya iyo jaa’isado kale.

Xafladdii ardayga abaalmarinta lagu guddoonsiiyey reer Somaliland ee qaaradda Afrika kaalinta koowad u galay tartanka qur’aanka, waxa ka soo qayb-lay madaxweynaha dalka Senigal Cabdalle Wade oo halkaa ku muujiyey sida uu ugu faraxasan yahay tartanka qur’aanka ee dalkiisa lagu qabtay.

Cabdibaasid Dayib Maxamed, ayaa hore kaalinta 2-aad ugu soo guulaystay tartan kan ka horreeyey oo lagu qabtay dalka Sucuudiga, isaga oo haddana lagu wado inuu ka qayb-galo tartano kale oo ka kala dhici doona dalalka Kuweyd iyo Dubai.

ka soo xigtay: Jamhuuriya