USAID Deputy Assistant Administrator visits Somaliland

Wednesday 22 June 2011 SMC

 

 

/

Press Release
June 22, 2011

HARGEISA, Somaliland – The U.S. Agency for International Development’s Deputy Assistant Administrator for Africa, Rajakumari Jandhyala,
traveled to Hargeisa to see USAID’s work with Somalis and to learn about progress of USAID programs.

The Deputy Assistant Administrator met with
government representatives, staff members from USAID’s Partnership for Economic Growth, Somali Interactive Radio Instruction Program and the
Somali Youth and Livelihood Program, private sector business people, and visited the USAID-supported Mohamoud Mooge Learning Center.

“I’m thrilled to see what USAID and the Somali people have achieved together,” said USAID’s Deputy Assistant Administrator for Africa,
Rajakumari Jandhyala. “Supporting economic growth, education and youth empowerment truly touches the lives of people, and that is what USAID is all about. I look forward to seeing the results of the next level of our collaboration on these programs.”

In 2011 USAID has provided over $20 million in development assistance to Somaliland in the areas of governance, education, economic growth, youth livelihoods, and stabilization.

Halkan ka Daawo Video (Muuqaal) Xafladii 26 Juun 2011

Sawirro sannad guuradii 51aad ee Somaliland xornimadeeda ka qaadtay Ingiriiska 26 Juun 2011

26 june oo Xalay Hargeisa laga Xusay iyo Madaxwayne Siilaanyo oo Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Aqalka Madaxtooyada.
“Maanta waa maalin wayn oo magac wayn ku leh Somaliland, 26-ka June waa maalintii Calan Soomaaliyeed Daawo Sawiradda

Read the rest of this entry »

Daawo sawirrada qaybtii 1 aad ee 51 guuradii ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland xornimadeeda ka heshay Ingiriirska

 

Hargeysa (SDWO 27/06/2011) Xaflad balaadhanoo aad loo soo agaasimay  oo isugu jirtay casho iyo madadaalo ayaa xalay lagu qabtay qasirga Madaxtooyada Somaliland.  Xafladan oo lagu xusayey 51 guuradii ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay dowlada boqortooyada ingiriiska 26kii June 1960kii.   Somaliland xiligaas waxa dal madaxbanaan u aqoonsaday 34 dal, nasiib daro se 1dii Luulyo ayay somaliland la midoowday koonfurta Somaliya iyadoon wax shuruud ah aan la kala saxeexan, taasina waxay keentay dulmigii iyo xasuuqii ku dhacay somaliland oo sababtay in 18kii May 1991kii ay somaliland xornimadeedii dib ula soo noqoto.

 

 

Xafladan waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne Siilaanyo iyo Marwadiisa,  Madaxweyne ku xigeenka Saylici iyo Marwadiisa, Golaha wasiirada, gudoomiyayaasha golayaasha wakiilada iyo guurtida iyo xildhibaano, Taliyaha ciidmada booliska, gudoomiyaha maxkamada sare, Gudoomiyha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali  iyo masuuliyiin kale oo tiro badan, waxa kale oo iyaguna ka soo qaybgalay qaar ka mid ah hayadaha ajaanibka ah ee ka hawlgala somaliland.  Dhinaca kale waxa iyaguna ka soo qaybgalay dad diro badan oo si gaar ah loogu soo casuumay oo card casuumad ah loo diray.  Iyagu waxaan xafladan ka soo qaybgelin xisbiga mucaaridka ah ee UDUB inkastoo lagu soo casuumay.  Goobta waxa lagu soo bandhigay Heeso, Majaajilo, gabayo, Ciyaaraha qumbulaalarogadka oo ay soo bandhigeen kooxda Havoyoco Circus group. Waxa martida la siiyey casho aad u fiican iyo cabitaano ay soo diyaariyeen Restuarant ka Summer Time ee ku yaala Hargeisa.

 

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa halkaas qudbad kooban ka jeediyey:

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in xoriyadii shacbiga Somaliland ka luntay lixdankii ay waayo aragnimo ugu filan tahay oo ay xiligan ilaashanayaan qaranimadooda. Madaxweynuhu wuxuu sidaasi ka sheegay  khubad uu ka jeediyay xaflada

 

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) oo ka hadlay taariikhda maalintani wuxuu yidhi “Walaalayaal dadweynaha ka soo qeyb galay xafladan iyo intaan ka soo qeyb galin ee dibada joogtaba waan salaamayaa waxaan idinku soo dhawaynayaa idinkuna hambalyeynayaa munaasibadan 26-ka June oo ah maalin taariikhi ah oo maalin weyn u ah Somaliland. Waa maalintii calan soomaaliyeed oo xor ah la taago waa 26-kii bishii June 1960-kii, wakhtigaasi aynu xornimada ka qaadanay maxmiyadii Ingiriiska oo sideetan sanadood ka badan ina xukumaysay waxay Somaliland xiligaa in badan u halgamaysay inay xoriyadeeda qaato oo ay saamaysay dabayshii xornimo doonka ee Afrika oo dhan ka bilaabantay inagoo xarakadaasi ka mid ahayn ayaynu xoriyadeenii qaadanay.”

 

 

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Wakhtigaa isaga ah ee aynu xoriyadeena qaadanay waxaynu ku naaloonaynay oo aynu doonaynay in dadka afsoomaaliga ku hadla oo dhami ay noqdaan wadan qudha oo aynu isu keeno.sidaasi ayay ahayd himiladeenu iyadoo xamaasadaasi ina haysay ayaynu 26-kii June xornimada ka qaadanay Ingiriiska markii ILAAHAY ha u naxariistii Maxamed Ibraahim Cigaal iyo weftigii la socday ay tageen dalka Ingiriiska waxa lagula taliyay horta xoriyadiina oo taam ah qaata,waxaynu nidhi waxaanu ku biiraynaa afar cisho ka bacdi iyaga oo ka jawaabayay dareenkii shacbiga Somaliland inaanu la midowno dalkii Soomaaliya oo xornimadoodu ku beegnayd 1-dii July ee 1960-kii. Wakhtigaasi isaga ah sidaasi ayaynu ku raacnay oo aynu Madax banaanideenii ku dhiibnay oo aynu ka mid noqonay dalkii Soomaaliya la odhan jiray.”

 

 

Md. Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay sidii Somaliland ugu hungowday midowgii ay la gashay Soomaaliya waxa uu yidhi “Israacaasi ayaan darro maynaan mahadin wax dhacayba dhibaatooyin faro badan ayaa yimid waxa ka dambaysay in israacii shaqayn waayay oo dadka reer Somaliland ay dulmi tirsadeen illaa dhalinyaro badan oo ciidamada ka tirsanaa ay inqilaab isku dayeen oo ay dooneen inay xornimadoodii la soo noqdaan. Markii ay arkeen in midnimadii mid loo siman yahay aanay ahayn. Intii dambena waxay inagu qaadatay muddo dheer oo halgankii SNM ah inaynu xoriyadeenii dib ula soo noqono 18-kii May ee 1991-kii.”

 

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in taariikhdaasi hore ay Somaliland barayso inay ilaashato xornimadeeda.

 

“Maalintani waxay ina baraysaa in imika wixii ka dambeeya in kasta ha inagu qaadatee xoriyadeena ilaashano oo imika wixii ka dambeeya caalamku inuu ina ictiraafo waxay ku xidhan tahay waxaynu inagu qabsano, caalamku maanta wuu inoo soo jeedaa wax badan ayuu inala qabtaa, wuu inala shaqeeyaa dad badan ayaa u diyaara inay wax inala qabtaan.laakiin cida xilka iyo masuuliyaddu saaran tahay waa inaga haddii aynu dadweynaha Somaliland nahay. waxaan leeyahay aynu isku xidhnaano oo aan midowno oo nabadeena ilaashano,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

26 June. 

 

 

Marwada Madaxweynaha – Amino Weris oo xaflada soo gelaysa

 ka soo xigtay : SDWO

51 Sanno ayaa ka soo wareegtay maalinti ay Somaliland xornimada ka qaadatay Ingiriiska 26 juun 2011

Waxaa isku beegmay maanta laba farxadood oo kal ah midi waa maalintii ay Somaliland la soo noqodtay xornimadeedii 26 Juun 1960,  iyo maalintii ay Somaliland doorashooyina madaxtooyada loo dareeray sannadkii hore 26 juun 2010.

Read the rest of this entry »

Halkanka daawo Sahra Halgan “Sumad geesinmo sumcadeed heshoo”

 

Halkan ka daawo h. wadani ah “Saakaba waakaa dusheenii la sudhay” (Calanka Somaliland) Sahra Halgan 18 Maj 2011