Daawo sawirrada xafladii madaxtooyada loogu dhigay qurbojooga Somaliland ee dalka imminka ku sugan

Madaxwayne Siilaanyo oo Markii ugu horaysay Madaxtooyada Casho Sharaf ugu Sameeyay Qurba jooga Somaliland ee Dalka ku Sugan.

 

Waa Markii ugu horaysay ee Madaxwaynaha Somaliland ku Casuumo Qurba jooga Somaliland Aqalka Madaxtooyada
Daawo Sawiradda

Hargeisa (GNS)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Xalay Qasriga Madaxtooyada Munaasab Casho Sharaf ah ugu Sameeyay Qurba joogga Reer Somaliland ee Wadanka ku sugan.
IMG_4268IMG_4320
Munaasabadaasi oo ay ka soo Qayb galeen Madaxwaynaha iyo ku Xigeenkiisa, Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad Golaha Wakiilada, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda, Xildhibaanadda labada Gole Baarlamaan iyo Qurba jooga Somaliland ee Wadanka ku sugan.

Munaasabada waxaa iyana Ruwaayado iyo Madaadlo kala Duwan ku Soo Bandhigay Fanaaniinta Qaranka, Asluubta iyo Kooxaha Hidaha iyo Dhaqanka, kuwaasi oo ay ka Dhex Muuqdeen Abwaanno iyo Fanaaniin Waawayn oo Caan ka ah Gayiga Somalida oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Xasan Ganey, Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Cumar Xasan Rooraaye, Cismaan Almis iyo Mulaxanka Wayn ee Daa,uud Cali Masxaf iyo kooxoIMG_4275 kale oo Da,yar ah oo Masraxa ka Qayb qaatay.
IMG_4310
IMG_4253
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) oo ugu horayn Halkaasi ka hadlayaa waxay u dhignayd Khudbadii Madaxwaynaha oo dhamaystiran sida tan, “Ugu horeyn waxaan salaam kal iyo laab ah u soo jeedinayaa dadweynahan ka soo qayb galay Qurbo jooga Reer Somaliland, shacabka kale ee Masuuliyiinta, Xildhibaanada iyo Madaxda Qaranka ah halkan baan idinku soo dhaweynayaa..Qurbo jooga Somaliland dad aynu qirayno waxa ay Qaranka u keenen Jacaylka iyo xiisaha ay dalkooda u qaba karaamada ay ku leeyihiin dalkooda iyo dadkooda, doorka ay ka soo ciyaareen Qaranimada Somaliland iyo xoraynta dalka mar walba oo la joogay waxaan aad iyo u xasuustaa wakhtigii halganka dheer lagu jiray meesha lacagta, fikirka iyo Xoogu ka imanayey ee SNM lagu soo aas aasayey waxa uu ahaa Magaalada London waxa uu ahaa dadweynaha doorka muhiimka ah ka soo ciyaarayey, haddii ay Dumuqraadiyada tahay haddii ay asxaabta tahay, haddii ay Amaanka tahay door laxaadleh oo la qiimeyn karo ayay mar walba ku lahaayeen Qurbo joogu, waxa kale oo Qurbo joogu gacan muhiim ah ku lahaa dhismaha dalka iyo horumarintiisa, maantana ta loo baahan yahay waxa weeyi inay hawshaa sii lib laabaan, waan ognahay Qurbo joogu dadkii yimid in Gobolo badan, Deegaano badan iyo Tuulooyin badan Dugsiyada dhisayaan oo goobaha Caafimaadka Dhisayaan oo dadka dhiirigelinayaan, waxaynu ognahay, waxaynu ognahay in Baarlamaanada Dalalka ay la joogaan ay ka muujaan, waxaynu ognahay labaatan guuradii ka soo wareegtay gooni isu taaga Somaliland doorka ay ka qaateen meel walba oo ay joogaan, markaa waxaan leeyahay soo dhawaada wadanku waa wadankiinii, Dawladdu waa Dawladdiinii Qaranku waa Qarankiinii. Nabadgelyada oo aynu ognahay inay tahay tii aynu ku caano maalnay waxaan jecelahay in Dhalinyaradu meesha ay joogaanba lagu abuuro oo dadka waaweyn ay guubaabiyaan Diinta, Dalka iyo Dhaqanka Jacaylkiisa, markaa aad iyo aad baan idiin soo dhawaynaynaa waxaan leeyahay soo dhawaada Gurigu waa Gurigiinii Madaxtooyadu waa Madaxtooyadiinii”.

IMG_4281IMG_4388IMG_4344Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isaguna Madasha Hal kooban ka jeediyay ayaa Fariin u diray Qurba jooga somaliland “Waxaan aad iyo aad u soo dhaweynayaa Qurbo jooga Somaliland meel kasta oo ay joogaanba gaar ahaan inta halkan nala joogta.Laba eray uunbaan caawa anigu Qurbo jooga u soo jeedin doonaa, ta hore wixii hore ee dalka aad u soo qabateen waan idiinku mahadnaqaynaa waananu idinku hambalyeynaynaa, ta hadda iyo maanta waxa jira oo qolada Qurbo joogu ii sheegeen Erey Ingiriis ah oo la yidhaahdo “Room is Sweet” hoygu wuu macaan yahay markaa haddii aad doonaysaan hoyga aad u soo noqonaysaan ee Caruurteenu u soo noqonayso inaynu qurxino qaybta u badan ee qurxintu idinka ayey idiin taal, waaanu doonaynaa inaad horseed u noqotaan kumanaan Injineer, Boqolaal Dhakhtar iyo intaas oo aqoon yahan oo laga yaabo inaanay fursad u helin dal joogu inaad dalka ku soo kordhisaan, waxaanu idinka rajaynaynaa inaad xilkaa qaadaan oo haddii dalkii tiirarkiisii la dhisay qurxintii iyo habayntiina idinkuu idiin yaalaa”
IMG_4378IMG_4394Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada C/casiis Maxamed Samaale oo isaguna Hadal kooban Halkaasi ka jeediyay ayaa Cabiray Dareenkiisa ku Aadan kaalinta Qurba jooga Somaliland waxaanu yidhi “Farxad weyn bay inoo tahay munaasibadan Balaadhan ee loo sameeyey dadkeena ka yimid Dalka Debadiisa aad iyo aad baynu u soo dhaweynaynaa, kalmadii munaasibka ku ahayd Madaxweynaha yidhi, waxa kaliya ee aan cabiri lahaa dadka Qurbo jooga ahi waa dadkii dib u dhiska dalka qaybta libaax leh ka qaatay, waa dadkii Dib u xoreynta dalka qaybta libaax leh ka qaatay , waan dadkii Isbedelka dalka ka dhacay horseedka ka ahaa ku soo dhawaada Gacmo furan iyo qalbi furan, waad mudan tihiin in munaasibadan Madaxweynuhu idiin sameeyo hawshan aad qabateen awgeed Wasalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatahu”.ayuu yidhi C/casiis Samaale
IMG_4359
Guddoomiyaha Hay’ada Qurbo jooga Saleebaan Maxamed ayaa isagu uga Mahad celiyay Casho Sharafta Madaxwayne Siilaanyo u Sameeyay waxaanu yidhi“Dhamaan Masuuliyiinta kala duwan ee madasha fadhiya, Marti sharafta ka soo qayb gashay ee ay ugu horeeyaan qoladayadan Qurbo jooga ah ee madashan lagu soo-casuumay marka hore waan idin salaamayaa, salaan ka dib waxa farxad noo ah aniga oo ku hadlaya Afka Qurbo jooga Somaliland Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) madashan uu nagu soo casuumay waxaan uga mahadnaqaya marti qaadkan uu u sameeyey Qurbo joog wadankoodii jooga”
IMG_4381IMG_4382Isaga oo Hadalkiisa sii watana Waxa uu yidhi “Waxaad gudaan iyo waxaad gashaanba runtii Madaxweynahaa inoo yidhi, Doorkii Halganka, Siyaasada, Dib ula soo noqoshadii Madaxbanaanida Somaliland iyo Dhisida wadanka doorka aynu ku lahayn waxay noqonaysaa mid taariikhda ku xardhan kuna sugan, intaana waxa ii raacda ee aan odhan lahaa inaynu isku duubnaan wada tashi dhexdeena ka yeelano sidii uu Madaxweynuhu inoo sheegay”.
IMG_4362Mid ka mid ah Haweenka Qurba jooga ah oo ku ku hadlayshay Afka Qurbo jooga ayaa iyana Madasha ku soo bandhigtay Waxqabadka Haweenka Qurbe jooga ah iyo kaalintii ay ku lahaayeen Halgankii dalka lagu xoreeyay waxaana ka mid ahaa hadaladeedii “Dhamaan Madaxda kala duwan Madaxweynaha, ku xigeenka, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Wakiilada, Wasiirada iyo dhamaan marti sharafta kale ee madasha ku sugan waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka.. Salaan ka dib waxa caawa farxad weyn ii ah aniga oo ku hadlay afka Qurbo jooga Somaliland khaasatana dumarka Xafladan sida weyn ee loo soo agaasimay ee ay inoo samaysay Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland aad iyo aad baan ugu faraxsanahay waanaynu ka guddoonay.Haddii aynu ka hadalno doorkii ay Qurbo joogu ku lahaayeen Dalkeenan Hooyo waxa weeyaan waxaynaan soo koobi karaynin, waxa jira dad Qurbo joog ah oo markii ay dalka ka tageen dadkii ay kaga tageen u sameeyey Biilal joogto ah, Dhinaca Ganacsatada waxa jiray Ganacsato intay dalka Debadiisa tageen markii dambe dalka ku soo noqday oo mashaariic ka samaystay Dalkooda hooyo oo dad dalka deganaana oo u baahnaa shaqooyin u abuuray shaqooyin, haddii aan ka hadlo nabadaynta waxa jirta khilaafaad kasta oo kasta oo soo kala dhex gala dadka Somaliland doorka ay ka qaateen damintiisa, haddii aan ka hadlo dhinaca Guryeynta inta budan ee maanta dalka guryahoodii hagaajiyey waxa gacan weyn ka qaatay sidii loo dayac tiri lahaa Qurbojooga, haddii aan soo qaato dhinaca Waxbarashada waxaan qabaa in Dugsiyada gaarka ah, Jaamacadaha iyo Waxbarashada qaybaheeda kala duwan inay Horumariyeen Qurbo joog, Dhinaca Samafalka iyadan waxaan qabaa in samafalka ugu weyn ay ka qayb qaataan Qurbo jooga Somaliland”
IMG_4318IMG_4384IMG_4400Waxaanay intaasi ku dartay “Doorka aynu ku leenahay Dalka waxa cadaynaysa maanta markii la samaynayey Dawladdan Cusub Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) waxa uu Dawladdiisii tayada lahayd ku soo daray Qurbo joog, kuwaas oo la doonayey in laga faa’iidaysto Aqoontoodii iyo waayo aragnimadoodii.Waxaas oo dhan oo aan ka soo sheekeeyey waxa cad in Qurbo joogu qabteen, laakiin maxaa maanta inala gudbeen ee u baahan inaynu qabano, waxaan leeyahay waxa loo baahan yahay inaynu sii laba jibaarno dedaalkeena aynu dalka wax ugu qabanayno, waxaana loo baahan yahay in aynu taageero siino Wasaaradda Arrimaha Dabeda oo aynu ku kaalmayno in la sameeyo Kooxo la kulma Baarlamaanada Wadamada aynu joogno, waxaan aad ugu faraxsanahay 7-july markii Madaxweynaha Somaliland Koonfurta Sudan tagay ee Calankeenu ka babanayey Calamada Aduunka dhexdooda, taasi waxay ina siisay fursad aad iyo aad u wanaagsan waxaanan jecelahay in halkaa laga sii wadi doono, waxa inaga inoo sana waa kaliya in Somaliland la aqoonsado”.
Xildhibaan ka tirsan Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo isaguna Madasha ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Dhamaan Masuuliyiinta iyo Marti sharafta caawa halkan isugu timid, waxaan leeyahay munaasibadani waa munaasibad xasuus dheer reebaysa, waayo Qurbo jooga oo aan odhan karno Maskaxdeeniiba Qurbahay tagtay ayaa caawa halkan isugu yimid, waxaan mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa Madaxweynaha Somaliland oo caawa Munaasibadan sameeyey, Qurbo jooga Somaliland waxay sameeyeen wax la qiyaasi kara maaha waxaan leeyahay halkaa ha laga sii wado geedigii waa lagu jiraa guntii iyo halkaynu u jeednay weli maynaan gaadhin waxaan leeyahay kii dalka hore u joogay iyo kii qurbaha ku maqanawba ha is dhiganina waajibaadkeenii halkaa aynu ka sii wadno”.
IMG_4336IMG_4336

IMG_4401IMG_4395Waa Markii ugu horaysay ee Madaxwaynaha Somaliland ku Casuumo Qurba jooga Somaliland Aqalka Madaxtooyada uguna Hambalyeeyo Hawlaha muhiimka ah ee Dalka u qabtaan mar walba iyo kaalinta ay kaga jiraan Dhaqaalaha Dalka Somaliland.
IMG_4303IMG_4416IMG_4406IMG_4405IMG_4398IMG_4404IMG_4397IMG_4403IMG_4402IMG_4418IMG_4413IMG_4410IMG_4379IMG_4361IMG_4390IMG_4351IMG_4385IMG_4348IMG_4377IMG_4376IMG_4387IMG_4381IMG_4259

IMG_4333

IMG_4280

IMG_4241

IMG_4258

IMG_4258IMG_4331

IMG_4279

IMG_4290IMG_4371IMG_4392IMG_4335IMG_4319IMG_4313IMG_4325IMG_4329IMG_4312IMG_4304IMG_4340IMG_4309IMG_4324IMG_4337IMG_4281IMG_4293IMG_4287IMG_4243IMG_4283IMG_4285IMG_4250IMG_4269IMG_4302
Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Gabiley News Office
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@hotmail.com


Published: 2011-07-31

 

Gabiley News on Facebook

ASMAA UL XUSNAA

articles top 10

1 Alla doori sawkaa Darka jiidhay maaweel…..


2 Somaliland: time of trial


3 Ma ku baraaa, Riyaale ma kuu bilaabaa! Faallo: Cabdirisaaq M. Dubbad,


4 KULMIYOOW HOOS HASU DHIGIN EE MEEL SARE WAX KA EEG


5 golaha guurtida shacabkaa idin fasaxay muddo lix bilood ah


6 BURCO BIRIJYADEEDII DHISATAY HARGAYSA BOODHKAYKU QASTAY.INA DAAUUD DADKA HARRAADAY WAX U QABO WADDO U DHIS CEELAAL U QOD .MATIHID AHMED HAJI WASIIRKA WARFAAFIN


7 DADKA DALKA JOOGAA MA MIYIR QABAAN MISA WAA WALAN YAHIIN MIYAANAY IS DHAGEESAN


8 Riyaalow Adigu Markii Aad Berbera Ka carartay Ee aad Laascaanood Orodka Ku Gashay Bal Magac U Bixi Wixii Ku Eryanayey Iyo Wixii Aad Aaminsaneyd?‏


9 Af Nooli Waa Hadlaa, Eyna Waa Ciyaa


10 FW: XOG KU SAABSAN KUUL CARRAHA HADA LA HADAL HAYO

Ka soo xigtay: GabileyNews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: