Madaxwayne Siilaanyo oo Khudbad Taariikhi ah u jeediyay Bulsho waynta Gobolka Gabiley kuna Dardaarmay Xoojinta Horumarka iyo Wax soosaarka Dalka.

Madaxwayne Siilaanyo oo Khudbad Taariikhi ah u jeediyay Bulsho waynta Gobolka Gabiley kuna Dardaarmay Xoojinta Horumarka iyo Wax soosaarka Dalka.
waxaan fahmi karaa oo isbedel kasta oo Cusub waxa uu leeyahay Dhibtiisa

Gabiley (GNS)-Munaasabad Balaadhan oo Saaka lagu Qabtay Fagaaraha Khayriyada Gabiley oo lagu Soo Dhawaynayay Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay Wehelinayeen Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Madax kale oo ka soo jeeda Gobolka Gabiley.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta Fagaaraha Khayriyada Gabiley kula hadlay Boqolaal Dadwayne ah oo ku dhaqan Gobolka Gabiley halkaasi oo uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa uga jeediyay Bulshada Reer Gabiley waxaana uu ku bilaabay sida tan
“ Dadwaynaha Reer Gabiley aad iyo Aad ayaan u Salaamayaa sida qiimaha iyo qaayaha leh ee aad noo soo dhawayseen, Waxaan salaamayaa Dhamaan Bulshada Reer Gabiley, Walaalayaal Maalinba hawlbaa Taagan oo Maanta Waxaa ina sugaya Qarankii aynu ku soo tacabnay horumarintiisa iyo taabo galintiisa, si loo gurto midhihii halganka loona gaadho hadafka ay umadani jidka dheer u soo martay, Waxaan illaahay ka rajaynaynaa Tacabkaa inuu inoo Xasiliyo, Waxaan jecelahay maanta inaan idin Xasuusiyo halka maanta Wadankeenu marayo iyo Xaalada uu ku jiro iyo waliba hawsha inoo taala ee ubaahan in loo tafaxayto, sidaad ogtihiin Wadankeena somaliland Waa Qaran Curdin ah oo Ubaahan ururin iyo dhismo balaadhan oo dhinac kasta leh, hadday tahay dhismaha hayadaha Dawlada iyo tayayntoodaba, hadday tahay dhisida aqoonta iyo Baahinta Tacliinta, hadday tahay Geedi socodka Dimuqraadiyada iyo habsami u socodka Doorashooyinka, iyo Hirgalinta Hanaanka Xisbiyada Badan si loo helo nidaam salmi ah oo suurto galiya in Maamulka iyo Awooda lagula kala Wareego, Taasi oo ay Bulshada kalena wax ku leedahay, hadday tahay dhisida iyo dhamaystirka habraaca iyo shuruucda Dalka iyada oo la dhawrayo diinta iy dhaqanka ay umadani leedahay, hadday tahay dhisida Wadooyinka, dekaddaha, Madaarada iyo Waxyaalaha Aasaaska u ah Adeegyada Bulshada sida biyaha, Caafimaadka iyo Korontada, hadday tahay kobcinta dhaqaalaha iyo Taabo galinta kaabayaasha Dhaqaalaha, hadday tahay dhisida iyo habaynta Cadaalada iyo Garsoorka ay umadani u oo mantahay, hadday tahay dhamaystirka Ciidamada kala duwan ee Qaranka, si loo helo ciidan ay ka muuqato haybada iyo milgaha dawladnimo oo leh Aqoon, Xirfad iyo Darajo muujinaysa hab maamuuska iyo kala danbaynta Ciidamada”
Madaxwayne Siilaanyo isaga oo ka hadlaya Balanqaadyadii iyo Dhaartii uu maray ee ahayd inuu dadkiisa iyo dalkiisa si daacad ah ugu Adeegi doono in uu ka dhabayn doono waxaa yidhi “ iyada oo waxaas oo qabyo ahi jiraan sidaan horeba u balan qaaday Waxaan ku dhaartay inaan Shacabkayga u Adeego kana shaqeeyo danihiisa maanta iyo kuwa Mustaqbalkaba, runtii sida caadada u ahayd qaab dhismeedka siyaasadeed ee Dalkeena, waxaan Awoodi karayay inaan Soo dhiso Dawlada Tiro badan oo Dadka lagu naasnuujiyo, haseyeeshee Taas maanan yeelin ee Waxaan ku soo dadaalay inaan soo dhiso Dawlad kooban oo tayo leh, anigoo usoo xulay Xubno Aqoon u leh Shaqada aan u dhiibay, si ay uga Shaqeeyaan Bulshada, wakhtiga ugu badana shaqada iyo xafiisyada dhexdooda ku qaataan, taasi danta qarankani ku jirto, horumarkana lagu xaqiijin karo”

Isaga oo Hadalkiisa sii watana Waxa uu yidhi “ Dabcan waxaan fahmi karaa oo isbedel kasta oo Cusub waxa uu leeyahay Dhibtiisa iyo Faa,iidadiisa Waxaana dhacaysa in Dad badan oo ku noolaa ama Bartay qaab dhismeedkii siyaasadihii hore uu isbedelkani ku adkaado, haseyeeshee Waxaa Runtii la yaab leh in kooxo iyo Shaqsiyaad Dano gaar ah lihi ay ku sii dhaganyihiin inay ka shaqeeyaan Nimaam Beeleed oo Wax lagu Doono, iyo Siyaasad Huguri ku dhisan oo aan u Adeegaynin Bulshada oo kala qaybinaysa umada Wada jirkeeda, waa Nasiib darro waayo Taasi waxay meel kaga dhacaysaa Dawladnimada iyo Qaranimada aynu muddada soo dhisanaynay, sidaad ka war qabtaan Dalkeenu wuxuu sumcad iyo Amaan Badan kaga helay doorashooykii iyo hanaankii dimuqraadiyada dalkeena ka hanaqaaday, sidaa darted waxaan idiin sheegayaa inaanay beelnimo iyo qaranimo meel wada gali Karin, walaalayaal yaynaan Dhaawicin Qaranimadeena, Ahmiyada koowaadna aan siino Waqabadka, sharciguna waa waxa umada kala haga ee loo baahanyahay waana waxa saldhiga u ah nidaamka iyo kala danbaynta, danteenaana ku jirta oo shuruucda dalka aynu ixtiraanno, Gobolkani waxa uu ka mid yahay Gobolada ugu Wax soo saarka Badan Wadanka, waxaanu u baahanyahay in Wixiisa loo illaaliyo, Saamiga dhaqaale ee uu dawlada dhexe ku leeyahayna waxaan idiinku balan qaadayaa inaanay waxba kaga habsaamin, waxaana iigu jira ahmiyada koowaad, waxaan idinkula dardaarmayaa Tacab iyo Dadaal badan in la galiyo dhinaca horumarka, dhinaca horumarka illaalinta qarannimada iyo midnimada, sidoo kale inaan danta qaranka meel uga soo wada jeedsano oo Dawladnimadu noqoto lama Taabtaan, Walaalayaal inaad dhagaha ka furaysataan dadka leh danaha gaarka iyo siyaasada u adeegaysa qof ama in gaar ah”
Madaxwayne siilaanyo Mar uu ka hadlayay Balanqaadyadii uu Gabiley u sameeyay Wakhtigii Ololaha doorashooyinka lagu jiray ayaa waxa uu sheegay inuu fulin doono isla markaana wax badan ka qaban doono isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi“ Reer Gabiley waxaan hore idiinku balanqaaday imikana idiinkaga dhabayn doonaa Horumarka Gobol iyo Guud ahaanba Wadanka waxaan Farayaa Wasaarada Caafimaadka in Rug Caafimaad laga Sameeyo Magaalada Wajaale, Wadada dhex marta Magaalada iyo ta kalabaydhna illaa wajaale waxaan hayadaha Wadooyinka Faraya inay bilaabaan dhismeheeda, ganacsatadana Waxaan ka Codsanayaa inay Gacan Buuxda ka gaystaan”

Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta somaliland Mudane Axmed Xaashi oday oo Isaguna hadal kooban ka jeediyay Xafladaasi ayaa isagu ka Warbixiyay Waxyaabihii Madax dhaqameedka Gabiley kala hadleen Madaxwaynaha iyo siyaabaha loo fulin karo waxaana ka mid ahaa hadaladiisii
“Waxaan doonayaa inaan inyar uun ka turjumo odayaashii Gabiley u hadlayay Meelihii ugu muhiimsanaa ee ay ka hadleen, mashruuca Wajaale ayaa ka mid ahaa, Biyaha Wajaale iyo Allabaday baa ka mid ahaa, Ceelbardaale ayaa ka mid ahaa,Wadooyinkaa ka mid ahaa, waxyaabahaasi oo dhan mid walba madaxwaynaha cid baa u qaabilsan, oo nin walbaaba hawl buu leeyahay, idinkuna hadaad reer Gabiley tihiin Hawlahaa aad Madaxwaynaha u sheegteen Waxa idiinka masuula cidii uu madaxwaynuhu u igmaday oo Wakiil idiinka noqoto, Waxaanan idiin sheegayaa Hawshaa aad Maanta ku Baaqdeen in aan halkaa la dhigayne inaan anagu dabagalay oo meeshii ay gashaba aanu wadayno, wax allaale wixii laga qaban karana laga Qabanayo”
Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo ka mid ah Cuqaasha Waawayn ee Gobolka Gabiley ayaa isagu Amaan usoo jeediyay Maayaradda Gabiley Marwo Khadra X.Gaydh oo uu sheegay in ay wax wayn ka badashay Bilicda magaalada Gabiley waxaana ka mid ahaa hadaladiisii“ Waxaan halkan ka sheegayaa Maayarka Maanta ee Gabiley oo ah inantii koowaad ee Maayar ka noqota Gabiley ee Waxqabkeeduna ugu Muuqaal dheeryahay intii Rag soo martay Halkaa, waxqabadkeeduna si aad iyo aad ah uga dhex muuqdo Gobolka Gabiley, iyada oo wax ka badal badan ku samaysay Xafiisyadii Dawlada ee uu dhisay Ingiriiskii ee illaa maanta illaa maalintaa aan waxba laga qaban kuna soo kordhisay hool aanay lahayn Degmadu oo qaadaya reer Gabiley oo dhan iyo marti sharafta taas iyo wax ka badal kale oo badan oo ka muuqanaya Bilicda Magaalada taana waxaanu leenahay barigii hore waxaa la odhon jiray hadal iyo hablaba Duco la,aan ayay tarmaan, looma ducaysan jirin habalaha, waxaan leenahay inantaasi Tusaale ha u noqoto, Gabdhaha Reer somaliland “
Maayarka Gabiley Marwo Khadra X. ismaaciil Yoonis oo iyaduna madasha ka hadashay ayaa ku soo dhawaysay Madaxwaynaha iyada oo sheegtay in Waxqabadkiii ay bulshada u bal qaaday xukuumadu in ay fulinayaan ooo bilaabeen oo ay Beeraha laftooda inay Cagafyo u kicinayaan iyada Xustay in lala ogaado Baahiyaha ka dhiman Kaabayaasha Waxyaabaha Gabiley Caan ku tahay.

Marwo khadra X.Gaydh waxa kale oo ay sheegtay in dakhligii soo gali jiray seddexkii laabkii soo galo, sidaa awgeedna ay umadda Wax muuqda ugu samayn doonaan, iyada oo sheegtay in bil iyo labaatan cisho ay joogtay intaa in kabadan ay qaban doonaan, waxaanay u mahad celisay dadwaynaha reer Gabiley oo ay sheegtay in ay jecelyihiin horumarka.
Dhinaca kale Gudoomiyah
a Xisbiga kulmiye Mujaahid Muuse Biixi, Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Black, Cuqaasha, Salaadiinta iyo Maamulka Gobolka Gabiley ayaa si kal iyo laab usoo dhaweeyay Waftiga Madaxwaynaha.

Reported by:Mustafe Future
sawir Qaadidii: C/risaaq Axmed hayaan
Gabiley Somaliland
contactgabiley@yahoo.com
DSC06589
DSC06584
DSC06639
DSC06579
DSC06694
DSC06690
DSC06679
DSC06677
DSC06669
DSC06662
DSC06649
DSC06643
DSC06642
DSC06635
DSC06624
DSC06622
DSC06614
DSC06604
DSC06601
DSC06599
DSC06595
DSC06592


Published: 2011-07-29

ka soo xigtay Gabileynews

Gabiley News on Facebook
ASMAA UL XUSNAA

articles top 10

1 Alla doori sawkaa Darka jiidhay maaweel…..


2 Somaliland: time of trial


3 Ma ku baraaa, Riyaale ma kuu bilaabaa! Faallo: Cabdirisaaq M. Dubbad,


4 KULMIYOOW HOOS HASU DHIGIN EE MEEL SARE WAX KA EEG


5 golaha guurtida shacabkaa idin fasaxay muddo lix bilood ah


6 BURCO BIRIJYADEEDII DHISATAY HARGAYSA BOODHKAYKU QASTAY.INA DAAUUD DADKA HARRAADAY WAX U QABO WADDO U DHIS CEELAAL U QOD .MATIHID AHMED HAJI WASIIRKA WARFAAFIN


7 DADKA DALKA JOOGAA MA MIYIR QABAAN MISA WAA WALAN YAHIIN MIYAANAY IS DHAGEESAN


8 Riyaalow Adigu Markii Aad Berbera Ka carartay Ee aad Laascaanood Orodka Ku Gashay Bal Magac U Bixi Wixii Ku Eryanayey Iyo Wixii Aad Aaminsaneyd?‏


9 Af Nooli Waa Hadlaa, Eyna Waa Ciyaa


10 FW: XOG KU SAABSAN KUUL CARRAHA HADA LA HADAL HAYO

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: