Somaliland1991 waxa ay idin leeyihiin Ciid wanaagsan Nala daawada Video-gan/nasheeda Ciid wanaagsan

Asalaamu Calaykum!

Waxa aanu halkan dhamman umadda muslimiinta, khaasatan shacbiweynaha Somaliland meel kasta oo ay dunnida dushiisa joogaan leenahay Ciid wanaagsan ku ciida, Ilaahayna ha innaga aqbalo bishii barakaysanayd ee Ramadaan. Ilaahay waxa aanu waydiisanaynaa danbi dhaaf inshaanlaa.

Haddaba Somaliland1991 ayaa akhristayaasheeda u soo xushay nashiido macaan oo ciida, Ciidul fitr ka hadlaysa ee daawasho wacan

 

Advertisements

Somaliland Takes steps to attract oil companies (upstream)

Wargeyska Caanka ah ee Upstream oo Ciwaanka Ugu Sareeya soo dhigay Somaliland oo Qaaday Talaabooyin ay ku soo jiidanayso Shirkadaha Shidaalka.

 

Somaliland takes steps to attract oil companies Daawo Sawiradda

Read the rest of this entry »

In Somaliland, less money has brought more democracy

In Somaliland, less money has brought more democracy

Unable to access foreign aid, Somaliland’s government has had to negotiate with citizens and business leaders for financial support – and provide stability and democracy in return

MDG : Somaliland capital Hargeisa

Cars clog a main road in Hargeisa, capital of the breakaway region of Somaliland. Photograph: Shashank Bengali/Getty Images

Read the rest of this entry »

Faallo hogaamiyihii dalka Liibiya oo gabal baasi u dumay

NextFaallo hogaamiyihii dalka Liibiya oo gabal baasi u dumay
Gadaffi as target

Xalay oo ay  taariikhdu ahayd 21 Ogos 2011. Ayaa noqonaysa habeen taariikhda dunida gasha. Waa habeen uu gabal baasi u daumay keligii taliyihii  dalka Liibiya oo in muddo ku dhaw 42 sannadood ka talinayey dalkaas Liibiya, kaddib markii uu inqilaab ku qabsaday isag oo da´diisu tahay 27 jir. Waxaanu afgambi ku sameeyey boqorkii dalkaas ka talinayey ee Boqor Idiris. Wuxuu ka mid yahay hogaamiyayaasha dunnida soo maray ee ugu xukun fadhiga dheeraa. Xalay oo ay tahay 10 ugu danbeeyey ee bisa barakaysan ee Ramadaan, habeen axada oo isniini soo galayso ayaa, guriga ka baxay anigo salaadii taraawiixda soo tukanayey. Kaddib markii aan soo noqday ayaan shiday Tv-ga caalamiga ee Al-jAzeera english, sawirro aan markii hore u qaadan waayey ayaa shaashada laga soo daayey ay leeyihiin caasaimda dalka Liibiay oo gacanta u wada gashay  dagaal-yahaniinta dalka Liibiya, iyo  inamood (wiilal) uu dhalay Qadafi oo la qabtay, mid ka mida uu yahay Asid -Islam oo aabihii u diyaariyey in uu xukunka  dhaxlo, la wareego marka uu dhinto ama si kale ay wax ugu dhacaan.

Read the rest of this entry »

Daawo sawirrada madaxweynaha Ethiopia iyo raysal wasaaraha Ethiopia oo lakulmay madaxweynaha Somaliland Siilaanyo

17 Ogos 2011

Sawiradani wa ka dib markii uu madaxweynaha Somaliland ka soo noqday booqashadii Shiinaha

 



Daawo sawirada soo noqoshadii Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo Weftigii Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Dalka Ku Soo Noqday Kana Waramay Socdaalkoodii Itoobiya iyo China

argeys (SDWO 18/08/2011)  Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisii ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay socdaal qaatay muddo todobaad iyo dheeraad ah ay ku tageen dalalka Itoobiya Iyo China.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo maanta madaarka Cigaal International ee magaalada Hargeysa ugu waramayay saxaafada markii uu soo gaadhay dalka ayaa ku dooday in guulo waaweyni ay ka soo hooyeen socdaalkii ay ku tageen Itoobiya iyo China waxaanu yidhi “Sida laga warqabo waxaannu muddo laba toddobaad ku dhaw ku maqnayn safar dibaddeed,waxaanan jeclaa inaan idiin soo bandhigo wixii dal ahaan inoo soo qabsoomay.

Waxaan shacabka reer Somaliland iyo qaybaha kale ee qaranka ugu bushaaraynayaa in safarkaasi ku soo dhammaaday guul, kana soo baxeen tallaabooyin dhaxalgal noqon kara oo dalka iyo dadkaba waxtar u leh.Marka laga bilaabo dalka Itoobiya waxaannu ku yeelanay wadahadalo lagu adkaynayo xidhiidhka labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland, waxaannu wada hadallo la yeelanay madaxda dalkaas oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha Itoobiya Mr.Girma Wolde-Giorgis iyo Raysal-wasaare Males Zenawi iyo masuuliyiin kale oo Raysal-wasaare-ku-xigeenka, isla markaana ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ka mid yahay.”

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxa aannu wada hadallo la yeelanay shirkaddo maalgashi oo muddo wada hadallo noo socdeen oo xaruntoodu taha magaalada Hong Kong ee dalka Shiinaha, kuwaas oo khibrad weyn u leh fulinta iyo meelmarinta maalgashiyo badan oo waaweyn. Maalgashiyadaas oo inta badan ay ka sameeyaan waddamada soo koraaya ee Somaliland ka mid tahay, kuwaas oo dawladooda Shiinahana ka haysta kalsooni iyo wada shaqayn.

Wada hadalladaasi waxay ahaayeen kuwo ku salaysan inay Somaliland ka haqab baxdo baahida dhaqaale ee dalka ka jirta iyo horumarka shacabku u baahan yahay,waxa kale oo ay ka turjumayeen iskaashiga dhaqaale ee Somaliand doonayso inay la yeelato waddamada Geeska Afrika iyo guud ahaanba bulshada caalamka.”

Madaxweynaha oo ka hadlayay heshiiska ay wada gaadheen dalka China waxa uu yidhi “Wada xaajood dheer kadib, waxa wada hadaladaas ka soo baxay in Somaliland iyo maalgashadayaasha dalka Shiinuhu ay gaadheen heshiis hordhac ah oo u-jeeddadiisu tahay in isbeddel weyn lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka oo ay ka mid tahay ballaadhinta dekedda Berbera, waxa kale oo la iska kaashanayaa dhismaha dhuumo dhulka mara oo qaada gaaska dabiiciga ah iyo saliida Itoobiya lagu geynaayo dekedda Berbera. Waxa hawshaas ka mid noqon doonta dhismaha warshad lagu diyaarinaayo gaasta iyo saliida inta aan dibadda loo dhoofin.Mashaariicda waaweyn ee Somaliland doonayso waxa ka mid ah dhismaha waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale, kuwaas oo Somaliland u keeni doona faa?’iidooyin dhaqaale oo aad u ballaadhan oo ay ka mid yihiin abuuritaanka shaqooyin badan oo muwaadiniinta Somaliland ka heli doonaan meelmarinta mashaariicdan dalka laga hirgelinayo, waxa kale oo mashaariicdani kor-u-qaadaysaa dakhliga dawladda Somaliland, kaas oo sababi doona in adeegyada bulshada lagu dabooli karo.”

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxa si diiran ugu soo dhaweeyay madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Xubno ka tirsan Golaha Wasiirradda iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socday goleyaasha baarlamaanka.

Madaxweynuhu waxa uu madaarka salaan sharaf kaga qaatay cusubyo ka tirsan ciidanka qaranka.

Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ahaa Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyada, Beeraha, Macdanta, Maareeyaha dekada berbera iyo Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde.

Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News – Hargeysa

sirshiine@yahoo.com

Ka soo xigtay: SDWO

Daawo wararkii Somaliland Tv-ga Qaranka Somaliland

 

14  Ogos 2011

15 Ogos 2011