Faysal Cali Waraabe oo ku deg degay la kulanka madaxweynaha Somaliya Sh Shariif

Guddoomiyaha xisbiga UCID, ee Faysal Cali Waraabe oo isku geliyey taaj aanu xaq imminka wakhtigan la joogo ee xaadirka lahayn.
Faysal Cali Waraabe ooah guddoomiyaha xisbiga UCID,la kulmay madaxweynaha ku meel-gaadhka ah ee Sh Sahriif, dawladda daciifka ee Somalia. Waxa aan qabaa in uu aad iyo aad ugu deg-degay kulankaa waxaanan filayaa in uu fududaaday xaajigu. Dabcan waa xisbi qaran ayuu yahay, laakiin ma metelo shacbiga Somaliland. Shabcbiga Somaliland waxa ay cod ku doorteen 49.5 % dawladda imminka dalka ka talisa ee uu gadh-wadeenka ka yahay, madaxweyne Axamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Shirkii lagu qabtay 23 Feb 20122, cariga Ingiriiska ee ay 40 dal in ka badan ay iskugu yimaadeen oo Somaliland lagu casuumay. Qodobadii lagu soo qaaday shirkaas waxaa ka mid ahaa , qodobka nr 6 oo uu gundhigiisu ahaa sidii laba dal ee Jamhuuriyadii Soomaaliya la isku odhan jiaay ay mustaqbalkooda uga wada hadli lahaayeen. Qodobkan oo ahaa qodob aad iyo aad u muhiima ayaa laba dal ee Somaliland iy Somalia ay guddi hordhac ah u kala saareen in arrintan ay bilaabaan, inkastoo markii danbe uu madaxweynaha ku meel gaadhka ee Somalia ku soo daray 2 xubnood oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, hase yeeshee ka socda maamul goboleedka majeerteeniya. Arrintan oo shacabka iyo dawladda Somaliland ka xanaaqeen , Somaliland ay markii danbe qaadacday ka qayb galka shirka wada hadalka ee ka dhici doona dalka Ingiriiska. Waxaana arrintaa ka masuula oo carqaladeeyey madaxweynaha dawladda daciifka ah ee ku meel-gaadhka ee Sheekh Shariif.
Arrintu tiiyo ay halkaa marayso , ayuu guddoomiyaha xisbiga UCID, isagoo shacab iyo dalna aan metelayn uu la kulmay, madaxweynaha dawladda daciifka ee Sheekh , Shariif, ee carqaladaynaya wada hadalka la doonayo in uu dhex maro Somaliland iyo Somalia, isagoo kula kulmay magaalada Dubai.
Suáasha is-waydiinta lihi waxa weeyi yaa Faysal Cali Waraabe u igmaday in uu la kulmo sheekh Shariif. Faysal Cali Waraabe oo tan iyo markii xisbigiisii uu kala qayb-qaybsamay, ee xisbigiisii UCID, sumcadiisu ay si aada hoos u dhacday. Ayaa doonaya in uu ururkiisa iyo mid isaga shakhsiyan isaga u gaara uu ku helo sumucad. Arrintna waxa ay ahayd in wasaarrada arrimaha dibeddu ka hadasho, waayo waxaa loo qaadanayaa in uu ogolaansho ka helay dawladda ama ay dawladdu u igmatay gudd. Ucid, Faysal Cali Waraabe in uu la kulmo.
Guddida loo xilsaaray ee madaxweynuhu u xilsaaray waa ay la kulmi karaan, laakiin, siyaasi ama qof kale oo leh Somaliland baan metelayaa xilligan xaadirka lama kulmi karaan.
Arrintan aad iyo aad ayuu xaajigu ugu deg-degay, waxaana u geeyey fudayd ayaan odhan karaa runtii. Dawladdu waa in ay sharci adag ka soo saartaa in aanay cid kale oo aan hayn imminka guddida iyo inta ay dawladdu u igmatay aanay la kulmi karin oo aanay kal hadli karin arrinta wada hadalka labada dal ee Somaliland iyo Saomaaliya.
©Somaliland1991