Halkan ka daawo sawirrada kulankii dhex maray labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia

 

Kulankan  oo ahaa kulan taariikhiya oo ay ku kulmeen labad madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia. Waan markii ugu horreysay ee taariikhda lagu hayo ee ay laba madaxeyne oo Somaliland iyo Somalia ay kulmaan. is gacan qaadaan. Waxaa iyana aad iyana aad iyo aad guul weyn u ah khaasatan madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. in uu saddexda xisbi qaran madaxdoodii ay ju wehelinayeen  kulanka dhex marayey labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia. Waa maalin taariikhiya runtii oo shacabka Somaliland aad iyo aad ugu farxeen. In marka ay arrintu marayso arrin qaran in meel looga soow ada jeesto ee ta xisbiyada dhinac la iska dhigo. Inagoo gacmaha is wada haysana madaxdeena qaranku ay shir noocan oo kale ka qayb galayaan oo heerkan oo kale ah. Khaasatan waxa ay shacabka Somaliland aad iyo aad ugu farxeen in ay arkaa madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin in uu ka qayb galo kulankan. isagoo bar bar taagan madaxweynaha mminknka ee talada dalka haya ee uu sida qurux badan oo aan dunnida soo koraysa  hore uga dhicin ku wareejiyo 27 Juli 2010.

Waxaad kaloo arkayseen xafladii 26 Juun in madaxweyne Ahmed Maxamed M. Siilaanyo ku cauumay madaxweynihii hore ee dalka Somaliland in uu kal soo qayb galao xafladda 52 aad ee  ka soo wareegtay, maalintii ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska.

Somaliland1991
































Wiil Soomaali ah oo Qasriga Boqortooyada Sweden Dahab Qaali ah ka xaday

Wiil Soomaali ah oo Qasriga Boqortooyada Sweden Dahab Qaali ah ka xaday

Gothenburg Isniin 25 June 2012 SMC

 

Wiil Soomaali ah oo Qasriga Boqortooyada Sweden Dahab Qaali ah ka xaday

Bishaan June 18.keedii waxaa maxkamd madani ah oo kutaal Caasimadda Stockholm lasoo saaray xukunna ku ridday wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah iyadoo lagu eedeeyey uuna qirtay in uu Boqorka Walaashiisa yar Chiristina iyo ninkeeda Tord Magnuson uu ka xaday dahab qiimahiisu dhan yahay 850.000 oo Karoon.

Halkan hoose ka sii gal maqaalka

Read the rest of this entry »

Magacyada Sagaal Ruux oo ku Dhaawacmay Shil Baabuur oo Goor dhawayd ka Dhacay Galbeedka Magaalada Hargeysa.

Magacyada Sagaal Ruux oo ku Dhaawacmay Shil Baabuur oo Goor dhawayd ka Dhacay Galbeedka Magaalada Hargeysa.

 

Sagaalka Ruux ee ku dhaawacmay Shilkan ayaa lagu Daawaynayaa Cusbitaalka Guud ee Magaalada hargeysa Daawo Sawiradda

DSCN6026
Hargeysa (GNS)- Sagaal Qof ayaa ku Dhaawacmay Shil Baabuur oo Goor dhawayd ka Dhacay Jidka Galbeed ee Xaafada Jig-jiga yar ee Magaalada hargeysa oo isku jiidheen laba Baabuur oo kala ahaa Gaadhi Xaajiyad ah oo kuwa Caanaha keena Hargeysa iyo Gaadhi Mark-2 ah.

 

Read the rest of this entry »

Kulan taariikhiya oo dhex maray madaxweynayaasha Somaliland iyo Somalia 28 Juun 2012

Halkan ka dhegayso VOA Somali

http://www.voanews.com/somali/news/Sheekh-Shariif-iyo-Siilaanyo-oo-Kulmay-160667805.html

 

 

 

Madaxweynaha DKMG, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo ayaa goor dhaweyd kulan ku dhexmaray magaalada Dubai ee dalka Emirate-ka.

Kulan oo ay marti-galisay dowladda Emirate-ka ayaa wuxuu daba socdaa shirarkii London iyo Istanbul iyo waliba kulankii toddobaadkii hore magaalada London ku dhexmaray ergooyin ka kala socda DKMG iyo Somaliland.

Ujeedada kulankan ayaa lagu sheegay inay ahayd sidii ay labada dhinac u taageeri lahaayeen hannaanka geeddi-socodka wadahadallada labada dhinac ee bilowday toddobaadkii hore.

Labada mas’uul waxay ku heshiiyeen inay wadahadallo sii socdaan in guddiga labada dhinac loo ogolaado inay sii wadaan wadahadal si loo caddeeyo xiriirka mustaqbal ee labada dhinac dhexmari kara.

 

Xigasho: VOASomali

Halkan ka daawo waraysi uu tv:ga Royal la yeeshay wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi

Daawo Aljzeera english oo waraysi xiiso leh la yeelatay mrs Joyce Banda oo madaxweynaha dalka Malawi

Dalka Malawi, ayaa markii uu madaxweynohohore dhintay la is waydiiayey cida madaxweyne ka noqonaysa. Waxaa la goáansaday in la eego waxa uu odhanayo qaynuunka dalka Malawi. Waxaana la qaatay sidii uu dhigayey, inkastoo madaxda dalkaasi ay ka soo horjeesteen in Joyce lo magacaabo madaxweyne, maadaamoo ay ka soo horjeeday ama aan ku waafaqsanayn madaxweynihii hore arrimo badan. Haddana waxaa la isku raacay in la raaco waxa uu dhigayo qaynuunka dalka Malawi.

Waxaan xasuustaa 3 maj 2003, xaaladii uu dalkeena Somaliland ku suganaa markaa la soo sheegay in uu geeriyooday Madaxweynihii 2 aad ee Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo markaa ku geeriyooday Pretoria ee dalka Koonfur Afrika. Cabaaro markii ay ahayd saacadu 3 galabnimo maalintaas 3 Maj 2003, ee la soo sheegay geerida madaxweynaha Somaliland, in shir deg deg ay isku yimaadeen shir guddonka laba gole ee baarlamanka iyo gurtida, wada hadalo dhex maray labada gudoon ay isku raaceen in la raaco waxa uu qaynuunka Somaliland dhigayo, ka soo  sheegayey haddii uu madaxweynuhu geeriyooda ma si kale wax ugu yimaadaan aanu xilkiisa ku gudan karin waxaa xilka la wareegaya  madaxweyne ku xigeen. Dad badan ayaa moodayey in si kale arrinta  loo maarayn doono wakhtigaas.

Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, shacbiga Somaliland ay ku faraxsanaayeen in sidii uu qaynuunku dhigaayey la raacay. Malawina tii ay Somaliland 2003 samaysay ayey imminka 2012 samaysay. Ku dayo wanaagsan.

©Somaliland1991

Halkan ka daawo xukumadda Somaliland oo soo dhawaysay natiijada dalka Masar