Magacyada Sagaal Ruux oo ku Dhaawacmay Shil Baabuur oo Goor dhawayd ka Dhacay Galbeedka Magaalada Hargeysa.

Magacyada Sagaal Ruux oo ku Dhaawacmay Shil Baabuur oo Goor dhawayd ka Dhacay Galbeedka Magaalada Hargeysa.

 

Sagaalka Ruux ee ku dhaawacmay Shilkan ayaa lagu Daawaynayaa Cusbitaalka Guud ee Magaalada hargeysa Daawo Sawiradda

DSCN6026
Hargeysa (GNS)- Sagaal Qof ayaa ku Dhaawacmay Shil Baabuur oo Goor dhawayd ka Dhacay Jidka Galbeed ee Xaafada Jig-jiga yar ee Magaalada hargeysa oo isku jiidheen laba Baabuur oo kala ahaa Gaadhi Xaajiyad ah oo kuwa Caanaha keena Hargeysa iyo Gaadhi Mark-2 ah.

 


DSCN6018
Labada Baabuur ayaa iskaga hor yimi Jidka Dheer ee Hargeysa Galbeedka uga Baxa gaar ahaana Sacaadadiin Super mark ka soo horjeedkiisa, labadan baabuur ayaa burbur badani soo gaadhay halka Baabuurka Xaajiyada ahi ka Baxay jidka.
DSCN6015
Sagaalka Ruux ee ku dhaawacmay Shilkan ayaa lagu Daawaynayaa Cusbitaalka Guud ee Magaalada hargeysa waxaanay kala ahaayeen magacyada Dhaawucu sidan hoos ku qoran:
1- Cumar Daa’uud, 20 jir
2- Maxamuud Cabdi nuur 30 jir
3- Maryan xasan Ciise 50 jir
4- Nuuradiin Khadar Maxamed 2 jir
5- Maxamed Xasan ibraahin 16 jir
6- Mawliid Muumin axmed 45 jir
7- Warda Cumar 25 jir
8- Ladan Cabdi Cige 35 jir
9- Saado Daahir Habane 25 jir
Sagaalkan ruux oo isugu jiray Dhaawac Culus iyo Dhawaacyo Fudud.
DSCN6026
Shilalka Baabuurta ayaa ku Soo badanaya Magaalada hargeysa iyada oo galinkii hore ee maanta ay Xaafada Daruuraha ay isku jiidheen laba Baabuur oo kala ahaa Gaadhi Bas ah iyo Gaadhi kale oo Kuwa jaadka Qaada, sidoo kale Shalay ayay ahayd markii shil kale ka dhacay Magaalada Gudeheeda oo ay ku Dhaawacmeen laba ruux.
DSCN6024
Si kastaba ha ahaatee Baabuurta yaryar ayaad moodaa in Baryahan danbe ay ka badanayaanba dadka ku dhaqan Dalka iyada oo ay Numberka Baabuurtu marayo 45,000 iyo Dheeraad, Xukuumaduna aanay illaa hadda Samaynin Jidadkii loogu talagay Baabuurta intaa le’eg ee maalin walba Dalka soo gala, kuwaasi oo shilalkoodu galaafteen kumanaan Dad reer Somaliland ah oo Qiimo wayn ku lahaa Wadanka.
DSCN6025
DSCN6023
DSCN6022
DSCN6020
DSCN6021
DSCN6019

Mustafe Future
Gabiley News Repoter
Hargeysa Somaliland
mccfuture@hotmail.com

Xigasho: GabileNews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: