Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya oo Shirweyne ka Yeelanaya Xallinta Dagaallada u Dhexeeya Shacabka iyo Liyuu Booliska

Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya oo Shirweyne ka Yeelanaya Xallinta Dagaallada u Dhexeeya Shacabka iyo Liyuu Booliska

Last Modified: Fri 28th Sep,2012
Nuxurka waxyaabaha labada dawladood kaga arrinasan doonaan kulankaas + xukuumadda Somaliland oo u yeedhay Wakiilka Itoobiya u fadhiya Hargeysa 

Hargeysa (Jam)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa shaaca ka qaaday inay dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Federaalka Itoobiya isugu imanayaan shirweyne labada dhinac dhowaan kaga arrinsan doonaan colaadaha iyo dagaallada soo noqnoqda ee u dhexeeya ciidammada Liyuu Booliska Kililka 5aad iyo shacabka ku dhaqan degaannada bariga dalka Itoobiya, gaar ahaan degaannada ay ku dhaqan yihiin bulshooyinka ka soo jeeda Somaliland.

 

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xafiiskiisa kulan kula yeeshay wakiillada Itoobiya u jooga Somaliland maalintii Arbacada ee toddobaadkan, waxa uu tilmaamay in dagaalladii dhowaan ka dhacay degaanka Xarshin oo ka tirsan Ismaamulka Kililka 5aad ay kala hadleen dawladda dhexe ee Federaalka Itoobiya.

Read the rest of this entry »

Advertisements

Afar Mudane oo Laga Qaaday Xubinnimadii Golaha Wakiillada Somaliland

Afar Mudane oo Laga Qaaday Xubinnimadii Golaha Wakiillada Somaliland

 
Last Modified: Sun 30th Sep,2012
 

Hargeysa (Jam)- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa si rasmi rasmi ah ugu dhawaaqay in afar mudane oo golihiisa ka tirsanaa laga qaaday xubinnimadii Golaha Wakiillada, kadib markii ay ka soo xaadiri waayeen 20 fadhi oo goluhu yeeshay.

  Read the rest of this entry »

Daawo video tartan kubada cagta ee Hargeysa Stadium

Khuburo Caalami Ah Oo Dalka U Yimid Baadhitaano La Xidhiidha Xasuuqii Taliskii Siyaad Barre Shacabka U Geystay

Khuburo Caalami Ah Oo Dalka U Yimid Baadhitaano La Xidhiidha Xasuuqii Taliskii Siyaad Barre Shacabka U Geystay

 

Kooxda ayaa qiimayn hordhac ah ku samaysay goobihii xabaalo wadareedyad badhka ee Koonfurta Hargeysa ayaa beri bilaabi…..

Hargeysa (GNS)- Baadhayaal caalami ah oo ku takhasusay baadhitaanka Xasuuqyadda dunida ka dhaca ayaa maanta booqdday Xabaal wadareed ku taala goobta badhka ee Magaaladda Hargeysa oo ay ku aasan yihii Lafaha 43 Qof oo reer Somaliland ah, kuwaas oo sanadkii 1984-kii Ciiddamadii Talisii Siyaad Barre ku laayeen goobtaa ay Lafahoodu ku aasan yihiin.

Kooxdan Khuburada ah oo la yidhaahdo Peruvian Forensic Anthropology iyo Xukuumadda Somaliland ayaa ka furay Barnaamij tababareed ku saabsan raadinta xasuuqyada caalamiga ah caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
HPIM7198

Read the rest of this entry »

Fanaankii geyiga Soomaalidu degto laga wada yaqaanay Faysal Cumar Mushteeg oo geeriyooday

Photo: Hadhwanaagnews,bidix: Fanaan, Faysal Cumar Mushteeg iyo weriye: Mustafe Janaale

 

Fanaanka, Faysal Cumar Mushteeg,  oo ahaa fanaan aad u caana oo dadka oo dhami wada yaqaanaan  ayaa ku geeriyooday caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Maqaal dheer oo uu ka qoray qoraaga ama taariikhyahanka weyn ee Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale , oo taariikhdiis ka waramaya halkan hoose ka akhriso ama link-gan taabo/koobi garee

http://dharaaro.com/index.php/2-home/112-is-yeel-yeelka-fankaan-ahayn-feysal-cumar-mushteeg-1942kii-2012ka

Weriye Axmed Taajir oo geeriyooday ee BBC da uga soo warami jirey Nairobi/Kenya

Weriye Axmed Taajir oo geeriyooday

 14 September, 2012, 10:18 GMT 13:18 SGA

Allaha u naxariistee waxaa xalay ku geeriyoday magaalada Isiolo ee Kenya, wariyihii caanka aha Axmed Maxamed ‘Axmed Taajir’oo in muddo ah xanuunsanaa.

Axmed Taajir oo aan filayo dhageystayaal in ay ku xasuustaan codkiisii cajiibka ahaa ahaa wuxuu muddo dheer ka soo shaqeynayey idaacadaha af-Soomaaliga ee Kenya iyo BBC.

Maxamed Cabdullaahi oo ah madaxii hore ee laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa Abdinur Shiikh Maxamed wuxuu ka wareystay taariikh-nololedkii Axmed Maxamed.

Xigasho. BBC Somali

Weriye Axmed Maxamed(Axmed Taajir) ayaa la sheegay in ay da’adiisu ahayd 72jir waxana uu u dhintey xanuun hayay muddo. Allaha u naxariistee Axmed Maxamed waxa uu ku soo biirey saxaafada sanadkii 1964tii radio Kenya,

 

© Somaliland1991

Booliska Sweden Oo Xidhay Bisad Xatooyo Ku Eedaysan (Hadhwanaagnews)

(Hadhwanaagnews) Friday, September 21, 2012
Sweden, (HWN/Agencies):- Booliska Dalka Sweden ayaa markii ugu horaysay talaabo ka qaaday mid ka mid ah xayawaanka guryaha lagu rabaysto

Katten trakasserade andra katter och stal mat i ett villaområde i Piteå – då greps den av polis. Här sitter den i arresten med polisen Ulf Eriksson.photo: Police/Aftonbladet

Sweden, (HWN/Agencies):- Booliska Dalka Sweden ayaa markii ugu horaysay talaabo ka qaaday mid ka mid ah xayawaanka guryaha lagu rabaysto, kaas oo ku eedaysan inuu ku kacay tuugo iyo xatooyo uu u gaystay qoys aan ahayn reerkii lahaa.

Read the rest of this entry »