Gudoomiyaha Xisbi siyasaded oo ka socda Somaliland (Fowsiya Yusuf Xaaji Aden) oo Muqdisho soo gaaray iyadoo lagu wado in la siiyo Xil Misaan Culus leh

Gudoomiyaha Xisbi siyasaded oo ka socda Somaliland oo Muqdisho soo gaaray iyadoo lagu wado in la siiyo Xil Misaan Culus leh

Mogadishu Talaado 30 October 2012 SMC

Naga soo wac halkan (Skype)

Skype Me™!

Gudoomiyaha Xisbi siyasaded oo ka socda Somaliland oo Muqdisho soo gaaray iyadoo lagu wado in la siiyo Xil Misaan Culus leh.

Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedkii NDP ee ku hadhay Tartankii kala reebista ee ugu horeeyay ee Axsaabta iyo Ururadda Siyaasadda Somaliland Marwo Fowsiya Yusuf Xaaji Aden ayaa shalay soo gaartay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Foosiya X Aadan wararka laga helayo ayaa sheegaya inay Xamar u doonatay Xil siyaasadeed Miisaan leh, kaasoo aan ilaa hadda si rasmi ah loogu dhawaaqin, balse wararka Hordhaca ah ee laga helayo magaaladda Muqdisho ayaa sheegayain laba xil oo culusi Miiska u saran yihiin, kuwaasoo kala ah Raysal Wasaare ku-xigeenka koowaad iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda dawladda Somaliya.

Marwo Fowsiya Yusuf Xaaji Aden iyo Madaxweynaha Somaliya ayaa la sheegayaa in ay ka wada shaqayn jireen Aas aaskii Jaamacadda Hargeysa, wakhtigaas oo ay Foosiyi Guddoomiye ka hayad madaxweynuhuna Mashruuc Qaramadda Midoobay ku kaalmaynayeen Hormood ka ahaa, waxaana la sheegayaa wada shaqaynta wakhtigaas dhex martay inay sahashay in madaxweynuhu ku xulan doono.

Horay waxa magaaladda Muqdisho u tagay Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedkii Gurmad Nuur Faarax Xirsi, waxaana la sheegay in isna Gudoomiyahaan uu yimid isna Magaalada Muqdisho si uu Dowladda Soomaaliya xil uga helo, maadaama wax ka waayay Nidaamka ka taliya Hargaysa.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
http://www.somaliweyn.com

 

Xigasho: Somaliweyn

Ciidamada amaanka ee Somaliland (police) ayaa in ka badan 200 oo hoobiye gacanta ku soo dhigay

Ololaha Doorashada Somaliland oo Bilaabmaya 29-ka Bishan (VoaSomali)

Ololaha Doorashada Somaliland oo Bilaabmaya 29-ka Bishan

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in xisbiyada iyo ururada doorashada ka qeyb galaya uu mid walbaa leeyahay hal maalin oo uu ololihiisa ku sameysto

Halkan ka dhegayso!!!!

Somaliland iyo Diyaargarowga Doorashooyinka
Qiyaasta qoraalka

25.10.2012

Guddida Doorashooyinka ee Somaliland ayaa maanta markii ugu horraysay si rasmi ah u shaaciyey xilliga ay bilaabmayaan ololaha Doorashada Golaha deegaanka, sidoo kale Guddida Doorashooyinka ayaa sameeyey Guddi Anshax oo dusha kala socda ololaha doorashooyinka kana hadlay amniga xilliga ololaha doorashadu socdo, ka dib shir jaraa’id oo ay qabteen ayaa Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Geelle u waramay weriyaheenna magaalada Hargeisa Ismaaciil Xuseen Farjar.

Wareysiga oo dhan hoosta ka dhageyso.

Xigasho: VOASomali

Daawo sawirradii Ciidul Fidrada madaxweyne siilaanyo oo shacabka reer Hargeysa kala qaybgalay cidii Misjid Jaamac

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dadweynaha Kula Tukadday Salaada Ciidal Odxa Masjid Jaamaca Hargeysa

 

Dadwaynaha ku dhaqan Magaaladda Hargeysa ayaa saaka si weyn u oogay tukashada Saalada Ciidal……….

Hargeysa (GNS) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa Dadweynaha ku dhaqan Caasimada Hargeysa ku tala tukaday Salaada Ciida Barakaysan ee Ciidal Odxa.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo
Masuuliyiin ka mid ah xukuumadiisa ayaa Masjid Jaamaca Magaaladda Hargeysa dadwaynaha kula tukaday Salaada Ciida baralaysan ee Ciidal Odxa, waxaanu markii salaada laga baxay Madaxwaynuhu dadka u jeediyay hadal kooban oo isugu jiray hambalyo iyo dardaaran la xidhiidha dhinacyadda amaanka iyo sidii la iskaga kashan lahaa cadowga Somaliland lidka ku ah.
IMG_4865
Madaxwayne Siilaanyo ayaa khudbada uu dadwaynaha Masjid Jaamaca Hargeysa uga jeediyay waxa ka mid ahaa “Dadwaynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan aniga oo ku hadlaya Magaca Qaranka Somaliland waxaan leeyahay Ciid Wanaagsan, ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu sanadka sanadkiisa inagu gaadhsiiyo badh-bash iyo barwaaqo, shacabkana waxaan u rajeynayaa sharaf iyo qiimo”ayuu yidhi waxaaanu intaa ku daray “Waxaan umadda reer Somaliland meel ay joogaanba ugu baaqayaa inaynu ilaashano qaranimadeena, wada-jirkeena iyo midnimadeena, waxa jira cadow badan oo dhibaato ku haya daganaanshaheena, cadowna inagu ah guddo iyo dibadba, taana waxaynu kaga baxsan karnaa ama ku guulaysan karnaa waa midnimo iyo wada-jir, markaa waxaan jeclaan lahaa oo aan ku guubaabinayaa aadna ugu baaqayaa dadwaynaha reer Somaliland iyo saxaafaddaba inay wanaag iyo midnimo u horkacaan dadkooda oo aanay dadka iyo dawladooda aan naxli iyo xumaan la kala dhex dhigin, ummadana aan la iska horkeenin ayaan codsanayaa”
IMG_4895
Dadwaynaha ku dhaqan Magaaladda Hargeysa ayaa saaka si weyn u oogay tukashada Saalada Ciidal Odxa, waxaana dadwaynuhu ku tukadeen Masaajiida iyo Fagaraayaal kala duwan.
Dadwaynaha oo ruux kasta oo ka mid ahi ku soo lebistay dharkiisa ka quruxda badan, ayaa subaxdii hore ku kalahay Masaajiida iyo goobaha kale ee saalada Ciidaha lagu tukado, iyagga oo dadku si wanaagsan u tukaday.
IMG_4849

 

Read the rest of this entry »

Ciid wanaagsan

Ciid wanaagsan ayaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

 

Ciid wanaagsan naga gudooma akhristayaasha qaaliga ah ee somaliland1991. Waxaa aan dhammaan hambalyo ciida u diraynaa umadda muslimiinta ah ee beri ciidaysa inshan 26 Oktober 2012, maalin jimce a, khaasatan shacabka reer Somaliland ee gudo iyo dibeddba jooga.

Ciidul adxa, ciidan ciideeda kale Ilaahay ha inagu gaadhsiiyo caafimaad qab iyo bashbash iyo barwaaqo insh

© Somaliland1991

Daawo video Daanyeer ku jaad ku cunaya Burco

Ergayga Midowga Yurub U Qaabilsan Somaliland Iyo Somalia Oo Dalka Soo Gaadhay Kulana La Yeeshay Madaxwayne Siilaanyo

Hargeysa, October 21, 2012  (Haatuf) – Weftiga uu hogaaminayo Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Somalia Michele Cervone d’Urso, ayaa shalay soo gaadhay Caasimada dalka ee Hargeysa, kaas oo Madaarka diyaaradaha Igal International Airport ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, kuwaasi oo uu ka mid yahay Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga Dr. Maxamed C/laahi Cumar.

Read the rest of this entry »