Xabaal Wadareed Cusub Oo Ay Ku Jiraan Dadkii Reer S/land Ee Taliskii Rajiimkii Siyaad Barre Xasuuqay Oo La Helay

Hargeysa November 4, 2012 (Haatuf) – Xabaal wadareed cusub oo ay ku aasan yihiin ilaa shan iyo toban qof in ka badan oo ka mid ah shacbigii reer Somaliland ee ciidamadii Taliskii Rajiimkii Siyaad Barre Xasuuqa u gaysatay xilliyadii dagaalku dhex maray xoogagii Mujaahidiinta ururkii SNM ee dalka xoreeyay iyo Ciidamadii Taliskaasi, Xabaal Waradareedkan cusub oo Khamiistii todobaadkii hore ay ogaadeen guddiga dabagalka iyo baadhista xasuuqii shacbiga Somaliland uu Taliskii Rajiimkii Siyaad Barre u gaystay, ay koox dhalinyaro ahi la soo socodsiiyeen goobta Xabaal Wadareedan cusub ay ku taalo ee meel u dhaw Ex Xaro Digaagta, taas oo shalay ay booqdeen wariyayaal ka tirsan Haatuf:

ayaa waxa warbixin ka siiyay xilliga Xabaal Wadareedan cusub ay ogaadeen iyo in ay la sugayaan baadhitanada Lafaha dadkaasi Khubarada iyo dhakhaatirtii Caalamiga ahayd ee ku takhsusay baadhitaanada dadka la xasuuqo ee Somaliland kala shaqaynayay arrimahan. Gudoomiyaha guddida dabagalka xasuuqa Khadar Axmed Like, ayaa sheegay in koox dhalinyaro ahi khamiistii todobaadkii hore ay usoo sheegeen xafiiskooda guddiga Xabaal wadareeadan cusub oo ku taala dhanka galbeed ee magaalada Hargeysa, ka dibna ay tageen goobtii, isla markaana ay heleen lafaha dadkii goobtaas lagu Xasuuqay, waxaanu intaa ku daray in dadkaasi tiradoodu ay gaadhi karto dhawr iyo toban qof iyo in ka badan-ba, taas darteedna ay sugayaan khubarada iyo dhakhaatiirtii caalamiga ahayd ee Somaliland kala shaqaynaysay hawlgalada baadhitaanada xasuuqii taliskii Siyaad Barre u gaysatay shacbigii reer Somaliland xilliyadii dagaalka dibu xoraynta dalku socday.

Gudoomiyaha guddiga baadhitaanka xasuuqa Khadar Axmed Like oo ugu horayn ka hadlaya xabaal wadareedan cusub ee ay heleen, waxaanu yidhi “Khamiistii dhawayd ayaa niman dhalinyaro ahi noo soo sheegeen Xabaal Wadareedan cusub ee xaafada Guul Alle ee dhinaca galbeed ee Hargeysa, waxaana ku aasan dad rayid ah oo reer Somaliland oo tiradoodu gaadhi karto dhawr iyo toban qof ama in ka badana way noqon kartaa, kadib markii naloo soo sheegay waanu tagnay goobta waxaananu lafahii dadka qaybtii dusha sare soo xigay waa kuwaa muuqda Lafahoodii ee aynu arkayno, waxaanu dul saarnay Ood, waananu Calaamadinay, waxaananu la sugaynaa Khubaradii iyo Dhakhaatiirtii Caalamiga ahayd ee Somaliland kala shaqaynayay hawlaha baadhitaanada Lafaha dadkii rayidka ahaa ee Ciidamadii Taliskii Rajiimkii Siyaad Barre Xasuuqay.

Xabaal Wadareedan cusub ayaa noqonaysa Xabaal Wadareedii 201-aad inta la ogaaday dadkii shacbiga ahaa ee Taliskaasi xasuuqay” Gudoomiye Khadar Axmed Like isaga oo ka warbixinaya Xabaal Wadarareedan cusub ee dadkii la xasuuqay lafahoodii ay ku aasan yihiin, ayaa intaa ku daray “Xabaal Wadareedan cusub ee aanu ogaanay waxa xilligii la xusuuqay agagaarka Ex Xaro Digaagta garab deganaa Xeryihii Ciidamadii Siyaad Barre ee shacbiga dalkan Somaliland xasuuqay, oo ilaa dadkii Isaaqa ahaa ee Ciidamadaa ka tirsanaa ayaa Isirka ay ka soo jeedaan darteed loo xasuuqay.  Lafaha dadka Xabaal wadareedan ku  jira ayaa ka mid ahaa Rayidkii Somaliland ee aan waxba galabsan, hase yeeshee waxaanu la sugaynaa Xabaal wadareedan Khubarada iyo Dhakhaatiirtii Caalamiga ahaa ee nagala shaqaynayay baadhitaanada Lafaha dadkii Taliskaasi Xasuuqa u gaystay, waxaanay Khubarada iyo Dhakhaatiirtaasi dalka dib ugu soo laabanayaan bisha February ee 2013-ka ee fooda inagu soo haysa”

Axmed Ibraahim oo kamid ah dadka degan xaafadaha ka ag-dhaw Xero Digaagta ee dhinaca galbeed ee Hargeysa ayaa sheegay in uu ogaaday Xabaal Wadareedan Cusub toban sano ka hor inay goobtaasi ku jiraan lafaha dadkii Ciidamadii Dawladii Siyaad Barre Xasuuqeen, waxaanu yidhi “Waxaan ogaaday Xabaal wadareedan 10 sano ka hor, waxaanan maqlay in ay ku aasan yihiin oo dadkii shacbiga ahaa ee reer Somaliland ee Ciidamadii dawladii Siyaad Barre xasuuqay”

Dhinaca kale guddiga dabagalka iyo baadhitaanada xasuuqa ayaa waxay shacbiga Somaliland ka codsanayaan in ciddii aragta ama soo ogaata goob Xabaal wadareed ah inay la soo socodsiiyaan Xarunta guddigaasi ku leeyahay Hargeysa ee dhanka waqooyi ka xigta Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Xigasho: Haatuf

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: