Burco: Natiijadii degmada Burco oo goor dhoweyd si rasmiya komishanku ugu dhawaaqay iyo sida ay Xisbiyada iyo ururadu u kala horeyan iyo weliba Magacyadii 21ka Xildhibaan
(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 05, 2012
Waxa goor dhoweyd lagaga dhawaaqay xaruntii ay ka socotay tirinta codadka ee degmada Burco natiijadii rasmiga ahayd ee doorashada golaha deegaanka, waxaana si toosa ugu dhawaaqay Guddomiyaha komishanka doorashooyinka ee degmada BurcoSiciid M Xashi.
Guddoomiyuhu wuxu halkaas ka yedhiyey tirada codadka ay axsaabta iyo ururada siyaasaduu ka heleen degmda burco iyo 21kii xildhibaan ee degmada burco u soo baxay.
Ugu horeyn tirada ururada iyo axsaabta siyaasaddU ay kala heleen ayaa kala ah sidan:
KULMIYE 42,561 COD oo u dhiganta 7 Kursi
WADANI 29,633 COD oo u dhiganta 5 Kursi
RAYS 24,685 COD oo u dhiganta 4 Kursi
UMADA 18,458 COD oo u dhiganta 3 Kursi
UCID 7,587 COD oo u dhiganta 1 Kursi
XAQSOOR 4,212 COD oo u dhiganta 1 Kursi
iyo Urursiyaasadeedka DALSAN oo aan wax xildhibaano ama kuraas ah ka helin degmada Burco.
Xildhibaanada u soo baxay golaha deegaanka Degmada Burco ayaa iyaguna kala ah:
- 1. Xildhibaan NUUX MAXMED XUSEEN ADAN oo helay 5915 cod
- 2. Xildhibaan C/RASHIID FAARAX CALI GACANLOW oo helay 5474 cod
- 3. Xildhibaan AXMED MAXAMED CALI AFYARE oo helay 5140 cod
- 4. Xildhibaan IBRAAHIN JAAMAC BASAALE GABOOBE oo helay 4581 cod
- 5. Xildhibaan C/RAXMAN XASAN NUUR IBRAHIN (C/Laki) oo helay 4360 cod
- 6. Xildhibaan MAXAMUD AXMED XASAN (DHEGOLAB) oo helay 4354 cod
- 7. Xildhibaan MUBARIK YUSUF CILMI DUCALE (BIDHA) oo helay 4292 cod
- 8. Xildhibaan MUXUMED XASAN JAAMAC MIXILLE(XODAY) oo helay 4197 cod
- 9. Xildhibaan KHADAR NUUX SICIID DIIRIYE oo helay 3483 cod
- 10. Xildhibaan SICIID AXMED MAXAMED RAAGE oo helay 3440 cod
- 11. Xildhibaan MAXAMED AXMED MAXAMUD XASAN(DIIGOL) oo helay 3316 cod
- 12. Xildhibaan AXMED CABDI DHINBIIL CABDI oo helay 3195 cod
- 13. Xildhibaan C/RISAAQ XUSEN OBSIYE (SHINE FALLIIDH) oo helay 3081 cod
- 14. Xildhibaan MAXMED YUSUF CABDI BURALE(MURAAD) oo helay 2838 cod
- 15. Xildhibaan C/KARIN MAXAMUD C/LAAHI SHIRE oo helay 2720 cod
- 16. Xildhibaan C/RISAAQ MAXMUD JAMAC DABAY(C/ Aar) oo helay 2541 cod
- 17. Xildhibaan FARXAN CABDI AW XIRSI DUCALE oo helay 2364 cod
- 18. Xildhibaan C/RISAAQ XUSEEN FAARAX JANAALE oo helay 2178 cod
- 19. Xildhibaan MAXMED ADAN X.CALI TUURTUUR oo helay 2134 cod
- 20. Xildhibaan XIRSI JAAMAC CABDI CAYNASHE oo helay 2087 cod
- 21. Xildhibaan KAYSE CABDI RAAGE CALI oo helay 1479 cod
Xildhibaanada codadkoodu aanay gaadhin tiradii laga rabay xildhibaan kasta ayaa iyagu ah xildhibaanada ku soo baxay Ururiska ama loo ururiyey guud ahaanba codadka xisbigu helay.
Waxaana xildhibaanadani noqonayaan xildhibaanada golaha deegaanka ee rasmiga ah kuwasoo u badan dhalinyaro aqoonyahan ah oo nooc walba leh isuguna jiro culimo, siyaasin, aqoonyahano, suxufiyin, ciyaartoy, iyo arday, waxaana laga rajaynaa inay noqdaan kuwo guul iyo wxiii ay ballanqadeen ooay fuliyaan degmada u horseeda.
HALKAN GUJI OO KA DHEGAYSO NATIIJADII KOMISHANKA EE BURCO
WARKAN OO VIDEO AH LA SOCO GOOR DHOW
Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)
Hadhwanaagnews Burco / Office
Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com
(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 05, 2012
Gabiley(HWN)-Komishanka Doorashooyinka Gobolka Gabiley ayaa hada ku dhawaaqey Natiijadii Codbixinta Codadkii
Gabiley(HWN)-Komishanka Doorashooyinka Gobolka Gabiley ayaa hada ku dhawaaqey Natiijadii Codbixinta Codadkii ansaxa ahaa ee ay Ku Codeeyeen Guud ahaanba Dadweynaha Gobolka Gabiley Doorashadii Golayaasha Deegaanka Natiijadaas oo aad loo Sugayay Maalmihii u dambeeyay waxaana hada ku dhawaaqey Gudoomiyaha Komishanka Gobolka Gabiley Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi Camir.
Tirooyinka Guud ee ansaxa Gobolka Gabiley ee ka codeeyay Codbixintii Doorashada Golaha Deegaanka waxa uu ku Sheegay Gudoomiyihu 67424(todoba iyo lixdan kun afar boqol iyo afar iyo labaatan kun), taas oo ay ukala heleen Ururada iyo Xisbiyada tartamaya sidan hoos ku qoran.
Tirada Guud ee Codadka Ansaxey Xisbiga Kulmiye oo kaalinta koowaad galey
Kulmiye- 21693
Ucid-13440
Wadani-12158
Rays—-6939
Dalsan–6547
Xaqsoor-3195
Umada-2425
Waxaana usoo kala Baxey dhinaca Murashaxiinta Ururadaasi iyo labada
Xisbi ee Kulmiye iyo Ucid
Xisbiga Kulmiye–Todoba Murashax
Xisbiga Ucid—-Afar Murashax
Ururka Wadani–Afar Murashax
Ururka Rays—Laba Murashax
Ururka Xaqsoor-hal Murashax oo haweenay ah
Ururka Umada Hal Musharax
Wariye C/raxmaan-Hiiraan
hadhwanaagnews Office Gabiley
Xigasho. Hadhwanaagnews
Leave a Reply