Shaxda Jamhuuriya: Sida Xisbiyada/ururradu u Kala Heleen Kuraasta 19 Degmo oo Caasimada Hargeysa ku Jirto

Shaxda Jamhuuriya: Sida Xisbiyada/ururradu u Kala Heleen Kuraasta 19 Degmo oo Caasimada Hargeysa ku Jirto

Last Modified: Tue 30th Nov,1999

 

Tirada xildhibaannada xisbi/urur kastaa ka helay lixda gobol ee dalka iyo degmooyinka gobollada

 

Hargeysa (Jam)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa ku dhawaaqay xalay fiidkii natiijada codkii laga dhiibtay doorashada degaanka caasimadda Hargeysa, iyadoo hore loogu dhawaaqay natiijooyinka 18 ka mid ah degmooyinka iyo goobaha doorashada tooska ah ka qabstoontay 28 November 2012, waxana ilaa hadda maqan kuraasta degmooyinka amma aanay codbixintu ka dhicin ee xildhibaannadooda lagu soo xulo qaabka saami-qaybsiga.

 

Laba xisbi iyo shan urur-siyaasadeed ayaa ku tartamay 353 kursi oo ay guud ahaan ka kooban yihiin golayaasha degaannada 22-ka degmo ee dalka Somaliland, waxana ilaa hadda si rasmi ah magacyadooda loo shaaciyey 305 xildhibaan oo ka mid ah wadarka guud ee dalka.

 

Natiijada doorashadii caasimadda Hargeysa oo leh 25 xildhibaan, ayaa lagu dhawaaqay xalay, waxana kuraasta ugu badan ku guulaystay xisbiga KULMIYE oo helay 7 mudane, xisbiga UCID iyo ururrada WADDANI iyo XAQSOOR, ayaa iyagana midkiiba helay 4 xildhibaan, UMMADDA waxa uu helay 3 kursi, DALSAN 2 xildhibaan, halka ururka RASY-na uu calfaday hal kursi oo qudha.

 

Haddaba, waxa uu Jamhuuriya akhristeyaashiisa halkan ugu soo bandhigayaa shax muujinaysa lixda gobol ee dalka iyo sida ururrada/xisbiyadu u kala heleen kuraasta xildhibaannada degaanka dalka:

 

Gobolka Maroodi-jeex:

 

1. KULMIYE – 19 kursi

 

2. UCID – 15 kursi

 

3. XAQSOOR – 14 kursi

 

4. WADDANI – 12 kursi

 

5. DALSAN – 6 kursi

 

6. UMMADDA – 4 kursi

 

7. RAYS – 4 kursi.

 

 

Gobolka Togdheer:

 

1. WADDANI – 12 kursi

 

2. KULMIYE – 11 kursi

 

3. UMMADDA – 11 kursi

 

4. RAYS – 5 kursi

 

5. UCID – 3 kursi

 

6. XAQSOOR – 2 kursi

 

7. DALSAN – 1 kursi.

 

 

 

Gobolka Awdal:

 

1. KULMIYE – 24 kursi

 

2. WADDANI – 12 kursi

 

3. UCID – 8 kursi

 

4. XAQSOOR – 7 kursi

 

5. UMMADDA – 6 kursi

 

6. DALSAN – 4 kursi

 

7. RAYS – 2 kursi.

 

 

 

GOBOLKA SANAAG:

 

1. KULMIYE – 16 kursi

 

2. RAYS – 13 kursi

 

3. WADDANI – 11 kursi

 

4. UMMADDA – 5 kursi

 

5. UCID – 3 kursi

 

6. DALSAN – 2 kursi

 

7. XAQSOOR – 1 kursi.

 

 

 

GOBOLKA SAAXIL:

 

1. KULMIYE – 13 kursi

 

2. UCID – 8 kursi

 

3. WADDANI – 7 kursi

 

4. XAQSOOR – 2 kursi

 

5. RAYS – 2 kursi

 

6. DALSAN – 1 kursi

 

7. UMMADDA – 1 kursi.

 

 

 

GOBOLKA SOOL:

 

1. KULMIYE – 13 kursi

 

2. WADDANI – 8 kursi

 

3. XAQSOOR – 5 kursi

 

4. UMMADDA – 4 kursi

 

5. RAYS – 4 kursi

 

6. UCID – 3 kursi

 

7. DALSAN – 2 kursi.

Xigasho: Jamhuuriya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: