War Deg-deg ah: Hal Qof Oo Ku Dhintay Rabshaddo Mar Kale Dad Cadhaysan Iyo Ciidamadda Booliska Ku Dhex Maray Degmadda Axmed Dhagax

War Deg-deg ah: Hal Qof Oo Ku Dhintay Rabshaddo Mar Kale Dad Cadhaysan Iyo Ciidamadda Booliska Ku Dhex Maray Degmadda Axmed Dhagax


(Hadhwanaagnews) Friday, December 07, 2012

Hargeysa (HWN) Ridwaan Aadan Xasan ayaa ku dhintay Rabshaddo xalay ka dhacay Degmadda Axmed Dhagax Ee Magaaladda Hargeysa, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Marxuum Ridwaan Aadan Xasan

Dhaawaca iyo dhimashadda ayaa la sheegayaa in ay intaasi ka badan yihiin, balse mar aanu booqanay cusbitaalka Edna ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa aanu ku soo aragnay Maydka Alle ha u naxariistee Marxuum Ridwaan Aadan Xasan oo ay habeenkii xalay ahaa xabadi kaga dhacday Dhuunta.

Dhinaca kale goor dhaweyd ayay Xaafadda Axmed Dhagax ee Magaaladda Hargeysa dib uga bilaabantay Rabshad Xoog Badani.

Rabshadahan oo wax yar uun ka dib markii ay Sulaadiinta iyo siyaasiyiintu khudbad u jeediyeen Dadka ay isku dhaceen Askarta Ciidamadda Booliska ayaa waxa la sheegayaa in uu hal qof ku dhintay, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ay Xukuumaddu ka soo saartay Rabshaddahan Mar kale dib uga curtay Magaaladda Hargeysa, balse madax dhaqameedka iyo Siyiinta Degmadda Axmed Dhagax ee Magaaladda Hargeysa ayaa ku boorinaya dadka cadhaysan in ay degenaansha ilaaliyaan.

Wixii war ah ee ka soo kordha kala soco Hadhwanaagnews.

Xigasho: Hadhwanaagnews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: