War Deg-deg ah: Sulaadiin Iyo Siyaasiyiin Khudbad Meel Fagaare Ah Uga Jeediyay Shacabka Ku Dhaqan Degmadda Axmed Dhagax

 

 

War Deg-deg ah: Sulaadiin Iyo Siyaasiyiin Khudbad Meel Fagaare Ah Uga Jeediyay Shacabka Ku Dhaqan Degmadda Axmed Dhagax


(Hadhwanaagnews) Friday, December 07, 2012
?Walaalayaal Yaan Cidnaba Laga Sheegan Magaaladda Hargeysa, Nabadduna waa inoo dan ee aynu wada Ilaalino????.Mujaahid Xasan Ciise Jaamac

Hargeysa (HWN) Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, Suldaan Barre Xaaji Xuseen iyo guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac ayaa goor dhaweyd kumanaan ka mid ah shacabka degmadda Axmed Dhagax kula hadlay Garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium.

Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale oo ugu horeyn la hadlayay dadka isugu soo baxay Garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ayaa u sheegay in ay nabadu tahay wax loo baahan yahay isla markaana shacabka reer Somaliland oo dhami ay wada walaalo yihiin.

Waxa uu ilaahay uga baryay intii ku dhimatay rabshadihii xalay ka dhacay Magaaladda Hargeysa in uu rabbi naxariistii Janno ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Sidoo kale waxa uu kuwa ku dhaawacmay rabshadahaasi ilaahay uga baryay in uu caafimaad deg-deg ah siiyo.

Waxa uu guud ahaanba shacabkii saaka isugu soo baxay Garoonka Hargeysa Stadium u soo jeediyay in ay aanay wax rabshad ah oo dambe ku dhaqaaqin.

Dhinaca kale Suldaanka Guud ee Beelaha Hawdka iyo Hargeysa Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa isna dhinaciisa kula dardaarmay dadka in ay ka dheeraadaan wax kasta oo keeni kara isku dhac.

Waxa kale oo uu xusay in nabadgalyadda ka jirta Somaliland ay tahay mid loo baahan yahay isla markaana aanay cidiba ka maarmayn.

Gabogabadiina Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa isagu dadkan u soo jeediyay in rabshaduhu in ay intii xalay ku eekaadaan, wax dambena aanay ku dhaqaaqin.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa uu carabka ku dhuftay in Magaaladda Hargeysi ay tahay Caasimadda Jamhuuuriyadda Somaliland cid laga sheegan karaana aanay jirin ?Walaalayaal waxa jira dadka sheeganaya Magaaladda Hargeysa, Waa caasimaddii Jamhuuriyadda Somaliland, waa magaalo la wada leeyahay markaa waxa xaaraan ah in cid gaar ah laga sheegto.

Nabadgalyadda aynu wada ilaalino walaalayaal oo intii xalay uun ha inagaga eekato? ayuu yidhi.

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye52@gmail.com

Xigasho: Hadhwanaagnews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: