Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin La Yeeshay Hogaamiyaha Ururada iyo Xisbiyada Dalka.


(Hadhwanaagnews) Sunday, December 09, 2012
Hargeysa(HWN):-guddida doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaatay hogaamiyayaasha

Hargeysa(HWN):-guddida doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaatay hogaamiyayaasha ururada iyo xisbiyada dalka.

Kulankan oo aan loo ogolayn warbaahinta ayaa waxa lagu lafa gurayey sida ugu haboon ee loogu noqon karo tirinta codadka doorashada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa taas oo guddida doorashadu ay shalay xaqiijiyeen in dib loogu noqonayo tirinta codadka.

Hogaamiyayaasha ururada iyo xisbiyada siyaasada ee dalka ayaa dhinacooda ka gaabsaday inay ka hadlaan kulankan ay la qaateen guddida doorashooyinka Somailand, balse gudoomiyaha urur siyaasadeedka Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan oo ka hadlay kulankan ay ururada iyo xisbiyada siyaasadu la qaateen guddida doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay guddida doorashooyinka qaranka ka wada hadlayeen sida ugu haboon ee loogu noqon karo tirinta codadka doorashada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa, taas oo uu gudoomiyuhu sheegay in wali la wado sidii meel layskula dhigi lahaa qaabka loo marayo tirinta codadka doorashada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa.

Laba maalmood ka hor ayey ahayd markii guddida doorashada degmada Hargeysa ay ku dhawaaqeen natiijada doorashada golaha deegaanka degmada Hargeysa taas oo dhalisay rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac kuwaas oo dhex maray ciidanka amaanka iyo dad si weyn uga soo horjeedsaday natiijada ka soo baxday degmada Hargeysa, balse guddida doorashooyinka qaranka ayaa rabshadahaas ka dib sheegay inay hakiyeen natiijada ka soo baxday degmada Hargeysa taas oo ay xaqiijiyeen inay dib ugu noqonayaan tirinta codadka ka soo baxay degmada Hargeysa.

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com

Xigasho: Hadhwanaagnews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: