Komishanka Doorashooyinka Oo Sheegay Inay Dib U Eegis Ku Samaynayaan Natiijaddii Doorshadda Hargeysa

Komishanka Doorashooyinka Oo Sheegay Inay Dib U Eegis Ku Samaynayaan Natiijaddii Doorshadda Hargeysa

 

Guddoomiyaha Komshanka ayaa sidoo kalena waxa uu sheegay Ururada Siyaasada iyo Asxaabta…………..

Hargeysa (GNS) – Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) ayaa si rasmiya u shaaciyey inay Hakiyeen natiijadii hordhaca ahayd ee Degmada Hargeysa.

Guddoomiyaha Komshanka ayaa sidoo kalena waxa uu sheegay Ururada Siyaasada iyo Asxaabta Qaranka ay isla garteen in dib loogu noqdo Tirinta Codadka Degmada Hargeysa, oo Cabashhyin laga muujityey.

Gudoomiyaha Komishanka Qaranka Eng. Ciise Xamari ayaa waxa uu arimhaasi kaga halay waraysi uu maanta Siiyey Idaaca BBC-da Laanteedka Afka Soomaaliaga, isaga oo arimhaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu go’aansaday Maadaama markii Natiijadii Codbixinta Hargeysa markii lagu dhawaaqay degmada Hargeysa ay ka bilaameen Rabshado, isla markaasina ay dhimasho dhacday, in la hakiyo Natiijadii hordhaca ahayd ee Degmada Hargeysa Dib u Eegisna aanu ku samayno Sanaaduuqdii Hargeysa.” ayuu yidhi Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinku.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Komishanku inay Ururada iyo Xisbiyada isla qaateen in dib loo tiriyo Codadka ka soo baxay Hargeysa “ Ururada iyo Asxaanta waxaanu ku qanciyan dib u eegistaa aanu samaynayo, waanay nala wada qaateen, ururka Xaqsoor isaga Masuulyiintiisa waanu la xiidhinay waxay Yidhaahdeen Jawaabta aad cabashadaya ka bixinayaa Warbaahinta noo soo mariya, fariinta dadka ay ku socoto waa ka mid.” Ayuu yidhi Eng. Ciise.

Guddoomiye Ciise ayaa Waxa kale oo uu sheegay in deegaanada Saylac oo cabashooyinka soo yeedhayeen ay wada hadleen islamarkaana ay isla garteen in ay cabashadooda u gudbiyaan Maxakamada Gobolka Awdal.

Gabiley News Desk

Xigasho: Gabileynews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: