Komishanka oo Laalay Natiijadii Hordhaca ahayd ee Codbixintii Hargeysa iyo Xogo ku Saabsan Khaladaadka ka Muuqda

Komishanka oo Laalay Natiijadii Hordhaca ahayd ee Codbixintii Hargeysa iyo Xogo ku Saabsan Khaladaadka ka Muuqda

Last Modified: Sun 09th Dec,2012
 https://i1.wp.com/www.warkanews.com/wp-content/uploads/2012/04/ecc.jpg

“Komishanka Doorashooyinka waxa uu go’aan ku gaadhay in tabashooyinkaa la eego oo laga daba tago, wixii laga qaban karana laga qabto, hakadna wuu saaray natiijada ay ku dhawaaqeen Komishanka Degmadu [Hargeysa]”

“Sidii lagu heshiiyo markaa la furo ee la isugu wada yimaad bakhaarka ee lagu qancayo si wax caddaani ah uga soo baxayaanba waannu yeelaynaa oo diyaar baannu u nahay”

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Mr. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), ayaa ku dhawaaqay inay dib u eegayaan natiijadii hore loogu dhawaaqay ee ka soo baxday codbixinta doorashadii dawladaha hoose ee caasimadda Hargeysa oo cabashooyin badan ka soo noqdeen.

Guddoomiye Xamari oo warbaahinta la hadlay shalay, waxa uu caddeeyey inay hakiyeen natiijadii hordhaca ahayd ee hore loogu dhawaaqay, isla markaana xisbiyada iyo ururrada siyaasadda isla qaateen in dib loo eego tirinta codadkii laga dhiibtay 411 sanduuq ee guud ahaan degaannada caasimadda Hargeysa, si meesha looga saaro tabashooyinka faraha badan ee jira.

“Natiijadii doorashada ee degmada Hargeysa oo markii ay soo baxday keentay cabashooyin aad u badan oo keenay dhimasho iyo dhaawacba, sidaa darted Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee xarunta dhexe waxa uu go’aan ku gaadhay maanta [shalay] in tabashooyinkaa la eego oo laga daba tago, wixii laga qaban karana laga qabto, hakadna wuu saaray natiijada ay ku dhawaaqeen Komishanka Degmadu [Hargeysa], goobaha laga cabanayeyna dib bakhaarka loo furo oo la isla eego tabashadaas si aan wax dambe ama dhibaato kale u dhicin.”

“Xisbiyada waannu iska aragnay, wayna ku qanceen, ururka XAQSOOR waanu la hadalnay masuuliyiin ka mid ah oo waxay nagu yidhaahdeen wixii aad ka bixinaysaan tabashadayadii warbaahinta noo soo mariya, waana farriin ku socota iyaga laftooda,” ayuu yidhi Md. Ciise-xamari.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in qaabka loo tirinayo codadka dadweynuhu dhiibtay ay ku xidhnaan doonaan kolba sida ay ku heshiiyaan ururrada siyaasaddu ee raali lagu wada noqonayo, waxaannu yidhi, “Sidii lagu heshiiyo markaa la furo ee la iskugu wada yimaado bakhaarka ee lagu qancayo si wax caddaani ahi uga soo baxayaanba waanu yeelaynaa oo diyaar baanu u nahay.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinku waxa uu dhambaal tacsi ah u diray qoysaska dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay iska-horimaadyadii ka dhacday xaafadda Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa.

Md. Xamari oo la waydiiyey in ay dib-u-eegis ku samaynayaan cabashooyinka codbixinta ee ka soo baxay degmada Saylac waxa uu sheegay in ay ka baxsanaayeen arrimaha ay wax ka qaban karaan, isla markaana loo gudbiyey maxkamadda Gobolka Awdal oo go’aan ka gaadhi karta.

“Tabashadu hadday ku saabsan tahay wax aannaan wax ka qaban karayn oo ka baxsan farsamada goobta codbixinta ee waraaqaha iyo tirinta oo kale oo ay tahay goobo mucayan ah oo lambarro leh waxaannu kula talinay (reer Saylac) maalintii ay noo yimaadeen iyadoo hal maalini ka hadhsan tahay toddobada casho ee la ogolyahay in racfaan lagu qaato inay maxkamadda Gobolka Awdal gaadhsiiyaan, waanay sameeyeen, markaa wixii go’aan ah maxkamadda ayaa dib u celin karta arrintaa,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Guddoomiye Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari).

Geesta kale, cabashooyinka ugu waaweyn ee ka ifbaxay natiijada hordhaca ah ee ka soo baxday codbixintii degmada Hargeysa waxa ka mid ah khaladaad inta la ogyahay laga helay 21 sanduuq oo codadkii murrashaxiintu ka kala heleen mid kasta loo libinlaabay, halka sida la sheegay sanaaduuq kalena mid kasta kala badh maqan yihiin codadkii ay ka kala heleen.

21-ka sanduuq ee la sheegay in codadkooda la laba-jibbaaray oo dhammaantood ah degaanka Farawayne ee Koonfurta galbeed ee caasimadda Hargeysa, taas oo ay si weyn u kala duwan yihiin xogaha muraaqibiintu ka keeneen goobihii codbixintu ka dhacday iyo tirada shaxda ee ku muujisan xogta lagu saleeyey natiijada hordhaca ah eek a soo baxday Kombuyuutarka xarunta Komishanka Doorashooyinka ee lagu kaydiyey xogta codadkii doorashada dawladaha hoose.

Sidoo kale, xogaha Jamhuuriya ka helay cabashooyinka murrashaxiinta qaarkood, gaar ahaan kuwa xisbiga talada haya ee KULMIYE waxa ka mid ah in codadkii ay ka heleen degaannada woqooyiga Hargeysa kala badh ka maqan yihiin natiijadii hordhaca ahayd ee Komishanku laalay shalay.

Waxa kaloo ka mid ah tabashooyinka iyo madmadowga hadheeyey tirintii waraaqaha codbixinta ee guud ahaan caasimadda cabashooyinka sababay rabshadihii dhimashada iyo dhaawaca badan keenay ee hadheeyey magaalada Hargeysa wax yar dabadeed markii lagu dhawaaqay natiijada muranka weyn dhalisay, kadib markii taageerayaasha urur-siyaasadeedka XAQSOOR ka cadhoodeen xogtii codbixinta degmada Axmed-dhagax oo sida la sheegay laga waayey mishiinka seerfarka ee xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Go’aanka Komishanka Doorashooyinku ku hakiyey natiijada doorashada Hargeysa ee dhowaan la shaaciyey, isla markaana ku caddeeyeen in dib loogu noqonayo tirinta waraaqaha codbixinta, ayaa ka dambeeyey kadib markii ay natiijadaas ka dhasheen cabashooyin badan oo sababay rabshado saddex qof ku dhinteen, toddoba kalena ku dhaawacmeen, mana cadda in go’aanka cusub ee Komishanku daawo u noqon doono tabashooyinka iyo madmadowga tirada badan ee ku xeeran codbixintii doorashada dawladaha hoose ee dalka ka qabsoontay.

Xigasho: Jamhuuriya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: