Maalintii taariikhiga ahayd ee 121212 iyo Hargeysa

Forget onc

Maantaa oo ay  taariikhdu ahayd 121212,  ayaa waxa ay ahayd maalin taariikhiya oo dunnida mar kale dib ugu soo noqonayn amaba u soo marayn. Haddaba sidii aynu horeba u soo sheegnay ayey maalintan dad badani siyaabo kala duwan ugu faraxsanaayeen. Dad baa iyagu  jeclaa in maalintani noqodto maalin taariikh ku reebta nolashooda. Dad badan oo dunnida ku nool  ay maalintani u ahayd maalin ay xasuusan doonaan. Qudhaydu markii ay gaadhay 121212 12:12 waan suntay maalintan, qofba si gaara oo  uu jecel yahay ayuu u suntay. Haddaba maalintan sidee ayey dhallinyarada reer Hargeysa maalintan u sunteen. bal aynu eegno wariyaha  Hiiraan Online  ee Hargeysa jooga, oo ka waramaya sida ay wax uga dhaceen magaalada Hargeysa. Daawo sawirro kale oo ku tusaysa meelaha kale ee dunnida sida maalintan loo suntay.

©Somaliland1991

Hoteladda Magaalada Hargeysa oo Maanta ay buux-dhaafiyeen

Dhallinyaro (hiiraan.com)

Arbaco, December 12, 2012 (HOL) — Magaalada Hargeysa waxa maanta ka dhacay aroos wadareedkii ugu badnaa sanadkan, waxaana dhamaan camirnaa hoteellada waaweyn ee inta badan ay ka dhacaan xafladaha meherka iyo aroosyada iyadoo la waayay hoolal la kiraysto.

Dhallinyaro ad u farobadan ayaa maanta xafladii meherkii guurkoodu ka dhacay hoteelada kala duwan ee ku yaalla magaaladda Hargeysa, waxaanay lagu sheegay sababta uu maanta xafladaha meherku u bateen maalinta, bisha iyo sanadka oo is waafaqsan, kuna beegan maanta 12.12.2012,
waxaana isku wada number eeg maalinta, sanadka iyo bisha, taas ayey dhallinyaradu ku doorbideen inay ku beegan guurkoodda.

Hoteelka Maansoor oo aan maanta booqday, ayaa waxa buux dhaafiyey dadweyne farobadan oo lagu soo marti qaaday aroosyadda kala duwan ee meherkoodu ka dhacayey huteelka, waxaanad arkaysay dad badan oo ku dawakhsan hoolka uu ka dhacayo caruuska marti qaaday meherkiisu maadaama oo dhamaan hoolalka hoteelka ay ka dhaceen aroosyo badan.

“maanta waa maalin taariikhi ah waxaana la kala waayey hoolal lagu kala qabsado meherada oo dhamaan hoteeladdu way buux dhaafeen, oo tusaale ahaan hoteelkan aynu imika joogno waxa ka dhacay ilaa 13 aroos”ayuu yidhi CabdiCadil Maxamuud Caydiid oo kamid ah dhallinyarada
ka qaybgalaysay aroosyada kala duwan ee ka dhacayey hoteelka.

Mid ka mid ah dhallinyarada arooska oo aan waydiiyey sababta uu manta oo kale ugu beegay waxa uu yidhi “maanta waa maalin qaali ah waa maalin ay isku mid noqdeen sanadkii, bishii iyo maalintii (12.12.012), waana maalin aan dib usoo noqonayn, oo aan la heli karin, waa sanad dhamaadkii iyo qarni kale, markaa waxaan ilaahay ka baryeyaa qarnigan iyo maalinta qaran ee ilaahay isku beegay bashbash iyo barwaaqo aanu ku dhamaysano”.

Inta badan magaaladda Hargeysa ayaa ah meelaha ugu guurka qaalisan,waxaana dhallinayarada guurdoonka ah caqabad ku ah xaga dhaqaalaha oo laga rabo lacag aad u badan iyo munaasibado balaadhan oo lagu marti qaado ilaa boqol qof oo ay ku jiraan dadka magac leh iyo masuuliyiinta
la qayaan.

“Horta aroosyadii ayaa tartan noqday oo marka uu imika nin dhallinyaro ahi guursanayo waxa laga rabaa lacag badan, waa inuu casuuma dad madax ah oo qaybaha kala duwan ee bulshadda leh, marka aad dad madax ah ama wasiir ah aad casuumtid waxa laga rabaa inuu aroosku bixiyo lacag
badan si masuuliyiintaasi gabaati fiican u helaan, waxaanay arrintani noqotay mid la iskugu faano oo mid kasta ka kale ka badiyo”sidaas waxa ku dooday Axmed Muxumed Jicsan oo ka waramayey qaabka ay doonistu u dhacdo.

“maanta oo kale waxay usoo bateen waxa isku sar go’an taariikhda (12-12-2012, waxaanan kaadhadhka xafladaha u samaynay ilaa dhawr iyo toban aroos, inta badana aroosyadu waxay badan yihiin maalmo gaar ah sida maalinta sanadka cusub, maalmaha ciidda iyo maalinta February
14-keedda ee jacaylka aduunka, marka maalmaha taariikhda leh ayey dhallinyaradu jecel yihiin inay is guursaadaan ama aqalgalaan”ayuu yidhi Mustafe Maxamed Daahir oo ah maamulaha shirkadda Maydh Multi Services ee daabacada kaadhadhka casuumadaha.

Si kastaba aha ahaatee, isguursiga dhallinyrada ayaa sanadihii u dambeeyey aad u yaraaday taasi oo ay sababtay kharashka faraha badan ee laga rabo wiilka guursanaya, iyadoo maalinta doonista ama meherka oo kaliya laga rabo ilaa laba kun oo dollar oo yarad ah iyo sagaal boqol oo gabaati ah, meherka inanta loogu meheriyo oo ah (200 gr ilaa 300 Giraam oo dahab ah), waxa intaas u dheer kharashka hoolalka oo kala duwan (hoteelada iyo hoolalka way kala qaalisan yihiin) iyo kaadhadhka martiqaadka oo lacag gaar ah, arrimahaasi is biirsaday waxay keentay inay guurkii yaraado, haseyeeshee, waxa maanta ka dhigaysaa aroosyada magaaladda Hargeysa ka dhacay mid ka badan sidii hore la isku guursan jiray, waxaanay keentay in dad badan maalintan sugayey  wakhti dheer in maalinta meherkoodu dhacay maanta oo kale.

Inkastoo ay lababa halka ay iska hesho uun tahay, oo aanu qofna ku qasbanayn in qaabkan oo kale u dhacdo, laakiin inta badan dhallinyarada ayaa qaabkan kharashka badan ku baxayo sameeya.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland

Xigasho: Hiiraan.com

Sawirro sida ay maalintan dad badan oo dunnida ku nool ay ku sunteen nolashooda.

Forget once in a lifetime: this year, thousands of couples are tying the knot on 12-12-12, a once in a century wedding date.

India

Sweden

Sweden

Altındağ 12:12:12 on 60 couple got married Turkey

 

Ngawi, Indonesia, Asia

Story summary

A mass wedding ceremony of 12 couples was held in Bantul, Yogyakarta on the unique, and considered by some, auspicious date of the 12th day of the 12th month, 2012.

Twelve couples join marriage ceremony held on unique 121212 date

Baby Born on 121212 in Solo IndonesiaIndonesia

Baby wear bracelets inscribed 121212 shortly after birth in hospital Muwardi, Solo, Indonesia. Residents consider the unique date because of the similarity between the date, month and the last two numbers in the form a series of numbers 121212. birthday 121212

12-12-12 Wedding

Malaysia

Malaysia

Happy couple: A group of newlyweds participate in a parade following a mass wedding ceremony on the occasion of the distinctive date of 12/12/12 in Madukismo, Bantul, Yogyakarta, on Wednesday. The ceremony, held at 12:12 p.m., was participated in by 12 Indonesian couples and 12 foreign couples. (Antara/Regina Safri) Indonesia

Fathers hold their babies who were born on 12-12-12 as they pose for photographs at a private hospital in Bangalore, India, Wednesday, Dec. 12, 2012. Bangalore, India

Newlywed couples and temple leaders pose for a group photo during their mass wedding ceremony on the occasion of the unique date of 12-12-12, in Kuala Lumpur, Malaysia, Wednesday, Dec. 12, 2012. Kuala Lampor, MalasiyaA Russian couple Denis Zubakogl, left, and Natalia Segva comfort each other after learning that their marriage registration will be delayed due to computer system failure at Bangrak district, or the District of Love in Bangkok, Thailand Wednesday, Dec. 12, 2012. About 50 Thai and foreigner couples were to register their marriage at this district office on the 12-12-12 auspices occasion but failed to do so because of the computer system were down.  Bangkok, Thailand

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: