Faallo: Shacabka dalka Maraykanku diyaar ma u yihiin in qaynuunka wax laga bedelo?? Dad iskugu jira 28 carruur iyo dad waaweyn oo lagu toogtay Newtown Maraykanka,

A woman waits to hear about her sister, a teacher, following a shooting at the Sandy Hook Elementary School in Newtown, Conn., about 60 miles (96 kilometers) northeast of New York City, Friday, Dec. 14, 2012. An official with knowledge of Friday's shooting said 27 people were dead, including 18 children. It was the worst school shooting in the country's history. (AP Photo/Jessica Hill)

Waxaa sannadahan u danbeeyey dalka Maraykanka soo noq-noqonaysay dilal badan oo mar qudha intaas oo qof mar kaliya qof hubaysani qudha kaga jaro. Sida dhacdadan u danbeysay  ee ka dhacday magaalada Newtown, ee cariga Maraykanka. Maaha tii  u horreysay ee ka dhacada dalka Maraykanka. Dalka Maraykanka ayaa ah dalka ay shacabkiisu ugu hubka badan haysta dunnida. Sababta taa keentayna ay tahay. shuruucda dalka Maraykanka u yaala ayaa ogolaanaya in qof qori ama baaskoolada haysan karo oo guriga dhigan karo, isagoo sharci u haysta, si u markaa qofku ama reerkiisa iskaga  difaacaan. Waxaa jira oo awood badan dalka Maraykanka ku leh ururka weyn ee arrimaha hub-sidashada/haysatada

/lahaan-shaha qaabilsan, ururkani waxa uu ku doodaa in qof walba haysto hub uu isku difaaco.

Arrintuna waxa ay salka ku haysaa dhaqankii hore ee Maraykanka ee “Cow Boy”  “Shoot first, ask then” Waxaa kaloo jira ururo badan oo ku dooda,  una ololeeya  in arrintaasi tahay mid waajib ah oo qof walba haysto hub. Waxaa jira shirkaddo badan oo ka shaqaysta ama kilaabyo badan oo dadku tagaan,  si ay u soo tabo bartaan ridista hubka nooc yada ka duwan. Waxa aad arkaysaa carruur yar yar oo la tabo barayo sida qoriga loo rido.

hooyadii dhashay wiilkan, Adam Lanza, hooyadii ayaa lahayd 3-4 qori, oo sharciyeysnaa. Waxa ay aad u jeclayd hubka qoryaha yo baaskooladaha. Waxa ay samayn jirtay in ay carruurteeda geyn jirtay kilaabka tabo barka ridista qoryaha. Waxa ay carruurteeda bari jirtay sida qoryaha lood rido iyo baaskooladaha.

Adam Lanza, a troubled 20-year-old loner with a history of autistic behavior, is the monster behind a horrific shooting at a Connecticut elementary schoolSawir: wiilka wax dilay ee hooyadii ugu horeysiiyey, Adam Lanza,

Fifty-two-year-old Nancy Lanza, pictured, was shot dead by her son, Adam Lanza on Friday. She was an avid gun collector sawir, wiilka wax dilay, Adam lanza hooyadii, Nancy Lanza

Haddaba maxaa dhacay. Inankeedii Adam Lanza, oo ahaa 20 jir, ayaa qoryihii ay carruurteeda ku bari jirtay, sida loo rido, ayuu soo  qaatay, kadibna uu iyadii qudha kaga jaray oo toogtay, hooyadii Nancy Lanza, ku rawaxiyey, waxayna noqodtay qofkii ugu horreeye ee uu dilay, kadib markii u hooyadii nafta kaga jaray, ayuu tegay iskuulkii ay ka shaqayn jirtay. Halkii markuu tegayna waxaa uu qudha kaga jaray 27 qof oo carruur da´doodu u dhaxayso 5-10 jir iyo dhawr macalimiintii iyo maamulihii iskuulka uu baas wada barayey, sidaana ay dhammaantood ku naf waayeen masiibadan.

Nooca uu sitay, Adam Lanza, ee uu isticmaalay dilkii uu ku dilay tiro 28 ruux, oo hooyadii, Nancy, iyo carruur yar yar iyo macalimiintoodii ku jiraan

Ma jirto dawladd soo martay Maraykanka ama madaxweyne soo maray, oo ku dhiiraday in laga horrtago ama la mabnuuco in dadku hub ay dhigtaan ama ku haystaan guryahooga. Sababtuna waxa weeye ururka riffle, RNA, ee ku dooda in qof walba xaq u leeyahay in uu qori haysto ayaa awood weyn ku leh dalka Maraykanka.

Guddoomiyaha ururka u lobi (Lobby) gareeya lahaanshah hubka ee Larry Pratt, Gun Owners of America, ayaa eeda dusha ka saaray iskuulka, waxa uu ku doodayaa oo uu leeyahay, waxa ay ahayd in ay is hubeeyaan, macnuhu waxa weeyi waa in macalimiintu sidtaan hubkooda marka ay ardyeda wax u dhigayaan. Haddii la soo weeraro waa in ay iska difaacaan.

Sannadkii hore ee 2011 ayaa baadhis la sameeyey oo qiyaasa, la waydiiyey shacabka Maraykanka, waxaanay noqotay in 50% ay yidhaahdeen raali baanu  ka nahay in uu qofku yeesho hub, qori ama baaskoolad.

Cadadka dadka Maraykanka ku nool waxaa lagu qiyaasaa in ay yihiin saddex boqol oo miljan. Tirada qoryaha ee hubka ee dalkaas yaala waxaa lagu qiyaasaa 20o miljan oo hub kala nooc nooca oo gacmaha ugu jira dadka caadiga.


Madaxweynaha Maraykanka ee hadda talada haya, president Barack Obama, ayaa markii uu ku jiray ololaha dib u doorashadiisii, aan soo hadal qaadin haba yaraate wax ku saabsan, waxa laga yeeli doono hub-sidashada, taasoo ay maalmahaas uu wiil yar oo dhallinnyaro ah dad badan oo sinimo ku jiray baas ku furay, ka dibna ay dad badani ku dhinteen. Dhacdadan u danbaysay ee shalay ka dhacday 14 December 2012, ayaa waxaa ka hadlay, president Barack Obama, oo ilmo isku xejinayey, oo ay aad u taabatay, waana wax la wada dareemi karo, marka aad aabo tahay, amaba waalid tahay, waxaad tahay beer wax dhalay, way ku taabanaysaa runtii marka ay carruur yar yar dhibaato loo geysto.

President Obama, oo ilmeynaya

Haddaba waxaa shalay afkiisa ka soo baxday Madaxweyne Barack Obama, oo noqonaya in madaxweynihii u horreeyey ee Maraykan ah ee carabkiisa ku dhufta, in arrintan wax laga qabto, siyaasad laga yeesho oo la iskaga yimaado, sidii wax looga qaban lahaa. Waa tallaabo fiican in madaxweyne Barack Obama ku dhiiraado. Laakiin waxaa sugaysa hawl weyn sidii dhacdan oo kale dib u dhicin, sidi wax looga qaban lahaa arrinta qori sidashada/haysatada. Waa arrin dalka Maraykanka aad uga xasaasiya ka hadalkeeda iyo doodisteeba. Waa arrin ay mushtamaca dalka maraykanku ku kala qaybsan yahay oo mar walba abuurta dood xasaasiyad ah.

Waxa aan shalay tv ga daawanayey wiil yar oo dhallinyaro ah oo joogtay meel aan ka fogayn goobta carruurtaa lagu laayey, mar la waydiiyey dhacdan, waxa uu yidhi ” waxa aan ahay nin leh qori, mana aha in la mabnuuco, xataa haddii ay dhacdadan oo kale dhacdo”

Waxa aad hadalka wiilkaa yar ee dhallinyarada ka dareemaysaa in aanay mushtamaca dalka Maraykanku aanay u diyaar ahayn qori ka dhigis in lagu sameeyo dadka, iyagoo u arkaya amaba ku doodaya in qori sidashaama ama  hub la haystaa in ay tahay arrin qaynuuniya, oo aan ka hor imanayn qaynuunka dalka. Qaynuunkan oo 200 sanno jiray, kaas oo u ogolanaaya qofka in uu hub lahaado

Suáasha is weydiinta lihi wax weeyi  Shacabka dalka Maraykanku diyaar ma u yihiin in qaynuunka wax laga bedelo??

Halkan hoose ka akhriso khudbadii madaxweyne Barack Obama, isaga oo ilmada isku xejinaya. Waxa ay ku qoran tahay Af ingiriisi.

©Somaliland1991

A PRESIDENT BREAKS DOWN AS ‘HEARTS ARE BROKEN’: OBAMA’S SPEECH IN FULL

U.S. President Barack Obama pauses as he makes a statement about the shooting at Sandy Hook Elementary School

This afternoon, I spoke with Governor Malloy and FBI Director Mueller. I offered Governor Malloy my condolences on behalf of the nation, and made it clear he will have every single resource that he needs to investigate this heinous crime, care for the victims, counsel their families.

We’ve endured too many of these tragedies in the past few years.  And each time I learn the news I react not as a President, but as anybody else would — as a parent.  And that was especially true today.  I know there’s not a parent in America who doesn’t feel the same overwhelming grief that I do.

The majority of those who died today were children — beautiful little kids between the ages of five and ten years old.

They had their entire lives ahead of them — birthdays, graduations, weddings, kids of their own.  Among the fallen were also teachers — men and women who devoted their lives to helping our children fulfill their dreams.

So our hearts are broken today — for the parents and grandparents, sisters and brothers of these little children, and for the families of the adults who were lost.

Our hearts are broken for the parents of the survivors as well, for as blessed as they are to have their children home tonight, they know that their children’s innocence has been torn away from them too early, and there are no words that will ease their pain.

As a country, we have been through this too many times.  Whether it’s an elementary school in Newtown, or a shopping mall in Oregon, or a temple in Wisconsin, or a movie theater in Aurora, or a street corner in Chicago — these neighborhoods are our neighborhoods, and these children are our children.

And we’re going to have to come together and take meaningful action to prevent more tragedies like this, regardless of the politics.

This evening, Michelle and I will do what I know every parent in America will do, which is hug our children a little tighter and we’ll tell them that we love them, and we’ll remind each other how deeply we love one another.

But there are families in Connecticut who cannot do that tonight.  And they need all of us right now.  In the hard days to come, that community needs us to be at our best as Americans.  And I will do everything in my power as President to help.

Because while nothing can fill the space of a lost child or loved one, all of us can extend a hand to those in need — to remind them that we are there for them, that we are praying for them, that the love they felt for those they lost endures not just in their memories but also in ours.

May God bless the memory of the victims and, in the words of Scripture, heal the brokenhearted and bind up their wounds.

© Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: