Ururka Qoraaga Somaliland oo kullan soo dhawayn ah ku Qaabilay Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland oo Safar Shaqo ku Jooga Stockholm

Ururka Qoraaga Somaliland oo kullan soo dhawayn ah ku Qaabilay Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland oo Safar Shaqo ku Jooga Stockholm

 

Munaasibaddan quruxda badan oo ahayd mid lagu soo dhawaynayay agaasimaha madaxtooyada Somaliland Daawo Sawiradda

Ururka Qoraaga Somaliland iyo bahda dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida ee Hiddodhawr.org ayaa shalay oo taariikhdu ku beegnayd 14 bishan Diisambar 2012 waxay casho sharaf u sameeyeen agaasimaha madaxtooyada Somaliland Xasan Cabdi Madar. Casuumaddan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Jubba Hotel oo ku yaala waqooyiga magaalada Stockholm ee waddanka Sweden.

.
Munaasibaddan quruxda badan oo ahayd mid lagu soo dhawaynayay agaasimaha madaxtooyada Somaliland oo dhawaan safar gaaban ku yimid waddankan Iswiidhan. Xasan Cabdi Madar oo dhanka kale ah qoraa iyo halabuur ka tirsan ururka Qoraaga Somaliland ayaa waxaa kulankani ku qaabilay dhammaan xubnaha ururka Qoraaga Somaliland ee waddanka Iswiidhan, xubno ka socday ururka Hiddodhawr.org, aqoonyahanno, macallimiin iyo xubno badan oo ka socday jaaliyada Somaliland ee Iswiidhan.
.
Kulankan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa ugu horayn waxaa ayaado Quraan ah iyo kalmad soo dhawayn ah ku furay Cumar Xaaji Bile oo ah xubin ka tirsan ururka Qoraaga Somaliland. Intaasi kadib Sayid Maxamed Yuusuf oo ah guddoomiyaha ururka Qoraaga Somaliland ayaa kalmad kooban madasha ka soo jeediyay, isaga oo sheegay inay kulan ugu talo galeen sidii ay wakhti ula qaadan lahaayeen qoraaga Xasan Cabdi Madar, maaddaama oo uu yahay xubin ka tirsan ururka Qoraaga Somaliland. Intaas kadib Suldaan Axmed Cabdillaahi, macallin Axmed Cabdillaahi Cawaale, Macallin Cabdillaahi Faarax, Dr Nuux Ismaaciil, Eng Cabdi Cabdillaahi, Mukhtaar Daakir, Ismaaciil Shafeec iyo qoraa Muuse Dalmar ayaa madasha hadalo kooban ka soo jeediyay. Agaasimaha madaxtooyada Xasan Cabdi Madar ayaa isna dhanka kale u mahadnaqay dhammaan dadkii soo qaban qaabiyay kulankan quruxda badan.
.
Xog waraysi iyo sheeko wadaag dheer kadib waxaa uu kulankii ku dhammaaday jawi aad u qurux badan.
....

Muuse Dalmar

Xajidalmar@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: