Faallo: Yaa lagu wadaa inuu/iney noqdo/noqodto wasiirrka arrimaha Dibedda ee Maraykanka (USA)

bidix: John Kerry and Susan Rize

Bishii November 6 deedi ayey ahayd maalintii shacabka Maraykanku mar labaad kalsooni buuxda u siiyeen in madaxweyne Barack Obama sii ahaado madaxweynahooda afarta sanno ee soo socodta. Doorashadaas oo ahayd mid maal iyo wakhti badani kaga baxday labadii nin ee tallada dalka Maraykanka ku tartameyey,  ee kala ahaa madaxweyne Barack Obama iyo maal-qabeen Mitt  Romney. Gari lama nin kama qosliso ayey soomaalidu ku maahmaahdaa. “Ma ciyaari waa geli danbe”. Haddaba markii ay soo shaacbaxaday in madaxweyne  Obama ku guulaystay doorashadan ayaa waxa qorshe u yaalay cida uu u magacaaabi doono wasiirka arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka. Sida la wada ogsoon yahay sannadkii ina dhaafay ee 2011, ayey ahayd markii Hillary Clinton ay sheegtay in aanay teeramka ee  dawladdnimo aanay ka qayb qaadan doonin. Taasoo ay u jeeday haddii uu ku guulaysto mar labada madaxweyne Obama, in aanan sii haynayn jagada wasiirka arrimha Dibbeda. Iyadooo sabab ka dhigtay in ay u baahan tahay nasasho, in wakhti badan ay reerkeeda la qaadato.

Waa hagaag. Haddaba tan iyo intii uu madaxweyne Obama ku guulaystay ayaa waxaa bilaabmay qiyaastii (Speculations) in mala. awaalo qofka oo madaxweyne Obama ka dhigayo wasiirka arrimah Dibedda.

Waxaana la sadaalinayey in laba qof mid uun uu noqdo.

1- safiirka dalka Maraykanka u fadhiya UN.ta, Susan Rise

2- John Kerry, Guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda ee Senat-ka Maraykanka (aqalksa sare)

Labadan magaca ee dusha ku xusan ayaa ah laba qof oo aqoonta iyo waayo araggnimada ay u leeyihiina rrimha dibedda ay tahay mid aad u sareysa.

Haweenayda Susan Rice oo ah safiirka dalka Maraykanka u fadhida UN, ta,  United States Ambassador to the United Nations ayaa ah haweenay siyaasada dalka Maraykaka ku soo jirtay muddo dheer, laga soo bilaabao wakhtigii uu tallada dalka Maraykanka uu ahyey, madaxweyne Bill Clinton. iyadoo markaa ahayd, ergayga gaarka ee arrimaha Afrika,  Assistant Secretary of State for African Affairs In office
October 9, 1997 – January 20, 2001

Waxay ay dhalatay, 17 November 1964, iyadoo ku dhalatay magaalada caasimada ahee Washintig D.C. waxaana jagada ay hadda hayso, uu madaxweyne Obama, u magacaabay, sannadku markuu ahaa 2009. Waxayna noqodtay gabadhii ugu horreysay ee maddow ee jagaadda hanata

Waxay jaamacaddo kaga soo baxday, Stanflrd University, iyadoo markii danbe degree-ga master iyo Phd ka qaadatay Oxford University.

Waxa ay saaxiibo dhaw yihiin madaxweyne Obama. Waxaana carabkaa aad loogu hayey in uu madaxweyne Obama iyada u magacaabo jagada wasiirka arrimaha Dibedda. Inkastoo ay  jiraan xubno badan oo ka tirsan aqalka Maraykanka ee republican, oo diidan in loo magacaabo jagadaas. Iyagoo ku eedaynay Susan Rice, in ay ku fashilantay arrintii ka dhacday Bengazi, Libya. Halkaasi oo lagu dilay safiirkii Maraykanka u fadhiyey Libya. dhawrkii wiig ee  u danbeyey ayaa waxaa isa soo taray warar sheegaya in ay goáansatay in aanay jagadaa in loo magacaabo, ka booday. kadiib markii ay aragatay mucaaridka republican ay ku horjoogsani karaan ansixinta magacaabisteeda. oo sida sharcigu dhigayo ay tahay in ay ansixiyaan Congress-ka Maraykanku. Arrintaa ka noqoshada jagadan, waxay goáankeeda u gudbisay madaxweyne Obama, oo markii danbe ka aqbalay.

John  Jerry

Waxaa uu dhashay, 11 December 1943, waxaanu ku dhashay dhakhtarka ciidanka,  Fitzsimons Army Hospital (Colorado)

1962 ayuu ka qalany jebiyey Jaamacadda Yale Univesity, waxaanu ka qayb galay cidiamada badda intii u dhaxaysay 1966-1970, isagoo markaa

ka qayb galay dagaalkii Vietnam. Sannadku markuu ahaa 1976 ayuu haddana mar kale jaamacadda Boston, ka qalin jebiyey, qaybta sharciga (law)1977 ayuu ka noqday gobola Massachusetts,  badhasaab ku xigeen. 1984 ayaa lo doortay in uu ku soo biiro aqalka sare ee Maraykanka, Senate-ka. lagaa soo bilaabo akhtigaas ilaa immika waxa uu jiraa aqalka sare ee Maraykanka.

2004 ayuu isku soo sharaxay jagada madaxweynenimaa dalka Maraykanka, isagoo la tar-tamuhu u ahaa madaxweynihii hore ee USA, Georg W. Bush. Waxayna guushu raacaday , Bush.

John Jerry, oo ah nin sumcad ku leh dalka Maraykanka, aadna loo ixtiraamo. ayaa xaaskiisuna ay tahay maal-qabeenad weyn, Teresa Heinz waxay leedahay oo ay dhaxashay, shirkadda weyn ee caanka ah  Heinz

Waxa uu qoray buugga la magac baxay

Kerry, John. A Call to Service: My Vision for a Better America. New York: Penguin Books, 2003.

Waa nin aad ugu sareeya arrimaha dublamaasiyada. Waxaanu imika guddoomiye ka yahay, guddida  arrimha dibedda aqalka sare, Senate-ka.

Qiyaasta aanu  samaynay ayaa waxa ay u badan tahay in John Kerry loo magacaaabo wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka.

 ©Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: