Faah Faahin Dheeraad ah oo Ku Saabsan Mudaharaadkii Saaka Ka Dhacay Magaalada Berbera iyo Khasaarihii uu Dhaliyay + Sawiro

Faah Faahin Dheeraad ah oo Ku Saabsan Mudaharaadkii Saaka Ka Dhacay Magaalada Berbera iyo Khasaarihii uu Dhaliyay + Sawiro


(Hadhwanaagnews) Saturday, December 22, 2012
Berbera-(HWN)- Saaka ayaa markii lasoo daayay ardayda dugsiyada sare iyo kuwa dhexe e berbera ayaa waxa aay bilaabeen mudaharaad

Berbera-(HWN)- Saaka ayaa markii lasoo daayay ardayda dugsiyada sare iyo kuwa dhexe e berbera ayaa waxa aay bilaabeen mudaharaad balaadhan oo ay ku qaylinayeen xukuumadu haka dayso faragalinta gobolka saaxil,iyo hadalo ay kamid ahaayeen halasoo celiyo badhasaabka saaxil ee xilka laga qady kadib markii uu gudoomiyay doorashadii golaha deghaanku doorteen maayorka cusub ee kazoo jeeda xisbiga mucaaradka ah e UCID ,

Mudaharaadan ayaa markii danbe ardaydii waxa ku biiray shacab gadoodsan oo iyaguna ka cadhaysan faro galintaa ay sheegeen in xukuumadu ku hayso degmada berbera iyo doorashadii dhacday ee maayorka la doortay, waxaana dhacday in taayiro wadooyinka lagu gubay oo isku socodku xidhmay wadooyinka halbawlaha ah ,

Mar uu la hadaly maayorka cusub ee berbera mudaharaadayaasha ayuu u sheegay in aay rabshadaha joojiyaan ardaydana ku laabato waxbarashadoodii,shacabka gadoodsana aay shaqooyinkoodii qabtaan ,waxaanu u balan qaaday in wax walba sidoodii kusoo noqon doonaan ,markaa amaanka la ilaaliyo ,

Dhinaca booliska ayuu sheegay in aanay shacabka xabado u adeegsan doonin,waxaanu yidhi shcabyahaw anaga ayaad na doorateen ee naga war suga ,

Mudaharaadyadan ayaa dadku inta badan isla dhexmarayaan isbedelada xukuumadu aay doonayso in aay ka samayso gobolka saaxiliyagoo farta ku fiiqaya xoghayaha la sheegay in loo soo magacaabayo dawlada hoose oo aay aad uga biyo diideen shacabka berbera intoodaa badani.

 

 

 

Wariye Yaasiin Jaamac Cali

Hadhwanaagnews/office Berbera

Xigasho: Hadhwanaagnews

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: