Halkan ka daawo maayarka cusub ee caasimada Somaliland Hargeysa iyo ku xigeenkiisa iyo xildhibaanada cusub

Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Maanta Doortay Maayar Iyo Maayar Ku Xigeen + Sawiro
Fadhigan ayaa ay ka maqnaayeen oo aanay ka soo xaadirin 10 xildhibaan………….

Maayarka cusub ee Hargeysa, Eng Yuusuf Siciid Warsame iyo ku xigeenkiisa

Fadhigan ayaa ay ka maqnaayeen oo aanay ka soo xaadirin 10 xildhibaan………….

Hargeysa (GNS) – Golaha Deegaanka Degmada Hargeysa Oo Doortay Maayarka Iyo Ku Xigeen
Golaha Deegaanka Degmada Hargeysa ee dhawaan la soo doortay ayaa maanta Cod gacan tag ah ku doortay Maayarka Caasimadda u doortay Eng. Yuusuf Warsame Siciid iyo ku xigeenkiisa oo loo doortayCabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne).

Fadhiga maanta ee Golaha deegaanka ayaa waxa ka soo xaadiray 15 xubnood oo ka mida 25 Mudane ee oo Golahaasi ka kooban yahay, waxana dhaariyey xildhibaanadda Golaha Deegaanka cusub, Garsooraha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex. waxa si rasmi ah, sida uu sharcigu dhigayo, furay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed X. C/laahi Xamarje.
.
Kulanka dhaarta iyo doorashadda maayarka iyo ku-xigeenka ayaa ay fadhiyeen 15 xildhibaan. Iyadoo murashaxa Maayarku uu kaligii isku sharaxay Eng. Yuusuf Warsame oo cid kula tartantay aanay jirin, halka Murashaxa ku xigeenkuna ahaa C/casiis Maxamed Xaashi “Cagaweyne” cid kula tartayna aanay jirin.
.
15 ka xildhibaan ee fadhigan goob-jooga ka ahaa fadhiga ayaa kala ahaa:
1. Maxamed Aw Adan Wayrax
2. Maxamed Daahir Axmed
3. Axmed Siyaad Muxumed
4. Cismaan Xassan Faarax
5. Maxamed Warsame Caalin
6. C/casiis Adan Habane
7. C/raxmaan Max’ed Caydiid
8. Maxamed Cabdi Adan Yoon
9. Ilyaas aw Xuseen
10. C/laahi Adan
11. C/casiis Maxamed Xaashi
12. Hanad Xaashi Axmed
13. Yuusuf Warsame Siciid
14. Ismaaciil Jaamac Aar
15. Cabdi Cali Yuusuf.
.
Kulanka xildhibaanaddu dhexdooda ku dooranayeen maayarka iyo ku xigeenka waxa guddoominayey, xildhibaanka labaad ee ugu da’da weyn golaha deegaanka Hargeisa, oo ah Maxamed aw Adan Wayrax, maadaama uu xildhibaanka ugu da’da weyni oo ah Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo uu murashaxa maayarka u taagan ahaa.
.
Fadhigan ayaa ay ka maqnaayeen oo aanay ka soo xaadirin 10 xildhibaan.
.
.
.
.
.
.
.
.
.

Gabiley News Desk
Hargeysa
contactgabiley@yahoo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: