Maayarka Cusub ee Hargeysa oo Shaaciyey Qaabka uu u Waajahayo Wax-u-qabadka Caasimadda (Jamhuuriya)

Maayarka Cusub ee Hargeysa oo Shaaciyey Qaabka uu u Waajahayo Wax-u-qabadka Caasimadda

Last Modified: Mon 24th Dec,2012

 

Eng. Yuusuf Warsame oo markii ugu horreysay ka hadlay sida ay u wada shaqayn karaan xildhibaannada ka soo horjeestay doorashadiisa

“Waxyaabaha u baahan in wax laga qabto way badan yihiin oo wax la soo koobi karayo ma aha. Waxa ka mid ah qashin, gaadiid, caafimaad, dhaqan iyo waxaan la tiring karayn”

“Waxaan odhan lahaa [xildhibaannada] koox wada shaqaynaysa ayeynu nahay, faraqeenna waxa ka weyn waxa ina horyaal ee la inoo diray …. Intaynu caqligeenna ku wada noqonno aynu garabka isqabsanno”

Waraysi khaas ah – Eng. Yuusuf Warsame Siciid, Maayarka cusub ee Hargeysa

Hargeysa (Jam)- Maayarka cusub Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid, ayaa markii u horreysay ka hadlay qorshihiisa waxqabad ee ku wajahan caasimadda iyo aragtidiisa ku wajahan qaabka ay u wada-shaqayn karaan xildhibaanno ka soo horjeestay fadhigii lagu doortay shalay.

Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo waraysi kooban oo gaar ah siiyey weriyayaal ka tirsan wargeyska Jamhuuriya iyo shabakadda wararka ee Araweelonews oo kula kulmay huteelka Maansoor, kadib markii la doortay shalay, waxa uu sheegay in dhibaatooyinka u baahan in wax laga qabto ee caasimadda Hargeysa haystaa ay aad u badan yihiin, isla markaana uu rajaynayo in Alle ku guuleeyo, shacabkuna ku garab geli doonaan. Waxa kale oo uu ugu baaqay guud ahaan 25-ka xildhibaan ee golihiisa degaanka inay u midoobaan wax-ka-qabashada hawsha loo igmaday oo aad uga ballaadhan kala qaybsanaanta dhexdooda taal.

Ugu horreyn, Maayarka cusub oo la weydiiyey dareenkiisa la xidhiidha maayarnimada loo doortay, waxa uu ku jawaabay, “Dareenkaygu aad iyo aad ayuu u fiican yahay, way mahadsan yihiin ummadda reer Hargeysa oo laga yaabo in goob cod-bixineed oo walba kollayba cidi iga dooratay ha badnaadaan ama ha yaraadaane, waxaan leeyahay waxaynu wada galaynaa hawl ee waxaad naga filanaysaan waa wax wayn baan filayaa, laakiinse Ilaahay ha nala qabto ayaanu leenahay, idinkuna nala gargaara.”

Su’aal: Mudane Maayar; adigu waxaad tahay nin aqoonyahan ah oo dibadda ku noolaa, kollayna magaalada warkeeda waad haysaa oo dhibaatooyinka ugu daran ee haysta waxa ka mid ah qashinka, dawooyin la’aan iyo bilic-xumo, markaa adigu maxaad is leedahay waad ka qaban karaysaa?

Maayar Yuusuf: Waxyaabaha u baahan in wax laga qabto way badan yihiin oo wax la soo koobi karayo maaha, waxa ka mid ah qashin, gaadiid, caafimaad, dhaqan iyo waxaan la tirinkarayn oo magaalo hawl badan bay leedahay, meeshii laga bilaababa waa loo baahan yahay laakiin tafaasiishooda in aan hadda galo uma baahni, waayo waa hawl aad u ballaadhan oo meeshii wax laga qabtaaba ay faa’iido tahay.

Su’aal: Fadhiga lagugu doortay waxa jiray xildhibaanno aan ka qaybgelin oo qaadacay, markaa qolada ku dooratay iyo kuwa aan ku dooranba maxaad odhan lahayd?

Maayar Yuusuf: Waxaan odhan lahaa koox wada shaqaynaysa ayeynu nahay, wax faraq ahi ma jiro, faraqeena waxa ka wayn waxa ina horyaal ee la inoo diray, faraqeennu maaha wax macno leh ee wuxuu noqonayaa waxaan salba ku fadhiyin, laakiin hawsha la inaga sugayo in aynu dhammaanteen u guntanno ayaa aad iyo aad u wayne inta aynu caqligeenna ku wada noqonno aynu garabka isqabsanno.”

Xigasho: Jamhuuriya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: