Golaha Degaanka Hargeysa oo Doortay Maayir iyo Maayir-ku-xigeen + Salaadiin Hambalyeeyey (Jamhuuriya)

Golaha Degaanka Hargeysa oo Doortay Maayir iyo Maayir-ku-xigeen + Salaadiin Hambalyeeyey

Last Modified: Mon 24th Dec,2012

 

waxaa ingineer ka aha oo uu dhisay baarlamanka Somaliland Gurigan oo ah baarlamankii dawladii Siyaad Bare, ayaa waxaa dhisay oo ingineer ka ahaa maayarka cusub ee caasimada jamhuuriyadda Somaliland, Hargeysa, mudane Yuusuf Warsame Siciid. Gurigan oo la odhan jiray Guriga Umadda

Waxa kale oo uu dhisay Villa Somaliy, qasrigii Maxamed Siyaad Bare

Villa Somalia Villa SomaliaSomalia mogadishu villa somalia 2012 3 20 0 waa Villa Somalia, fooqa labada dabaq ee buurta saaran

Hargeysa (Jam)- Golaha cusub ee degaanka caasimadda Hargeysa, ayaa fadhigoodii ugu horreeyey oo lagu dhaariyey shalay waxay ku doorteen maayar iyo maayar-ku-xigeen ka soo kala jeeda labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID.

Badhasaabka Gobolka Hargeysa Mr. Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), ayaa si rasmi ah u furay fadhigaas oo ku qabsoomay xarunta dawladda hoose, isla markaana ka qaybgaleen 15 xildhibaan oo ka mid ah 25 mudane ee golaha degaanka caasimaddu ka kooban yahay, waxayna markii la dhaariyey kadib Maayir iyo maayir-ku-xigeen u kala doorteen Eng. Yuusuf Warsame Siciid iyo Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne), kuwaasoo aanay jirin cid la tartantay.

Haseyeeshee, kulanka lagu doortay maayarka iyo maayar-ku-xigeenka cusub waxa ka maqnaa oo qaadacay 10 xildhibaan oo la sheegay inay saluugeen hannaanka loo soo abaabulay doorashadaas.

Maayarka cusub: Yuusuf  Warsame Siciid

Dhinaca kale, labada suldaan ee ku abtirsada saldannada ugu faca weyn Somaliland – Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir Sul. Cabdillaahi iyo Suldaan Xasan Sul. Cabdillaahi Sul. Cabdiraxmaan – oo shir jaraa’id ku qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay ayaa hambalyo iyo duco isugu daray Maayarka iyo Maayar-ku-xigeenka cusub ee loo doortay Hargeysa, iyagoo shacabka caasimaddana ugu baaqay inay barbar-istaagaan masuuliyiinta cusub iyo guud ahaan golaha degaanka si ay waxqabad u sameeyaan.

“Maayarku cid walba waa u dhex, reerna laguma sheegi karo, Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu noqdo kii ummaddiisa isku wada ee haddii khilaaf soo dhexgalana xalliya.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir.

Sidoo kale, Suldaan Xasan Sul. Cabdillaahi ayaa isna ammaanay aqoonta Maayarka cusub, waxaannu yidhi; “Yuusuf Warsame Siciid oo aynu aad ugu kalsoonnahay waxaynu Ilaahay uga baryeynaa inuu innooga yeello Maayarkii caasimaddan horumarin lahaa,” ayuu yidhi suldaanku.

Xigasho: Jamhuuriya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: