Waxay ahayd 18 jir illahay qurux u dhameeyay joogeeda waa dherer meel dhexaada dhexqabatina wajigeeda madaw

Waxay ahayd 18 jir illahay qurux u dhameeyay joogeeda waa dherer meel dhexaada dhexqabatina wajigeeda madaw

Waxay ahayd 18 jir illahay qurux u dhameeyay joogeeda waa dherer meel dhexaada dhexqabatina wajigeeda  madaw oo dhalaal xiga eebana jiniyado ku ladhay ayay lahayd,     waxa u dheer indho waawayn oo cadaana ah, cabaadhyaha laalaban ee giraangirsan qoorteeda cududaha garaaran,cidhbaheeda subkan ayaa ruuxi mar arkaa ka xiise goynayn,

Deeqi waa gabadh dhawrsan oo akhlaqdeeda xaafadaha jaarku wada majertaan laysuna tilmaamo, waxay dhigataa dugsiga sare,

Kam baxdo gurigooda warwareeg iyo maraadaysana haba sheegin waa xafidu salad,

Maalin maalmaha ka mida waxa soo booqatay gabadh ay daris yihiin o da? ahaan ay isku gado yihiin ,

Inkastoo aanay asxaab isku maqaama ahayn waxayse ahaayeen jaar isku oodaa oo isku albaab xiga

Nuuri waxay ahaan jirtay gabadh madaw oo eebe u sameeyay qurux lagu kalsoonan karo balse qawaday,

Waxay marsatay dawooyinka diirka dumarku iskaga  qaadan ee layidhado  cadaysada waxay bil gudaheed lk u noqotay quraarad aad moodo cadaan dhalada,

Waxay ugu timmi deeqa si ay ugu  guubabiso marsashada daawada maadama ay iyadu is cadaysay midab quruxbadana  ooy  ladhacdayna mudo gaaban ku yeelatay,

Waxay u adeegsatay oo ay ku nacsiisay midabkeedi qiimaha laha Nuuri iyadoo Deeqa ku leh ereyo guubabab ah ,  doqon iyo habeenba madawe maad dhaashatid oo aad is cadaysid waaku side waxaba lagu mooda habli baadiya adhiga ku raaci jiray walle intaad sidan tahay gayaan kaa fog guurna kaa dheer,

Deeqa saluugba galay waxayna bilawday inay soo xasuusato sidi ay ahaan jirtay  saxiibadeed Nuuri  ka hor intaanay is cadayn  iyo hada siday tahay,

Waxay soo qaadatay muraayad waxay kolba fiirisay wajigeeda  quruxdii eebe u sameeyayna way saluugtay,

Markale waxa la hadashay saxiibadeed nuura iyado ku le Deeqa  ca?saan qurux  kama qataane maad iska marsan daawada waxba ku yeelimayso qaalina maaha oo inag guulayna bishiiba laba jeer ayanu soo iibsanyna walle walayaabi noocaynu noqono hadii ay indho daraandari waayan raga hargaysa ku nooli oo gawaadhidu is jiidhi waydo waxan ku idhaaba waa been,

Deeqa waxa ku bilaabmay  fikir hor leh iyadoo ka fekeraysa sidii ay u bilaabilahayd dawada  ugu danbayna waxay qaadatay taladii qaldanayd sxaibaded Nuura ,

Manta waa maalinti ugu horaysay ee Deeqi  marsanaysay  balaayada ay qoomamayn doonto, waxay soo qaadatay iyadoo ay caawinayso saaxibadeed Nuuri dawo diyaarsan, bac shilin la dhuubay oo laysku daba taxay, sharabaado dhaadheer,

Waxay isku bilawday daawadi waxay ku horaysiisay wajiigii iyadoo ku dhoobtay daawo kimika ah oo aan cafimad ahaan wanagsanayn waxay marisay gacmihii iyo luguhii waxay galisay lugaha iyo gacmaha bac kadibna waxay ka dul galisay sharabaado dhaadher,

Inta badan marka daawada la marsado debeda looma baxo madama   dawada laysku cadeeya kulayl tahay una baahnathay hadh la fadhiyo ilaa inta  layska maydhaayo cadeeda waa laga dhuumanaya, dhamaan  hawlaha guriga lama qabanyo dheri la kariyo warkiisaba daa,

Waa aduunye waxay isu bedeshay si dhaqso ah waxay ka baxday dugsigii iyadoo u go?day marsashada dawada iyo sidii ay uga shaqaynlahayd jidhkeeda una bedeliahayd midabkeeda ee ay isu caaynlahayd,

Waxay daawadi waday Deeqi mudo bila qofkasto arkaaba yaab iyo amakaaga cadaanka inanta eed laydhka moodo, fiidkii markay cadceedu ka qabawdo ayay soo baxi jirtay iyadood moodo dayax shan iyo tobnada,

Waxay hooyadeed isku maan dhaafan maalinkasta daawada kahrashkeeda oo joogto aha ,

Madaama dhaqaalaha qoyskoodu obna oo aanay awooodi Karin hoyadeed inay biilka caruurtu quudanayso laga jaro dawooyin qaar qaali yihiin oon laba jari karayn ila ay la guusho saxiibadeed,

Habeenkasta oo ay daawanayso tiifiga waxay maqashaa bushaaro la xayaysiinayo oo keentay daawoyin cusub qaarba magic iyo waxtar gooniya ayaa lagu ladhay laguna iib gaynayaa oo lagu xaysiisinaya , hablo quruxbadanba xaysiinaya waa dawada jaldigeeda ku sawiran sawiro cajiiba xasuuso hablaha ku sawirani waa dhalad cadaana illahyban sidaa u dhaliyay balse waa dhalnteed oo waxa lagu iibinya dawada hablahana waa lagu marin habaabinaya,

Waxa waajiba inan kasta oo ka mida bahda dawada bawlwada u tahay inay ka war keento dawi kasta oo csuubo suuqa soo gasha

 Daawoyinka cusub dhaqaalaha qoyskooda oo koobna umay suuro gali jirin inay dawo kasto cusub ka war keento lakin qasaby ku tahay inay baadi doonto  lacagta ay kusoo iibsan lahayd madaama hablaha asxaabteeda  ee ay jaarka yihiin markasto dawo cusub  EE la xayaysiiyo  ay soo iibsan jireen ,

Quruxda shacniga midabka soo hiraaya ee Deeqi yeelatay waxay hunguri galiyeen dhamaan dhigeedi oo u holanyaa inay marnuu sheeko la wadaagan xural cayntan aad moodo laydhka ifayaa ,

Magac cusub aya suuqa u galay Deeqa waxanay asxaabti iyo filkeedi ula baxeen magic cajiiba oo sii xiisa galiaya kuna abuuray yididiilao DEEQA LAYDH

 waa waagi daawadu inagu cusbayd dadbadani ma oga in ay jiraan dawo laysku cadaynaayo,

Su?aalo badan ayaa ka tagan qofkasto arkaa Deeqa laydh wuxuu waydiinaya qofka kale deeqa yaqaan isagoo leh maxay inantii cadaatay waxanoo qurux maw danbeeyen illahaw u siyaadi,

Quruxda hiraysa ee dadka u muqanyasa maaha mid ay ku waari doonto deeqi waxayse ku jirtaa maalmi ay soo dhawaynaysay dawadu ee shacnigeedu dibada usoo ifbaxayay,

Si kadisa deeqi iyadoo u maraysa suuqa ayay is barteen wiil gaadhi watay waaba calafkeedi , ilay iskuma kaa sheego calafkuye qofkasta maruunba lagu beega

Kaftan iyo hasaawe gaaban waxa lays waydaarsaday magacyadi magacaygu waa Deeqa  adna  magacaygu  yaxye  waxay kala  qorteen tellefonadi ,

Habeenki oo dhan wuxuu ka fekerayay nasiibkisa iyo quruxda inanta uu la kulmay waxanu kusoo gaba gabeeye qorshihisi inuu lasii wado xidhiidhka mustaqbalna uu ka dhigto Deeqa,

Waxase aanu ogsoonayn quruxda uu jantay ee qalbigiisa saaqday inay tahay mid la soo iibiyaya oo lagasoo gaday KAYSE BUSHAARO

Dayax shan iyo tobano

Dunidoodhan ifiyaad

Daymadiisa leedahay

Dahab iyo xariireey

Deeqa lafteeda damac ayaa galay waxaana qanciyay hadlka inanka iyo sidii ay isu barteen waxanay goosatay inay la wado sheekada iyo jacaylka ilaa ay gaadhayaan heer mustaqbal ,

Sheekadi way u bilaabantay mudana waa lawada hadlayay waxana ayg goosteen inay is mehersadaan oo ay qoys noqdaan,

Deeqa midabkeedu wali wuu ifayaa wuxuuna soo jiidanaya  indhaha halcasada madaama wali aanu jidhkeedu u nuglaana dawada oo ay bilaw tahay ,

Waxase ugu culays badan oo ay la daaladhacaysa helida daawada ay marsanyaso oo hadh iyo habeenba ma danto ah  jidhkuna u baahanyahay waxaad barataaba waa balwad,

Waxay ku riyoonaysaa kuna qancisay nafteeda marka ay guri yeelato in uu ka hadhi doono warwarka iibsiga dawada oo culays ku haya,

Ma dayn karto oo midabka ayaa la waayaya waxayna noqonaysa midab ka lita keedi hore waxayna ka baqa qabta inuu ku diido Yaxye ,

Waxa soo doonay unsoo geed fadhiistay Deeqa wiilki Yaxye waxana loo kala gudoomay si sharaf iyo qiima badan waxanay noqotay Deeqi xaaski Yaxye ,

Waxa la gaadhay xiligii ay guri gali lahaayen  waxa u dhacay aroos aad loo agaasimay oo heersare ah dadbadana way kasoo qayb galeen,

Illay waa aroos  deeqiye dawadi hadh iyo layl way isku radisay si shacni kan kasii qiimabadani ugu soobaxo habeenka arooskan qofkii eegab indhaha ugalsoo baxdo,

Habeenki arooska waxay ahayd deeqi cadceed o kale indhahana laguma hayn karayn waxay akhyaartu ku xamnayeen walle ninki yaxye wuxu inatuu helay Carabi bikh,

Mudo kadib  waxa bedelmay Deeqa midabkii macmalka ahaa ee ay soo iibsatay, madaama dawadi ay nuglaysay jidhkeedi  waxay tahli wayday hawshi guriga waxa dhibaaya dabka iyo milicda ay u baxayso  madaama maqaarka jidhku bisladay oo dawada ay isku cadaysay dhib gaadhsiisay,

Maalinba maalinta ka danbaysa waxa shiikhay midabkii ifaayay ee indhaha kaalasoo baxaayay  waxanay noqotay dhado roob noqonwayday , cadaana iyo casaana dawo  lagu sameeyay qurux waarta noqonwaa,

Waa xaamilo  xaas leh waxa sugaaya hawlo adag oo u baahan in ay qabto hadana ma awoodi karayso  culayska uurka waxa u dheer xanuunka dawadu ku beeratay oon u adkaysanayn hawshii afo qaban jirtay,

Hadii inan u shaqaysa loo qabnalaha ma awoodi karo Yaxye waayo waa wiil dhalinyara   dhaqalaha uu hayaana  ma dhaafsiisna masruufka reerka  iyo nolol maalmeedkooda ,

Waxa ku baxa bil kasta biil gaara dawooyinka Deeqa waxanay ku noqotay culay dhaqaale oo aau awoodi Karin jeebka qoyske ay afada u tahay ,

Waxa ku bilaabmay xanuun  maqaar waxa kasoo baxay dhamaan wajiga finan waxay u tagtay dhakhtar si ay ula tacaasho xanuunka ay sababtay dawadi ay isku cadaynayasay,

Dawada dumarku isku cadeeyaan caafimad ahaan waxay halis ku tahay maqaarka jidhka la marnayo madaama ay tahay kimiko aan logu talo hlain in laysku cadeeyo ,

Waxay tagtay dhakhtar Ethiopia ah si ay uga raysato ugana caafimado  xanuunka maqaar ee ay waxba ka qaban wayeen dhakhatiirta dalku nasiib daro se way wayday quruxdeedi qaaliga ahyd ,

Waxay kula taliyeen dhamaan dhakhaatiirta ay isu dab martay inay dawada ay marsatay faraha ka qaado oo ay joojiso si ay u ladnaato oo ay finanku uga ba?aan haaraha wajiga qariayayna uga ladnaanto,

Hadii ay dayso waxay noqonaysa madaw qudcura oo aan la eegi karayn madaama midabkeedi hore gubtay, hadii ay sii wadan wajigu wuu mililayaa   umana  adkaysan karto kulaylka kimikada laysku cadaynaayo,

Quruxdoonkeedi waxay ka dhaxayshay fool xumo aan la maarayn karin dhamaan waxa wajigeeda ku daliigmay haaro iyo finan ay u dheertahay hafeefad iyo iyadoon xamili karayn kulaylka milicda iyo  karinta cuntada ,

Waxa soo kala dhe xglay iyadaiyo odaygeedi khilaaf ba?n oo gaadhay heer kala tagid madama ay kharash badan galiso bil kasta ilaalinta midabkeeda iyo caafimadka wajigeeda oo ay iyadu doonantay, yaxyena wuxuu ugu tag wayay inay dawada joojiso oo ay iska dayso madaama aanu awoodi Karin laba biil ,

Waxa dayacmay gurigii oo ay ka mashquushay waxay ku jeeda sidii ay ula ytacaali lahayd xaalada culus ee ay gashay ee aadka u adag,

Waxay isu daba marysa dhakhtarka iyo bushaarada hadba xayaysiisa dawo so celinaysa midabka inkastoo ay been  tahay midabkii eebe kuu dhaliayay ee aad halaysay in dawo la dhoobdhobay soo celnkarto mana soo celin karto midabka dabiiciga ah kimkio la huurshay oo magacyo kala jaadjada loola baxay,

Hadhkii qado doonimasyid

Madbikhii ku hagaagi maysid

Sidii haan guriga taala

Halkaasad yuururta

Ma hiirtan shaqo tagaayo

Hantaan kuu raadiya

Mise dugaagan ku haybinayiyo

Bisaaskan kaa hor jooga (abwaan ibraahin dayrwaa)

Waxa yimi khilaaf ba?an oo soo kala dhexgalay deeqa iyo odaygeeda is fahanla?aan aakhirkiina waxa ku gabagabowday furiin iyo in warqadii uu siiyo yaxye xaaskiisi Deeqa,

Waxa kusii fiday Deeqa xanuunki maqarka ee ay ka dhaxashay dawada waxanay go?aankedi ugu danbeeyay  inay joojiso dawada waxkasta ha dheeceene,  waxay bilawday xidhashada naqaam si ay isugu qariso waxayna qoomamaynaysa hadh iyo layl dawadi ay marsatay iyo saamaynta ay ku yeelatay mustaqbalkeedi,

Wuxuu yidhi eebehen waxaan aadamiga u abuuray abuur kii ugu qurux badna,  qofkasta oo bani aadama hadii uu madawyahay iyo hadii uu casaan yahayba wuxuu eebe u  abuuray  qurux iyo suurad gooniya oo qurux badan,

Inbadan oo  ka mida hablaha somaliyeed  waxay  qawaden quruxdii eebe u abuuray oo ay ka door bideen xayaaysiis gaalo iyo dawo aan la garanayn wax laga sameeyay oo dhib iyo dhaawac u horseeday hablo badan oo ku ciyaaray midabkoodi dahabka ahaa,

Malaga yaaba quruxdoonkaagu inuu kuu keeni fool xumadaada,

Malaga yaaba bedelka abuurka alee inuu kuu horseedo ciqaab iyo cadho waarta,

Malaga yaaba kalsooni daradaadu inay kuu keento qoomamayn iyo is ciil kaanbi

Dhakhaatiirbadan ayaa ka digay halista caafimad ee laga dhaxlo daawoyinka kimkimada ah waxay tilmaameen inay horseedan  xanuuno maqaar oo aan dawo lahayn taas oo ay dhaxalaan haweenka isticmaaala,

Dawada laysku cadeeya waxay burburisa  dhaqaalaha qoysas badan  maadama kharshbadani galyo iibsiga dawada ,

Hablo badan ayaa  ka dhaxalay halis cafimadoo ilaa hada midabkoodi qaaliga ahaa ee ay lumiyeen hadh iyo habeen xidhan naqaam ,

Hablo badanina waxay u hanqal taagayaan marsiga dawada oo ay aaminsanyihiin in quruxi ugu kordhayso balse waa dhalanteed waayo quruxda eebe mid ka qiima badan oo ka qaalisnai ma jorto aduunkana ma taal,

Culimadu waxay tilmaameen in ciqab iyo cadho rabi laga dhaxalaayo dawada ay dumarku isku cadeeyaan maadam aay tahay badalida  aabuurka alle,

Waxay leeyihin hablaheena somaliyeed midab qurux badan oo qaaliya hide iyo dhaqana aynu uleenahay dalkasta midabu leeyahay oo uu ku faanna lama arag umad  ka cararta midabkodi hooyo oo u cararta midab  bulsho kale eebe u sameeyay,

Hablaha ku hamiyaya waa inay ka saaaran hamigooga aafada dawada laysku cadaynaya ay wadato iyo caafimad darada laga dhaxlayo,

Inta wada ee hada marsataaana waa inay illaahay u toobadkeenan oo ay iska daayan iibsiga quruxda dhalanteedka ah ee mudada gaaban kusoo koobmaysa kana fekeraan halista caafimad ee ay dhaxlasiinayso kimikadu ,

Raguna waa inanay ku xulan lamaanaha ay nolosha la wadagyaan midbka cas ee ay ku xushaan kartida ,aqoonta ,dadnimada, hawlkarnimada,edaabta, akhlaaqda, dumarku is dheeryiniin,

Waa in aynan ku dhiirigalin hablaheena marsashada aafada dawada oo diin ahaan dhaqan ahaan dhaqaalaha ahaan caafimad ahaan wanagsanayn oo dhib iyio dhawaac habli ka dhaxleen,

Inanban la sheekaystay waxan waydiiday sabata ay dawada u marstay ee ay u bedeshay midabkeedi dabiciga ahaa ee quruxda badna waxay igu tidhi, raggu ma xiiseyaan dumarka madaw umana dhega nugla quruxda dumarkuna waa casaanka horena waxa loo yidhi casaan qurux kma qatana marka intii aan mustaqbal iyo calaf seegilaha maan dawo marsado ,si aan unoqodo gabadh cas oo raggu xiiseeyan una helo guur iyo guri,

Waxan dareemay in hablaha intooda badan kalsooni daro hayso oo ay aaminsan yihiin casaanku inuu soo jiito raga, waxanse cabiray dareenak raga waxana isoo baxday ragguna  inay xiiseeyan midabka inanta ay nolosha la wadagayaan balse aanay eegin sidii berigii hore gaarinimada iyo kartida gabadha,

Shacab ahaan dawlad ahaan waa in la kaantarola dawooyinka halista badan ee dalkeena soo galaya kuwasi oo aafeeyay hablaheeni,

Waa in dukamada ka ganacsada eebe u tawbad kenan madaama ay danbi tahay in quruxda iyo abuurka ilahay ka baedelo ,

Wa in aynu culimadu waxyigalisa hablaha kana dhaadhiciyaan danbiga ku jira hadii la bedelo ola qawado quruxda illahay ku galaday qofkasta oo aadamiya,

Waa in aanay hablaha dhigoodu waa inaga ragge ku dhiiri galin isticmaalaka dawada oo aynu tixgalinya dadnimada iyo kartida eebe ku galaday hablaha waqtiga xulshada guurka ,

Quruxdu waa qalbiga  ee quruxdu maaha midabka qofku leeyahay,

 

Markaad baadiyaha joogtay
Markaad baxsaneey yarayd
Bacadka kamaad dhuumanayn
Hadeer bilicdaadi meeday
Burjiguu eebe kuu sameeyay
Bidhaantiyo haybadaadii
Bulshadu ay kugu tiqiinay
Maxaa ku bedelee ku biiyay
Binaafad miyaad danmooday
Balayiyo dawo lahuurshay
Miyaad u badheedhay hooga
Miyaad bilicdaadi wayday
Barqadi suuq ma aadi wayday
Sidii baradho maw bislaatay
Babay iyo basal la hurshay
Jidhkaagi masooo bukhuray
Biilkii iyo masruufkii
Bilaneey nafaqadii caruurta
Binaafad markaaad ku gadatay
Ma baylahay qoyskad dhaqaysay
Barbaarti habli faacaaga
Hablii bilaneey is dhawray
Hablii aan bi?in jidhkooda
Hablii binaafada diiday
Miyay barbarkaaga baydheen
Bulshadii makuwada takortay
Markaad bilicdaadi wayday

Maxamed sadiiq cabdilaahi
Hargeisa Somaliland
Cadaalada5@hotmail.com

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: