Waxa aanu rajaynaynaa in dhawaan dalka Ingiriisku qabanqaabin doono shirwayne u gaar ah Somaliland oo lagaga hadli doona Maalgashiga iyo arimaha dhaqaalaha dalka oo sanadkan horaantiisa lagu wado inuu qabsoomo si loo horumariyo dhaqaalaha iyo khayraadka dalka

Waxa Horaanta 2013-Ka Ingiriisku Qabanqaabinayaa Shirwayne U Gaar Ah S/Land Oo Lagaga Hadli Doono Maalgashiga Iyo Dhaqaalaha Dalka” Dr. Maxamed C/Laahi Cumar

Hargeysa, January 9, 2013 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka waramay nuxurka socdaalkiisii dalka Britain uu ku tagay, kaas oo sheegay inuu halkaas kula kulmay Saraakiil sarsare oo ka tirsan dawladdaas oo uu ka mid yahay Wasiirka Afrika u qaabilsan dalka Ingiriiska oo ah Masuul cusub oo magaciisa la yidhaahdo Mr. Mark Simmonds, kaas oo uu tilmaamay inay ka wada hadleen arimo ku taxaluqa xidhiidhka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa. Dr. Maxamed C/laahi waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay Haatuf Waraysi khaas ah ku siiyey khadka telefoonka isaga oo ku sugan Magaaladda Adis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu hada ku joogo booqasho shaqo, ayuu ku shaaciyey in horaanta sanadkan 2013-ka dalka Britain uu marti-galin doono shirwayne Somaliland u gaar ah oo lagaga

hadlayo Maalgashiga iyo dhaqaalaha dalka sidii loo horumarin lahaa, kaas oo xusay inay shirkaas hindisihiisa lahayd xukuumadda London. Wasiirka Khaarajigu waxa kale oo uu sheegay inay dhawaan dib u furmi doonaan wada-hadaladii Somaliland iyo Somalia u dhaxeeyey, kuwaas oo uu tibaaxay inaan wali si dhab ah la iskula meel-dhigin wakhtigan iyo halka ay rasmi ahaan ka furmaan wada-hadaladaasi, kaas oo sidoo kale shaaca ka qaaday inaanu waxba iska badelin mawqifkii xukuumadda Somaliland ka qabtey in wada-hadaladaas lagu soo doro xubno dhalasho

Wasiirka arrimaha Dibedda Somaliland, Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo jooga shirkii Istanabul, 2012

ahaan ka soo jeeda dalka, isla markaana si cad uga badheedhay inay carqalad ku noqonkarto hadii Wasiirka Amuuraha dibada ee Somalia Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Magaalada Hargeysa lagu soo daro xubnaha maamulka Muqdisho uga qaybgali doona wada-hadalada labada dhinac ee la filayo inay dhawaan qabsoomaan. Waxaanu ugu baaqay Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu u hogaansamo heshiiskii ay xukuumaddii Sheekh Shariif la gashay Somaliland, si buu yidhi ay wada-hadaladaasi wakhtigii loogu talo galay ay ugu qasoomaan. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya socdaalkiisa Ingiriiska,waxa uu yidhi “Intii aan joogay dalka Ingiriiska waxa noo suurta gashay inaanu wada-hadalo la yeelano dawladda Britain oo xidhiidh iyo wada-shaqayn muglihi ka dhaxayso Somaliland, waxaanan la kulmay Wasiirka dalkaas u qaabilsan Afrika oo ah Wasiir ku cusub xilkan waxaananu iswaydaarsanay afkaar iyo aaraar ku saabsan labada wadan gaar ahaan dhinaca Nabadgalyada, Siyaasada iyo xaga Dhaqaalaha”. Wasiirku mar uu ka hadleyey shir hindisihiisa ay iska lahayd dawladda Britain oo dhawaan Somaliland ka qaybgali doonto, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa aanu rajaynaynaa in dhawaan dalka Ingiriisku qabanqaabin doono shirwayne u gaar ah Somaliland oo lagaga hadli doona Maalgashiga iyo arimaha dhaqaalaha dalka oo sanadkan horaantiisa lagu wado inuu qabsoomo si loo horumariyo dhaqaalaha iyo khayraadka dalka, kaas oo aanu dawladda Ingiriiska ka codsanay hindise ay iyadu markii hore soo jeedisay inay inaga caawiso in deeqbixiyayaasha iyo maalgashadayaasha caalamiga ah iyo shirkadaha daneeya arimahaas inay shirwayn oo iyadu qabanqabisay ay noo qabato, taas oo ah arin u gaar ah horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, waxaana la filayaa in bilaha ugu horeeya ee sanadkan 2013-ka uu shirkaasi furmo Insha Allaah. Waxa kale oo aanu uga mahadnaqnay dawladda Ingiriisku taageerada ay sida tooska ah u siiso Somaliland oo taariikhda markii ugu horaysay hirgalay sanadkii 2012-ka ee dhamaaday oo lacag dhan ilaa 52 Malyan oo Doollar oo ay Somaliland ku caawiyeen Britain iyo Denmark, markaa arintaas aad ayaanu ugaga mahad celinay oo waxaananu jecel nahay inay halkaas ka sii socoto xidhiidhka ka dhaxeeya dalalkaas iyo Somaliland”. Dr. Maxamed C/laahi mar wax laga waydiiyey waxa ka jira inuu dalka Ingiriiska kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Marwo Foosiya Xaaji Aadan Qabile, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Arintaasi waa mid aanay waxba ka jirin, ma jirto meel aanu ku shirnay ama aanu ku kulanay Masuuliyiin ka socota Somalila haday Wasiirka Khaarajiga tahay iyo haday cid kale tahayba, markaa safarkaygu markii hore shirkaas aan kuu sheegay ee Ingiriisku qabanayo ayuu ahaa markii danbena waxa aanu ka shaqaynay hawlihii dalka ee naga horyimid, markaa haba-yaraatee ma jirto meel aanu kulano kula yeelanay madaxda Muqdisho”.

Mar uu ka hadlayey halka ay marayaan wada-hadaladii Somaliland iyo Somalia waxa uu yidhi “Dawladda Ingiriisku waxay cadaysay inay taageersan tahay oo ay halkii ka taagan tahay taageeradii shirkii Somaliland iyo Somalia ee hore London uga furmay, waxaanay diyaar u tahay shirkaas fududayntiisa iyo arimihiisa, waxaana mawqifkaas ku wehelinaya Ingiriiska dhawr dal oo reer galbeed ah oo kale, laakiin wali ma jiro wakhti mucayin ah oo la isku raacay oo uu shirka Somaliland iyo Somalia dib u furmi doono, sidoo kalena ma jirto goob la isku raacay oo uu shirkaasi ka qabsoomi doono, isla markaana waa arimaha imika la filayo inaanu dawladda Ingiriiska kala hadalno Insha Allaah”. Mar Wasiir Maxamed C/laahi wax laga waydiiyey inay wax iska bedeleen mawqifkii hore ee xukuumadda Somaliland ka qaadatey markii wada-hadalada ay la yeelanaysay Somalia uu Madaxwaynihii hore ee dalkaas Sheekh Shariif ku soo daray xubno Somaliland ka soo jeeda, waxa uu sheegay inaanay waxba iska badelin mawqifkaas hore, waxanu yidhi “Mawqifkii Somaliland ee ku wajahnaa qabashada shirka Somalia

aanu la yeelanayna iyo xubnaha ka soo qaybgalayaba ee aanu hore ugula heshiinay dawladda Soomaaliya waxba iskamay bedelin”. Dr. Maxamed C/laahi mar la waydiiyey go’aanka ay ka qaadanayaan Wasiirka Arrimaha Debadda Somalia Foosiya Xaaji Aadan oo ah haweenay dhalasho ahaan ka soo jeeda caasimada dalka ee Hargeysa hadii ay wajiga labaad ee shirkaas inay ogol yihiin inay ka soo qaybgasho iyo inkale, waxa uu yidhi “Waxaan filayaa arintaas Wasiirka Khaarajiga ee Somalia waxay ka hor imanaysaa heshiiskii hore ee Somalia iyo Somaliland ay gaadheen oo la isla meeldhigay inaan shaqsi dalkan dhalasho ahaan ka soo horjeeda lagu carqaladayn wada-hadalada labada dhinac, markaa waxaanu madaxda dawladaasna ugu baaqaynaa inay carqalada ka ilaaliyaan oo ay u hogaansanaadaan wixii ay labada dhinac

hore ugu heshiiyeeen”. Wasiirka Khaarajiga Dr. Maxamed C/laahi Cumar mar wax laga waydiiyey ujeedada socdaalkiisa uu wakhtigan u jooga dalka Ethiopia oo uu ku sugan yahay, waxa uu yidhi “Ujeedada safarkaygan aan hada Adis-ababa ku joogaa waxa weeyi inaan kulano la yeesho masuuliyada dalkan Ethiopia aan kulamo la yeesho, sidoo kale waxa aan mudadaas kulamo la yeelan doonaa Diblomasiyiin iskugu jira kuwa jaarka ah iyo kuwo kale oo fadhigooda yahay Adis-ababa, waxaanan kula hadli doonaa xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalkooda marka ay intaasi ii dhamaatana waxa aan ku soo guryo noqon doonaa dalka Insha Allaah”.

Xigasho: Haatuf

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: