Ereyo Asal ahaan Carabi ku Aroora oo ku Biiray Luqadda Ingiriisida

 

Ereyo Asal ahaan Carabi ku Aroora oo ku Biiray Luqadda Ingiriisida


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 10, 2013
London-(HWN)-Waxa jira kalmedo badan oo afka Carabiga qarniyo ka hor laga soo maan-guuriyey oo si toos ah uga mid noqday luqadda Ingiriisida, isla markaana dalalka

London-(HWN)-Waxa jira kalmedo badan oo afka Carabiga qarniyo ka hor laga soo maan-guuriyey oo si toos ah uga mid noqday luqadda Ingiriisida, isla markaana dalalka afka Ingiriisida hadlaa ku fanaan.

Kelmadaha asal ahaan Carabiga ku aroora ee ku biiray luqadda Ingiriisida waxay isugu jiraan magacyo, ficillo iyo cilmi.

Haddaba, waxaynu qormadan ku soo qaadan doonnaa kelmado kooban oo ka mid ah kelmadaha Carabiga ku abtirsada ee ku biiray luqadda afka Ingiriisada ee waqtigan dunida oo dhan laga isticmaalo.

Xog-baadhis ku saabsan ereyadaas oo uu dhowaan soo bandhigay wargeyska wargeyska Gulfnews ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta waxa ka mid ah:

1. Erayga Magazine:

Magazine oo macnaheedu yahay bakhaar milleteri waxay ka timi kelmadda Carabiga ah ee la yidhaa Makhazin oo asal ahaan ku aroorta eryaga Khazan oo la macno ah bakhaar, waxaanay markii ugu horraysay ee Ingiriisida loo maan-guuriyey ay ahayd sannadkii 1228, iyadoo xaflad beddelka kelmaddaas loo sameeyeyna lagu qabtay magaalada Marseilles ee dalka Ingiriiska

2. Erayga Shufti

Erayga Shufti oo luqadda Ingiriisida ku ah digtoonow, waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa Af-carabiga.

Ciidammadii Ingiriiska ee sannadihii 1950 ilaa 1960-kii dagaalkii 2aad adduunka kadib joogay magaalada Qaahira ee waddanka Masar iyo koonfurta Yemen, ayaa eraygan u beddelay luqada Ingiriisida, intaas kadibna waxa uu si baahsan ugu faafay ciidammada dalkaas iyo mujtamaca kale ee bulshooyinka waddamada lagaga hadlo Ingiriisida.

Macno ahaan waa eray ka mid ah kelmadaha Af-carabiga looga yaqaan suuqdiga oo inta badan laga isticmaalo meelaha bulshadu ku kulmaan sida maqaaxiya iyo suuqyada, kaasoo macnahiisu yahay digtooni qaado markaad wax ilaalinayso amma taxadir.

3. Erayga Lute

Eraygan oo marka luqadda Ingiriisiga loo adeegsado ah kaman (qalabka muusiga ee la tumo), waxa uu ka mid yahay kelmadaha asal ahaan ka soo jeeda Carabiga oo laga soo dheegtay erayga Al-cuud, kaasoo sannadkii 1300 si toosa uga mid noqday Ingiiriisgida, sidoo kalena ku jira luqadda Spanish-ka (Alod) oo isaga leftiisa looga jeedo kaman, waxaannu Af-spanish-ka si rasmi ah ugu biiray sannadkii 1200-kii.

4. Erayga CHEMISTRY

Eraygan waxa uu ka bilaabmay erayga Carabiga ah ee Al Kimiya, macnahiisuna yahay alchemy, kaasoo ah cilmiga lagu barto walxaha kiimikada  ah, waxaannu qaarada Yurub ku gaadhay uu qoray Ploto Tiburtinus, kadib markii uu qarniyadii dhexe magacan ka soo maanguuriyey luuqada Carabiga.

5. Erayga ARSENAL

Erayga Arsenal waxa uu ku daba leeyahay erayga carabiga ah ee Dar Al Sinca oo macnahiisu yahay Gurigii wax-soo-saarka, markii ugu horraysay ee luuqada Ingiriisigu isticmaashayna waxay ahayd qarnigii 15aad, xilligaas oo loo isticmaali jiray dib u habaynta maraakiibta, taasoo macnaheedu tahay in kelmadan Talyaaniguna u yaqaan Darsana.

6. Erayga ALGEBRA

Xisaabta aynu u naqaan Algebra waxay ka timi Al Jabr oo macnaheedu yahay in wax qurbo loo kala jejebiyo, waana xisaab oo ka bilaabantay buug uu carabi ah oo la yidhaa Al Kitab Al Mukhta?ar Fiisab Xisab Al Jabr Wa Al Muqabala oo qarnigii 19aad uu qoray xisaabyahanka Carbeed ee Al Khwarizmi, asal ahaana waa halka uu erayga ku daba leeyahay luuqada Carabigu.

8. Erayga GIRAFFE

Erayga Giraffe oo ah eray asal ahaan aasaaskiisu ku dabo leeyahay luuqada Carabiga oo macne ahaan ah Garay ayaa  Ingiriisiga si toos ah uga mid noqday, waxaannu Carabiga kelmada loo yaqaan xayawaankani yihiin Al Jawahiri amma Al Zarafa.

Erayga Giraffe eray Carabi ah, balse luuqada Ingiriisiga iminka ku dhex milmay, xayawaankana waxa luu waqtiyada aad caan ugu yahay qaarada Afrika oo aad looga helaa, isagoo ka dambar go?ay waddamada Carabta iyo Yuruba.

9. Erayga ADMIRAL

Erayga Admiral waxa uu ka yimi erayga Carabiga ah ee Amir Al Bihar, kaasoo macnahiisu yahay taliyaha badda, kaasoo Carabtu hore ugu isticmaali jiartay dadka bad maaxyada, balse xarafka D ayaa waxa ku daray maxkamad garsoorayaal maxkamadeed oo la odhan jiray Elizabethan England, kuwaasoo xarafkan ku daray aqoon la?aan ka haysata xagga Carabiga aawadeed, sidoo kalena Luuqada Faransiiska wuu tegay eraygan oo iyagna waxay yidhaadaan Amiral.

Ugu dambayntii luuqado badan oo kala duwan ayaa si toos ah u gala qaamuuska Ingiriisiga, kuwaasoo kuwa ugu badan ay yihiin luuqada Carabiga iyo Hindiya.

Wariye Ibraahim Khadar Sa´ed.
Hadhwanaagnews
ibraahimkhs@hotmail.com
 Xigasho: Hadhwanaagnews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: