Halkan ka daawo muuqaalo/sawirro wefti reer Somaliland oo ka qayb galay aaskii guddoomiyah bangiga dhexe ee Jabuuti marxuum Maxamuud Jaamac Xayd

 

Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Jabuuti Oo Aas Heer Qaran Ah Caawa Loogu Duugay Jabuuti Iyo Wufuudii Ugu Miisaanka Cusleyd Ee Somaliland Iyo Caalamkaba ka kala timid DAAWO SAWIRADA.


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 12, 2013
MUSTAFA JANAALE OO DJIBOUTI KUSUGAN Jabuuti(HWN):-Alle ha u naxariiste guddoomiyihii Baanka dhexe ee jamhuuriyadda Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd ayaa caawa Abaaro 8:20 saacada Geeska Afrika aas heer qaran ah loogu

Jabuuti(HWN):-Alle ha u naxariiste  guddoomiyihii Baanka dhexe ee jamhuuriyadda Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd ayaa caawa Abaaro 8:20 saacada Geeska Afrika aas heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Meka-duus oo ku yaala meel magaalada u jirta 12-KM, kadib markii uu ku geeriyooday Xalay oo ay taariikhdu ahayd 11/1/2013 Magaalada nairobi ee dalka Kenya oo hawlo caafimaad loogu qaaday.

Diyaaradii lagu siday marxuumka, Daalo Airlines

Jinaasada Aaska Marxuumka oo si heer qaran ah loo aasay ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle wufuudo kala duwan duwan oo isaga kala yimid qaar ka mida Waddamada Geeska Afrika iyo kuwa Caalamkaba ayaa waxa ugu weyna Wefti miisaan culus oo ka yimid Somaliland oo uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Dr. Maxamed CabdilaahiCumar oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale,Marwada kowaad ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, iyo Wasiirka Warfaafinta Abiib Diiriye Nuur, Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka XAQSOOR Xasan Ciise Jaamac, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid, Guddoomiyaha Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM Cabdikariin Maxamed Iid, Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Cabdi-Waraabe, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indhoindho), Ganacsato, aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo marti sharaf tiro baddan.

  Cabdi Waraabe oo ka mid ahaa weftiga Somaliland ka socda oo garbaha ay hayaan, raysal wasaaraha dalka Jabutii Dileto . iyo Indho buur ooah xubin gurtida Somaliland.

 

Halkan hoose taabo!!!!!!!!!!

Wefi her qaran ah oo Somaliland oo ka qayb galay aaskii guddoomiyihiibangiga dhexe ee Jabuuti marxuum, Maxamuud Jaamac Xayd, halkan waxaa taagan oo aaska ka soo qayb galay , Dhinac bidix, Maayarka cusub ee caasimadda Somaliland, Hargeysa, Yuusuf  Warsame Siciid, wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland, Maxamed Xaashi Cilim, wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland, Abiib Diiriye Nuur.

Madaxdii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Dhinac bidix waa Maayarka cusub ee caasimadda Somaliland, Hargeysa, Yuusuf  Warsame Siciid, wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland, Abiib Diiriye Nuur, Guddoomiyha 2 aad ee baarlamanka Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax, iyo wasiirka maaliyadda Somaliland, Cabdicasiis Samaale

 

Wasirka arrimaha Dibedda Somaliland, Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka madaxtooyada Somaliland,  Xirsi Cali Xaaji Xasan

Jinaasada Aaska Marxuumka oo si heer qaran ah loo aasay ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle wufuudo kala duwan duwan oo isaga kala yimid qaar ka mida Waddamada Geeska Afrika iyo kuwa Caalamkaba ayaa waxa ugu weyna Wefti miisaan culus oo ka yimid Somaliland oo uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Dr. Maxamed CabdilaahiCumar oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale,Marwada kowaad ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, iyo Wasiirka Warfaafinta Abiib Diiriye Nuur, Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka XAQSOOR Xasan Ciise Jaamac, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid, Guddoomiyaha Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM Cabdikariin Maxamed Iid, Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Cabdi-Waraabe, Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indhoindho), Ganacsato, aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo marti sharaf tiro baddan.

Xigasho: Hadhwanaagnews

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: