Shirkadda tagaasida ee Hargeysa Taxi oo adeegyo soo kordhisay

Wasiirka Dib Udajinta Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Adeegyo Cusub Oo Ay Soo Kordhisay Shirkada Tagaasida Ee HARGEYSA TAXI Wajigii Labaad.

 

Adeegyadaasi Shirkadu Soo Kordhisay Ayaa ka Kooban Baabuur Oo Ukala Gooshi Doonta Gobolada Somaliland… Daawo Sawirro badan

Hargeysa (GNS)- Wasiirka Dib U Dejinta Somaliland Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye Ayaa maanta Xadhiga ka Jaray Adeegyo Cusub Oo Ay Soo kordhisay Shirkada Tagaasida Ee HARGEYSA TAXI.
DSCN5133
Adeegyadaasi Shirkadu Soo Kordhisay Ayaa ka Kooban Lix Baabuur Oo Ukala Gooshi Doonta Gobolada Somaliland Halka Ay Shirkadu markii Hore Soo Bandhigtay Baabuurka Shaqaysa Gudaha Magaalada Hargeysa.
DSCN5067
Munaasibad Baabuurtaasi lagusoo bandhigayey Oo Ka Qabsoontay Xafiiska Guud Ee Shirkada Hargeysa Taxi Ayaa waxa kasoo Qayb galay, Wasiirka Wasaarada Dib U Dejinta Somaliland Saleebaan Ciise Xaglotoosiye, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Axmed Cumar X.C/laahi (Xamarje), Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed maxamuud Cali (Jeeni Yare), Maayir Ku Xigeenka Degmeda Gabiley Cabdi-Iid yuusuf goole, Sheekh Aaden X.Maxamuud Xirsi (Sheekh Aaden Siiro), Xoghayaha Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland Eng: Yuusuf Cumar Xaashi, Mulkiilaha shirkada HARGEYSA TAXI C/kariin Saalax Maxamuud, Agaasimaha Guud Ee Shirkada Hargeysa Taxi Maxamed Jaamac Baaruud.


DSCN5091
Ugu Horayn Waxaa Munaasibadaasi Hadal kooban kasoo Jeediyey Agaasimaha Guud Ee Shirkada Hargeysa taxi Maxamed Jaamac Baaruud Isaga oo Mahadnaq balaadhan Usoo Jeediyey Dhamaan Dadwaynaha Kasoo Qayb galay Xafladaasi Waxaanu Yidhi “ Waxaan Umahad naqaynaa Dhaamaan Cid Waloo Kasoo Qayb Galshay Sida Xubnaha Kasocda Xukuumada, Culimada, Iyo Dadwaynaha Kasoo Qayb Galayba Gabi Ahaan Waan Idiin mahad Naqaynaa” Ayuu Yidhi
DSCN5100
Sidoo Kale Waxaa Isaguna Munaasibadaasi Hadal Kooban kasoo Jeediyey Mulkiilaha Shirkada tagaasida Ee HARGEYSA TAXI C/kariin Saalax Maxamuud Oo Ku Dheeraaday Marxaladihii Kala Duwanaa ee Ay Soo Martay Shirkada HARGEYSA TAXI waxaanu Yidhi “ Markii Hore Shirkada HARGEYSA TAXI Waxaanu Ku Bilownay Gaadiid Magaalada Dhexdeeda Ka Shaqeeya Markaanu Aragnay Baahida Loo Qabo Markaanu Aragnay In Dadka Wadanka Ku Cusubi Ay Kala garan Waayeen Baabuurkii tagsiga Ahaa iyo Baabuurkii barayfadka Ahaa Waxaanu Keenay tagaasi ka Dhex Shaqeeya Magaalada Kuwaasi Oo Leh calaamada tagaasida Caalamka U gaarka Ah” Ayuu Yidhi.
DSCN5099
Sidoo kalenaMulkiiluhu Waxa Uu faah-faahin Ka Bixiyey Adeegan Cusub Ee Uu Kusoo kordhiyey Shirkada waxaanu Yidhi “ Baabuurtani Aanu Hada Keenay Waxa Ay Ka SHaqayn Doonaan HARGEYSA ILAA BERBERA HARGEYSA ILAA BOORAME HARGEYSA ILAA WAJAALE Waxaananu Ku Tlo Jirnaa Hada Inaanu Sida ugu Dhakhso Badan Usoo Kordhino Iyaguna Tagaasi ka Shaqeeya Laascaanood Ilaa Hargeysa Waanu Keenaynaa Sida ugu Dhakhso Badan” Ayuu Yidhi
DSCN5092
Waxaanu Mulkiiluhu Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay Inay Cashuurta Ku Waajibtay ka Qaado Gaadiidka Ganacsiga Uuna Diyaar Uyahay In Laga Qaado Cashuurta Ku Waajibtay Isaga Waxaanu tilmaamay Hadii Cashuurta Laga Qaado Gaadiidlayda ganacsiga In Dalkeenu Horumar Dhanka Wadooyinka Ah Samayn Karo Isaga Oo Xusay Inuu ka Qayb Qaadanayo Dhismaha Jidka Isku Xidha kalabaydh Iyo Wajaale.
DSCN5090
Isaguna waxaa Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Maayir Ku Xigeenka Gobolka Gabiley Cabdi yuusuf Goole Isaga Oo Mahadnaq balaadhan usoo Jeediyey Mulkiilaha Shirkada HARGEYSA TAXI Ugana Mahad Celiyey Balanqaadka Uu mulkiiluhu Sameeyey ee ah Inuu Ka Qayb qaadanayo Jidka Isku Xidha kalabaydh iyo wajaale waxaanu Sheegay Inay ka Maamul haan Soo Dhawaynayaan lana Shaqayn Doonaan.
DSCN5088
Abwaan Baarleex Oo Isaguna Madashaasi Hadal Kooban kasoo Jeediyey ayaa Mdashaasi Kasoo Jeediyey Suugaan uu Ku Amaanayo Shirkada Hargeysa Taxi Iyo Waxqabadkeeda.
DSCN5081
Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Axmed Cumar X.C/laahi (Xamarje) Oo Isaguna Madashaasi Ka Hadlay Ayaa Mahadnaq Balaadhan Usoo Jeediyey Mulkiilaha Shirkada HARGEYSA TAXI Isagoo Sheegay Inuu Yahay Muwaadin Ku Dayasho mudan Yahayna shakhsi ka Shaqeeya Horumarka Dalkeena.
DSCN5084
Sheekh Aaden X.Maxamuud Xirsi (Sheekh Aaden Siiro) oo Isaguna Madashaasi Ka Hadlay ayaa Munaasibadaasi kasoo Jeediyey hadal iskugu jira Duco iyo dardaaran isaga Oo Mulkiilaha Shirkada ugu Duceeyey Inuu ilaahay U Barakeeyo ganacsigiisa.
DSCN5096
Geba-gebadii munaasibadaasi waxaa Hadal kooban Kasoo jeediyey Wasiirka wasaarada Dib Udejinta Somaliland Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye isaga oo Maamulka Shirkadaasi Ku hambalyeeyay Hawlaha Horumarineed Ee Ay ka wadaan Dalka Isagoo Xusay Inay ka Dawlad Ahaan Diyaar U yihiin Waxka Qabashada Waxkasta Oo u Fududaynaya Inay Kordhiyan Ganacsigooda lana Shaqayn Doonaan.
DSCN5120
DSCN5117
Si Kastaba Ha Ahaatee waa markii Ugu Horaysay Ee adeegyo noocan oo Kale Ah Dalka laga Hirgaliyo Shirkada Hargeysa taxi Ayaa Noqonaysa Shirkadii Ugu Horaysay Ee Adeegan Wadanka Keenta.
DSCN5063
DSCN5110
DSCN5131
DSCN5137
DSCN5138
DSCN5139
DSCN5128
DSCN5078
DSCN5075
DSCN5072
DSCN5076
DSCN5077

Guuleed Yare
Gabiley News Reporter
Hargeys a Somaliland


Published: 2013-02-03

Xigasho: Gabilenews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: