Wefti Sucuudiga ka yimid oo Somalland soo booqday

(Hadhwanaagnews) Sunday, February 03, 2013
Warsaxaafadeedkaas ayaa waxa uu dhignaa sidatan ?Waxaa dalka jamhuuriyadda somaliland soo gaadhay wufuud ka timid

Hargaysa(HWN):-Xafiiska Samo-falka Somailland ayaa Warsaxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen inay Dalka yimaadeen Wafuud ka socotay Dalka Sucuudiga, kuwaasoo ay sheegeen in Markii ay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ay la kulmeen u soo jeeiyey Amaan iyo bogaadin ku Saabsan.

dalka Boqortooyada Sacuudiga wufuudaasi oo kala ah :- 1- Wafdiga kobaad wuxuu ka socday ururka dacwada islaamka ee afrika oo u maddex u yahay amiir Bandar Bin Musaacid Al Sucuud wafdigaasi oo dalka soo gaadhay maalmahan na soo dhaafay oo ka soo dagay madaarka Berbera waxaana u hogaaminayay Guddoomiyaha hay´adda Sh. Muxsin Bib Cali Al Muxsin iyo Sh. Yusuf Al qufayli oo Xubin sarre ka ah Gudidda. Waxaana Madaarka Berbera ku soo dhaweeyay Sarkaal  ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibedda somaliland Mr. Fahmi Qaasim Maxamed Maddexa qaybta Waqooyiga Africa iyo bariga dhexe iyo Agaasimaha Samo-falka Madaxtooyada Mr Siciid Cabdi Gaboobe iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil. Waftigaasi oo Wasaaradda Arrimaha Dibeddu martiqaad rasmi ah u fidisay oo dalka joogay saddex cisho iyada oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda u diyaarisay barnaamij kulamo ay kula yelanayaan Madaxda Wasaaradaha kala duwan ee arrintani iyo wafdigani khuseyso , waxaa kulamadoodi ugu horeyay la yeesheen Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyada oo loo gudbiyay National Plan kii ee shanta sanno soo socota ee baahiyaha horumarineed ee kale duwan wasaaradda arrimaha dibedda oo ay kula kulmeen maddexda wasaaradda iyada oo kulamadaasi ay ku dhamaadeen jawi is afgarad . Wasaaradaha kale ee ay la kulmeen waxaa ka mid ahaa wasaaradda macdanta iyo biyaha, wax barashada, caafimaadka iyo xafiiska samafalka maddextooyada  waxayna booqashadooda dalka ku khatimeen kulan ay la yeesheen Maddexweynaha Somaliland Mudane AXmed Maxamed Maxamoud ( Silaanyo) . Ujeedada wafdigan sicdaalka ku yimi dalka waxaa uu daarnaa in ogolaansho ka helo wasaaradaha wax barashada iyo caafimaadka si ay bishan lixaad ee soo socota ay dalka ka fulin lahaayeen hawlo dhinaca caafimaadka ah iyo wax barashada ah taasi oo ay fulinayaan khubaro ku xeel dheer arrimahaasi waana wafdigii ugu horeyay ee Boqortooyada Sacuudiga oo somaliland booqosho rasmi ah ku yimaada iyada oo amaan u soo jeediyay horumarka iyo daganashaaha iyo amaanka ee dalka ka hana qaaday  iyaga oo markii hore fakir ka duwan wixii ay dalka ku arkeen qabay iyaga oo kula taliyay maddexda ay la kulmeen in ay somaliland iyo daganashaheeda iyo horumarkeeda ay gaadhsiin lahaayeen bulshada Carbeed iyo Madaxdooda.A.A.Asporo

Hadhwanaagnews reporter

Phone: 0025224404176

email: asporo23@gmail.com

Xigasho: Hadhwanaagnews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: