Gudida La Socodka Cunaqabataynta Hubka Somalia Ee QM Oo SheegayIn Somalia Uu Gaadho Hub Ka Yimaada Yemen Iyo Iran

New York, February 13, 2013 (W.Wararka) – Inkasta oo dawlada Maraykanku dabada ka riixayso in la soo afjaro cunaqabtaynta hubka ee saaran Somalia, ayaa kooxda Qaramada midoobay u qaabilsan dabagalka hubka Somalia waxa ay ka digayaan in Mitidiinta Geeska Afrika uu hub uga yimaado wadamada Iran iyo Yemen, sida ay wakaalada wararka ee Reuters ay u sheegeen Diplomasiyiin. Kooxda Qaramada Midoobay ee dabagasha hubka ayaa sheegay in shakhsiyaad Iraniyiin ah iyo kuwo Yemeniyin ahi ay hubeeyaan Al-shabaab, iyadoo dawlada Yemena ay Iran waydiisatay in laga joojiyo hubaynta kooxaha ka dagaalama Yemen.

Bishii la soo dhaafay ciidmaada Ilaalada xeebaha ee dalka Yemen iyo Maraakiibta dagaalka ee Maraykanku waxa ay qabteen gantaalo iyo baasuukayaal ay dawlada Sanca sheegtay in laga soo diray Iran. Marka loo eego xaqiiqo raadintii ugu dambaysay ee kooxda kormeerka hubku ay soo jeediyeen in si dhab ah loo fuliyo cunaqabtaynta Somalia iyo Eritrea, iyagoo sheegay in inta badan hubkaasi ay helaan oo uu galo Waqooyiga Somalia-, maamul goboleedka Puntland iyo gobolada Somaliland kadib markii Al-shabaab ay ka soo carareen goobihii ay ku xooganaayeen ee Koonfurta.

Source:  Haatuf

Halkan ka daawo dooda cunaqabtaynta hubka Somalia/Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: