Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo guryo noqdaya safarkii Ingiriiska ka dib

 

Waxaa maanta garoonka diyaaraddaha ee Cigaal Inernational Airport ka soo degay, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti uu hogaaminayey oo ku maqnaa safar ay dibadda ugu baxeen. Iyagoo markii ay dalkaka baxeen u kicitimay dalka Kenya, halkaasii oo ay weftiga madaxweynuhu kula kulmeen, safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya, Ka dibna waxa ay u ambobaxeen carriga Ingiriiska, halkaasii oo casuumada rasmiya u fidisay weftiga qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu hogaaminayey madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.  weftiga madaxweynaha Somaliland oo si heer sare ah loo soo dhaweeyey, intii ay dalkaasi joogeen. Waxaanu madaxweynuhu la kulmay wasiirrka arrimaha dibedda ee dalka Ingiriiska, William Hugue. Kulankaai oo laga wada hadlay xidhiidhka ka dhaxeeya labda dal iyo arrinta baaqa xaga amaanka ee dawladda Ingiriisku ka soo saartay Somaliland iyo Somalia. Waxaa kale oo laga wada hadlay shirka dalka Ingiriiska ka dhici doona ee London.

©Somaliland1991

Halkan hoose ka daawo muuqalo weftigii madaxweynaha Somaliland oo si weyn loogu soo dahweeyey dalka.

©Somaliland1991

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: